sarwaji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwaji
-da: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah jidhdilka oo qofka wajigiisa laga bixiyo haragga isaga oo nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarweji
1. (Sarweji-da) a) (xoolo, ...) sarta wejiga laga bixiyo. b) Haragga wejiga.
2. (Sarweji-ga) Haragga wejiga oo la uruursho, qawad darti; saluugmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarweji
m.dh 1. Haragga wejiga xoolaha laga bixiyo. 2. Haragga wejiga dadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarweji
f. n. skin ~ hide of animal's face ~ snout
sarweji m. n., [compound] scowl, wrinkling of the face in disapproval
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarweji
-da: (magac, lab, keli) eeg sarwaji.
sarweji -da: (magac, dhedig, keli) 'xoolo' sarta wejiga laga bixiyo; haragga wejiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araaji
m.dh.w eeg arji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
araaji
m.dh.w eeg arji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
araaji
f. n., pl. petitions; applications
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
araaji
-da: (n) [plural of arji] 1. applications (aplikeeyshenis); requests, as for assistance, employment, or admission for example to a school. 2. petitons (petishinis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araaji
-da: (magc, dhedig, keli) waraaq lagu qoro codsi oo loo gudbiyo ciddii ay khusaysay. Dh: arji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
araaji
de: petitions; applications
lx: araaji
pd: (-da Sg: arji)
ps: n8-f-pl
key: araaji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwac
(fal) u ekow, ku dayo. Ha sarwacin qofkaa jeeda, hana sugin nin kaa maarmay. Dh: sarwic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarway
(fal) kala hagaaji, nidaami. Dh: habee, maaree. Li: bojol.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwej
-ka: (magac, lab, keli) haraga wajiga oo la uruuriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhici doona mala-awaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhici doona mala-awaalid. m.f.dh, saraadin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saraadi
-yey I say: (v) predict (prid-ikt); foretell (foorteel) foresee (foorsii); forecast (foor 'kaast); prognosticate (porognaastikeeyt) ~ saadi, saadaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saranji
m.l (-iyo, m.dh) Ku xigeenka naaquudaha doonta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwaal
-ka: (magac, lab, keli) maro lagu xidho qarqarka hoose oo lugba dhan loo tolo. Dh: surwaal, luunge. Wa: saraawiil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarwaan
(Sarwaan-ta)
Ul; serged (ama sargaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarwaan
m.dh la-mid: sargaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarwaan
f. n. long flexible stick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwaan
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah ulaha wax lagu uleeyo. Dh: ul, serged, sargaan, dhenged, qaare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarwaan
de: long flexible stick
initial: s
lx: sarwaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
see: sargaan
key: sarwaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarways
-ka: (magac, lab, keli) nidaamin; maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warwari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: walwali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarweji_1
de: skin ~ hide of animal's face ~ snout
hm: 1
initial: s
lx: sarweji
pd: (-da)
ps: n-f
key: sarweji_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarweji_2
de: scowl, wrinkling of the face in disapproval
hm: 2
initial: s
lx: sarweji
pd: (-ga)
ps: n-m-cmp
key: sarweji_2
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAAJIS
(Barajis) N Hyalocystis popovii Verdc. Convolvulaceae.
N Hyalocystis viscosa Hall.F. Convolvulaceae.
S Ipomoea sinensis (Desr) Choisy. Convolvulaceae.
C Ipomoea garcheana Vatke. Convolvulaceae.
S Ipomoea tenuirostris Choisy. Convolvulaceae.
S Crotalaria pycnostachya Benth. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraaji
f.g2 (-iyay, -isay) Kala b.: wax laba qeybood oo isla'eg u kala dhambalmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraaji
(fal) si xoog ah u kala qarradhi, wax duuban oo asturan itaal ku kala bannee. Kala barraaji oo feyd.
barraaji: (fal) dubka buuryada dib u celi oo koborta ilmaha soo saar. Intaanad wiilka baarada ka goyn u barraaji. Dh: barraji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barrajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax isku dhejisan, kala dillaacin ama kala furid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Garxajis
magac loo baxsho wiil laga filayo inuu noqdo garsoore xaqa ku adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraajic
m.dh.w eeg marjac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraajic
f. n., pl. references; reference materials
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraajic
-da: (magacwadareed) ilo xog ama macluumo in la helo la rabo loo doonto oo loogu noqdo. Burburkii Xamar iyo Hargeysa maraajic badan ayaa ku luntay. Dh: marjicyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraajic
bw: Arabic
de: references; reference materials Sg: marjac
lx: maraajic
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: maraajic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanwadid
-da: (magac, dhedig, keli) fuunyo ku kaxaynta dibida. Dibi xaraash ah sanwadid lagu hagaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraadid
(Saraadid-da)
Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadid
m.f.dh eeg saraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraadid
-da: (magac, dhedig, keli) ka sii sheeg wax inta uuna dhicin, wax dhici doona timaadda sii sheeg. Dh: saadid, saadis, saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadin
m.f.dh eeg saraadi. la-mid: saraadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadis
m.l la-mid: saraadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargaali
-ga: (magac, lab, keli) gaadiid dawladeed oo loo soo gaabiyo GD. Gaadiid sargaali ah. Dh: sarkaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarkaali
-ga: (magac, lab, keli) eeg sargaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriiji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax sharafta iyo haybadda ku xun qof ku qasbid. 2. Wax dhogorta ka murxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriiji
(fal) dhogorta ama wax kale ka murxi; ka diir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarsarid
(Sarsarid-da)
(oogo) sarsar u yeelid, ku dhigid; tiiftiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarsarid
m.f.dh eeg sarsar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarsarid
-da: (magac, dhedig, keli) 'oogo' sarsaru yeelid, ku dhigid; xagtimo badan u yeelid. Dh: dildillaaci, tiiftiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarwacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Qof dadka ka dabci duwan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwacan
(tilmaame) si gaar ah laga dhigay duwan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwaxan
-ka: (magac, lab, keli) qaylo badan oo baxaysa. Dh: or, sawaxan, qaylo, buuq, hugun, yalowyalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwicid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dayasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: sanqari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharqami
v. sound, cause to sound, play (a musical instrument)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharqami
(fal) «ka ka sanqadhi; ka dhawaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warwarid
m.dh la-mid: walwalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwarid
-da: (magac, dhedig, keli) murugo iyo caloolyow ku jirid. Warwaridda is ka yaree oo wax qabso. Dh: welwelid, walbahaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warwarin
m.dh la-mid: walwalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale welwel iyo caloolyow ku abuurid. Waalidka warwarinta ka dhawr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg warwarid. warwarrood: geed ay laamihiisu dhuudhdhuuban yihiin oo samayooyin laga dhigto oo leh qodxaan soo qarqarroofan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carwaajiis
(Carwaajiis-ka)
Midab casuus leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carwaajiis
m.l Midab guduud furan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carwaajiis
m. n., [abstract] indistinct spotted color pattern based on shades of red
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carwaajiis
-ka: (magac, lab, keli) midab casuus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carwaajiis
de: indistinct spotted color pattern based on shades of red
lx: carwaajiis
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
see: camaajiir
key: carwaajiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwareeji
(fal) wax wareega kolba dhinac gacanta ugu duuri. Shookaanta warwareeji. Dh: duurduuri.
