sannoobbir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannoobbir
-ka: (magac. Lab keli) geed aad u dheeraada oo leh waxtar iyo qurux, leh caleemo cutubyo ah oo irbado la moodo iyo midho kurtimo leh, waxyaalo badan baa laga sameeyaa looxiisa. Dibadda ayaa laga keena sannoobirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanoobbir
(Sanoobbir-ka)
Geed-abaareed waxtar iyo qurux isku darsaday; wuxuu lee yahay caleemo cuntub cuntub isugu xiran oo irbado la moodo iyo miro isku duuban oo korka kurtummo yaryar iyo toxob ku leh; aad buu u dheeraadaa alwaaxdiisana waxyaalo aan la tirin karin baa laga sameeyaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanoobbir
m. n., [compound] dry-area tree species, cedar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanoobbir
-ka: (magac, lab, keli) geed'abaareed waxtar iyo qurux isku darsaday wuxuu lee yahay caleemo cuntub cuntub isugu xiran oo irbado la moodo iyo miro isku duuban oo korka kurtummo yaryar iyo toxob ku leh; aad buu u dheeraadaa alwaaxdiisana waxyaalo aan la tiring karin baa laga sameeyaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanoobbir
de: dry-area tree sp., cedar
initial: s
lx: sanoobbir
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: sanoobbir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanoobir
m.l Geed abaareed aad u dheeraada oo qurux iyo waxtarba isku darsaday oo leh, caleemo dhuudhuuban, cutub-cutub isugu xiran oo cirbad la moodo iyo miro isku duuban oo korka kurtumo yaryar iyo toxob ku leh oo alwaaxdiisa waxyaalo badan laga sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanoobir
m.l Geed abaareed aad u dheeraada oo qurux iyo waxtarba isku darsaday oo leh, caleemo dhuudhuuban, cutub-cutub isugu xiran oo cirbad la moodo iyo miro isku duuban oo korka kurtumo yaryar iyo toxob ku leh oo alwaaxdiisa waxyaalo badan laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saabbir
(Saabbir-ka)
Nolol adag ku nool; sabool; cayr; miskiin; faqiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabbir
m.l.kh S. ah: cayr fara maran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saabbir
m. n. poor person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabbir
-ka: (magac, lab, keli) qof nolol adag ku nool, hanti la'aan ku nool, qof aad u sabra. Xagga Eebbe wanaag baa u yaalla saabbirka. Saabbir waa sacabbo madhan. Dh: sabool, caydh, miskiin, faqlir, saabbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saabbir
de: poor person
initial: s
lx: saabbir
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: faqiir, miskiin
key: saabbir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanboor
(Sanboor-ka)
Cudur sanka ku dhaca oo hindhiso badan keena.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanboor
v. have rhinitis, get a nasal inflammation ~ an allergy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanboor
-ka: (n) sinus allergy (saaynas al-larji); especially sneezing caused by allergic reaction ~ samboor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanboor
-ka: (magac, lab, keli) cudur sanka ku dhaca oo hindhiso badan iyo cabbudhaad wata. Sanboor baa i haya oo ma neefsan karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanboor
de: have rhinitis, get a nasal inflammation ~ an allergy
initial: s
lx: sanboor
pd: (sanbooray)
ps: v1=intr
see: samboor
key: sanboor
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sanboor
حَسَّاسِيَّة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobi
(fal) wax daadsan ama firi leh sida badar kuul iyo wixii la mid ah, sacabada ku qaad. Dh: xantoobi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ennoblir
ennoblir, v. - sharfid; boqrid; meeqaam sare gaadhsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matoobbi
(fal) ulee oo la dhac ul bakoorad ah. Waar ninka matoobbi wuu ku wareershee. Dh: bakooradee.
matoobbi-ga (magac, lab, keli) ul toosan oo xagga sare ka soo qoolaaban oo xarrago iyo ku dagaalanba loo qaato. Nin matoobbi iyo cimaamad sita ayaa na soo maray. Dh: bakoorad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakookir
-ka: (magac, lab, keli) qof maskaxda wax uga dhiman yihiin. Sakookir sahan looma dirto. Dh: salsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloobid
(Saloobid-da)
Sal noqosho, yeelasho; dhaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloobid
m.f.dh eeg salow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloobid
-da: (magac, dhedig, keli) sal noqosho, yeelasho: dhab noqosho. Dh: dhaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sangooti
m.dh Koox fardo dhufaanan ah oo xoogna leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sangooti
-da: (magac, dhedig, keli) koox fardo dhufaanan ah oo xoogna leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobi
f.g2 (-iyay, -isay) Hal mar sacabka wax ku qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xantoobi
v. take a handful of something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xantoobi
-yey I say: (v) grasp a handful; take a handful ~ xantoobso, cantoobi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xantoobi
de: take a handful of s.t.
initial: x
lx: xantoobi
pd: (xantoobiyey)
ps: v2a=tr
key: xantoobi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caano noqosho; caddaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax daadsan oo firi leh sida badar kuul iyo wixii la mid ah, sacabbada ku qaadasho. Dh: xantoobin, cantoobis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cantoobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cantoobsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangoobid
m.f.dh eeg dangow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoobbar
m.l Bardhul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandoobid
m.dh la-mid: gantoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gandooban ka dhigid. Dh: gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gantoobid
m.f.dh eeg gantoob². la-mid: gandoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gandooban oo aan dhannayn ka dhigid. Dh: gaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantoobni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg gantoobnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) in weyn gacanta kaga qaadasho. Dh: cantoobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanboorid
(Sanboorid-da)
Sanboor qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanboorid
-da: (magac, dhedig, keli) sanka boor ka gelin; sanboor ka dawayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanboorin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg sanboorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xankoobid
m.l Nooc ka mid ah dhirta xabagta leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobin
m.f.dh eeg xantoobi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) kol sacabka k wada qaadid. Dh: cantoobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantoobsi
-ga: (magac, lab, keli) cantoobo muggeed qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yantoobsi
-ga: (magac, lab, keli) sacabka mar kuwada wada qaadasho. Yantoobsi weynaa wiilka yari. Dh: cantoobsi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
janno, beer
حَدِيقَة، جَنَّةَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabooloobid
(Sabooloobid-da)
Sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabooloobid
m.dh la-mid: saboolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) sabool noqosho. Dh: caydhoobid.