sarman
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SARMAN
Acacia horrida 31
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarmaan
(Sarmaan-ta)
Geed qodax leh (canbuul) oo xididkiisa asal wanaagsan laga helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarmaan
m.l (sarmaan, m.dh) Geedqodax salka u buuran leh oo xabag macaan iyo asal wanaagsan oo wax lagu carariyo leh, xididdadiisana dhigo laga samaysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarmaan
f. n. thorny plant species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SARMAAN
[SARMAN] Acacia horrida 05
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARMAAN
(Sarman) All.Som. Acacia horrida (L) Willd. Mimosaceae.
N Acacia reficiens Wawr. Mimosaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmaan
-ta: (magac, dhedig, keli) geed godax leh ama canbuul oo diirkiisu yeesho asal shaah laga dhigto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarmaan
cf: hobay
de: thorny plant sp.
initial: s
lx: sarmaan
pd: (-ka Pl: sarmaan (ta))
ps: n5-f
key: sarmaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saman
(Saman-ka)
Semen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saman
m.l (-nno, m.dh) Wąa, jeer, goor. la-mid: saben, semen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saman
m.l (-nno, m.dh) Wąa, jeer, goor. la-mid: saben, semen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saman
m. n. time, period
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saman
-ka: (magac, lab, keli) wakhti; goor; xilli; seben; semen.
saman-ta: (magac, dhedig. keli) warqad maxkamadda laga bixiyo oo loogu yeedho qofka la dacweynayo. Saman u gee danbiilaha. Dh: waaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saman
a: semen
de: time, period
initial: s
lx: saman
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: saman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saran
La saray; sarmo ku taal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la saray ahaansho. m.f.dh, sarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saran
der. [adjective] cut, slit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saran
-sarnaa I sarnayd: (adj) cut (kat); injured by small cut
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saran
(tilmaame) mid la saray mid kala go'an ama jeexan. Wuu saran yahay sankiisu. Dh: jeexan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saran
cf: sarmo
de: cut, slit
initial: s
lx: saran
pd: (sarnaa)
ps: adj-der
key: saran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karman
(tilmaame) dayax, meel labo xiddigood u dhexaysa fadhiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaman
m. n., pl. hides, skins
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaman
de: hides, skins
initial: s
lx: saaman
pd: (-ka Sg: saan (ta))
ps: n4-m-pl
key: saaman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samman
-ka: (magac, lab, keli) warqad maxkamadeed oo loo diro qof dacwadi gashay. markhaatina ha ahaadee, oo haddii uu u ajiibo waayo, danbi lagu qaadayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarcan
La sarcay; sarac sarac laga dhigay; safan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarcan
sarcan¹: m.dh la-mid: sarac².
sarcan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la sarcay ahaansho (geed).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarcan
der. [adjective] cultivated, sown, planted; lined up, in a row, in rows
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarcan
(tilmaame) beeran; falan.
sarcan: (tilmaame) safan; fayshan.
sarcan-ta: (magac, dhedig, keli) laabatada ay iska galaan candhablaha iyo bawdadu. Dh: sarac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarcan
de: cultivated, sown, planted; lined up, in a row, in rows
initial: s
lx: sarcan
pd: (sarcanaa)
ps: adj-der
key: sarcan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargan
-ka: (magac, lab, keli) ultan, sargaan is la dhaca.
sargan-ka: (magac, lab, keli) ugaadha jaad kamida oo duur jog ah. Sargan kaa ugaadhiyo. Dh: ugaadh, dugaag, saryan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saryan
(Saryan-ka)
Biciid lab oo tabaraystay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saryan
m.l (-nno, m.dh) Biciid lab oo tabar gal ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saryan
m. n. adult male oryx
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saryan
-ka: (magac, lab, keli) biciid lab oo aad u naaxay oo tabaraystay: biciid weyn oo shilis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saryan
cf: biciid
de: adult male oryx
initial: s
lx: saryan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: saryan
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARMAAN-DHAADHEER
(Sarman-dader) N Acacia busei Sjoestedt. Mimosaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARMAAN-WEYN
(Sarman-uen) S Acacia horrida (L) Willd. Mimosaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARMAAN-YAR
(Sarman-ier) N,S Acacia horrida (L) Willd. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmayn
m.dh la-mid: carmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darmaan
(Darmaan-ka, Darmaan-ta)
Neef fardo ah oo dhallin yar oo aan weli la jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmaan
darmaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Ubad fardood oo lab. 2. Nin mingis qaba.
