sarategid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarategid
-da: (magac, dhedig, keli) xagga sare u kicid. Li: daaddegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalategid
m.f.dh eeg kalatag². la-mid: kalatag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalategid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wada joogay ama meel ku wada noolaa, qaarba doc aadid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
strategia
s.f. - tab ama xeel.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
strategic
/stratijik/ strategical/ (adv) istiraatiiji ah, habboon, xeel ahaan.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Strategic
Hab-dagaal
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
stratégie
stratégie, n.f. - meel dagaalka ku habboon muhiim ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarajoogid
m.f.dh eeg sarajoog². la-mid: sarajoog¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarajoogid
-da: (magac, dhedig, keli) sare isu taagid, fadhi ka kicid, sare u kicid, taagnaansho, sarakicid. Dh: taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharatamid
(Sharatamid-da)
Sharad dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharatamid
m.f.dh eeg sharatan². la-mid: shartan¹(2), shiratan¹, shiratamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharatamid
-da: (magac, dhedig. keli) sharad dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Talaxtegid
(Talaxtegid-da)
Intii la rabey dhaafid, wax ka badan samayn; ku tiigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaxtegid
m.f.dh eeg talaxtag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agtegid
m.f.dh eeg agtag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hortegid
m.f.dh eeg hortag². la-mid: hortag¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kortegid
(Kortegid-da)
Suuli aadid; saxaro fogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kortegid
m.f.dh eeg kortag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kortegid
-da: (magac, dhedig, keli) guri fooq ah iyo wixii la mid ah, xagga sare tegig. Li: hoostegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qartebid
m.f.dh eeg qartab. la-mid: qartabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraadid
(Saraadid-da)
Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadid
m.f.dh eeg saraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraadid
-da: (magac, dhedig, keli) ka sii sheeg wax inta uuna dhicin, wax dhici doona timaadda sii sheeg. Dh: saadid, saadis, saadaalin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
strategy
/straataji/ (n) 1. xeel-dagaal (khiddo-dagaal) 2. tab (xeelad); khiddad sare.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Strategy
Lagama maarmaan; tab Rugdagaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareegid
(Wareegid-da)
Si wareeg ah u dhaqaaqid, u socosho; u meerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareegid
m.f.dh eeg wareeg². la-mid: wareeg¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareegid
vl. n. going around; touring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegid
-da: (magac, dhedig, keli) xaafad aan fogayn oo jaar ah tegid. Naag sheeko badani wareegid ma dayso.
wareegid -da: (magac, dhedig, keli) duurid oo si wareeg ah u meerid; si goobo ah u dhaqaagid oo u socosho. Wareegidda dhulka lama dareemo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareegid
de: going around; touring
initial: w
lx: wareegid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: wareegid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baratamid
m.dh la-mid: bedertamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baratamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel u kala badin; tartan samayn oo wax u borotomid. Baratamiddu waa hab lagu kala badiyo. Dh: baratan, borotomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caratirid
m.f.dh eeg caratir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caratirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof, wax u cadhada ku illaawo siin ama u samayn. caray: (fal) qof kale, 'car!' ku dheh, adoo u digaaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqtegid
m.f.dh eeg daaqtag².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakatiyid
(Sakatiyid-da)
Baqdin yari gelid, iska garasho; keyrkeyrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakatiyid
m.f.dh eeg sakati². la-mid: sakatin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakatiyid
-da: (magac, dhedig, keli) joogsi bagdin yari ay sababtay.
sakatiyid -da: (magac, dhedig, keli) baqdin yar dareemid; wax ka biqid; kayrkayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarakicid
(Sarakicid-da)
Jiif ama fadhi ka kicid; sarajoogsasho; istaagid; kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarakicid
m.f.dh eeg sarakac². la-mid: sarakac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarakicid
-da: (magac, dhedig, keli) jiif ama fadhi ka kicid. Dh: sarajoogsasho, istaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarbeebid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sarbeeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriigid
m.dh la-mid: sarriibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriigid
-da: (magac, dhedig, keli) hoodhin ama diirka ka saarid; wax sarriig ah ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawralegdid
m.f.dh eeg cawraleged².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabtaagid
m.f.dh eeg garabtaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabtaagid
-da: (magac, dhedig, keli) «is cid kale, taageerid oo caawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saranseerid
m.f.dh eeg saranseer².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharafjebid
m.f.dh eeg sharafjab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharafjebid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sharafjabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwareegid
-da: (magac, dhedig, keli) tiir ama goobo ku dul duurduurid oo kolkaad mar wareegtaba haddana ku celin.
warwareegid -da: (magac, dhedig, keli) Socsocosho oo kolba meel iska marid Warwareegid bilaa macni ah waa lagu daalaa. Dh: Socsocod.
warwareegid -da: (magac, dhedig, keli) socod aan toos ahayn oo kolba dhinac loo baydho socosho. Dalcadaha toos looma bexee warwareegid ayaa lagu fuulaa. Dh: duurduur, baydhbaydh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraarugid
(Baraarugid-da)
Hurdo ka kicid; soojeedid; digtoonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarugid
m.f.dh eeg baraarug³. la-mid: baraarug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo ka kicid, ka toosid. Dh: baraarugow.
