sardhabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardhabid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo la horayo kala celin ama dib u celin. Sardhabiddii adhigaan ku daalay. Dh: horid, sardhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhabid
-da: (magac, dhedig, keli) qof, wax aanu odhan ka sheegid; si wanjelid ah wax uga sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardabid
m.dh la-mid: qartabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdhabid
m.f.dh eeg magdhaw².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdhabid
-da: (magac, dhedig, keli) qof waxyeello loo geystey ama wax laga bi'iyay mag ka bixin oo wixii gaadhay beddelkiisii ciddii lahayd siin. Reerkii baabuurka iga jejebiyay magdhabid ayay oggolaadeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldhabid
-da: (magac, dhedig, keli) sakaraadid co naf daraareed jiif iyo joogba diidid. Qaldhabid lama garan waayo. Dh: sakaraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sardhaban
m.l S. ah: cudur halis ah oo Ilaahay nafleyda u fududeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardhaafid
m.f.dh eeg dardhaaf². la-mid: dardhaaf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhabad
-ka: (magac, lab, keli) hub ama ul la'aan socod. Dh: sacabalay Li: farallaab.
faradhabad -ka: (magac, lab, keli) sacabbada isku dhufasho si la isaga duuliyo boodh ama daqiiq iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqid
m.dh la-mid: faraxalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhaqid
-da: (magac, dhedig, keli) faraha gacanta, uskagga ka maydhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurdhabid
-da: (magac, dhedig, keli) qaldhabid oo sakaraad neefta la gurid. Dh: sakaraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabid
m.f.dh eeg saab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabid
-da: (magac, dhedig, keli) indho, candho saabid, maro ku xidhid oo qarin.
saabid-da: (magac, dhedig, keli) saab u samayn, weel saab u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarbid
(Sarbid-da)
Sarab ku samayn, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarbid
m.f.dh eeg sarab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarbid
-da: (magac, dhedig, keli) si sarban is u taagid, sarab ku samayn, u yeelid. Dh: safid, sarcid, faylin.
sarbid-da: (magac, dhedig, keli) sarab ku dhisid: laamo dhaadheer oo dhuudhuuban ku dhisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardhad
m.l la-mid: dardhasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardhad
-ka: (magac, lab, keli) roob iyo qabow dartiis la qadhqadhid. Dh: qadhqa. Li: diirrimaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kardhad
-ka: (magac, lab, keli) wax sugiwaayid. Dh: kardhasho, degdegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadhabi
f. n. buckle, snap; tongs, pincers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhabi
-da: (magac, dhedig, keli) bir yar oo wareegsan ama afargees ah oo suumanka dhexda lagu xidho fayga hore lagaga xidho. Suunka iska tuur hadday qadhabidii kaa jabtay: Dh: waransillo.
qadhabi-da: (magac, dhedig, keli) eeg qabato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qadhabi
de: buckle, snap; tongs, pincers (any instrument closed by pinching or pressure) {N}
lx: qadhabi
pd: (-da)
ps: n-f
key: qadhabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardhab
(ereycodeed) lagu cabbiro shanqadha walxaha wax qabsada. Albaabkii ayaa qardhab isku yidhi.
qardhab -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qabato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sababid
(Sababid-da)
Sabab u noqosho; dilid; melgid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sababid
m.f.dh eeg sabab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababid
-da: (magac, dhedig, keli) sabab u noqod; sabab u noqod dhib qof kale; dilid; melgid; qatalid.
sababid -da: (magac, dhedig, keli) wax dhiciddood keenid; wax dhiciddood wicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahayid
m.f.dh eeg sahay².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardhaw
(fal) kala celi xoolaha oo kala hor. Kala sardhaw lo'da.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardhin
-ta: (magac, dhedig, keli) hurdo sardho ah seexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sasabid
(Sasabid-da)
Sabsabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sasabid
-da: (magac, dhedig, keli) sabsabid; sabaalayn; maaweelin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saydhid
-da: (magac, dhedig, keli) 'biyo iyo wixii la mid ah, si baahahsan, meel durugsan ama tigaal ah, ugu daadin; sayrid.
saydhid-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, si baahahsan, meel durugsan ama tigaal ah, ugu daadin; sayrid.
saydhid-da: (magac, dhedig, keli) bahal, awr, iyo wixii la mid ah, micida ama afka, wax kale la gaadhid: sayrid: saydhis.
saydhid -da: (magac, dhedig, keli) bahal, awr iyo wixii la mid ah, micida ama afka, wax kale la gaadhid; sayrid; saydhis.
saydhid -da: (magac, dhedig, keli) qodax laan ku taal ama wax kale oo la mid ah, xoog u soo fakad oo wax kale ku dhicid, mudid; sayrid; saydhis.
saydhid -da: (magac, dhedig, keli) wax weel ku jira si baahsan u daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xardhid
(Xardhid-da)
Xarad u yeelid, ku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xardhid
m.f.dh eeg xarar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xardhid
-da: (magac, dhedig, keli) naqshad iyo farshaxan qurxoon u yeelid. Dh: naqshadayn, qurxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaqid
-da: (magac, dhedig, keli) af wax cunay ama cabbay, maydhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqabid
-da: (magac, dhedig, keli) nabad iyo amaan ku jirid. Badqabiddaada ayaan ku faraxnay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bardadid
(Bardadid-da)
Sasid; argaggixid; (ama berdedid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardadid
m.f.dh eeg bardad². la-mid: barkadid, barkagid, berdedid, berkegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardadid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi iyo naxdin darteed la wareerid. Bardadid bay la kici wayday markii wiilkeedii lagu hor gawracay. Dh: argaggixid, sassid, berdedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaabid
(Cadaabid-da)
Cadaab ku ridid; kadeedid; saxariirin; naarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaabid
m.f.dh eeg cadaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaabid
-da: (magac, dhedig, keli) kadeedid oo saxariirin; dhib gaadhsiin.