darmaan²: m.dh (-no, m.dh) 1. Ubad fardood oo dheddig. 2. Qof dumar ah oo qaba mingis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Darmaan
name: Darmaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darmaan
m. n. colt, foal
darmaan [feminine] n. filly, foal
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Darmaan
name-unisex colt, filly, foal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darmaan
-ta: (n); filly (fili). Ex. faras yar oo dhedig ah; young female horse
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
DARMAAN
(I) Puledro, Puledra;
(E) Colt or Filly
(S) DARMAAN (S. g.: Darman)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Darmaan
magac loo baxsho lab iyo dhedig ba oo loola jeedo qurux iyo hannaanwanaag sida faraska da'da yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmaan
-ta: (magac, dhedig, keli) geenyada da'da yar ee aan weynayn. Dh: geenyo. Li: sange.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farmaan
-ka: (magac, lab, keli) qoriga dheer oo xoogga badan oo shiraacu, gees ilaa gees, ku daruuran yahay oo ku xidhxidhan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karmayn
(Karmayn-ta)
(dayax) meel labo xiddigood u dhexaysa oo aan midna u bursanayn, fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karmayn
m.f.dh eeg karmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dayax, meel labo xiddigood u dhexaysa oo aan dhinac u badnayn fariisasho. Dh: fariisasho, karmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamaan
(Saamaan-ka)
Saabaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamaan
m.l la-mid: saabaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saamaan
m. n., (mass n.): furniture
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saamaan
a: saabaan
de: furniture
initial: s
lx: saamaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: saamaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamayn
(Saamayn-ta)
Saamays ku reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamayn
m.f.dh eeg saamee. la-mid: saamays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamayn
-ta: (n) effect (i-fakt); impact (im-paakt)-, impression (im-paree-shin); repercussion (ri-per-ka-shen); indirect influence ~ raad; ku reebid, saamays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, raad ku reebid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Salmaan
name-m peaceful, safe, secure, healthy, wholesome (name of the first Persian to embrace Islam)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sargaan
(Sargaan-ta)
Ul (ama sarwaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargaan
m.dh (-no, m.l) Ul yar oo dhuuban. la-mid: sarwaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sargaan
f. n. long flexible stick, thin branch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ul dhuuban oo dheer oo xoolaha lagu kaxeeyo inta badan. Sargaan baa hashii lala dhacay. Dh: sarwaan, sarwad, dhenged, galool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sargaan
a: sarwaan
de: long flexible stick, thin branch
initial: s
lx: sargaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: sargaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarmale
(Sarmala-ha)
Qoryaqore, najaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarmale
m. n. wood-worker, carpenter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmale
-ha: (magac, lab, keli) farsamayaqaan sameeya albaabada daaqadaha iyo wixii la mid ah. Dh: nijaar, qoryaqore, nijaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarmale
de: wood-worker, carpenter
initial: s
lx: sarmale
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: najaar, qoryaqore
key: sarmale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarnaan
m.f.dh eeg saran. la-mid: sarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarqaan
m.l la-mid: sakhraan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof khamri cabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarrayn
(Sarrayn-ta)
Wax meel sare ku sugan ama darajo sare gaarey ahaan; korrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarrayn
m.f.dh eeg sarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kor marid; meel sare ku suganaan. Li: hoosayn.
sarrayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof darajo sare gaarey ahaan; sarreyn; korrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarwaan
(Sarwaan-ta)
Ul; serged (ama sargaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarwaan
m.dh la-mid: sargaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarwaan
f. n. long flexible stick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwaan
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah ulaha wax lagu uleeyo. Dh: ul, serged, sargaan, dhenged, qaare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarwaan
de: long flexible stick
initial: s
lx: sarwaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
see: sargaan
key: sarwaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shardan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la sharday ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shardan
(tilmaame) shardi lagu xiray.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sharfan
name-f beauty, grace, splendor, prestige, nobility, honor, pride, reputation, respect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharkan
(tilmaame) la sharraxay; la qurxiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharqan
(Sharqan-ta)
Shanqar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqan
sharqan¹: m.dh la-mid: sanqar¹.
sharqan²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: sanqar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharqan
f. n. sound
sharqan v. make a sound ~ noise (squeak, chirp, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharqan
-ta: (n) noise (nooys); sound (saawndh) —ka sharqami -yey / -say: (v) cause something to make a sound or noise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharqan
(fal) sanqadh; shanqar.
sharqan -ta: (magac, dhedig, keli) wax dhegtu maqasho oo aan ahayn codka dadka iyo duunyada iyo yeerta qalabka muusikada. Dh: shanqar, shanqadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharxan
-ta: (magac, dhedig, keli) 'cashar' sharraxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surmayn
m.f.dh eeg surmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) surmo gelin; surmays.
surmayn -ta: (magac, dhedig, keli) surmo ku qabasho. Surmaynta ilmaha ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warmayn
m.dh la-mid: wareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) warmo la dhicid oo ku wareemid. Warmaynta meydku waa xadgudub.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
arma
s.f. - hub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saan
1. (Saan-ka) Qof dab leh ama qalab kale sita oo meel ilaalinaya, hawsha uu hayo.
2. (Saan-ta) a) Harag. b) Jaan; tallaabo.