sanqadh-a
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanqadh-a
bruit.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadhla'
-da: (magac, dhedig, keli) aan inaba shanqar ahayn; juuqla la' ah.
sanqadhla' -da: (magac, dhedig, keli) meel cidla ah oo aanay dad iyo duunya ba joogin. Dh: waaqla, juuqla'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daryaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dareemidda madaxwareer. Dh: diryaamid.
daryaamid-da: (magac, dhedig, keli) samaynta sanqadh ama hugun weyn. Dh: diryaamid. daryaan: (fal) dareen madaxwareer la moodo in madaxa gudihiisa ha kaa sanqadho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riigaamo
-da: (magac, dhedig, keli) sanqadh aad u weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanqadh
f. n. slight noise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanqadh
-ta: (n) noise (nooyz); sound (saawndh) ~ sanqar, shanqadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadh
-a: (magac, dhedig, keli) wax dhegi maqasho oo cod ama dhaqdhaqaaq samaynaya. Inaad saamo jiiddiyo sanqadh tirasho kala daa. Dh: shanqadh, sanqar, shanqar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanqadh
a: sanqar (ta) [n1-f] {N}
de: slight noise
initial: s
lx: sanqadh
pd: (-dha)
ps: n1-f
key: sanqadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) sangadh samayn. Dh: shanqadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) sanqadh ka keenid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanqadhayya
faire du bruit.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) sanqadh la maglo samayn; sharqamid; sanqarid; shanqarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) shanqadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqadh
-a: (magac, dhedig, keli) joogsi yar oo uu roobku mar uun jag u qaado. Dh: joogsi.
hanqadh -ka: (magac, lab, keli) onkodka weyn ee danabka wata. Hillaaca hanqadh baa ka danbeeya. Dh: hanqar, onkod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqadhi
(fal) roob, muddo yar istaag. Dh: qadood.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanad-ka
année.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqasho
m.f.dh eeg sanqo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqasho
-da: (magac, dhedig, keli) isha ama sanka oo la iskala hadlo, farriin afjaaq ah la isugu gudbiyo, iyada oo dadka kale laga qaraniyo. Sanqashadu waa hadal haddana waa si gooni ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanqadh
-ta: (n) noise (nooyz); sound (saawndh) ~ shanqar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqadh
(fal) sanqadh samay, sangar.
shanqadh -a: (magac, lab, keli) wax dhegtu maqasho oo aan ahayn codka dadka iyo duunyada iyo yeerta oo dhawaaq sameeya; sangar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) onkodid. Roob hanqadhin badan baa da'aya. Dh: hanqarin.
hanqadhin -ta: (magac, dhedig, keli) muddo kooban is taagid oo qaadid; roobku muddada yar ee uu istaago, inta aanu dib u soo bilaabmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqadhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hanqadhin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Langadhe-ha
estropié.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadhbeel
-ka: (magac, lab, keli) sangadh joojin. Sangadhbeelka roobka ha innoo ahaato. Dh: shanqadhbeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayncaddaa
m.l Nin da' weyn oo waaya-arag ah. la-mid: sayncadde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayncaddaa
(tilmaame) mid soo jireen ama waayo arag ah.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Snanaad-da
cinquième.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sansanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) sangadh badan oo soo noqnoqod leh. Dh: shanshangarid, shashanqadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sansanqadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) sangadh badan u yeelid; waxlax ka shashangadhin. Sansanqadhinta shuguxda adhiga ka daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqadhbeel
-ka: (magac, lab, keli) shanqar la'aan, meel ay sangar ka yeerayn ama aan laga maqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danqad
m.l la-mid: danqasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jaah-a
visage.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Kanada
pr. n., loc. Canada
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Kanada
(n) Canada; Ottawa is the capital and Montreal the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Kanada
de: Canada
lx: Kanada
ps: n0-loc-f
key: Kanada
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qudh-a
personne.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadhi
-ga: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah dharka dumarku xidhaan oo ay isku maraan oo aan tolnayn; maro sida qaydka oo kale u faya furan oo inta badan dumarka Hindidu xidhaan. Dharku saadhi qudha maaha, saylooni garan maaha... Dh: saari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saladh
m. n. lettuce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saladh
-ka: (n) 1. lettuce (lee-tas). 2. salad (saa ladh) ~ salar, ansalaato
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saladh
de: lettuce
initial: s
lx: saladh
pd: (-ka)
ps: n2a-m-enum
syn: ansalaato {Eng}
key: saladh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanaad
-ka: (magac, lab, keli) sareedo iyo wanaagga xilli. Dh: samaad.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanaca
Sanaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sancad
f. n. industry; factory, plant; engineering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sancad
de: industry; factory, plant; engineering See also: sanco
initial: s
lx: sancad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: sancad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandah
(fal) qari oo dad. Sandah hadalka waligaa. Dh: maldah. Li: caddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sannad
(Sannad-da, Sannad-ka)
Labiyo toban bilood ama 365 maalmood; sano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannad
m.l/dh (-do, m.l) Waqti hal mar dhulku qorraxda ku wareego oo u dhiganta 365 maalmood ama laba iyo toban (12) bilood. la-mid: sanad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sannad
Year
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sannad
Year
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sannad
m. n.-time: year
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sannad
-ka: (n) year (yeer) ~ sano, sanad.
