sargaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargaali
-ga: (magac, lab, keli) gaadiid dawladeed oo loo soo gaabiyo GD. Gaadiid sargaali ah. Dh: sarkaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sargaal
(Sargaal-ka)
1. Qof madax ah oo maamul dowladeed hawl ka haya.
2. (darajo askareed) inta xiddigle u hooseeyo (ama sarkaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargaal
m.l (-llo/saraakiil, m.dh) 1. Qof madax ah oo maamul dawladeed haya. 2. Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo xiddigo leh. la-mid: sarkaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sargaal
m. n. officer, official
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargaal
-ka: (magac, lab, keli) derejo ciidan, inta xiddigle u hooseeyo gaashaanlesarena u sarreeyo. Laba sargaal baa saaka saldhiga soo booqday. Dh: sarkaal.
sargaal -ka: (magac, lab, keli) qof maamulka dawladda meel ka madax ah. Sargaal sare oo sirdoonka ka tirsan ayaa la sumeeyey. Dh: sarkaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sargaal
de: officer, official
initial: s
lx: sargaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: sarkaal {Urdu}
key: sargaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarkaali
-ga: (magac, lab, keli) eeg sargaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagaal
(Sagaal-ka)
Tirada u dhexaysa siddeedda iyo tobanka; toban mid la'; (9).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagaal
m.l.t. Tirada siddeedda iyo tobanka u dhexeysa; “9”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sagaal
m.l.t. Tirada siddeedda iyo tobanka u dhexeysa; 9.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagaal
num: nine
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sagaal
neuf (9).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sagaal
-ka: (n) nine (naayn); number [9]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaal
-ka: (magac, lab, keli) tirada u dhexaysa sideedda iyo tobanka; toban mid la'. Dh: 9; IX.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sagaal
de: nine
initial: s
lx: sagaal
pd: (-ka)
ps: num-m
key: sagaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabaali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax sasabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabaali
v. comfort, calm down, console
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaali
(fal) wax qof uu diidanyahay ama saluugganyahay oggalaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabaali
de: comfort, calm down, console
initial: s
lx: sabaali
pd: (sabaaliyey)
ps: v2a=tr
key: sabaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhici doona mala-awaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhici doona mala-awaalid. m.f.dh, saraadin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saraadi
-yey I say: (v) predict (prid-ikt); foretell (foorteel) foresee (foorsii); forecast (foor 'kaast); prognosticate (porognaastikeeyt) ~ saadi, saadaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sargaan
(Sargaan-ta)
Ul (ama sarwaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargaan
m.dh (-no, m.l) Ul yar oo dhuuban. la-mid: sarwaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sargaan
f. n. long flexible stick, thin branch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ul dhuuban oo dheer oo xoolaha lagu kaxeeyo inta badan. Sargaan baa hashii lala dhacay. Dh: sarwaan, sarwad, dhenged, galool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sargaan
a: sarwaan
de: long flexible stick, thin branch
initial: s
lx: sargaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: sargaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarkaal
m.l la-mid: sargaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarkaal
m.l la-mid: sargaal.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
sarkaal
official
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarkaal
m. n. officer, official
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarkaal
-ka: (n) officer (o-fi-sar); usually officer in the armed forces or police officer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarkaal
-ka: (magac, lab, keli) darajo askareed, inta xiddigle u hooseeyo; sarkaal.
sarkaal -ka: (magac, lab, keli) qof madax ah oo maamul dowladeed hawl ka haya; sarkaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarkaal
a: sargaal {Urdu < Persian}
de: officer, official
initial: s
lx: sarkaal
pd: (-ka Pl: saraakiil (/sha))
ps: n8-m
key: sarkaal
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sarkaal
ضابط، مَسْئُول
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwaal
-ka: (magac, lab, keli) maro lagu xidho qarqarka hoose oo lugba dhan loo tolo. Dh: surwaal, luunge. Wa: saraawiil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
targaal
-ka: (magac, lab, keli) surwaal laga tolo maro aad u qaro adag.
targaal -ka: (magac, lab, keli) jaad dharka ka mid ah oo laga sameeyo dun adag ama dhumumuc iyo qaro leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaali
f.g2 (-iyay, -isay) Dheri xagaal ka hoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadaali
f.g2 (-iyay, isay) Wax aan weli dhicin inay dhici doonaan sii sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saadaali
f.g2 (-iyay, isay) Wax aan weli dhicin inay dhici doonaan sii sheegid. m.f.dh, saadaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saadaali
v. predict, foretell, forecast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saadaali
-yey say: (v) predict (pri-dhikt); foretell (foor teel); foresee (foor sii); forecast (foor 'kaast); prognosticate (porog naas tikeeyt)~ saadi, oddoros
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaali
(fal) wax soo fool leh sii sheegid. Roobka sadaali, Dh: mala-awaal; oddoros.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saadaali
de: predict, foretell, forecast
initial: s
lx: saadaali
pd: (saadaaliyey)
ps: v2a=tr
key: saadaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargaalnimo
-da: (magac, dhedig. keli) darajaalenimo, sarkaal ahaan, ahaan nin darajo leh. Dh: sarkaalnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargawaali
-da: (magac, dhedig, keli) hargo waaweyn oo la jilciyo oo inta la isku tolo gogol laga dhigto ama aqallada lagu hagoogo. Dh: hargawaalli, weylaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarqaalibo
f.mg3 (-btay, -batay) Wax, wax kale moodid ama u qaadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarqaalibo
v. misunderstand
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarqaalibo
de: misunderstand
initial: s
lx: sarqaalibo
nt: sarqaalibasho (/da) [vn-f]
pd: (sarqaalibtay)
ps: v3b=intr
key: sarqaalibo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cargaagid
m.f.dh eeg cargaag². la-mid: margaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaargaari
(fal) nolosha ku halalmaci oo aad u silci. Dh: gubgub, holacdhoomi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galgaalid
(Galgaalid-da)
(xoolo, kd.) galgaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galgaalid
m.f.dh eeg galgaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galgaalid
-da: (magac, dhedig, keli) naag ama neef aan dhalin, oo aad u cayila noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galgaalli
-da: (magacwadareed) lix xiddigood oo dhexdooda ay ku urursanyihiin xiddigo badan oo ay adagtahay sida loo arko. Dh: ido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gargaarid
(Gargaarid-da)
Gargaar siin; taageerid; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarid
m.f.dh eeg gargaar². la-mid: gergaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageero u fidin; cid kale, u kaalmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarsi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, caawimaad waydiisi. Doqoni gargaarsi ma leh. Dh: miciinsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargaanti
(Hargaanti-da)
