sarmaseegtayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarmaseegtayn
(Sarmaseegtayn-ta)
Si sarmaseegto leh wax u goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarmaseegtayn
m.f.dh eeg sarmaseegtee. la-mid: surmaseegtayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmaseegtayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si sarmaseegto leh u goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surmaseegtayn
m.dh la-mid: sarmaseegtayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarmaseegto
(Sarmaseegta-da)
Wax la goynayey, oo la rabey in nabarradu meesha la goynayo keliya ku dhacdhacaan, oo lala waawaayo, lala gefgefo, hadba meel hor leh lagu dhufto; (ama surmaseegto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarmaseegto
m.dh Nabar meeshii lala rabay lala waayo oo meel kale lagu dhufto. la-mid: surmaseegto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarmaseegto
vl. n. missing the right spot when making an incision
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmaseegto
-da: (magac, dhedig, keli) la gefidda wax la goynayey, oo la rabay in nabarradu meesha la goynayo oo keliya ku dhacaan oo aan meeshii lala heline, hadba meel hor leh lagu dhufto. Dh: sarmaseegtayn, surmaseegto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarmaseegto
de: missing the right spot when making an incision
initial: s
lx: sarmaseegto
pd: (/da)
ps: vn-f
key: sarmaseegto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarmaseegtee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Sarmaseegto samayn. la-mid: surmaseegtee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarmaseegtee
v. miss the right spot when making incisions in order to bleed a patient
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarmaseegtee
de: miss the right spot when making incisions in order to bleed a patient
initial: s
lx: sarmaseegtee
pd: (sarmaseegteeyey)
ps: v2b=
key: sarmaseegtee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surmaseegto
m.dh la-mid: sarmaseegto.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Surmaseegto
Inconsistent equations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmaseegto
-da: (magac, dhedig, keli) wax la goynayay oo la rabay in nabarradu ku egaadaan barta goynta oo la la gegefo ama waawaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surmaseegtee
f.g2 (-teeyay, -taysay) la-mid: sarmaseegtee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cargeegtan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cargaagtan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daniseetayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baahi wax la qabsan kari waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saranseeran
(tilmaame) mid dhibaato iyo wax uu xaq u lahaa waayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cargaagtan
cargaagtan¹: m.l la-mid: cargaagtamid.
cargaagtan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Dhawaaq, geedo burburin iyo wixi lamida uu ku kaco libaaxa marka uu caroodo. 2. Muran aan go'aan lahayn ku hadlid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cargaagtan
v. cry out in pain, groan (of an animal); have an animated discussion without reaching a conclusion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cargaagtan
(fal) weerar iyo socod xawli ah isku diyaari. Dh: faadhyoo.
cargaagtan -ka: (magac, lab, keli) jifotuurad iyo dagaal; weerar iyo socod xawli ah isku diyaarin. Ha cargeegtamo neefkuyoo, ha coomaadi abraaro. Dh: faadhyoomid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cargaagtan
de: cry out in pain, groan (of an animal); [ext.] have an animated discussion without reaching a conclusion
lx: cargaagtan
pd: (cargaagtamay)
ps: v1=
key: cargaagtan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garmaamayn
(Garmaamayn-ta)
Garmaame cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmaamayn
m.f.dh eeg garmaamee. la-mid: garmaame (3).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lamadegaan
Desert
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lamadegaan
-ka: (n) uninhabited region; desert (dhezart) ~ lama degaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lamadegaan
-ka: (magac, lab, keli) dhul ballaadhan oo aan biyo iyo dhir midna lahayn oo garfo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maleegnaan
m.f.dh eeg maleeg². la-mid: maleegnaansho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
samaritain
samaritain, adj. - gofka naxariis leh ee caawiya dadka dhibaataysan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tamashlayn
-ta: (n) tourism; tour (tuur) ~ dalxiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamashlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod xarrago iyo muuqaal fiican leh. Tamashlaynta waa lagu yaqaan, dhallinta toolmoone. Dh: dalxiis, taxtaxaashid,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraasadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta baadhis cilmiyaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lama degaan
m. n. (adj.): uninhabited place, desert; not habitable
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lama degaan
-ka: (n) uninhabited region; desert (dhezart) ~ lama-degaan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Lama degaan
Deserto
Desert
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lama_degaan
de: uninhabited place, desert; [atr.] not habitable
lx: lama degaan
pd: (-ka)
ps: np-m
key: lama_degaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lamaddegaan
(Lamaddegaan-ka)
Dhul ballaaran oo aan biyo iyo dhir midna lahayn oo ama qafro ah ama bacad ku rogan yahay, oo aan dad iyo duunyo midna joogin kuna dhaqmi karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lamaddegaan
lamaddegaan¹: m.l (-nno, m.dh) Dhul ballaaran oo aan dhir iyo biyo midna lahayn, dad iyo duunyana ku dhaqmi karin.
