sarmudhe
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARMUDHE
(Sarmude) C, N Aristolochia rigida Duch. Aristolochiaceae.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
escarmouche
escarmouche, n.f. - dagaal yar oo labo horin isaga hortimaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhe
-ha: (magac, lab, keli) eeg moroh.
mudhe -ha: (magac, lab, keli) firida uu ubaxa geedku dhalo oo inta badan la cuno oo iniinyaha la beeraa ay ku jiraan. Mudhe daray duuduub baa lagu liqaa. Dh: iniinyo, miro, mudho.
mudhe-ha: (magac, lab, keli) ereyo ay maanso ka kooban tahay oo qaafiyad iyo habdhac ba leh. Dh: mudho, midho, miro.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
armure
armure, n.f. - Hu' ama dahaadh bir ka samaysan oo difaaca loo xidho.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HAMUDE
Allophylus alnifolius 10, Grewia cerasifera 001
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanmud
-ka: (magac, lab, keli) neef xoolo ah sanka ka daloolin. Dibi intaan beer lagu qodin sanmud baa la baraa. Dh: sandalool, sandaloolo.
sanmud-ka: (magac, lab, keli) wax in la yeelo ama la fuliyaa ay khasab tahay. Arrintii sanmud baan saaxiibkay kaga dhigay. Dh: qasab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sardho
(Sardha-da)
Hurdo yar; indho iskuqabad yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sardho
m.dh Hurdo yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sardho
f. n. nap, short sleep
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARDHO
(Sardo) N Agrostis semiverticillata (Forsk) C.Chr. Gramineae.
N Andropogon abyssinicus Fresen. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardho
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo yar; indho isku qabad yar, seexasho yar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sardho
de: nap, short sleep
initial: s
lx: sardho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sardho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
smudge
/smaj/ (n) 1. tir-tir ama wasakh 2. tirtir u yeelid (wasakhayn).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamudh
-ka: (magac, lab, keli) geed gobka u eg kase gaaban oo midho laf adag oo la cuno leh Gobka iyo xamudhka kala baro. Dh: xamur.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xardhe
name-m decorater, carver, sculpter, etcher
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbudh
-ka: (magac, lab, keli) hah kulul oo sanka ka soo baxda kolka waxyaalaha qaarkood la kabbado, sida kookaha. Dh: muh, jinaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sardhee
f.mg2 (-dheyay, -dhaysay) Qof wax yar seexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sardhee
v. take a nap
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardhee
(fal) hurdo yar seexo. Dh: dhakool, biririf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sardhee
de: take a nap
initial: s
lx: sardhee
pd: (sardheeyey)
ps: v2b=intr
key: sardhee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarmale
(Sarmala-ha)
Qoryaqore, najaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarmale
m. n. wood-worker, carpenter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmale
-ha: (magac, lab, keli) farsamayaqaan sameeya albaabada daaqadaha iyo wixii la mid ah. Dh: nijaar, qoryaqore, nijaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarmale
de: wood-worker, carpenter
initial: s
lx: sarmale
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: najaar, qoryaqore
key: sarmale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbidhe
-ha: (magac, lab, keli) ninka yaqaanna farsamada biyaha looga soo tuuro ceelka guntiisa oo tuuryo ku soo gaadhsiiya ka karkaarka taagan. Dh: darshube, darbidh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
farouche
farouche, adj. - cadha kulul; dabci adag; dadka ka carara
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sareedee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cid barwaaqayn (Ilaah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sareedee
v. cause to prosper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sareedee
(fal) barwaago ka dhig: baraaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sareedee
de: cause to prosper
initial: s
lx: sareedee
pd: (sareedeeyey)
ps: v2b=tr
key: sareedee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Nafley ul yar la dhicid. la-mid: sergedee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargadee
(fal) sargad la dhac; dhengadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarmadax
(Sarmadax-da)
(xoolo, kd.) sarta madaxa laga bixiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarmadax
f. n., [compound] skin ~ hide off the head (of an animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmadax
-da: (magac, dhedig, keli) 'xoolo' sarta madaxa, madaxa haragiisa, saanta laga bixiyo madaxa. Dh: gog, sarweji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarmadax
de: skin ~ hide off the head (of an animal)
initial: s
lx: sarmadax
pd: (-da)
ps: n2a-f-cmp
key: sarmadax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marakudheg
(Marakudheg-ta)
Geed nagaar ah; marabboob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marakudheg
m.dh Nooc cawska ka mid ah oo mirihiisu dharka ku dhegaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marakudheg
f. n., [compound] weed species that sticks to one's clothes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marakudheg
-ga: (magac, lab, keli) geed nagaadha ka mid ah oo ganka midhihiisu ay wax qabsadaan. Dh: maraboob, marabi'is.