sannadka cusub: (n) the New Year
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannad
-da: (magac, dhedig, keli) muddo ka kooban 365 maalmood iyo maalin waaxdeed; 12 bilood. Dh: gu, sano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sannad
a: sanad ~ sano {N < Arb}
de: year
initial: s
lx: sannad
pd: (-ka ~ -da)
ps: n1-m/f-time
key: sannad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sannad
حول، سنة، عام
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanqar
(Sanqar-ta)
Shanqar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqar
sanqar¹: m.dh (-ro, ml.) Jabaqda ka dhalata laba shay oo isku dhacday. la-mid: shanqar¹, sharqan¹, sharqar¹.
sanqar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Sanqar samayn. la-mid: shanqar², sharqan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanqar
sanqar¹: m.dh (-ro, ml.) Jabaqda ka dhalata laba shay oo isku dhacday. la-mid: shanqar, sharqan, sharqar.
sanqar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Sanqar samayn. m.f.dh, sanqarid. la-mid: shanqar, sharqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanqar
v. make a noise ~ sound
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanqar
-ta: (n) noise (nooyz); sound (saawndh) ~ sanqadh, shanqar.
ka sanqari -yey / say: (v) cause something to make a noise ~ ka sharqami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqar
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhegtu maqasho oo aan ahayn codka dadka iyo duunyada iyo yeerta qalabka muusikada. Dh: sharqan, sanqadh, shanqadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanqar
de: make a noise ~ sound
initial: s
lx: sanqar
pd: (sanqaray)
ps: v1=intr
see: shanqar
key: sanqar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanwad
-ka: (magac, lab, keli) xadhig dibiga sanka laga sudho oo lagu hoggaansho xilliga qodaalka. Dh: fuunyo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saq-da
sommeil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canfadh
(fal) «ka ~» neef calalin kari la' daaqii uu daanka gashaday, ka soo faq.
canfadh -ka: (magac, lab, keli) farsamada looga soo guro neefka cunto daanka ugu jirta oo uu calalin kari waayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganbadh
-ka: (magac, lab, keli) barjin saan budhudh laga sameeyo. Dh: kanbadh, gabar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gannada
-da: (magac, dhedig, keli) dhaaddanaan la'aanta oogada oo baahida iyo dhibaatadu keenaan. Dh: jaynaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbadh
-ka: (magac, lab, keli) shinbir fiidkii soo baxa; hughuge.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saad-ka
vivres.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saadiqa
name-f friend, truthful, sincere
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaada
-ha: (magac, lab, keli) daalka iyo tabcaannimoda.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sadax-a
pont d'un navire.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salladh
-ka: (magac, lab, keli) khudaarta inteeda cagaaran oo la cuno oo caleenta keliya ah. Salladh la'aan baasto ma cuno. Dh: sallar, salaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbudh
-ka: (magac, lab, keli) hah kulul oo sanka ka soo baxda kolka waxyaalaha qaarkood la kabbado, sida kookaha. Dh: muh, jinaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandhal
-ka: (magac, lab, keli) eeg sandaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqari
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka s.: wax sanqar ka yeersiin. la-mid: shanqari, sharqami.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanqari
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka s.: wax sanqar ka yeersiin. m.f.dh, sanqarin. la-mid: shanqari, sharqami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saqbadh
m. n. midnight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saqbadh
-ta: (n) late at night; midnight (mid-naayt) ~ saq barta, saqda dhexe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqbadh
-ka: (magac, lab, keli) kolka habeenka badhkii tago. Saqbadhkii buu soo hoyday. Dh: saqdhexe, nagdhexe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saqbadh
de: midnight See also: saq-dhexe {N}
initial: s
lx: saqbadh
pd: (-ka)
ps: n0-m-time
key: saqbadh
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaah-a
thé.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanqad
(Shanqad-ka)
1. Xoolo shan maalmood oo isku xiga, biyo ka qatanaada.
2. Xanuun ama qandho, shantii maalmoodba, kol timaadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanqad
m. n. five day period of not having drunk water
shanqad m. n. quintan fever
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqad
-ka: (magac. lab, keli) xoolo shan maalmood oo isku xiga, biyaha ka qatanaada.
shanqad -ka: shantii maalmoodba mar, xanuun ama qandho timaadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanqasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof baad iyo biyo la'aan u liita. Dh: aq, caq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banfadhi
m.l.kh (-iyo, m.dh) la-mid: danfadhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danfadhi
m.l.kh (-iyo, m.dh) B. ah: xoolo aan xero lahayn. la-mid: banfadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danfadhi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo aan xero lahayn. Dh: banfadhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danqasho
(Danqasha-da)
Daqnasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danqasho
m.f.dh eeg danqo. la-mid: damqad, damqasho, danqad, daqmad, daqmasho, daqnad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danqasho
vl. n. act of hurting an already sore spot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danqasho
-danqashada: (n) hurting (harting); feeling pain from an injured spot ~ damqasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqasho
-da: (magac, dhedig, keli) damqasho yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danqasho
de: act of hurting an already sore spot
lx: danqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: danqasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ganbadho
naanays ama magac loo baxsho gabadh u dhalatay gaabni.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Manfac-a
avantage.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanam-ka
statue, idole.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanca-da
industrie.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sandahan
f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Qof, qof kale wax siintiisa u jajaban.