sarwacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarwacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Qof dadka ka dabci duwan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwacan
(tilmaame) si gaar ah laga dhigay duwan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwacaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si gaar ah; si gaar ahaan uga duwanaan; qaab wanaagga shay leeyahay ee kuwa kale kaga duwan yahay. Sarwacnaanta iyo degganaanshaha habartii dhashay bay ka sawaabisaa. Dh: hannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarwaan
(Sarwaan-ta)
Ul; serged (ama sargaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarwaan
m.dh la-mid: sargaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarwaan
f. n. long flexible stick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwaan
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah ulaha wax lagu uleeyo. Dh: ul, serged, sargaan, dhenged, qaare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarwaan
de: long flexible stick
initial: s
lx: sarwaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
see: sargaan
key: sarwaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargacan
(tilmaame) wax aad uga duwan noociisa iyo sidii lagu yaqaannay. Waa arrin sargacan oo aan cidi sifayn karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwaxan
-ka: (magac, lab, keli) qaylo badan oo baxaysa. Dh: or, sawaxan, qaylo, buuq, hugun, yalowyalow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarwacnaan
(Sarwacnaan-ta)
Si gaar ah ahaan; duwanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarwacnaan
m.f.dh eeg sarwacan. la-mid: sarwacnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarwacnaan
f. n. (adj.): difference; strange
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si gaar ah ahaan; duwanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarwacnaan
de: difference; [atr.] strange
initial: s
lx: sarwacnaan
pd: (-ta)
ps: n-f
syn: duwanaan
key: sarwacnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarcan
La sarcay; sarac sarac laga dhigay; safan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarcan
sarcan¹: m.dh la-mid: sarac².
sarcan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la sarcay ahaansho (geed).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarcan
der. [adjective] cultivated, sown, planted; lined up, in a row, in rows
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarcan
(tilmaame) beeran; falan.
sarcan: (tilmaame) safan; fayshan.
sarcan-ta: (magac, dhedig, keli) laabatada ay iska galaan candhablaha iyo bawdadu. Dh: sarac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarcan
de: cultivated, sown, planted; lined up, in a row, in rows
initial: s
lx: sarcan
pd: (sarcanaa)
ps: adj-der
key: sarcan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwac
(fal) u ekow, ku dayo. Ha sarwacin qofkaa jeeda, hana sugin nin kaa maarmay. Dh: sarwic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ul ama dhenged.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaan
m.dh Ugaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaan
-ka: (magac, lab, keli) dhul dhagax adag leh. Dh: jidke.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaracan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qarracan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sargaan
(Sargaan-ta)
Ul (ama sarwaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargaan
m.dh (-no, m.l) Ul yar oo dhuuban. la-mid: sarwaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sargaan
f. n. long flexible stick, thin branch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ul dhuuban oo dheer oo xoolaha lagu kaxeeyo inta badan. Sargaan baa hashii lala dhacay. Dh: sarwaan, sarwad, dhenged, galool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sargaan
a: sarwaan
de: long flexible stick, thin branch
initial: s
lx: sargaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: sargaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarmaan
(Sarmaan-ta)
Geed qodax leh (canbuul) oo xididkiisa asal wanaagsan laga helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarmaan
m.l (sarmaan, m.dh) Geedqodax salka u buuran leh oo xabag macaan iyo asal wanaagsan oo wax lagu carariyo leh, xididdadiisana dhigo laga samaysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarmaan
m.l (sarmaan, m.dh) Geedqodax salka u buuran leh oo xabag macaan iyo asal wanaagsan oo wax lagu carariyo leh, xididdadiisana dhigo laga samaysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarmaan
f. n. thorny plant species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SARMAAN
[SARMAN] Acacia horrida 05
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARMAAN
(Sarman) All.Som. Acacia horrida (L) Willd. Mimosaceae.
N Acacia reficiens Wawr. Mimosaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmaan
-ta: (magac, dhedig, keli) geed godax leh ama canbuul oo diirkiisu yeesho asal shaah laga dhigto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarmaan
cf: hobay
de: thorny plant sp.
initial: s
lx: sarmaan
pd: (-ka Pl: sarmaan (ta))
ps: n5-f
key: sarmaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarnaan
m.f.dh eeg saran. la-mid: sarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarqaan
m.l la-mid: sakhraan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof khamri cabsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwaal
-ka: (magac, lab, keli) maro lagu xidho qarqarka hoose oo lugba dhan loo tolo. Dh: surwaal, luunge. Wa: saraawiil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sawaxan
(Sawaxan-ka)
Buuq; wirix; qaylo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaxan
m.l Buuq badan ama qaylo dheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sawaxan
m.l Buuq badan ama qaylo dheer. sawd m.l (-dyo, m.dh) Cod; dhawaaq; luuq. sawir¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Muuqaal u eg nafley ama wax kale oo gacanta lagu masawiray ama aalad wax sawirta. 2. Qof aan caqli lahayn; nacas.
