saqiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saqiir
(Saqiir-ka)
1. Ilmo carruur ah oo dhashay.
2. (Saqiir iyo kabiir) qof fil yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqiir
saqiir¹: m.l (-rro, m.dh) Ilmo yar. la-mid: siqiir¹.
saqiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Ilmo yaraan ku dhimasho. la-mid: siqiir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saqiir
saqiir¹: m.l (-rro, m.dh) Ilmo yar. la-mid: siqiir.
saqiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Ilmo yaraan ku dhimasho. m.f.dh, saqiirid. la-mid: siqiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saqiir
m. n. young child
saqiir v. die in infancy ~ childhood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saqiir
-ka: (n) child (jaayldh)-, immature person ~ siqiir. —saqiir -ay / -tay: (n) die young; die in early childhood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqiir
-ka: (magac, lab, keli) qof yar, qof aan da weynayn. Saqiir iyo kabiir meesha waa la wada joogay.
saqiir-ka: (magac, lab, keli) qof fiil yar. saqiirragawraca: (magac, lab, keli) colaad xun oo labo golo dhax marta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faqiir
(Faqiir-ka)
Qof aad u xoolo yar ama aan lahaynba; miskiin; sabool; cayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiir
faqiir¹: m.l (-rro/fuqaraa, m.dh) Qof dan yar ah oo aan hanti lahayn; cayr, sabool.
faqiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Faqiir noqosho. la-mid: faqiirow, faqri².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faqiir
faqiir¹: m.l (-rro/fuqaraa, m.dh) Qof dan yar ah oo aan hanti lahayn; cayr, sabool.
faqiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Faqiir noqosho. m.f.dh, faqiirid. la-mid: faqiirow, faqri.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faqiir
-ka: (n) poor person, broken man or woman, bankrupt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiir
-ka: (magac, lab, keli) qof sabool ah oo aan waxba haysan; qof aad u xoolo yar amaba aan lahayn. Dh: miskiin, sabool, cayr, caydh, fiqiir. Li: qani, hodan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Sa'iir
(n) Zaire (za'iir); presently called Democratic Republic of Congo; Kinshasa is the capital and the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sa'iir
a: Sayiir
de: Zaire
initial: s
lx: Sa'iir
ps: n0-loc-f
key: Sa'iir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safiir
(Safiir-ka)
Ergey dowladi dirsato oo dal shisheeye u fariista oo danaha dalkiisa iyo qarankiisa ilaaliya, kan ugu darajo sareeya; danjire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safiir
m.l (-rro, m.dh) Danjire dalkiisa u jooga dal kale oo shaqo dibolomaasi u haya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
safiir
m.l (-rro, m.dh) Danjire dalkiisa u jooga dal kale oo shaqo dibolomaasi u haya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safiir
m. n. ambassador
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
safiir
-ka: (n) ambassador (am-baa-si-dher) ~ danjire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safiir
-ka: (magac, lab, keli) ergey dowladi dirsato oo dal shisheeye u fariista oo danaha dalkiisa iyo qarankiisa ilaaliya, kan ugu darajo sareeya. Dh: danjire.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safiir
bw: Arabic
cf: safaarad
de: ambassador
initial: s
lx: safiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: safiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakiir
m.dh (-ro, m.dh) la-mid: sakiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakiir
-ka: (magac, lab, keli) qof khamri cabsan; sikiir.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Samiir
name-m companion, entertainer, pleasant, patient, conversant
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sariir
(Sariir-ta)
1. Saabaanka guriga mid ka mid ah oo lagu kor seexdo inta joodari iyo barkimooyin la saaro.
2. Salka weelka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sariir
m.dh (-ro, m.l) 1. Saabaanka guriga mid ka mid ah oo lagu korseexdo inta joodari iyo barkimooyin la saaro. 2. Salka weelka. 3. Saliid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sariir
m.dh (-ro, m.l) 1. Saabaanka guriga mid ka mid ah oo lagu korseexdo inta joodari iyo barkimooyin la saaro. 2. Salka weelka. 3. Saliid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sariir
Serir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sariir
f. n. bed
sariir [feminine] n. bottom of a vessel
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sariir
name-m bed; very patient one
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sariir
-ta: (n) bed (beedh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariir
-ta: (magac, dhedig, keli) meel la dhisay o sare loo qaaday oo beerta shimbirta lagaga celiye iyo wixii kale ee galayaba.
