saqaafid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqaafid
m.f.dh eeg saqaaf². la-mid: saqaafeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqaafid
-da: (magac, dhedig, keli) socodka ujeeddadiisu tahay sahan gaaban. Dh: socsocod, saqaafo.
saqaafid-da: (magac, dhedig, keli) warwareeggadka iyo socsocodka aan ujeeddada lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaafid
m.f.dh eeg salaaf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqaafeyn
m.dh la-mid: saqaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafid
(Saafid-da)
Burunji hilib ama wax la mid ah, mindi ku dildillaacin taniyo intuu ka noqdo wax ballaaran oo xalleefsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafid
m.f.dh eeg saaf². la-mid: saaf¹ (2).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saafid
Analysis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib jiidh ah iyo wax la mid ah, mindi ku dildilaacin ilaa uu noqonayo wax goglan ama bagafsan. Habartu wa ku ba'as tahay saafidda hilibka.
saafid-da: (magac, dhedig, keli) hadal iyo wax la mid ah, kala qalqalid, kala cadcaddayn, kala macnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqaaf
saqaaf¹: m.l la-mid: saqaafe.
saqaaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Macne la'aan socosho. la-mid: saqaafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqaaf
-ka: (magac, lab, keli) socod gaaban, ujeeddadiisu sahan indha-indhayn ah.
saqaaf -ka: (magac, lab, keli) warwareegga iyo socsocodka aan ujeeddada lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqaafi
f.mg2 (-iyay, -isay) Si debec iyo jiljileec ku jiro u dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqaafe
m.l Socod warwareeg ah oo lagu qaraabto. la-mid: saqaaf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqaafo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg saqaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqaafi
(fal) u soco si daal ku jiro ama cagajid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqafid
-da: (magac, dhedig, keli) waqaf ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaafid
(Dalaafid-da)
Ayaandarro iyo darxumo ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaafid
m.f.dh eeg dalaaf². la-mid: dalaaf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaafid
-da: (magac, dhedig, keli) darxumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawaafid
(Dawaafid-da)
Kacbada ku wareegid, Xajka gudashadiisa kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaafid
m.f.dh eeg dawaaf². la-mid: dawaaf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaafid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka kolba meel u socdaalid, wareegid. Dh: dawaafis.
dawaafid -da: (magac, dhedig, keli) Kacbada ku wareegid. Aabbo dawaafidda wuu karaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaafid
(Hadaafid-da)
Socod gaabis ah, socosho; hudeecid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaafid
m.f.dh eeg hadaaf². la-mid: hadaaf¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaafid
-da: (magac, dhedig, keli) sidii ilmo yar ama qof indhala' u socosho. Dh: ansaleellayn, hudeecid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqaafin
m.f.dh eeg jaqaafi. la-mid: jaqaafis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqaafis
m.l la-mid: jaqaafin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaqaadid
vl. n. confiscation, taking away
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaqaadid
de: confiscation, taking away
lx: kaqaadid
pd: (-da)
ps: vn1-f
see: qaad
key: kaqaadid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaafad
-da: (magac, dhedig, keli) boob farsamaysan oo amaah la moodo. Waxba ha amaahin dadka qaar waa salaafad miidhane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salaamid
(Salaamid-da)
Salaan ku dhihid; bariidin; nabdaadin; gacanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaamid
m.f.dh eeg salaan².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salaamid
-da: (n) the act of greeting (giriiting)-, salutation (saal-yu-teey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaamid
-da: (magac, dhedig, keli) bariidin; hadallo salaamo ah ku dhihid, Dh: nabdaadin, gacanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salaaxid
(Salaaxid-da)
Wax la salaaxay ama salaaxan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaaxid
m.f.dh eeg salaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta oo lagu xoodaamiyo neefka candhadiisa si uu caano u keeno. Dh: xoodaamin.
salaaxid-da: (magac, dhedig, keli) buuxin oo geerka la simid.
salaaxid -da: (magac, dhedig, keli) dusha ka sinsimid, ka talbiisid.