sawir²: f.g1 (-ray, -rtay) Gacan ama aalad wax suuraddooda ku muujin. m.f.dh, sawirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sawaxan
m. n. noise of voices, clamor, shouting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sawaxan
-ka: (n) loud noise; hubbub (ha-bab); din (din); clamor (kala-mer); commotion (ka-mow-shin); furor (fi-yuurer)~buuq, qaylo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaxan
-ka: (magac, lab, keli) qaylo badan oo aan ka la soocnayn. Dh: buuq, sooyaan, or, hugun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sawaxan
de: noise of voices, clamor, shouting
initial: s
lx: sawaxan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sawaxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaacan
La garaacay; la uleeyey; tuman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la garaacay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la garaacay ahaansho. m.f.dh, garaacnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaacan
der. [adjective] beaten (up)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaacan
de: beaten (up)
lx: garaacan
ps: adj-der
key: garaacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarracan
(Qarracan-ka)
Naxdin ama argaggixiso weyn oo dadka wax yeela; muraaradillaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarracan
qarracan¹: m.l Dareen xanuun leh oo dadka ku dhasha marka uu wax naxdin ama ciil keena ku yimaadaan.
qarracan²: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Qof naxdin weyn la kulmey noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarracan
qarracan¹: m.l Dareen xanuun leh oo dadka ku dhasha marka uu wax naxdin ama ciil keena ku yimaadaan.
qarracan²: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Qof naxdin weyn la kulmey noqosho. m.f.dh, qarracmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarracan
m. n. shock
qarracan [inchoative] v. be shocked ~ stunned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarracan
-ka: (n) dismay (dismeey); outrage (awtreej); shock (shook) ~ muraaradillaac —qarracan -qarracmay / qarracantay: (v) feel outrage, dismay or be shocked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarracan
(fal) qalbijab oo aad u nax. Dh: marooradillaac.
qarracan -ka: (magac, lab, keli) naxdin weyn oo lala maandoorsami karo oo ku timaad dhimasho ama xumaan aan la filayn oo indhaha lagu hayo. Dh: marooradillaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sacsacan
Dhaandhaan ah; dhabqalallo ah; sawaab ah; sawir ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sacsacan
sacsacan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Qof sirqannimo awgeed aad u caqli yareyey noqosho.
sacsacan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Qof sirqannimo awgeed aad u caqli yareyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sacsacan
der. [adjective] senile, demented by senility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sacsacan
(tilmaame) dhaandhaan ah; qof aan garaadkiisu ku filnayn ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sacsacan
cf: dhaandhaan
de: senile, demented by senility
initial: s
lx: sacsacan
pd: (sacsacnaa)
ps: adj-der
key: sacsacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarsaran
Sarsar loo yeelay; la sarsaray; tiiftiifan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarsaran
der. [adjective] scarified
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarsaran
(tilmaame) mid la sarsaray; sarsar loo yeelay; sarmooyin yaryar loo yeelay, sarsar leh; la sarsaray. Dh: tiiftiifan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarsaran
de: scarified
initial: s
lx: sarsaran
pd: (sarsarnaa)
ps: adj-der
key: sarsaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirgacan
sirgacan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) la-mid: sirgaxan¹.
sirgacan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) la-mid: sir-gaxan².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sirgacan
Anamolous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirgacan
(tilmaame) maroora ama aan toosnayn. Walle waa talo sirgacan. Dh: qalloocan, gurracan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaawacan
Dhaawac ku yaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawacan
dhaawacan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax dhaawac gaarey noqosho.
dhaawacan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax dhaawac gaarey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaawacan
dhaawacan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax dhaawac gaarey noqosho. m.f.dh, dhaawacmid.
dhaawacan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax dhaawac gaarey ahaansho. m.f.dh, dhaawacnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaawacan
der. [adjective] injured, wounded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaawacan
-dhaawacnaa / dhaawacnayd: (adj) wounded (wuundidh); injured (injaridh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawacan
(tilmaame) noole dhaawac qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaawacan
de: injured, wounded
lx: dhaawacan
pd: (dhaawacnaa)
ps: adj-der
key: dhaawacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harjacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si u kala laalaada ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harjacsan
der. [adjective] feeble, lacking physical strength; neglected, slovenly, shabby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harjacsan
(tilmaame) wax si u kala laallaada ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harjacsan
de: feeble, lacking physical strength; neglected, slovenly, shabby
lx: harjacsan
pd: (harjacsanaa)
ps: adj-der
key: harjacsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarraacan
Waxaan laga dhergin cabbey ama cunay; kellibalow ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Qarraac ahaansho (xoolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarraacan
der. [adjective] still feeling hungry ~ unsatisfied after eating
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarraacan
de: still feeling hungry ~ unsatisfied after eating
lx: qarraacan
pd: (qarraacnaa)
ps: adj-der
key: qarraacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraayayn
m.f.dh eeg saraayee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale colaadin iyo ibtilayn.
saraayayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax fayow cudur iyo wixii la mid ah qaadsiin. Dh: sadhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarcanaan
(Sarcanaan-ta)
Wax sarcan ahaan; safnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarcanaan
m.f.dh eeg sarcan². la-mid: sacranaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarcanaan
f. n., [abstract] state of being lined up ~ in a row
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarcanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fayshanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarcanaan
a: sarcanaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being lined up ~ in a row
initial: s
lx: sarcanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: sarcanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sardhaban
m.l S. ah: cudur halis ah oo Ilaahay nafleyda u fududeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargadayn
m.f.dh eeg sargadee. la-mid: sergedeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhengadayn; sargad la dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarracaad
-da: (magac, dhedig, keli) cirta leh caanaha weliba sida beerayada, maydiga, oo inta birta wax lagu sarco lagu dhufto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawlacsan
f.mg4 (-naa, -naayd) Wax sawlac gaaray ahaansho (miro).