sarwicid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwicid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dayasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarakicid
(Sarakicid-da)
Jiif ama fadhi ka kicid; sarajoogsasho; istaagid; kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarakicid
m.f.dh eeg sarakac². la-mid: sarakac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarakicid
-da: (magac, dhedig, keli) jiif ama fadhi ka kicid. Dh: sarajoogsasho, istaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarcid
(Sarcid-da)
1. Sarac sarac ka dhigid; safid.
2. () beerid; abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarcid
m.f.dh eeg sarac³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarcid
-da: (magac, dhedig, keli) beerid: falid: beeris.
sarcid-da: (magac, dhedig, keli) safid; falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawirid
m.f.dh eeg sawir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawirid
-da: (magac, dhedig, keli) sawir samayn: wax u ekaysiin; masawirid: taswiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahwiyid
(Sahwiyid-da)
(salaad) kala illaawid; waswaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahwiyid
m.f.dh eeg sahwi². la-mid: sahwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahwiyid
-da: (magac, dhedig, keli) salad kala ilaawid; salaadda qudeheeda, khalkhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarrifid
(Sarrifid-da)
1. Lacag isku taal, tu jajab ah, oo qiime le'eg, u rogid, ku beddelid, ku doorin.
2. Sarraafad ama masruuf siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarrifid
m.f.dh eeg sarrif². la-mid: sarrif¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarrifid
-da: (magac, dhedig, keli) sarraafad ama masruuf siin.
sarrifid -ka: (magac, lab, keli) lacag isku taal; tu jarjar ah; oo qiimo le'eg, u beddelid; ku doorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbicid
m.f.dh eeg surbac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakicid
m.f.dh eeg barakac². la-mid: barakac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakicid
-da: (magac, dhedig, keli) qaxooti ahaan u guurid; cabsi ama gaajo u qayaadid. Dagaalladu waxay sababaan barakicidda dad badan. Dh: qixid, qaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaawicid
(Dhaawicid-da)
Dhaawac gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawicid
m.f.dh eeg dhaawac².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaawicid
-da: (n) the act of injuring or inflicting a wound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawicid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhaawac gaadhsiin oo cawirid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
parricide
/paarasaydh/ (n) dillida waalidka ama qaraabada.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parricide
parricide, adj. et n. - qofka aabbihi ama hooyadi ama walaaladi dila.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
parricide
n., walad-inkaar, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriibid
m.f.dh eeg sarriib. la-mid: sarriigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriibid
-da: (magac, dhedig, keli) sariibad ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriigid
m.dh la-mid: sarriibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriigid
-da: (magac, dhedig, keli) hoodhin ama diirka ka saarid; wax sarriig ah ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaawirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaajo rogrogiddeeda iyo faallaynteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharribid
(Sharribid-da)
Isku deyid, jarribid, tijaabin, hollin, baxnaaniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharribid
m.f.dh eeg sharrib². la-mid: sharribaad, shirrabaad, shirrabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharribid
-da: (magac, dhedig, keli) jarribid; tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharrifid
m.f.dh eeg sharrif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharrifid
-da: (magac, dhedig, keli) xurmayn: sharfid; muunayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharrixid
(Sharrixid-da)
Wax sharraxan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharrixid
m.dh la-mid: sharraxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharrixid
-da: (magac, dhedig, keli) faahfaahinta iyo qeexidda shey laga bixiyo si loo fahmo. Dh: qeexid, duuduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadeerwicid
m.f.dh eeg jadeerwac². la-mid: jadeerwac¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarid
(Sarid-da)
Sarmo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarid
m.f.dh eeg sar². la-mid: sarniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarid
-da: (magac, dhedig, keli) jeexid ama dilaacin; sarmo ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wicid
(Wicid-da)
1. (cid, ...) u dhawaaqid, u yeerid.
2. Wax sabab u noqosho; keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wicid
m.f.dh eeg wac². la-mid: wicitaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wicid
vl. n. call, invitation, summons
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wicid
-da: (n) the act of calling (kool-ing) ~ u yeerid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wicid
Chiamata
Call
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wicid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale u yeedhid. Telefoonkayga waad haysaa oo adiga uun baan wicid kaa sugayaa. Dh: yeedhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wicid
de: call, invitation, summons rw: wac
initial: w
lx: wicid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: wicid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aricad
m.l.u Riyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aricad
m.l.u Ariga intiisa aan idaha ahayn; riyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariid
(Bariid-ka)
Geed yar oo la beero iyo iniino uu dhalo oo budo leh oo la cuno (ama bariis).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariid
m.l la-mid: bariis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariid
m. n., (mass n.): rice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bariid
-ka; (n) rice (raays) ~ bariis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariid
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo la beero oo bixiya badar ama midho yaryar oo cadcad, ahna cuntada ugu caansan ee la cuno. Bariid na cuntaye badawsanidaa. Dh: bariis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariid
a: bariis
de: rice
lx: bariid
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: bariid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariid
(Fariid-ka)
1. Qof wanaagsan; diric; wabar.
2. Hawraarsan; waa yahay; haye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariid
m.l 1. Nin karti iyo caqli badan; diric. 2. (fk) Waa tahay, waa hagaag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fariid
m.l 1. Nin karti iyo caqli badan; diric. 2. (fk) Waa tahay, waa hagaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fariid
m. n. clever man, good person
fariid inter. good!, great!, hooray!, okay!
