sararcadeye
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SARARCADEYE
Tephrosia obbiadensis 90
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARAR-CADEEYE
(Sarar-adeie) C Turraea parvifolia Deflers. Meliaceae.
C Vernonia cinerascens Sch.Bip. Compositae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SARARACADEEYE
vernonia cinerascens (?) 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sararcaddeeye
m.l Geed dhulka dooxoo-yinka ka soo fuura oo xooluhu aad ugu cayilaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sararcaddeeye
-ha: (magac, lab, keli) geed dhulka dooxooyinka ka soo fuura oo xooluhu aad ugu cayilaan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SARARLCADEEYE
iurraea parvitiora 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sararacaddeeye
m.l Geed dhulka dooxoo-yinka ah ka soo fuura oo xooluhu aad ugu cayilaan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SARARA-CADEEY
[SARA-ADEY] Tephrosia obbiadensis 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxarcaddeeye
m.l Geed aan qodax lahayn oo miro la cuno cadcad oo macaan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradeyn
m.f.dh eeg aaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaradeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) macawis ama gunti, geftin iyo cidhif u samayn.
aaradeyn -ta: (magac, dhedig, keli) macawis, daah iyo wax la mid ah, cidhifkiisa, liid maro ah ku sharraxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Alwaax faarad ama raando ku simid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faaradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Alwaax faarad ama raando ku simid. m.f.dh, faaradayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaradee
v. plane, smooth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaradee
-yey / faaradaysay: (v) smooth or finish with or as if with a plane ~ raandhee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradee
(fal) eeg faaraday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaradee
de: plane, smooth
lx: faaradee
pd: (faaradeeyey)
ps: v2b=
key: faaradee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragcadee
(fal) meel daloosha ragcad ku awd. Kabta ii ragcadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraayee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Cid dhibaato weyn gaarsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saraayee
v. foresee, anticipate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saraayee
de: foresee, anticipate {C}
initial: s
lx: saraayee
pd: (saraayeeyey)
ps: v2b=tr
key: saraayee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Nafley ul yar la dhicid. la-mid: sergedee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargadee
(fal) sargad la dhac; dhengadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarreeye
(Sarreeya-ha)
1. Meel sare ama darajo sare gaarey.
2. (*) Darajo sare oo askareed (sarreeye guuto; sarreeye gaas); janan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarreeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Ilaah. 2. Daraja sare oo askareed; jeneraal. 3. Xisaab jajab ah oo la qaybinayo tan kor la dhigo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarreeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Ilaah. 2. Daraja sare oo askareed; jeneraal. 3. Xisaab jajab ah oo la qaybinayo tan kor la dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarreeye
m. n. head, chief, commander; general; numerator {mathematics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarreeye
-ha: (n) one who is superior to another in rank or quality; high in stature; leader (liidher)
sarreeye -ha: (n) [Mathematics] numerator (nuu-ma-reeytar); the number above the line in a common fraction ~ sarreeyaha xisaabta jajabka ah
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sarreeye
Generale
General
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sarreeye
-ha: (magac, lab, keli) Eebbe, Alle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarreeye
-ha: (magac, lab, keli) derejo ciidan garaadaha ugu sarreeya ciidanka: janan.
sarreeye-ha: (magac, lab, keli) qof meel sare ama darajo sare gaarey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarreeye
de: head, chief, commander; general; numerator {mathematics}
initial: s
lx: sarreeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: sarreeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarcadde
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar loo tumo qofka saarku hayo oo jiib iyo jabaq habdhac qurxoon leh oo raggu ciyaaro geeraar iyo midho qurxoonna hay ku sigibtiraan kolkolla habluhu sacabka u giijiyaan. Waa ciyaar qadiimi ah oo caan ku ah gobollada Waqooyi Galbeed, Galgaduud, Togdheer, Awdal iyo meelo kale. Qalabka lagu tumo ama loo qaato waxaa ka mid ah durbaan yar iyo ul yar oo lagu tumo iyo jeedal lagu dheelo. Ninka baarcaddaha loo tumaa wuxu yidhaa: kolka la isoo galgalaayo wilaalbaa i garab jooga golxad bay igu hayaan.
baarcadde -ha: (magac, lab, keli) ninka hoobalka ah laftiisa. Baayir waa baarcadde ciyaar badan.
