sanwadid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanwadid
-da: (magac, dhedig, keli) fuunyo ku kaxaynta dibida. Dibi xaraash ah sanwadid lagu hagaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) sangadh samayn. Dh: shanqadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhici doona astaamahooga ka sii sheegid; mala'awaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanwad
-ka: (magac, lab, keli) xadhig dibiga sanka laga sudho oo lagu hoggaansho xilliga qodaalka. Dh: fuunyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawadid
(Qawadid-da)
Wax laysa siiyey, yaraysasho, saluugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawadid
m.f.dh eeg qawad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawadid
-da: (magac, dhedig, keli) iska weyneysiin oo ka faanid. Qawadidda bilaa macniga ah dadku way nacaan. Dh: qawadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaxid
m.f.dh eeg sawax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaxid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaxan samayn; buuqid; qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaadid
m.dh la-mid: cinaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fannadid
-da: (magac, dhedig, keli) meel la baadhayo aad u faaqidid. Aqalkii baa fannadid lagula kacay. Dh: fatishid, baadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gannadid
m.f.dh eeg gannad². la-mid: gannad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gannadid
-da: (magac, dhedig, keli) oogo aan dhaaddanayn yeelasho. Dh: jaynafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Handadid
(Handadid-da)
Si handad ah ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handadid
m.f.dh 1. la-mid: handad ¹, hanfadid. eeg handad². 2. la-mid: haddidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handadid
-da: (magac, dhedig, keli) si handad ah ku kicid; u cagajugleyn; u hanjabaad; gooddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanfadid
(Hanfadid-da)
Handadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfadid
m.dh la-mid: handadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfadid
-da: (magac, dhedig, keli) si cir weyni ku jirto wax u doonid. Hanfadidda waxba ku heli mayside tartiibso. Dh: hanfadis, gooddin.
hanfadid-da: (magac, dhedig, keli) u cagajuglayn iyo u hanjebid. Dh: handedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salladid
m.f.dh eeg sallad³. la-mid: sallidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salladid
-da: (magac, dhedig, keli) «ku ~ dhib kaga dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandahid
-da: (magac, dhedig, keli) sogordahid ama qarin. Dh: dadid. Li: caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanqarid
(Sanqarid-da)
Shanqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqarid
m.f.dh eeg sanqar². la-mid: shanqarid, sharqamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqarid
-da: (magac, dhedig, keli) sanqar la maglo samayn; sharqamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraadid
(Saraadid-da)
Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadid
m.f.dh eeg saraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraadid
-da: (magac, dhedig, keli) ka sii sheeg wax inta uuna dhicin, wax dhici doona timaadda sii sheeg. Dh: saadid, saadis, saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tanaadid
(Tanaadid-da)
Tanaad noqosho; hodmid; taajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanaadid
m.f.dh eeg tanaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qofku marka uu isku fillaado dhinac wax barsho iyo dhinac dhaqaaleba ee uu muuqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanqaadid
(Saanqaadid-da)
(ilmo yar) socod barasho bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanqaadid
m.f.dh eeg saanqaad². la-mid: saanqaad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) 'ilmo yar' socod bilaabid socodbarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) sanqadh la maglo samayn; sharqamid; sanqarid; shanqarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fannaadid
-da: (magac, dhedig, keli) fintirid iyo kibrid. Dh: kibirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangadid
m.f.dh eeg maangad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangamid
m.f.dh eeg saangan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sammaadid
m.f.dh eeg sammaad².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanaadiiq
f. n., pl. boxes, chests, trunks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanaadiiq
-da: (n) [plural of sanduuq-a] boxes (booksis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanaadiiq
bw: Arabic
de: boxes, chests, trunks Sg: sanduuq
initial: s
lx: sanaadiiq
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: sanaadiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbaabid
-da: (magac, dhedig, keli) afdhuubyaalayn: afdhuubyaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaadad
-da: (magac, dhedig, keli) daandaansi badnaan. Sannaadaddu waa shuqul magaalo. Dh: kibrad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaarid
m.f.dh eeg sannaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sannaar ku dabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannad-if
m.l Socodka uu sameeyo ilyska sannadkiiba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sannad-if
m.l Socodka uu sameeyo ilyska sannadkiiba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sannadeed
n. phr., genetive: annual
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sannadeed
de: annual
initial: s
lx: sannadeed
ps: np-gen
key: sannadeed
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sannadkii
Annual
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) sanqadh ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santaagid
m.f.dh eeg santaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
santaagid
-da: (magac, dhedig, keli) santaag samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahaadid
m.f.dh eeg shahaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanqarid
(Shanqarid-da)
Shanqar la maqlo samayn; (ama sharqamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanqarid
m.dh la-mid: sanqarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqarid
-da: (magac, dhedig, keli) shanqar la maqlo samayn; sharqamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxaadid
(Shaxaadid-da)
Yaboohsasho; dawarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxaadid
m.f.dh eeg shaxaad². la-mid: shaxaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxaadid
-da: (magac, dhedig, keli) shaxaad ka doonid, weyddiisad; wax weyddiisad; shaxaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarwadhid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl loo maarowaayey oo cid kale loogu cawdo ama ciirsi loo weydiisto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sankahadlid
m.dh Islweyni; kibir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sankahadlid
m.dh Islweyni; kibir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sankahadlid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir iyo islaweyni sanka taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadid
(Aadid-da)
Meel u socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadid
m.f.dh eeg ąad³; la-mid: ąad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka dhaqaaqid oo tu kale u socdaalid. Dh: tegid, aaditaan.
