sarayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarayn
m.f.dh eeg saree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel sare ku sugnaansho; korayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarrayn
(Sarrayn-ta)
Wax meel sare ku sugan ama darajo sare gaarey ahaan; korrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarrayn
m.f.dh eeg sarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kor marid; meel sare ku suganaan. Li: hoosayn.
sarrayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof darajo sare gaarey ahaan; sarreyn; korrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saran
La saray; sarmo ku taal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la saray ahaansho. m.f.dh, sarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saran
der. [adjective] cut, slit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saran
-sarnaa I sarnayd: (adj) cut (kat); injured by small cut
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saran
(tilmaame) mid la saray mid kala go'an ama jeexan. Wuu saran yahay sankiisu. Dh: jeexan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saran
cf: sarmo
de: cut, slit
initial: s
lx: saran
pd: (sarnaa)
ps: adj-der
key: saran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carayn
m.f.dh eeg caree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carayn
-ta: (n) an act of daring; a challenge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale 'car!' ku dhihid oo u digid. Dh: carays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darayn
(Darayn-ta)
(legdan) daro ku qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darayn
m.f.dh eeg daree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dar u yeelid. Darayn la'aan ceel duunyo lagama waraabiyo. Dh: darays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farayn
(Farayn-ta)
Faro ku taataabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayn
m.f.dh eeg faree. la-mid: farays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farayn
-ta: (n) the act of fingering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faro ku taabtaabasho.
farayn -ta: (magac, dhedig, keli) is le'ekeysiinta iyo habaynt maydhaxda iyo wixii la mid ah ah ee kebdaha laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harayn
m.dh la-mid: harin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
harayn
blocking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel, hoos u samayn, hadh u eyelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarayn
(Jarayn-ta)
1. Fardo jarabbarid; jebin.
2. Shaxda, jare helid.
3. Gariirid; jarcayn; burunjiyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarayn
m.f.dh eeg jaree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarayn
-ta (n) tremble (tarambel); shiver (shivar); convulsion (konvalshen) ~ jarco, jarcayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaarta shaxda, jare, saddex dhagax oo isku toosta ah diyaarin.
jarayn-ta: (magac, dhedig, keli) faras iyo wixii la mid ah, jare ku xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarayn
(Qarayn-ta)
(weel, kd.) qar u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarayn
m.dh eeg qaree. la-mid: qirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qar u yeelid. Qaraynta weelasha waxa taqaan islaanta jaarka ah. Dh: qarays.
qarayn -ta: (magac, dhedig, keli) qaro u yeelid. Qarayn ku samee oo asal geli qarbidka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef muur ah raro saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safayn
m.dh la-mid: sifayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax safaysan ka dhigid. Dh: nadiifin, safays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salayn
(Salayn-ta)
Wax sal leh ka dhigid; sal u yeelid; meel qabadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salayn
m.dh eeg salee. la-mid: salays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal, sal u yeelid.
salayn-ta: (magac, dhedig, keli) weel iyo wax la mid ah, meel uu ku fadhiisto u yeelid. Dh: saldhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samayn
(Samayn-ta)
1. Wax qabasho; wax yeelid; falid; waxayn; suubbin.
2. (xarig, kd.) soohid.
3. (dermo, kd.) falkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samayn
samayn¹: m.f.dh eeg samee. la-mid: samays.
samayn²: m.dh (kiimika) Macmalid: diyaarinta iskudhisyo kiimikaad iyaga oo laga ambaqaadayo iskudhisyo fudud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samayn
m.dh (kiim.) Macmalid: diyaarinta iskudhisyo kiimikaad iyaga oo laga ambaqaadayo iskudhisyo fudud.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Samayn
Synthesis
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samayn
vl. n. doing, making
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samayn
-ta: (n) 1. formation (foor-meey-shin)-, creation (kiri-yeey-shin); forming, shaping ~ samaysmid. 2. the doing or making of; make (meeyk) ~ sameyn, suubin. Ex: koob kafee ah ma ii samayn kartaa? could you make me a cup of coffee?
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Samayn
Fare; fabbricare
To do; to make
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dermo, iyo wixii la mid ah, falkin; samays.
samayn-ta: (magac, dhedig, keli) xadhig iyo wixi la mid ah, soohid.
samayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax falid: wax qabasho. Samaynta doonayaha ayuu aad u yaqaanaa. Dh: falid, waxayn, suubbin, samays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samayn
a: samays (ka) [vn-m]
de: doing, making
initial: s
lx: samayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: samayn
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
samayn
فعل
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraye
-ha: (magac, lab, keli) colaad muuqata. Dh: dagaal. Li: nabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarayo
m.dh Iska hor-imaad; dagaal; cadaawad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawayn
m.dh la-mid: saawayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si mid ah iyo caddaalad u samayn. Waa inay sokeeye iyo xidid wada sawaysaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warayn
(Warayn-ta)
1. War biyo galaan ka dhigid.
2. War u yeelasho, danayn; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warayn
m.f.dh eeg waree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warayn
-ta: (magac, dhedig keli) berked qodid; war biyo galaan ka dhigid. Dadkii warayn bay u keceen oo nin walba ceel buu qotaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yarayn
(Yarayn-ta)
Intii hore ama sidii hore wax kadhimid; qaar ka reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yarayn
yarayn¹: m.f.dh eeg yaree. la-mid: yarays, yaraysiin.