cadaabid -da: (magac, dhedig, keli) 'awood Ilaahay' cadaab ku ridid; naarta geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carjabid
(Carjabid-da)
Carjab noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjabid
m.f.dh eeg carjab². la-mid: carjab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjabid
-da: (magac, dhedig, keli) duug noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarid
m.f.dh eeg dardar³. la-mid: barbarid, berberid, dardar¹, derder¹, derderid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) biirbiirin.
dardarid -da: (magac, dhedig, keli) dareere ama wax kale oo weel ku jira, kolba in yar ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandabid
m.f.dh eeg gandab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaabid
(Garaabid-da)
Qof wax sameeyey, arrinta ama sababta ku jiiddey, inaan laga fursan karin oo ay garti ahayd aqoonsasho, u qirid; marmarsiinyo aqbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaabid
m.f.dh eeg garow².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Garaabid
Attenuazione
Mitigation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaabid
-da: (magac, dhedig, keli) «u» qofkii lala mormaayay oo la fahamsiiyo in uu isagu xaq ku joogo. Garaabid lagama helo xaqa qofkii diiddan oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardafid
(Hardafid-da)
Orod hardaf ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardafid
m.f.dh eeg hardaf². la-mid: hardaf¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardafid
-da: (magac, dhedig, keli) orod hardaf ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardamid
(Hardamid-da)
Hardi isla dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardamid
m.f.dh eeg hardan². la-mid: hardan¹, hertamid, hertan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid. Dagaalka wananku waa haradamid. Dh: hirdamid, herdamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargabid
(Hargabid-da)
Hargab ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargabid
m.f.dh eeg hargab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargabid
-da: (magac, dhedig, keli) duri qaadid; hargab yeelasho. Dh: duryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabid
m.f.dh eeg qaraab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardhabo
(Qardhaba-da)
Qalab manqaska u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardhabo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qalab yar oo bir ah oo ka kooban laba af oo is qabsata marka la isku riixo oo timaha iyo wixi lamida lagu siisiibo. 2. Nooc ka mid ah kelbadaha. 3.Manqas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qardhabo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qalab yar oo bir ah oo ka kooban laba af oo is qabsata marka la isku riixo oo timaha iyo wixi lamida lagu sii-siibo. 2. Nooc ka mid ah kelbadaha. 3.Manqas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardhabo
f. n. scissors, shears; tweezers, pincers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardhabo
-da: (magac, dhedig, keli) qalab manqaska u eg. Qardhabo ku qabo oo ku soo jiid. Dh: qabato.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qardhabo
Maqas-bireed, birhayle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardhabo
cf: manqas {S}
de: scissors, shears; tweezers, pincers
lx: qardhabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qardhabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qartabid
m.f.dh eeg qartab. la-mid: qardabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabsabid
(Sabsabid-da)
Sabsab wax ku yeelsiin (ama sasabid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabsabid
-da: (magac, dhedig, keli) sasabid; sabaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddamid
m.f.dh eeg saddan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandahid
-da: (magac, dhedig, keli) sogordahid ama qarin. Dh: dadid. Li: caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraadid
(Saraadid-da)
Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadid
m.f.dh eeg saraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraadid
-da: (magac, dhedig, keli) ka sii sheeg wax inta uuna dhicin, wax dhici doona timaadda sii sheeg. Dh: saadid, saadis, saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sardhayn
(Sardhayn-ta)
Seexasho yar indhaha isku qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sardhayn
m.f.dh eeg sardhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hurdo gaaban oo inyar indhaha la isku qabto; seexasho yar; indha isku qabad. Dh: indhacasaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarsarid
(Sarsarid-da)
(oogo) sarsar u yeelid, ku dhigid; tiiftiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarsarid
m.f.dh eeg sarsar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarsarid
-da: (magac, dhedig, keli) 'oogo' sarsaru yeelid, ku dhigid; xagtimo badan u yeelid. Dh: dildillaaci, tiiftiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaabid
m.f.dh eeg sawaab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaabid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaab siin; ajar siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabid
m.f.dh eeg waraab². la-mid: waraab¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warqabid
m.f.dh eeg warqab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warqabid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin xogta ku saabsan hayn oo ka war qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xardhani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xardhanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awrdhebid
(Awrdhebid-da)
Faxlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awrdhebid
m.f.dh eeg awrdhaw². la-mid: awdhaw¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awrdhebid
-da: (magac, dhedig, keli) faxlid oo dhoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaamid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saaritaan. Waa la soo miisay subagga bardaamid uma baahna.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carajabid
-da: (magac, dhedig, keli) cadhaburburid; cadhajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabid
m.f.dh 1. eeg carrow. 2. eeg carraaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabid
-da: (magac, dhedig, keli) galab meel aadid ama u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraabid
m.f.dh eeg darrow². la-mid: darraw¹, darrow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhabid
(Dhadhabid-da)
Hurdada gudaheeda muuqaallo kala jaad ah, maanka ku arkid; riyood.