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fariid
nickname; name-m good, great, clever. Cf: Facaye, Gaawiido
name-m unique, precious, rare
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fariid
-ka: (n) good boy; good man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fariid
magac loo baxsho wiil raganimo iyo fariidnimo laga filayo, saansaanyaheegii na laga arkayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariid
-da: (magac, dhedig, meli) qof dhedig oo ficnaan ama gaarinimo leh. Fariidi filkeed ka roon. Dh: dhabeel. Li: doqon.
fariid -ka: (magac, lab, keli) nin firfircoon oo caqli badan. Fariid faacuuro ma leh. Dh: hanad, geesi, diric. Li: dabbaal, nacas, caran, doqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garcid
(Garcid-da)
Garcis; garcasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garcid
m.dh la-mid: garcasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garcid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo aan sharci ahayn qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mariid
(Mariid-ka)
Meriid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mariid
m.l 1. Waabaayo la mariyo fallaaraha, warmaha, iyo wixi lamida. 2. Geed mariidka laga liso. la-mid: maliid, meriid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mariid
m.l 1. Waabaayo la mariyo fallaaraha, warmaha, iyo wixi lamida. 2. Geed mariidka laga liso. la-mid: maliid, meriid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mariid
Toxin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mariid
m. n., [collective] tree species, from which arrow-poison is extracted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mariid
-ka: (n) poison, especially used in an arrowhead ~ meriid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mariid
-ka: (magac, lab, keli) geed aad u weynaada oo sunta mariidka laga liso. Dh: meriid, waabay.
mariid -ka: (magac, lab, keli) sun dareera ah oo laga tuujiyo geed oo la mariyo leebabka, warmaha, falladhaha iyo wixii la mid ah. Dh: sun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mariid
de: tree sp., from which arrow-poison is extracted
lx: mariid
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
see: meriid
key: mariid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qariid
(Qariid-ka)
Badar ama wax u eg oo ceeriinka lagu cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariid
qariid¹: m.l.u Badar ama wax u eg oo ceeriinka lagu cuno.
qariid²: f.g1 (-day, -dday) Badar iyo wixi lamida ceeriin ku cunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qariid
m. n., [collective] grain, nut, rootcrop ~ cereal
qariid v. munch on, eat grain ~ precooked cereal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qariid
-ay / day: (v) eat uncooked grain or cereals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariid
(fal) badar iyo wax la mid ah, ceeriin ku cun; qaydhiin ku cuni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarwid
(Qarwid-da)
Hadal qaraw ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarwid
m.f.dh eeg qaraw².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarwid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo ama bugtaan dhexdeed ogaal la'aan ku had-hadalid. Dadka badh ayaa qarwiddooda inay soojeedaan la moodaa. Dh: hadrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saacid
f.g1 (-day, -dday) Cid u kaalmayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saacid
f.g1 (-day, -dday) Cid u kaalmayn. m.f.dh, saacidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saacid
v. help
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saacid
-ayday/een/ nay: (v) help (help); aid (eeydh); assist (a-sist); support (sa-poort) ~ caawin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saacid
bw: Arabic
de: help
initial: s
lx: saacid
nt: saacid (ka) [vn-m]
pd: (saaciday)
ps: v1=
key: saacid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Saciid
name: Saeed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saciid
name-m happiness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Saciid
de: Saeed
initial: s
lx: Saciid
ps: name-m
key: Saciid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saliid
(Saliid-da)
Wax dareera oo dufan leh oo ama dhirta laga helo (seytuun, sisin, gabbaldaye, ...) ama wax nool (neberi, kalluun, ...) ama macaadinta (betrol iyo wixii ka soo jeeda), ~ dufan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliid
m.dh 1. Hoore dufan ah oo miraha dhirta qaarkeed laga miiro raashinkana lagu iidaanto. 2. Hoore layiig ah, isku qasan oo idarokarbuuri ah oo ka dhasha isbedello, ka yimid haraayo orgaaniko ah oo tiro badan, dhulka hoostiisa muddo dheer ku biirsamay oo marka la sifeeyo loo isticmaalo iftiinsasho iyo shidaal. la-mid: seriir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saliid
m.dh 1. Hoore dufan ah oo miraha dhirta qaarkeed laga miiro raashinkana lagu iidaanto. 2. Hoore layiig ah, isku qasan oo idarokarbuuri ah oo ka dhasha isbedello, ka yimid haraayo orgaaniko ah oo tiro badan, dhulka hoostiisa muddo dheer ku biirsamay oo marka la sifeeyo loo isticmaalo iftiinsasho iyo shidaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliid
f. n., (mass n.): oil (in general); petroleum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saliid
-da: (n) oil (ooyal)
saliida cuntada; the cooking oil.
saliidda ceeriin; crude oil; petroleum
saliid saytuun: (n) olive oil
saliidda sinsinta; the sesame oil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere cuntada lagu daro madaxana la marsado lagana helo dhirta qaar. Dh: dufan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliid
bw: Arabic
de: oil (in general); petroleum
initial: s
lx: saliid
pd: (-da)
ps: n1-f-mass
key: saliid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saliid
زيْت