sariir-ta: (magac, dhedig, keli) saabaanka aqalka jaad ka mid ah oo ka samaysan bir ama gori oleh guro la saaro joodari ama furaash, lagu seexdo Ku seexo sariirta. Wa: sariiro.
sariir-ta: (magac, dhedig, keli) salka weelka: daar.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sariir
سرير
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sayiir
pr. n., loc. Zaire
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sayiir
a: Sa'iir
de: Zaire
initial: s
lx: Sayiir
ps: n0-loc-f
key: Sayiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siqiir
(Siqiir-ka)
Saqiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqiir
siqiir¹: m.l la-mid: saqiir¹.
siqiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: saqiir².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siqiir
m. n. young child
siqiir v. die in infancy ~ childhood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siqiir
-ka: (n) child (jaayldh); immature person ~ saqiir
siqiir -ay / -tay: (n) die young; die in the earliest period of childhood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqiir
-ka: (magac, lab, keli) ilmo carruur ah oo hada dhashay; saqiir.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaqiir
-ka: (n) mean (miin) or selfish (sal-fish) man; bad person ~ qof xun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqiir
-ka: (magac, lab, keli) qof liita oo la quadhsado isna is bahdila. Dh: liiti. Li: muxtaram.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabiir
(Kabiir-ka)
1. Ardayga hadba dugsiga looga dhigo madax.
2. (saqiir iyo kabiir) qof weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siqiirid
(Siqiirid-da)
Saqiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siqiirnimo
(Siqiirnima-da)
Saqiirnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadulle
m.l Xabaal labo af oo hoos isaga duleela leh oo lagu aaso carruurta saqiirka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noqo
f.mg3 (-qtay, -qotay) 1. Wax jihadii uu ka yimid dib ugu laabasho. 2. Cid ama wax sidii hore si ka duwan isu rogid, dabeecado gaar ah yeelasho. 3. Ilmo yar saqiirid. 4. La n.: cid arrin iyo wixi lamida si gaar ah ugu muuqasho. 5. La n.: cid saaxiibnimo, qaraabanimo, ama xiriir kale la yeelasho. 6. Ku n.: hawl mar labaad dib ugu laabasho (cid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqiirnimo
m.dh Saqiir ahaansho. la-mid: siqiirnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqiirsuujin
m.f.dh eeg saqiirsuuji. la-mid: saqiirsuujis (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqiirid
m.f.dh eeg saqiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqiirnimo
m.dh la-mid: saqiirnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noqo
f.mg3 (-qtay, -qotay) 1. Wax jihadii uu ka yimid dib ugu laabasho. 2. Cid ama wax sidii hore si ka duwan isu rogid, dabeecado gaar ah yeelasho. 3. Ilmo yar saqiirid. 4. La n.: cid arrin iyo wixi lamida si gaar ah ugu muuqasho. 5. La n.: cid saaxiibnimo, qaraabanimo, ama xiriir kale la yeelasho. 6. Ku n.: hawl mar labaad dib ugu laabasho (cid). m.f.dh, noqosho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
molest
/malast/molestation; (v) 1. fara-xumayn (badanaa dumarka iyo saqiirka oo la xoogo) 2. hujuumid; dhib gaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labadulle
-ha: (magac, lab, keli) xabaal labo af oo hoos isaga duleela leh oo lagu aaso carruurta saqiirka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqiirnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo carruur ahaan, da' aad u yar ahaansho; ilmo carruur ahaan. Saqiirnimo ayuu ku dhintay. Dh: ciyaalnimo, sabinimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shafeec
-a: (magac, lab, keli) shafeeco.
