saqiirragawrac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqiirragawrac
m.l Colaad xun oo labo qolo dhax marta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqiir
-ka: (magac, lab, keli) qof yar, qof aan da weynayn. Saqiir iyo kabiir meesha waa la wada joogay.
saqiir-ka: (magac, lab, keli) qof fiil yar. saqiirragawraca: (magac, lab, keli) colaad xun oo labo golo dhax marta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtigawrac
(fal) dagaal dhexdii, carruur, cirroole, dumar, dhaawac iyo meyd midna ha dhaafin. Dh: baqtigawrac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtigowrac
-a: (magac, lab, keli) fal aan fiicnayn oo meydka lagula kaco xilliyada dagaalka sida jarjarid, harag ka siibid iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti-gowrac
(Baqti-gowrac-a)
Colaadda aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka la gudbo, aan bal dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn. kd.); baqti-wareen; (ama bakhti-gowrac).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqti-gowrac
v. commit atrocities out of hatred
baqti-gowrac vl. n. carnage, slaughter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiggowrac
baqtiggowrac¹: m.l Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iyo wixi lamida); baqtiwareen. la-mid: bakhtiggowrac¹.
baqtiggowrac²: f.mg1 (-cay, -cday; -rici) Baqtigowrac ku kicid. la-mid: bakhtiggowrac².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqtiggowrac
m.l Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iyo wixi lamida); baqtiwareen. la-mid: bakhtiggowrac.