baraarugid-da: (magac, dhedig, keli) soo jeedidda dareenka qofka. Dh: digtooni, feejigni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraatamid
(Caraatamid-da)
Caraatan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraatamid
m.f.dh eeg caraatan². la-mid: caraatan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraatamid
-da: (magac, dhedig, keli) cayaar wiil iyo gabdho ku kafti jireen, cayaarid; caraatan cayaarid; yooyootamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrarogid
-da: (magac, dhedig, keli) diyaarinta dhulbeereedka loo diyaarinayo falitaan. Dh: carraggeddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashatebid
m.f.dh eeg cashatab². la-mid: cashatebin, cashatebis, catajebid, catajebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawraleged
cawraleged¹: m.l Wax yar oo la siiyo ruux ishiisa laga baqayo.
cawraleged²: f.g1 (-gday, -gedday) Qof ishiisa laga baqayo wax yar siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawratirid
m.f.dh eeg cawratir². la-mid: cawritirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabgelid
(Garabgelid-da)
Garab iyo tiir u noqosho; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabgelid
m.f.dh eeg garabgal². la-mid: garabgal¹ (2), garabgelyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabgelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac istaagid; ruux baahan caawin ama u hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haraatiyid
(Haraatiyid-da)
Haraati ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraatiyid
m.f.dh haraati³. la-mid: haraatin, harraatin, harraatiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraatiyid
vl. n. kicking
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haraatiyid
de: kicking
lx: haraatiyid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: haraatiyid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lawareegid
-da: (magac, dhedig, keli) hanti si sharci ah ama aan sharci ahayn kula wareegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarahelid
-da: (magac, dhedig, keli) xal helid; wax lala kadeednaa oo dhib keenaayay xal lagu furdaamiyo u helid; wax hawshooda lagu foognaal xal u helid. Maaraheliddii mushkiladda labada reer dhextaallay ayaa xilli badan naga qaadatay. Dh: xalhelid. Li: maarawaa.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
paraplegia
(n) paralysis of the legs and lower part of the body
qaarka hoose qalalay
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
paraplégie
paraplégie, n.f. - caga beelid; marka qofku uu caga beelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sacabtumid
m.f.dh eeg sacabtun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sacabtumid
-da: (magac, dhedig, keli) habka la isugu garaaco sacabbada oo laga dhawaajiyo looguna ciyaaaro. Ciyaari waa sacabrumid iyo sawd qurxoon.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sacrilègio
s.m. - meelkagadhicid (da), jaa'ifo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarseermid
-da: (magac, dhedig, keli) sarseeran iyo dhibaatooyin. Dh: eedaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxartirid
m.f.dh eeg saxartir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxartirid
-da: (magac, dhedig, keli) turxaanbixinta arrin ama talo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaamiid
m.l eeg sharmuuto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharaamiid
m. n., pl. prositutes, whores
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharaamiid
-da: (n) [plural of sharmuuto] prostitutes; hookers ~ see [eeg] dhillo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharaamiid
de: prositutes, whores
initial: s
lx: sharaamiid
pd: (-ka Sg: sharmuuto)
ps: n8-m-pl
key: sharaamiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiratamid
m.dh la-mid: sharatamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuragelid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhici kara noqosho. Dh: suuroobid, suurtaggelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaxtagid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la qabanayey oo intii loo baahnaa la dhaafiyo oo in siyaado ah lala yimaado, aqoon dheeraada oo loo leeyahay darteed. Dh: tiigaalid, tiigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarantirid
m.dh (daawo) Qalliin ama hab hawleed kale oo loola qasdiyo in uu keeno madhaleysnimo qof lab ama dhedig ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarantirid
m.dh (daaw.) Qalliin ama hab hawleed kale oo loola qasdiyo in uu keeno madhaleysnimo qof lab ama dhedig ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarantirid
vl. n., [compound] sterilization, sexual neutering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarantirid
de: sterilization, sexual neutering
initial: t
lx: tarantirid
pd: (-da)
ps: vn-f-cmp
key: tarantirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warsheegid
(Warsheegid-da)
Warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsheegid
m.f.dh eeg warsheeg². la-mid: warsheeg¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraarugid
(Xaraarugid-da)
Sakaraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraarugid
m.f.dh eeg xaraarug².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarugid
-da: (magac, dhedig keli) xanuun iyo laxaw la labarogmasho; sakaraadid oo xanuun la rafasho Dh: sakaraadid, sankaraadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
armaamitegid
-da: (magac, dhedig, keli) u maciinid; wax u qabasho. Dh: khidmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaraartamid
m.f.dh eeg asaraartan². la-mid: asaraartan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaraartamid
-da: (magac, dhedig, keli) dafiraadda wax la isku hayay isku tuurtuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaraandegid
(Baaraandegid-da)
Arrin ka salgaarid; aad u baarid; ka bogasho; hubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaraandegid
m.f.dh eeg baraandeg². la-mid: baaraandeg¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaraandegid
-da: (magac, dhedig, keli) hubsasho qotodheer oo dhan xun iyo dhan fiicanba la fiiriyo, inta aan hawsha lagu dhaqaaqin. Baaraandegid la'aan talo kuma barbaarto.