saraarogabbalayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraarogabbalayn
m.f.dh saraarogabbalee. la-mid: saraarogabbalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraarogabbalays
m.l la-mid: saraarogab-balayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraarogabbale
m.l (-layaal, m.l/dh) Arar laga hormariyo intaan la guda gelin hadal du- lucdiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraarogabbale
-ha: (magac, lab, keli) arar laga hormariyo intaan la guda gelin hadal dulucdiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraarogabbalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Hadal dulucdiis intaan la gudagelin arar sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacantogaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tiigaal wax durugsan ku gaarid ama ku soo qaadid ama ku soo gurid; tiigsasho; gacantogaaleyn.
gacantogaalayn -ta: (magac, dhedig, keli) ammaano laguu dhiibtay ku takrifalid.
gacantogaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.
gacantogaalayn -ka: (magac, lab, keli) ammaano laguu dhiibtay ku takrifalid.
gacantogaalayn -ka: (magac, lab, keli) hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugitaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo ka toositaan, ka kicitaan. Baraarugitaan ka hor lama kicin karo waa nin hurda weyn.
baraarugitaan -ka: (magac, lab, keli) baraarugid oo wax kasta ogaal u yeelasho. Dh: digtoonaad, feejignaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harwaraableyn
m.f.dh eeg harwaraablee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraarugsanaan
(Baraarugsanaan-ta)
Qof baraarugsan ahaan; digtoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarugsanaan
m.f.dh eeg baraarugsan. la-mid: baraarugsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraarugsanaan
f. n. alertness, awakening, realization
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baraarugsanaan
-ta: (n) awareness (a weer nes); alert (aleert); conscience (kon shans)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) indha kala hayn; soo jeeditaan.
baraarugsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) foojignaan iyo taxaddarqabid. Baraarugsanaan ayaa loo baahanyahay. Dh: digtoonaansho, feejignaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraarugsanaan
de: alertness, awakening, realization
lx: baraarugsanaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: baraarugsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacantogaaleyn
(Gacantogaaleyn-ta)
Gacantogaale wax yare durugsan ku gaarid ama ku soo qaadid ama ku soo gurid; tiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacantogaaleyn
m.f.dh eeg gacantogaalee. la-mid: gacantogaale, gacantogaaleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacantogaaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gacantogaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaaroomanayn
m.f.dh eeg dharaaroomanee.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taran dhanbalan
Fission products
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CASUURO-GABALDAYE
(Asuro-gabaldaie) N, C? Crotalaria saltiana Andr. Papilionaceae.