1. Qof ugaarashada iyo gabraarashada ku xoogsada oo aad u yaqaan.
2. Hawlkar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargaanti
m.l/dh (-iyo, m.l) 1. Qof ugaarsashada aad u yaqaan. 2. Qof hawlkar ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hargaanti
m.l/dh (-iyo, m.l) 1. Qof ugaarsashada aad u yaqaan. 2. Qof hawlkar ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hargaanti
f. n. hunter; strong hard-working old man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hargaanti
-ga: (n) hunter (han ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaanti
-da: (magac, dhedig, keli) qof aad u yaqaan ugaadhsashada oo ku shaqaysta gabraarashada. Dh: baydari, ugaadhsade, hadame.
hargaanti-da: (magac, dhedig, keli) qof hawlkar ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hargaanti
bw: hawlkar
de: hunter; [fig.] strong hard-working old man
lx: hargaanti
pd: (-da)
ps: n2a-f
syn: baydari, ugaarsade, yahan
key: hargaanti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
margaagid
m.dh la-mid: cargaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sii sheegid, wax soo fool leh ka sii warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadaalin
m.f.dh eeg saadaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'wax aan weli dhicin' sii sheegis, sii malayn. Dh: mala'awaalid, saadin, saadaalis.
saadaalin -ta: (magac, dhedig, keli) wax dhici doona sii sheegid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saadaalin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadcaalid
m.dh la-mid: socdaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadcaalid
-da: (magac, dhedig, keli) safrid; ambabbixid; socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salgaarid
m.f.dh eeg salgaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salgaarid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wax la mid, gunteeda iyo xaqiiqdeeda, ogaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sangaalle
(Sangaalla-ha)
Dixiri sanqada gudeheeda ku abuurma, siiba tan geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sangaalle
m.l Tixri sanka geela iyo ariga gudihiisa ku dhasha. la-mid: sangal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sangaalle
m. n. insect which gets inside animal's snout
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sangaalle
-sangaallaha: (n) worm which lives inside a camel's nose or snout (isnaawt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sangaalle
-ha: (magac, lab, keli) dixiri sanqada gudehiisa ku abuurma, siiba tan geela.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sangaalle
de: insect which gets inside animal's snout
initial: s
lx: sangaalle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: sangaalle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargadayn
m.f.dh eeg sargadee. la-mid: sergedeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhengadayn; sargad la dhicid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarraafle
-sarraaflaha: (n) money changer (mani-jeen-jer); money dealer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarkaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sargaalnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
argal
-ka: (magac, lab, keli) qalab saanadda ciidanka lagu gurto. Dh: shakadda, kashadda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagal
(Sagal-ka)
Daliigo balballaaran oo moodda galabeed u eg oo xilliga roobka cirka ku dhilma aroortii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagal
m.l Daliigo cas-cas oo moodda galbeed u eg oo xilliga roobka aroortii cirka ku dhigma.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sagal
m.l Daliigo cas-cas oo moodda galbeed u eg oo xilliga roobka aroortii cirka ku dhigma.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagal
m. n. rays of light at dawn (which indicate distant rain)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sagal
name-f rays of light at dawn (which indicates a distant rain). Lit: one born with beauty; sunshine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sagal
-ka: (n) 1. morning rays of the sun during the rainy season, 2. Somali name used for females
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sagal
magac loo baxsho gabadh muuqeeda iyo quruxdeeda lagu metaalay iftiinka fadka ku hadha gabbalka dhiciisa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagal
-ka: (magac, lab, keli) falaad leh daliigo ama liidad buluug u eg oo dhanka bari ka soo baxa marka cadceedbaxu soo dhowyahay oo loo arko in ay tahay ifafaalo roob. Dh: waqal.
sagal -ka: (magac, lab, keli) boodh yar oo dabay! ama wax kale kiciyo. Dh: siigo, habaas, siiso, fidho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sagal
cf: sagli
de: rays of light at dawn (which indicate distant rain)
initial: s
lx: sagal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sagal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagli
f.mg2 (-iyay, -isay) Cir aroor hore sagal yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagli
v. form rays of light (which show signs of rain)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagli
(fal) cir, sagal samay. Waa sagliyay cirkii oo waa saadaal roob. Dh: sagalow.