aadid -da: (magac, dhedig, keli) «ku~> qof ama wax kale ka hortegistiisa ama ku beegnidiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awdid
(Awdid-da)
Meel daloosha xirid, wax ku rogid, ku qarin; daboolid; gufeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awdid
m.f.dh eeg awd². la-mid: awd¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awdid
-da: (magac, dhedig, keli) meel daloosha xidhid, wax ku rogid ama ku qarin. Awdid buu hoggaasi u baahan yahay oo jiir baana deynayn. Dh: daboolid, gufayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhici doona sii sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhici doona sii sheegid. m.f.dh, saadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saadi
v. predict, foretell; give a good omen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saadi
-yey / say: (v) predict (pirid-ikt); foretell (foor-teel) foresee (foorsii); forecast (foor 'kaast); prognosticate (porognaastikeeyt) ~ saadaali, saraadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadi
(fal) 'wax soo socdaa siday noqon doonaan' wax ka sii sheeg. Dh: mala'awaal.
saadi: (fal) (u ~) wax ku dhici doona, u sii sheeg. U sii saadi safarkooda.
saadi: (fal) waxyaalo dhici doona astaamohooda, sii sheeg, sii muuji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saadi
de: predict, foretell; give a good omen
initial: s
lx: saadi
nt: saadin (ta) [vn-f], saadis (ka) [vn-m]
pd: (saadiyey)
ps: v2a=tr
key: saadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanad
m.l/dh la-mid: sannad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanad
m. n.-time: year
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanad
-ka: (n) year (yeer) ~ sano, sannad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanad
-ka: (magc, lab, keli) 365 cisho iyo meel afraad maalineed oo ka kooban 12 bilood oo ay bishii ba tahay 4 toddobaad, mid walbaa na 7 cisho tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanad
a: sano ~ sannad {C & S < Arb}
de: year
initial: s
lx: sanad
pd: (-ka ~ -da)
ps: n1-m/f-time
key: sanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadid
(Wadid-da)
1. Wax nool (dad, xoolo) ama aan noolayn (markab, doon, baabuur, ...) meel ka kaxayn oo meel kale u kaxayn.
2. (°) wed u noqosho; dilid; melgid; (ama wedid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadid
m.f.dh eeg wad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadid
-da: (n) the act of driving or leading ~ see [eeg] wad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadid
-da: (magac, dhedig, keli) dabada ka kaxayn oo meel u jihayn.
wadid-da: (magac, dhedig, keli) markab, gaadhi, iyo wixii la mid ah kaxayn: dareewalin. Waxa jira meelo lagu barto wadida baabuurta. Li: joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baadid
(Baadid-da)
Wax badan maqnaan; raagid; daahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadid
m.f.dh eeg baad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąadid
m.f.dh eeg bąad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadid
-da: (mayac, dhedig, keli) cela magnaan dheeraata. Scadid ku kala raugnays helmaan, baro wada galeyna. Dh: baaris, raagid, dachid, dibloed
baadid -da: (magac, dhedig, keli) Laydhitaanka iyo leexashada dhiuc la maro. Kobta adhiga becaubu degay kor uga baadaye
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
candid
/kandhidh/ (adj) daacad u hadlid (saraaxo u hadal).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
candid
/kandid/ (adj) runty sheeghaw, daa'ad eh, lillaahi eh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawdid
m.f.dh eeg cawd².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadid
m.f.dh eeg daad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faadid
(Faadid-da)
(cunno, kd.) raagid iyo oollimaad darti la xumaansho; khaashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faadid
m.f.dh eeg faad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadid
-da: (magac, dhedig, keli) rogidda maro ama daah. Dh: feydid.
faadid-da: (magac, dhedig, keli) hurdo aan waxba la dareemin seexad; hurdo daal keenay la gam'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadid
(Gaadid-da)
Wax aan digtooneyn oo aan is jirin, inta loo soo dhuunto, wax yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadid
m.f.dh eeg gaad². la-mid: gaadis, gaadmo, gaadniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, u gabbasho oo si dhuumasho ah ugu kuurgalid. Dh: gaadis, gaadmo. Li: badheedhid.