sannaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaabo
m.dh (-ooyin, m.l) Cunto yar oo aan qof weyn ku filnayn. la-mid: sannahaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannahaabo
m.dh la-mid: sannaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Cunto yar oo aan ku filnayn qof weyn siin. la-mid: sannahaabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saynsaabo
f.g3 (-btay, -batay) Wax saynsaab u samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dannabo
m.dh la-mid: dannabe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dannabo
-da: (magac, dhedig, keli) neefka geel ah oo xoolaha boojimada ama kuwo la soo xaday laga qasho. Dh: halabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janaabo
m.dh la-mid: jinaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbaab
-ka: (magac, lab, keli) afdhuubyaalaynta geelu badanaa sameeyo galabtii ama marka xerada lagu soo wado ee uu dheregsanyahay. Dh: durduro, afdhuublayn, addaandurro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sangaab
-ta: (magac, dhedig, keli) jawaabta ugu gaaban ee hadalka soo afjarta. Hadalka sar weedhiisa, hana lumin sangaabtiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaar
f.g1 (-ray, -rtay) Si joogto ah u qaylin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sannaar
v. cry out continously
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaar
-ka: (magac, lab, keli) qalab shabaag ka samaysan oo lagu dabo aargoostada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sannaar
cf: qayli
de: cry out continously
initial: s
lx: sannaar
pd: (sannaaray)
ps: v1=intr
key: sannaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dannaago
m.dh la-mid: dinnaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dannaago
-da: (magac, dhedig, keli) ci'da weyn ee higgaadda ah ee dibida iyo libaaxa. Dibi dhergey dannaago ayaa lagu yagaan. Dh: dinnaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dannaano
-da: (magac, dhedig, keli) labo dhinac oo dagaallamaya. Dh: dirir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danqaabo
m.dh la-mid: danqaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqaabo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg danqaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jannaaso
m.dh la-mid: janaaso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jannaayo
m.dh Bilaha qorraxda lagu xisaabo ee sanadka midda ugu horraysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jannaayo
m.dh Bilaha qorraxda lagu xisaabo ee sanadka midda ugu horraysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Jannaayo
f. n. January (first month of Roman calendar)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jannaayo
Janvier.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Jannaayo
-da: (n) January (janwari)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Jannaayo
cf: bil {It}
de: January (first month of Roman calendar)
lx: Jannaayo
pd: (/da)
ps: n0-f-time, n6-f
key: Jannaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaadh
-ka: (magac, lab, keli) qaylo dheer. Sannaadhka badan joojiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaadi
m.l S. ah: qof kibir badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaadi
-ga: (magac, lab, keli) daandaansi badan qof aad isula weyn, qof kibir badan. Dh: kibraani, sandaqaawi, cawaandi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaari
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka s.: nafley ka qaylisiin. 2. Ka s.: wax ka dhawaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tannaago
(Tannaaga-da)
Dhawaaq ama hadal lagu dheeraysto si dad kala fogi isu maqlaan; (ama tayaago).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tannaago
m.dh Hadal lagu dheeraysto si cid meel fog joogta loo maqalsiiyo; tayaago. la-mid: tannaagood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tannaago
f. n. shouting, calling out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tannaago
-tannaagada: (n) shouting (shaaw-ting); yelling (yeeling); screaming (iskiriim-ing), usually when communicating with someone at a distance ~ tinnaago
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tannaago
-da: (magac, dhedig, keli) hadal dhawaaqiisu dheer yahay si dad kala fogi isku maqlaan. Dh: tayaaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tannaago
de: shouting, calling out
initial: t
lx: tannaago
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tannaago
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xannaano
(Xannaana-da)
1. Ilaalinta iyo dhaqaalaynta carruurta yaryar.
2. Maamulka carruurta xannaaneeya iyo hawlihiisa guud ahaan.
3. Dhaqaale; turaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xannaano
m.dh Daryeel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xannaano
m.dh Daryeel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xannaano
f. n. tender-loving care, nurture, welfare, husbandry, nursing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xannaano
-da: (n) 1. care (keer); caring (keer-ing). 2. day care (dheey-keer). 3. husbandry (has-ban-dhari)-, farming (faarm-ing) ~ dhaqaalayn. Ex: xannaanoda digaagga; poultry farming
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xannaano
Cura
Care
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannaano
-da: (magac, dhedig, keli) meel ay wax ku bartaan carruurta yaryar een dugsi gaadhin oo lagu xanaaneeyo. Dh: xanaano.
xannaano -da: (magac, dhedig, keli) dhaqaalayn xag caafimaad iyo xag cunto intaba; daranyo dhabid. Dh: dhaqaale, daryeel. Li: halladaado. baylihin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xannaano
a: xannaanad
de: tender-loving care, nurture, welfare, husbandry, nursing
initial: x
lx: xannaano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xannaano
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xannaano
تَرْبِيَة ( الْأَوْلَادِ )، اِحْتِضَانِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaabayn
m.f.dh eeg sannaabee. la-mid: sannahaabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bannaanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) 1. Meel aan geedo iyo dhis midna lahayn; dhul siman oo aan geedo iyo buuro iyo boholo midna lahayn; ban. 2. Wax xalaal ah noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bannaanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) 1. Meel aan geedo iyo dhis midna lahayn; dhul siman oo aan geedo iyo buuro iyo boholo midna lahayn; ban. 2. Wax xalaal ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanow
(fal) meel furan oo la mari karo ama laga bixi karo ahaw. Dh: furnow.