baarcadde -ha: (magac, lab, keli) geed nagaadheed baxsha ubax cad oo qurux badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaarcadde
m.l la-mid: garcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasacadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cunto, sharaab iyo wixi lamida qasac lagu shubay ku alxamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qasacadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cunto, sharaab iyo wixi lamida qasac lagu shubay ku alxamid. m.f.dh, qasacadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasacadee
v. can, put in a can
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasacadee
-yey I qasacadeysay: (v) preserve in cans; can (kaan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacadee
(fal) moolgaree oo qasacado ku cabbee. qasacad ku samee. Tamaadka qasacadee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasacadee
de: can, put in a can
lx: qasacadee
pd: (qasacadeeyey)
ps: v2b=tr
key: qasacadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saancadde
m.l 1. Qof cago cad. 2. Qumay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wagaradee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wagaradka u xirid ama giijin (faras). la-mid: wegeredee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wagaradee
(fal) suunka ku giiji kooraha. Wagaradee kooraha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarakadee
(fal) qurux iyo soo jiidasho u yeel. Suuqaaga xarakadee. Dh: xarakaysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cid dhibaato u gaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasaradee
v. make trouble for, disturb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaradee
(fal) cid kale xasarad kula kac; ka gardarraw oo sabab la'aan iska maag. Dh: xasaraday, alyadee, maag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasaradee
de: make trouble for, disturb
initial: x
lx: xasaradee
pd: (xasaradeeyey)
ps: v2b=tr
key: xasaradee
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FARA-CADDE
(Fara-ade) N Inula somalensis Vatke. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraaxadee
f.mg2 (-deeyay, -daysay) Cod furan oo aan xabeeb lahayn ku hadlid ama ku heesid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaraaxadee
v. speak with a melodious ~ mellifluous voice
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaraaxadee
de: speak with a melodious ~ mellifluous voice
lx: qaraaxadee
pd: (qaraaxadeeyey)
ps: v2b=intr
key: qaraaxadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragcadeeye
-ha: (magac, lab, keli) qofka meel daloosha ragcad ku sameeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabarad ku garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wagaradeyn
m.f.dh eeg wagaradee. la-mid: we- geredeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wagaradeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gammaan suunka ku giijin. Bal waraabahaa daya siduu wagaradka u giijay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
embarcadère
embarcadère, n.f. - meesha markab kusoo xidho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAALA-CASEEYE
(Salo-aseye) S Cleome brachycarpa DC. Capparidaceae.
N Dipterygium glaucum Decne Cruciferae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaamadeeye
-ha: (n) marker (maarkar); highlighter — qalab wax lugu calaamadiyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadeeye
-ha: (magac, lab, keli) qof xoolaha ama alaabada sumad ama astaan gaar ah u yeela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabacaddeeye
m.l la-mid: dabacadde (1).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabacaddeeye
-ha: (n) racoon (raakuun) also raccoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabacaddeeye
-ha: (magac, lab, keli) eeg dabacadde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabar'adeyg
-ga: (magac, lab, keli) adkaysi iyo dulqaad dhibaato lagu waajaho. Dh: samir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaladeyn
(Aaladeyn-ta)
Aalad u yeelid; qalabayn; hubayn; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąaladeyn
m.f.dh eeg ąaladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
accadére
v.intr. - dhicid (arrin).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ararsame
name-m articulated; nice introductory
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ararsame
magac loo baxsho wiil la rajeenayo in ay dhalashadiisu tahay billaw wanaagsan oo carruur badan horseeda; waxa kale oo loo bixiyaa wiilka dhalashadiisu aanay fool kululi ka horrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaley
m.dh (-leeyo, m.l) B. leh: wax baro leh (dheddig).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaley
-da: (magac, dhedig, keli) tigaad barbar leh oo meelaha daadmareennada ah ka baxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcadee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax gaballo yaryar ka dhigid. la-mid: cadadee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadcadee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax gaballo yaryar ka dhigid. m.f.dh, cadcadayn. la-mid: cadadee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadcadee
-yey / say: (n) make or cut into pieces
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
camarade
camarade, adj. et - Jaalle; Saaxiib daacad ah; Wehel; Raafiq; Saaxiib ama Jaalle wax gooni ah ama shaqo gaar ah lagu saaxiibo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabcad
m.l Neef ido ah oo wada cad; shiikh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararayn
m.f.dh eeg cararee. la-mid: cararin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararsad
m.l la-mid: cararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabey
m.l la-mid: carrablaw.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carrabey
nickname-m lisper, stammerer, stutterer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carrabey
naanaysta loo baxsho qof jabaqo leh oo xuruufaha badhkood si wanaagsan ugu dhawaaqin. Dh: jabaqaale, carrabloo, carrablow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafadee
(fal) dhinac u riix, garabaha ku tuur, geeddada ku riix. War naagta ku fuushay daafadee oo dib isaga tuur. Dh: daafaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Libaax badeed iyo wixi lamida damrad ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damradee
(fal) libaaxbadeed ama wax kale, damrad ku gan. Dh: damraday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraaree
(fal) cunto duco looga jeedo, samee. Dh: casuumee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darancad
m.l/dh Nooc daranta ka mid ah oo meelaha cusbada badan ka baxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbadee
f.g/mg2 (-deeyay, -daysay) Laadid (kubbadda cagta).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darbadee
f.g/mg2 (-deeyay, -daysay) Laadid (kubbadda cagta). m.f.dh, darbadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darbadee
v. kick (a football)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbadee
(fal) cid kale, ciyaar ka badi.
darbadee: (fal) dabbaal darbad ku dhufo. Dh: shaambadee.
darbadee: (fal) kubbad si fiican u laag oo si xoog badan ugu dhufo cagta oo goolka ku gan. Dh: darbee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darbadee
de: kick (a football)
lx: darbadee
pd: (darbadeeyey)
ps: v2b=tr
key: darbadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Maro darxad u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darxadee
(fal) maro iyo wax la mid ah darxad u yeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraday
(fal) looxaan, faarad mari oo ku sin. Albaabka faaraday. Dh: raanday, faaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradle
-ha: (magac, lab, keli) qofka ama meeshal faaradda ka shaqaysa ama wax faaradeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaarhaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof loo xilsaaray inuu ilaaliyo guri, xafiis iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaarhaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof loo xilsaaray inuu ilaaliyo guri, xafiis iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaarhaye
m. n. clock, watch; hour; sentry
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaarhaye
nickname; name-m sentry