sariirasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sariirasho
m.f.dh eeg sariiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariigasho
-da: (magac, dhedig, keli) sharafta oo la ilaaliyo lagana durko waxa ceebta ah. Dh: dhowrsanaan, xishood, sheex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xariirasho
(Xariirasha-da)
1. Il bugta xariir isaga samayn.
2. Caano xariir ka dhigasho.
3. Summad (xariir) xoolaha ku dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariirasho
m.f.dh eeg xariiro. la-mid: xariirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariirasho
-da: (magac, dhediq, keli) caano bie darid oo badhxasho. Xariirashada caanubad kugu koobnaato. Dh: badhxasho, fadhxasho.
xariirasho -da: (magac, dhedig, keli) il bugta xariir iskaga samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariirashoda
(magac, dhedig, keli) isku taagid; saloogasho; saloolasho.
sariirashoda: (magac, dhedig, keli) sariir ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriibasho
m.f.dh eeg sarriibo. la-mid: sarrii-gasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriibasho
-da: (magac, dhedig, keli) sariibad ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarriigasho
(Sarriigasha-da)
Sarriig yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriigasho
m.f.dh eeg sarriigo. la-mid: sar-riibasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriigasho
-da: (magac, dhedig, keli) sarriig yeelasho.
sarriigasho -da: (magac, dhedig, keli) diirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariisasho
m.f.dh eeg bariiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) subaxdii oo dib loo dhigo dareerinta xoolaha siiba xilliyada barwaaqada ah, gaar ahaan adhiga iyo lo'da. Bariisashada hore ku gaadha reerka. Bariisashada ayaan kuu iman. Dh: bar barqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariisasho
(Fariisasha-da)
1. Dhulka ama wax kale korkood salka dhigid ama saarid.
2. Degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariisasho
m.f.dh eeg fariiso. la-mid: fadhiisad, fadhiisasho, fariisad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fariisasho
-fariisashada: (n) the act of sitting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garxirasho
m.f.dh eeg garxiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiirasho
m.f.dh eeg majiiro. la-mid: majiirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg majiirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakhirasho
-da: (magac, dhedig, keli) fudayd ka dhigasho; sahal ka dhigasho. Dh: fudaydsasho, sahasasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarrifasho
m.f.dh eeg sarrifo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarrifasho
-da: (magac, dhedig, keli) lacag, lacag ku baddalasho. Waxaan suuqa u galay sarrifasho lacageed. Dh: baddalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiixasho
m.f.dh eeg saxiixo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxiixasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof, gacantiisa ku saxiixad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloolasho
-da: (magac, dhedig, keli) kali) sida ay nafleyda qaarkeed isugu taagaan labada lugood ee dambe kuwa horena dhulka uga qaadaan kolka ay laacayaan dhirta daaqeenka leh. Dh: laacasho, sariirasho. Li: rundud.
saloolasho -da: (magac, dhedig, keli) badar rarmiso, salool ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barriiqasho
(Barriiqasha-da)
Sinbiriirixasho xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barriiqasho
m.f.dh eeg barriiqo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barriiqasho
vl. n. sliding, act of slipping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barriiqasho
-barriiqashada: (n) the act or an instance of slipping or sliding ~ sibiibixasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriiqasho
-da: (magac, dhedig, keli) sinbiriirixad lugtu kula oraddo. Barriiqasho weynaa ma biciid libaax arkaybaa. Dh: sinbiriiriraxasho, silbasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barriiqasho
de: sliding, act of slipping
lx: barriiqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: barriiqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariigsasho
m.dh la-mid: cariiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariigsasho
-da: (magac, dhedig, keli) canaagidda cid kale. Dh: cariigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsasho
(Cariiqsasha-da)
Cariiqsi wax u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsasho
m.f.dh eeg cariiqso. la-mid: cariigsad, cariigsasho, cariigsi, cariiqsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) canaagis; amardiidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharxirasho
m.dh eeg dharxiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharxirasho
-da: (magac, dhedig, keli) labbisasho oo dhar huwasho. Dadku way kala dharxirasho qurux badan yihiin. Dh: labisasho, dharxidhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falliirasho
m.f.dh eeg falliiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafiirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) arrin inta aan la samayn oo la hubiyo lagana baaraandegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamiirsasho
m.dh la-mid: khamiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharribasho
m.f.dh eeg sharribo. la-mid: shirrabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriirsasho
m.f.dh eeg xiriirso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si xiriir ah oo is dabasocod ah wax u wadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarasho
m.f.dh eeg saro².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sariiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax tafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariiro
(fal) saloolo; saloogo; isku taag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirasho
m.f.dh eeg siro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ararasho