shafeec: (fal) noqo ilma yar oo saqiirnimo ku dhintay. Adigu shafeec. Dh: saqiir. Li: weynaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasaqiir
-ka: (magac, lab, keli) safaayadda maydiga, jaadka xabagta maydiga ka u dhexeeya faskabiirka iyo fooxa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saqiir_1
bw: Arabic
de: young child
hm: 1
initial: s
lx: saqiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: saqiir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saqiir_2
de: die in infancy ~ childhood
hm: 2
initial: s
lx: saqiir
pd: (saqiiray)
ps: v1=intr
key: saqiir_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saqiirid
(Saqiirid-da)
Carruurnimo ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqiirid
m.f.dh eeg saqiir². la-mid: siqiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqiirid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dhimashada yaraan: carruurnimo ku hoyo. Saqiirid carruureed waa sed aakhiro ee samir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiiri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid faqiir ka dhigid. la-mid: faqiirtee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faqiiri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid faqiir ka dhigid. m.f.dh, faqiirin. la-mid: faqiirtee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiiri
(fal) sabool ka dhig oo xoolatir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faqiiri
a: faqiirtee
de: impoverish; make s.o. miserable (financially)
lx: faqiiri
pd: (faqiiriyey)
ps: v2a=tr
key: faqiiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saciira
m.dh Naar ka mid ah toddobada naarood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saciira
m.dh Naar ka mid ah toddobada naarood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saciira
-da: (magac, dhedig, keli) naar ka mid ah toddobada naarood.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sahiira
name-f awake, vigilant
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakiiro
(Sakiira-ha)
Iin lugaha gasha oo lala dhasho oo qaabkooda xumaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakiiro
m.l 1. Iin lugaha dadka gasha oo jilbaha isu soo dhoweysa. 2. Nabar ka dhasha shafka iyo jeeniga geelu markay is xoqaan. la-mid: sakiir, sikiir, sikiiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sakiiro
m. n. bow-leg, bandy-leg, deformity of the legs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakiiro
-da: (magac, dhedig, keli) ee sakii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sakiiro
de: bow-leg, bandy-leg, deformity of the legs
initial: s
lx: sakiiro
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: sakiiro
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Samiira
name-f companion, entertainer, pleasant, patient, conversant
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sariiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax tafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariiro
(fal) saloolo; saloogo; isku taag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqiiq
(Shaqiiq-a)
Cudur madaxa qabta oo wixii qabaa ilkaha isku lisaan oo jirriqsadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqiiq
m.l Cudur madaxa qabta oo wixii qabaa ilkaha isku lisaan oo jirriqsadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaqiiq
m.l Cudur madaxa qabta oo wixii qabaa ilkaha isku lisaan oo jirriqsadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqiiq
m. n. neuralgia, disease that causes someone to grind one's teeth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqiiq
-ga: (magac, lab, keli) cudur madaxa ku dhaca oo wixii qabaa ilkaha isku xoqaan, isku lisaan oo jirriqsadaan. Dh: qandho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqiiq
de: neuralgia, disease that causes s.o. to grind one's teeth
initial: s
lx: shaqiiq
pd: (-a)
ps: n-m
key: shaqiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shariir
(Shariir-ta)
Sharriir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shariir
m.dh Baruur subaggii laga shiilay. la-mid: sharriir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shariir
f. n., (mass n.): rendered meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shariir
-ka: (magac, lab, keli) ruux shar badan, sharrir.
shariir-ka: (magac, lab, keli) cad baruur ah oo shiilan, sharrir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shariir
de: rendered meat
initial: s
lx: shariir
pd: (-ta)
ps: n-f-mass
see: sharriir
key: shariir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taqsiir
f. n. fine, penalty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqsiir
(fal) cid kale, ganaax. Dh: khasir, garraax.
taqsiir -ta: (magac, dhedig, keli) yake, eedsiis ama cisaaro; tacsiir ayaa lagu xukumay. Dh: ganaax, khasiraad, garraax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taqsiir
a: tacsiir
de: fine, penalty
initial: t
lx: taqsiir
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: taqsiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siir
(Siir-ka)
Sicir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siir
m.l la-mid: sicir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siir
m. n. rate, price
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siir
-ka: (magac, lab, keli) qiime; sicir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siir
a: sicir
de: rate, price
initial: s
lx: siir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: siir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amiir
m.l 1. Waxaruhu marka ay ka go'aan naaska hooyadood oo ay gooni u daaqaan; aaran. 2. la-mid: ammiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amiir
m. n. leader
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Amiir
name-m prince, ruler, leader
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
amiir
-ka: (n) emir (i-miir)-, a prince (piriins)-, governor or leader ~ ammiir