salaaxid-da: (magac, dhedig, keli) si khafif ah dusha gacanta uga marmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqaafee
f.mg2 (-feeyay, -feysay) la-mid: saqaaf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraadid
(Saraadid-da)
Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadid
m.f.dh eeg saraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraadid
-da: (magac, dhedig, keli) ka sii sheeg wax inta uuna dhicin, wax dhici doona timaadda sii sheeg. Dh: saadid, saadis, saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaabid
m.f.dh eeg sawaab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaabid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaab siin; ajar siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxaafad
m.dh Habka, aqoonta iyo farsama-da loo isticmaalo war lagu baahinayo jara'-id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxaafad
m.dh Habka, aqoonta iyo farsamada loo isticmaalo war lagu baahinayo jara'id.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxaafad
f. n., [abstract] journalism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxaafad
-da: (n) the press (da pa-rees); news business; journalism (joor-naalism) ~ warbaahinta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxaafad
-da: (magac, dhedig, keli) habka iyo. qaabka wararka iyo wargeysyada loo qoro oo dadka loo gaadhsiiyo, warbaahinta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxaafad
bw: Arabic
de: journalism
initial: s
lx: saxaafad
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: saxaafad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaafid
m.f.dh eeg xagaaf³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaafid
-da: (magac, dhedig, keli) xagaaf ku shaqayn oo haramaha ka gurid daadkana beerta u sallixid. Dh: xagaafis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanqaadid
(Saanqaadid-da)
(ilmo yar) socod barasho bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanqaadid
m.f.dh eeg saanqaad². la-mid: saanqaad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) 'ilmo yar' socod bilaabid socodbarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saruqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) waxbarasho ama dhaqaale, kor u qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaqaalid
(Abaqaalid-da)
(geed, dad) meel ka rujin oo meel kale ku abuurid; meel ka wadid oo meel kale ku korin; tallaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaqaalid
m.f.dh eeg abaqaal². la-mid: abqaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaqaalid
-da: (magac, dhedig, keli) geed meel ka baxay, meel kale ku joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaraarid
(Asaraarid-da)
Hadal la sheegay asaraar ka hor keenid; beenin; ogaaldiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaraarid
m.f.dh eeg asaraar². la-mid: asaraar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) jikaar iyo dood dadka lagala hortago iyadoon waxba la hubsan. Asaraar jinnaa lagu yaqaan abaska naagoode. Dh: jikaarid, murmid, doodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dadka gaar ahaan dhallinyarta xoogga leh, hub qaadid.
dabqaadid -da: (magac, dhedig, keli) (u ~) kala labo qolo oo is haysa oo heshiisiin. Dabqaadidda labada beelood ayaa wada?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaafid
-da: (magac, dhedig, keli) ayaandarro iyo darxumo ku dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dal dalkisii laga riixo oo dad kali ka qaataan. Dh: dalqaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danqaabid
m.f.dh eeg danqaab². la-mid: danqaab¹, danqaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kolka horeba aan luga adag ku joogin, taabasho oo danqarid. Dh: daarid, dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqaqamid
(Daqaqamid-da)
Dhaqdhaqaaqid ama socosho yar sida tan carruurta yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqaqamid
m.f.dh eeg daqaqan². la-mid: daqaqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqaqamid
-da: (magac, dhedig, keli) smeel aan fogayn u dhaqaaqif oo faalalid.
daqaqamid-da: (magac, dhedig, keli) si ay haliilid ku jirto wax u doonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaaqid
(Dhaqaaqid-da)
1. Dhaqaaq bilaabid.
2. Wax shubma noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaqid
m.f.dh eeg dhaqaaq². la-mid: dhaqaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) socod billaabid. Gurguuradku waa dhaqaaqidda bilawgeeda. Dh: dhaqaaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garqaadid
(Garqaadid-da)
1. Gar niqiddeed gelid oo dad ama cid kale ku kala saarid; garsoorid; garniqid.
2. Hoggaamin; wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garqaadid
m.f.dh eeg garqaad². la-mid: garqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) garsoorid ama dhexdhexaadin; dacwad qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halqaadid
m.f.dh eeg halqaad². la-mid: halqaad¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaamid
m.f.dh eeg harqaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafajafid
-da: (magac, dhedig, keli) geed iyo wixii la mid ah ama laan garaaacid marar badan. Dh: garaacidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaafid
m.f.dh eeg jallaaf. la-mid: jallaafayn, jillaafayn, jillaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqaamid
m.f.dh eeg marqaan². la-mid: murqaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marqaamid
-da: (magac, dhedig, keli) fayaamid oo wax mirqaan ku jira ahaan. Dh: mirqaamid, murqaamid, fayaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqraacid
(Naqraacid-da)
Geeddi naqraac ah, cid u rarid, u guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqraacid
m.f.dh eeg naqraac². la-mid: naqraac¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalqaalid
(Qalqaalid-da)
Tabaabushayn; abaabulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraafiid
(tilmaame) wax qallalay oo adag.
qaraafiid-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaraafiic.
qaraafiid -ka: (magac, lab, keli) mid aad u ad'adag ahaan. Dh: qarfiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraafid
m.f.dh eeg qarraf². la-mid: qarraaf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraafid
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan iyo kala fataalid ka shaqayn. Dh: jillaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qashaafid
m.f.dh eeg qashaaf². la-mid: qashaaf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sii sheegid, wax soo fool leh ka sii warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbaarid
m.f.dh eeg sabbaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sabbaar qaadasho: jicsimasho: sahay qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadcaalid
m.dh la-mid: socdaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadcaalid
-da: (magac, dhedig, keli) safrid; ambabbixid; socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagsaagid
m.f.dh eeg sagsaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagsaagid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl iyo wixii la mid ah, fulintooda iska dhawrid; u hagarbixid la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakhaafad
-da: (magac, dhedig, keli) edebdarro; dhaqanxumo. Dh: afxumo, anshaxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salgaarid
m.f.dh eeg salgaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salgaarid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wax la mid, gunteeda iyo xaqiiqdeeda, ogaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samafalid
(Samafalid-da)
Samafal la imaansho; camal san falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samafalid
m.f.dh eeg samafal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samafalid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag falid: khayr falid: ixsaan falid: camal san samayn; samafal la imaad.