sare ... u
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sare ... u
adv-loc: upwards
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaarbuux
(Qaarbuux-da)
(qof) Qaarka sare u buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgembi
afgembi¹: m.l 1. Hab aan sharci ahayn oo dowlad dhisan lagu beddelo; inqilaab. 2. Hoosmaridda, wax afkooda sare uu hoos maro. 3. la-mid: afgembiyid.
afgembi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Hab aan sharci ahayn dowlad dhisan ku beddelid. 2. Wax afkooda sare hoos marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalin
caalin¹: m.l (culimmo/culummo, m.dh) 1. Qof aqoon badan u leh cilmiga. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon sare u leh.
caalin²: m.f.dh eeg caali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax hawada sare u ganid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardooley
fardooley¹: m.dh.u 1. Rag fardo leh ama fuli yaqaan. 2. Ciidan hubaysan oo fardaha ku dagaala.
fardooley²: m.dh.u (taar.) Qarniyadii dhexe waxaa loo yiqiin askari, badanaa ka dhasha dabaqadda sare, una shaqeeya boqorka ama taliya waqtiyada dagaalka.

kulqaad
m.l (fiisikis) Summad: C. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka walax hal digrii kelfin (IK) ama 1° C. Kulqaadka waxaa lagu cabbiraa. Juul halkii kelfin (J/K).

kulqaad-gaar
m.l (fiisikis) Summad: c. Kulqaadka halkii halbeeg ee cuf ah, oo ah xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka hal halbeeg oo cufka walax hal digrii kelfin (IK). Kulqaadka gaarka ee walax waxa lagu cabbiraa Juul/Kg K.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mas'uul
m.l (-llo/-liin, m.dh) 1. Qof xil qaadi kara. 2. Qof jago sare ummad u haya. 3. Xilkas. 4. Ka m. ah: qof wax xilkoodu saaran yahay. 5. Ka m. ah: qof dhacdo sabab u ahi. la-mid: masuul.

qubbad
m.dh 1. (-do, m.l) Dhismo kubbad nuskeeda sare u eg oo laga dul dhiso masaajiddada, kaniisadaha, qabuuraha iyo guryaha qaarkood. 2. Badda inteda xeebta ka fog. la-mid: qubbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afgembi
afgembi¹: m.l 1. Hab aan sharci ahayn oo dowlad dhisan lagu beddelo; inqilaab. 2. Hoosmaridda, wax afkooda sare uu hoos maro.
afgembi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Hab aan sharci ahayn dowlad dhisan ku beddelid. 2. Wax afkooda sare hoos marin. m.f.dh, afgembiyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caalin
m.l (culimmo/culummo, m.dh) 1. Qof aqoon badan u leh cilmiga. 2. Qof Muslin ah oo diinta Islaanka aqoon sare u leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fardooley
fardooley¹: m.dh.u 1. Rag fardo leh ama fuli yaqaan. 2. Ciidan hubaysan oo fardaha ku dagaala.
fardooley²: m.dh.u (taar.) Qarniyadii dhexe waxaa loo yiqiin askari, badanaa ka dhasha dabaqadda sare, una shaqeeya boqorka ama taliya waqtiyada dagaalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulqaad
m.l (fiisikis) Summad: C. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka walax hal digrii kelfin (IK) ama 1° C. Kulqaadka waxaa lagu cabbiraa. Juul halkii kelfin (J/K).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulqaadgaar
m.l (fiisikis) Summad: c. Kulqaadka halkii halbeeg ee cuf ah, oo ah xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka hal halbeeg oo cufka walax hal digrii kelfin (IK). Kulqaadka gaarka ee walax waxa lagu cabbiraa Juul/Kg K.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mas'uul
m.l (-llo/-liin, m.dh) 1. Qof xil qaadi kara. 2. Qof jago sare ummad u haya. 3. Xilkas. 4. Ka m. ah: qof wax xilkoodu saaran yahay. 5. Ka m. ah: qof dhacdo sabab u ahi. la-mid: masuul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qubbad
m.dh 1. (-do, m.l) Dhismo kubbad nuskeeda sare u eg oo laga dul dhiso masaajiddada, kaniisadaha, qabuuraha iyo guryaha qaarkood. 2. Badda inteda xeebta ka fog. la-mid: qubbo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
to raise
sare u qaadid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
artful
/aartful/artfully; (adj) 1. qof xeelad ama khiyaamo badan. e.g. the artful tactics of politicians 2. qof xirfad sare u leh ama ku fiican wax gaar ah. e.g. She is the most artful writer in the country.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
brush-up
/baraash ap/ (v) muraajaco ku samayn (ama sare u qaadid aqooneed) e.g. I have to brush up on my English.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bubble
/babbal/ (n) 1. xumbo (sida xumbada shaambada iyo dareerayaasha kale. (v) 2. takhid ama ubur sare uga soo booda dheri (ama wax la karinayo)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
si ... u
[adverbial] [expression] like, as, how, so, in order that, in such a way
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aad ... u
[adverbial] [expression] very much, quite, a lot; hard, firmly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hor ... u
adv-loc: forwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxay ... u
question word: why?, what for?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dib ... u
adv-loc: backwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gees ... u
adv-loc: sideways
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoos ... u
adv-loc: downwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degdeg ... u
adv., time: immediately, right away, forthwith; hastily, hurriedly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
si uun ... u
[adverbial] [expression] somehow, in one way or another
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawaali ... u
[adverbial] [expression] directly; in a straightforward way ~ manner