warwareeji: (fal) wareeg ku celceli. Dameeraha kuuska ku warwareeji ha jalleeyaane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arji
(Arji-ga)
Waxweyddiisad qoran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arji
m.l (araaji /-iyo, m.dh) Qoraal loo diro dawlad, shirkad, hay'ad iyo wixi lamida oo wax lagu weyddiisanayo ama lagaga cabanayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arji
m.l (araaji /-iyo, m.dh) Qoraal loo diro dawlad, shirkad, hay'ad iyo wixi lamida oo wax lagu weyddiisanayo ama lagaga cabanayo. m.dh.w, araaji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arji
m. n. petition, written request, appeal; job application
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arji
-ga: (n) 1. application (ap li keey-shin); a request, as for assistance, employment, or admission [for example to a school] ~ araaji. 2. petiton (pati shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arji
-ga: (magac, lab, keli) codsi qoran; waraaq cid loo qorto si wax loogu weydiisto. Dh: codsi. Wa: arjiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arji
bw: Arabic
de: petition, written request, appeal; job application
lx: arji
pd: (-ga Pl: araaji (da))
ps: n2a-m, n8-m
key: arji
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
arji
اسْتِمَارَةَ اسْتِثْمَارَة، طَلَب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaj
(Saaj-ka)
(geed) Saad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaj
m.l la-mid: sąad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaj
m. n., [collective] tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaj
-ka: (magac, lab, keli) geed aad u weynaada oo laf adag oo qoryihiisa waxna lagu dhisto, alaabana laga samaysto. Dh: saad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaj
de: tree sp.
initial: s
lx: saaj
pd: (-ka)
ps: n-m-col
see: saad
key: saaj
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sari
/sari/ (n) saari (maro badanaa xariir ah oo dumarka Hindidu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sari
sari, n.m. - guntiino iyo garbasaar is wata; saari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waji
m.l la-mid: weji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waji
m. n. face
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waji
-ga: (n) face (feeys) ~ weji, fool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waji
-ga: (magac, lab, keli) inta hore ee madaxa ee u dhaxaysa dhegta midig illaa dhegta bidix iyo gadhka illaa foodda. Gabadhani way waji qurux badan tahay. Dh: weji. Wa: wejiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waji
bw: Arabic
de: face
initial: w
lx: waji
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: weji
key: waji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arami
(Arami-da, Arami-ga)
Lahan qarsoon oo cudur reebay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arami
m. n., [collective] suffering (from wound, sickness etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arami
-da: (n) pain or distress; suffering (safering)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arami
-da: (magac, dhedig, keli) nabar qarsoon oo ay fallaadh ama jug hore sabab u tahay; nabar waayo hore kugu dhacay oo soo kacdoomay. Dh: eelo, doog.
arami-da: (magac, dhedig, keli) lahan qarsoon oo cudur ama wax hore oo la soo maray ay reebeen; wax waxyeelladiisu dib u soo bixi karto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arami
cf: lahan
de: suffering (from wound, sickness etc.)
lx: arami
pd: (-ga ~ -da)
ps: n2-m/f, n7-m/f
key: arami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arari
f.g2 (-iyay, -iday, -isay) Xoolo cabbay oo la rabo in la rakaadiyo caws geyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arari
f.g2 (-iyay, -iday, -isay) Xoolo cabbay oo la rabo in la rakaadiyo caws geyn. m.f.dh, ararin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax la sameyn lahaa dib u dhigid ama iska deyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax la sameyn lahaa dib u dhigid ama iska deyn. m.f.dh, baajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaji
v. postpone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaji
yey say: (v) 1. postpone (poost poon); put off; defer (di feer) ~ daahi, raaji. 2. suspend (ses peendi) Ex: shirka baaji! suspend the meeting!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaji
(fal) wax dhici lahaa, maaro u hel; dib u dhig. Martida waa la casuumaye, safarka ha laga baajiyo. Dh: nagee, jooji.
baaji: (fal) jebi ballan xidhnaa. Ballantiyo axdiga baajiyay beenta igu waasho.
baaji -da: (magac, dhedig, keli) kala jeedista labada gees ee lo'da qaarkeed. Saca baajida leh hardida kuma fiicna.