marakudheg -ga: (magac, lab, keli) ku adkaysiga afkaarta iyo waxa la damco oo ra'yiga laga debci waayo. Dh: hal'adayg
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marakudheg
de: weed sp. that sticks to one's clothes
lx: marakudheg
pd: (-ta)
ps: n2a-f-cmp
syn: marabboob
key: marakudheg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salamadhle
-ha: (magac, lab, keli) eeg salalmadhle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharmuutee
v. turn (a woman) into a prostitute, make someone become a whore
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharmuutee
de: turn (a woman) into a prostitute, make s.o. become a whore
initial: s
lx: sharmuutee
pd: (sharmuuteeyey)
ps: v2b=tr
key: sharmuutee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cartouche
cartouche, n.f. - Qasharka rasaasta
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cartouche
cartridge, n., rasaas, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halkudheg
(Halkudheg-ga)
Hadal badan ama gabay, kd., ereyga ama tixda murtidiisu ku jirto; halka dulucdu ku uruursan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halkudheg
m.l (-gyo, m.dh) 1. Dulucda hadalka ku jirta. 2. Hadal kooban oo murti xambaarsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halkudheg
m.l (-gyo, m.dh) 1. Dulucda hadalka ku jirta. 2. Hadal kooban oo murti xambaarsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkudheg
m. n., [compound] theme word of a song ~ speech; slogan, motto
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkudheg
-ga: (n) slogan (slowgan); motto (maatow); catchword (kaj woordh) ~ oraah, halhays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkudheg
-ga: (magac, lab, keli) eray ama weedh uu qof mar walba ku halqabsado. Awawgay wuxu halkudheg u lahaa: haddii Eebbe idmo. Dh: halkudhig.
halkudheg-ga: (magac, lab, keli) hadal badan ama gabay iyo wixii la mid ah, erayga ama tixda murtidiisu ku jirto; halka dulucdu ku urursan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkudheg
cf: halhays
de: theme word of a song ~ speech; slogan, motto
lx: halkudheg
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: halkudheg
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maraudage
maraudage, n.m. - Cuno xadid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
psalmodie
psalmodie, n.f. - si kali ah oo loo heeso ama wax loo qoro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamuunee
(fal) saabuun ku dar ama marmari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salamadle
-ha: (magac, lab, keli) eeg salalmadhle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarafadhi
-ga: (magac, lab, keli) kor u fadhi luguhu laaban yihiin maduxuna sarreeyo. Sarafadhi baan ku raagay oo naftu seexo bay i leedhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmaseeg
-ga: (magac, lab, keli) wax aad goynayso oo aad kolla la hesho kolla la weydo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sharmarke
name: Sharmarke
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sharmarke
cf: shar + ma + arkay; Lit: the one who does not see evil
de: Sharmarke
initial: s
lx: Sharmarke
ps: name-m
key: Sharmarke
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharmuuto
(Sharmuuta-da)
Dhillo; qaxbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharmuuto
m.dh (-ooyin/sharaamiid, m.l) Naag jirkeeda ka ganacsata; dhillo; qaxbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharmuuto
m.dh (-ooyin/sharaamiid, m.l) Naag jirkeeda ka ganacsata; dhillo; qaxbo. m.l, sharaamiid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharmuuto
f. n. prostitute, whore
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharmuuto
-sharmuutada: (n) prostitute (poros-ti-tuut); whore (hoor); hooker (huuker) ~ dhillo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharmuuto
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay jidhkeeda ka ganacsata. Dh: dhillo, qaxbad, fidhiqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharmuuto
bw: Arabic
de: prostitute, whore
initial: s
lx: sharmuuto
pd: (/da Pl: sharaamiid (ka))
ps: n6-f, n8-f
syn: dhillo, qaxbad
key: sharmuuto
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sharmuuto
عاهرة
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARA-KUDHEG
(Maragudeg) N Kissenia arabica Chiov. Loasaceae.
N, S, C Pupalia lappacea (L)A. Juss Amaranthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalmadhle
-ha: (magac, lab, keli) shinbir Afrik ku nool oo aad u xoog badan; wuxuu leeyahay sur iyo lugo dhaadheer, dabo dheer oo dhulka gaarta iyo cuntub baalal fiiqfiigan ah oo gadaadka taagan; kolkol dhulkuu ku ordaa oo fardahakama gaabiyo, hadduu duulona aad buu cirka ugu sidaas darteedbaa na in la dilo looga mamnuucay fogaadaa. Wuxuu cunaa oo aad u laayaa halaga dhulal badan. Dh: salamadle, shalammadhle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanmadhaxe
-ha: (magac, lab, keli) geed haramaha ka mid ah oo ubax huruuda leh. Shanmadhaxe ayuu geelu cunaa. Dh: shanmadhaxle.