yarayn²: m.dh (kiimika) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yarayn
m.dh (kiim.) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yarayn
-ta: (n) the act of decreasing, or making less
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) intii hore in ka dhimid oo ka nusqaamin. Abaarbaa caana yaraynta keenta, Dh: koobid, yarays.
yarayn-ta: (magac, dhedig, keli) falgal kasta oo kiimikaad oo ku tilmaaman inuu ogsajiinta lumiyo ama in uu elektaroono ka macaasho falgalayaasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golroonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka gacan sarayn; ka adkaansho; cid ka soo horjeedday jebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wasakh ku saydhin; uskagayn; wasakhayn; sarayn; sadhays.
sadhayn -ta: (magac, dhedig, keli) masabidid qof waxaanu qabin oo aad dusha kasaartid. Dh: qabadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) aan waxba isdheerayn; sinnaansho, kala sarayn la'aan. Dh: caddaalad, siman. Li: dulmi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gradation
gradation, n.f. - isku xigxig; kala sarayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hiérarchie
hiérarchie, n.f. - kala sarayn (darajo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hiérarchique
hiérarchique, adj. - kala sarayn ku dhisan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hiérarchisation
hiérarchisation, n.f. - la sameeyo hab kala sarayn ku dhisan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mire
mire, n.f. - masdarad lagu qiyaaso kala saraynta.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
prendre
prendre, v. - qaadid; qabatid;
aller chercher - raadin
s'emparer de - magaalo la qabsado
surprendre - kadin
accepter - wixi laguu garto oo aad oggolaato
acheter - gadasho
choisir - la kala door to
manger, boire - cuntayn; si fiican wax loo cuno loona cabo
faire usage de - dhoofid; tareen qaadasho.
prendre de l'âge - dugoobid
prendre les armes - hubka qaato; dagaalama; halqan u dhaqaaga.
prendre le large - xeebta oo laga durko; la cararo.
prendre au mot - ka rayn; ka gacan sarayn
prendre qn à partie - u nixid; u naxariisasho
prendre son temps - wakhtigiisa qaata; aan dagdagin
prendre sur soi - isu xil saara in..; masuuliyad qaada
s'enflammer - dab qabsado; gubta
se prendre - isku adkeeya
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tachéomètre
tachéomètre, n.m. - qalab lagu qiyaaso kala saraynta dhulka ama tobograafiyada
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
transcendant
transcendant, adj. - sarayn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
transcender
transcender, v. - u sarayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askarayn
m.f.dh eeg askaree. la-mid: caskarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog iyo khasab, askar kaga dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarayn
-ka: (magac, lab, keli) markab dagaal oo badda quusa. Dh: gujis, samarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samirsiin; samrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sardhayn
(Sardhayn-ta)
Seexasho yar indhaha isku qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sardhayn
m.f.dh eeg sardhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hurdo gaaban oo inyar indhaha la isku qabto; seexasho yar; indha isku qabad. Dh: indhacasaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la odhan doono, arar ka hormarsasho. Dh: ararad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baar ka dhigid; ka dhigidda wax sare oo wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barjayn
m.f.dh eeg barjee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barjayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunitaan qaadka; barjo cunid. Dh: qayilaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmayn
m.dh la-mid: carmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carrayn
(Carrayn-ta)
Carro ku shubid; ciideyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrayn
m.f.dh eeg carree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciid ku shubid; ciideyn; carrays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawrayn
m.f.dh eeg cawree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ceebayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayrayn
(Cayrayn-ta)
Cayr ka dhigid; sabool ka dhigid; dhicid; mooradduugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayrayn
m.f.dh eeg cayree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) caydh ka dhigid; caydhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabrayn
(Dabrayn-ta)
Weerar dabro ah dib u celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabrayn
m.f.dh eeg dabree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabrayn
vl. n. state of being ambushed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) weerar aan tudhaad lahay ku qaadis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabrayn
de: state of being ambushed
lx: dabrayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dabrayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbayn
(Darbayn-ta)
1. Ka badin ama ka badsasho; ka adkaan.
2. (kubbad) laad ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbayn
m.f.dh eeg darbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) darbo ku dhufasho. Dh: darbays.
darbayn-ta: (magac, dhedig, keli) qadin ama u daraansho kale oo dirireed doog.