(Ararasha-da)
Hadalka, doodda, buugagga,, arar ka hor-marsasho; gogoldhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ararasho
m.f.dh eeg araro. la-mid: ararad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ararasho
vl. n. prelude; introduction (as period of time)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararasho
-da: (magac, dhedig, keli) ubuc qoraal ah ama hadal intaan la bilaabin hordhac u samayn, arar ka hormarin. Dh: gogoldhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ararasho
de: prelude; introduction (as period of time)
lx: ararasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ararasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirasho
dįirasho: m.f.dh eeg diiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirasho
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadasho; dubka sare ka xoodhin. Dh: hoolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirasho
m.f.dh eeg giiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wajiga giir ka kicin oo ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiirasho
(Jiirasha-da)
(oogada nafleyda) xoog wax isaga keenid; docosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirasho
m.f.dh eeg jiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog wax iskaga keened. Dh: ducasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiqasho
m.f.dh eeg riiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixasho
m.f.dh eeg riixo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riixasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaab inta aad gadaal ka marto adoon qaadin horay u wadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saarasho
(Saarasha-da)
Meel sare wax dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saarasho
m.f.dh eeg saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saarasho
vl. n. putting something on top of something else; sexual intercourse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare wax dhigasho.
saarasho: -da: (magac, dhedig, keli) u galmood; u tegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saarasho
de: putting s.t. on top of s.t. else; sexual intercourse
initial: s
lx: saarasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: saaro
key: saarasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagrasho
-da: (magac, dhedig, keli) isku laditaan; fududaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarcasho
m.f.dh eeg sarco².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarcasho
-da: (magac, dhedig, keli) beerasho falasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariirad
-ka: (magac, lab, keli) sariirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibasho
(Siibasha-da)
Wax siibmey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibasho
m.f.dh eeg siibo. la-mid: siibad¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
siibasho
sliding tackle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoon la arkayn dhuumasho. Dh: fikasho, dusid, siibad.
siibasho -da: (magac, dhedig, keli) wax siibmay noqod, wax aad gacanta ku haysay oo si aanad filayn u dhaca.
siibasho -da: (magac, dhedig, keli) siibad; sinbiriiraxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siisasho
m.f.dh eeg siiso².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siisasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku baddalasho. Dh: baddalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiirasho
(Xiirasha-da)
Timaha iska xiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiirasho
m.f.dh eeg xiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) timo iska xiirid. Dh: timajarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftirasho
m.f.dh eeg aftiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftirasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aftirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxirasho
m.f.dh eeg afxiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasirasho
m.f.dh eeg fasiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasirasho
-da: (magac, dhedig, keli) war ama xog macnaysasho oo cadcaddaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariirato
-da: (magac, dhedig, keli) suxulku markuu laabanyahay meeshiisa soo fiiqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariiriso
(Gariirisa-da)
1. Wax gariirisa.
2. Qandhada daran oo oogadu la gariirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariiriso
m.dh Qandho, xummad iyo gariir badan oo duumo keento.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gariiriso
f. n. shivering; severe fever causing shivering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariiriso
-da: (magac, dhedig, keli) xummad keeno xanuunku ama maaddo markii dadka lagu duro ka jarcaysiisa ama ka gariirisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gariiriso
de: shivering; severe fever causing shivering
lx: gariiriso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gariiriso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariirshe
m.l Qori yar kankoonsan, af dhuuban, oo caruurta sibirka ku wareejiyaan iyaga oo xarig la dhacaya; dhulmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariirshe
-ha: (magac, lab, keli) qori kankoonsan oo yar, afkana dhuuban, oo caruurta sibidhka ku wareejiyaan iyaga oo xadhig la dhacaya. Dh: dhulmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawirasho
(Kawirasha-da)
Hab gaar ah oo kawir loo yaqaan oo dumarku timaha u firto, u firasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawirasho
m.f.dh eeg kawiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawirasho
-da: (magac, dhedig, keli) doon, meeshii la rabay oo ay u socotay ka weecsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayirasho
m.f.dh eeg qayiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sajarasho
(Sajarasha-da)
Qof ama dad kale oo aan waxba galabsan la tegid, u baas noqosho.