lamaddegaan²: m.l (-nno, m.dh) (juqraafi) Dhul aan deegaani ka bixin oo roobka iyo qoyaanka kaleba ku yaryihiin oo aan qoyaanku si fiican u kaalmayn deegaanta lamaddegaan aan haba yaraatee deegaani ka bixin, ma aha caadi. Waxaa laga yaabaa in lamaddegaanku yahay mid uu caws aad u liitaa ka baxo ama dhir aad u liidataa. Waxaa jira lamaddegaanno dhawr nooc ah sida: lamaddegaan dhadhaabeed, lamaddegaan dhagaxeed, iyo lamaddegaan bacaadeed. Lamaddegaannada waxaa loo qaybiyaa labo nooc: lamaddegaannada kulaalayda iyo kuwa loolalka dhexe. Kawa kulaaleyda waxaa ugu caacsan tan Sahaara iyo tan Areebiya. Kuwe loolka dhexena waxaa ugu caansan midda Goobi iyo midda Turkistan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lamaddegaan
lamaddegaan¹: m.l (-nno, m.dh) Dhul ballaaran oo aan dhir iyo biyo midna lahayn, dad iyo duunyana ku dhaqmi karin.
lamaddegaan²: m.l (-nno, m.dh) (juqraafi) Dhul aan deegaani ka bixin oo roobka iyo qoyaanka kaleba ku yaryihiin oo aan qoyaanku si fiican u kaalmayn deegaanta lamaddegaan aan haba yaraatee deegaani ka bixin, ma aha caadi. Waxaa laga yaabaa in lamaddegaanku yahay mid uu caws aad u liitaa ka baxo ama dhir aad u liidataa. Waxaa jira lamaddegaanno dhawr nooc ah sida: lamaddegaan dhadhaabeed, lamaddegaan dhagaxeed, iyo lamaddegaan bacaadeed. Lamaddegaannada waxaa loo qaybiyaa labo nooc: lamaddegaannada kulaalayda iyo kuwa loolalka dhexe. Kawa kulaaleyda waxaa ugu caacsan tan Sahaara iyo tan Areebiya. Kuwe loolka dhexena waxaa ugu caansan midda Goobi iyo midda Turkistan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lamaddegaan
m. n., [compound] uninhabited place, desert, wasteland
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lamaddegaan
de: uninhabited place, desert, wasteland
lx: lamaddegaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
see: degaan
key: lamaddegaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleegitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax la maleegay ahaansho, maleegidda lafteeda. Maleegitaanka jooji oo dadka la tasho.
maleegitaan -ka: (magac, lab, keli) ciidan heegan ka dhigitaan. Maleegitaanka ciidanku waa shaqada madaxda. Dh: abaabulitaan.
maleegitaan-ka: (magac, lab, keli) dun maritaan oo isku duubitaan. Hablaha maleegitaanka u daaya oo maydhaxda u calasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marasheysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: marashiyeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marashiyayn
(Marashiyayn-ta)
Marashi u yeelid, siin; dharayn; marriimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marashiyayn
m.f.dh eeg marashiyee. la-mid: marashayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marashiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marasho dhul ku qodid. Intaana beerta shimnida lagu ridin marashiyayn ayaa ka horraysa. De: rogid, qodid.
marashiyayn-ta: (magac, dhedig, kell) maryo u xidhid; bu siin. Db: arratirid, lebbisid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax marmarya ahaan. Marmaritaankaaga waan la socdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarasheysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Bakoorad, jeedal iyo wixi lamida oo qarash lagu sameeyey ahaansho. la-mid: qarashayeysan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tarafartayn
Travertine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegitaan
-ka: (magac, lab, keli) wareegid lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsheelayn
-ta: (magac, dhedig, keli) giijin xadhigga iyo waxa uu ku xidhan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqabeenlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baqabbeenle iyo carar been ah samayn. Baqabeenlaynta lama baacsadee beerkaa dhulka loo dhigaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballegdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) galgalasho kolba dhan la isku rogo. Nin bukaa laballegdayn badan. Dh: isrogrogid.
laballegdayn -ta: (magac, dhedig, keli) walax, wilaanwilin oo riixid. Foostadii labalegdayn ayaan tukaanka ku geeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardajeexsan
(tilmaame) mid aan waddo toos ah socon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabasaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) 'carruur' qof wax uu doonayo illowsiin. Dh: sabid; sasabid; sabaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saameelitaan
-ka: (magac, lab, keli) ku bilmayn; saameelka laftiisa.
saameelitaan -ka: (magac, lab, keli) dhiil caana ah dhiiqitaan. Saameelitaanka gaawaha geelayaga waa looga bartay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sandaleeleyn
m.f.dh eeg sandaleelee.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARMAAN-WEYN
(Sarman-uen) S Acacia horrida (L) Willd. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saalaxweeteyn
m.f.dh eeg saalaxweetee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaamareersan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax shaamareer ku dhacay ahaansho (cid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaraandegitaan
-ka: (magac, lab, keli) baaraandegidda lafteeda iyo hoos u eegitaanka badan ee hawl la qabanayo.