bannaanow -ga: (magac, lab, keli) wax xalaal ah ama sharci ahaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaabso
(fal) gacanta la laac oo ku soo qaado; si tiigsi ah wax ku soo qaad. Dh: laac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naannaabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: naabnaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbaabid
-da: (magac, dhedig, keli) afdhuubyaalayn: afdhuubyaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaadad
-da: (magac, dhedig, keli) daandaansi badnaan. Sannaadaddu waa shuqul magaalo. Dh: kibrad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaarid
m.f.dh eeg sannaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sannaar ku dabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaarin
m.f.dh eeg sannaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tannaagoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Cid meel fog joogta cod dheer kula hadlid. la-mid: tayaago, tayaaqoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tannaagoo
(fal) tannaago samee; tayaagoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tannaagow
v. call out, shout
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tannaagow
cf: tinnaago
de: call out, shout (as when conversing at some distance)
initial: t
lx: tannaagow
pd: (tannaagooday)
ps: v3a=intr
key: tannaagow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnagabo
(fal) cid kale kadeed oo ku dhib hadal iyo jiidhjiidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnaqabo
f.mg3 (-btay, -batay) 1. Cid wadnaha xanuunayaa ahaansho. 2. Qof wadnaqabad ah ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayndaabo
(fal) deyro oo miir ama derbi ku wareejiso. Buutada lagu siiyay xayndaabo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sannadwalba
(adv) yearly (yeer-li); annually (an-yu-wal) ~ sannadkiiba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannahaabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) la-mid: sannaabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabo
f.g3 (-btay, -batay) Cudur, gaajo, roob iyo wixi lamida berrin wada gaarid. la-mid: saabso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saabo
v. spread over, cover
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabo
(fal) saab u yeelo ama u samayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saabo
de: spread over, cover
initial: s
lx: saabo
nt: saabasho (/da) [vn-f]
pd: (saabtay)
ps: v3b=
key: saabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanab
-ka: (magac, lab, keli) wax aan Alle ahayn oo la caabudo; wax kastoo Ilaah ka sokow la caabudo. Dh: sanam. Wa: sanabyo, sanamyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-annaa
de: we do (X)
lx: -annaa
ps: v3-1pl-prhb
xe: we borrow
xv: amaahannaa
key: -annaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aba'abayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaabo
m.dh.u la-mid: alaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaab
m.dh 1. Culays. 2. Daal badan oo la dareemo marka socod dheer la galo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaab
m.dh 1. Culays. 2. Daal badan oo la dareemo marka socod dheer la galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanabo
m.dh Orodka awr qooqani sameeyo isaga oo madaxa laallaadinaya daamankana isla dhacaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanabo
-da: (magac, dhedig. keli) orodka awr qooqani sameeyo isaga oo madaxa laallaadinaya daamankana isla dhacaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalbo
-da: (magac, dhedig, keli) xabbado wada socda oo hal mar ka baxa qori afkii. Labo saalbo ayaa cadawgii nagu soo riday markii aannu is waajahnay.
saalbo -da: (magac, dhedig, keli) hormo xoolo ah oo kol la soo daayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagabo
(tilmaame) awr sahayda iyo biyaha lagu qaato aan se lagu rarine luqunta loogu xidho isaga oo caddaysimo ah. Waxaa adeegsada dadka garabraratada ah, sahanka iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salabo
(Salaba-da)
Minfiiq madaxeedu ulo dhuudhuuban ka samaysan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salabo
m.dh (-ooyin, m.l) Nooc xaaqimada ka mid ah oo madaxiisu ulo dhuudhuuban ka samaysan yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salabo
f. n. broom, brush (made of sticks ~ wooden bristles)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg salabe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salabo
cf: minfiiq
de: broom, brush (made of sticks ~ wooden bristles)
initial: s
lx: salabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: salabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanaad
-ka: (magac, lab, keli) sareedo iyo wanaagga xilli. Dh: samaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanaag
m.l (-gyo, m.dh) Dhul buuraley ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanaag
m.l (-gyo, m.dh) Dhul buuraley ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sanaag
pr. n., loc. Sanag [region in north Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Sanaag
(n) name of a northern region in Somalia; Sanag
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sanaag
cf: Ceerigaabo
de: Sanag [region in north Somalia]
initial: s
lx: Sanaag
ps: n0-loc-f
key: Sanaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) isu ekaansho. Waa isku sanaan labada wiil. Dh: qaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanbab
(Sanbab-ka)
1. Mid ka mid ah labada xubnood oo hunguriga cadi isu hayo oo sida buufimada neeftu gasho kana baxdo.
2. (xoolo) cudur xun oo sanbabbada ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanbab
m.l la-mid: sambab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanbab
m. n. lung; tuberculosis (of cattle)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanbab
-ka: (n) lung (laang)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbab
-ka: (magac, lab, keli) cudur xun oo xoolaha ku dhaca siiba riyaha oo ay la qufacaan. Dh: kud.
sanbab -ka: (magac, lab, keli) eeg sambab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanbab
de: lung; tuberculosis (of cattle)
initial: s
lx: sanbab
pd: (-ka)
ps: n2-m; n0-m
see: sambab
key: sanbab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sannad
(Sannad-da, Sannad-ka)
Labiyo toban bilood ama 365 maalmood; sano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannad
m.l/dh (-do, m.l) Waqti hal mar dhulku qorraxda ku wareego oo u dhiganta 365 maalmood ama laba iyo toban (12) bilood. la-mid: sanad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sannad
m.l/dh (-do, m.l) Waqti hal mar dhulku qorraxda ku wareego oo u dhiganta 365 maalmood ama laba iyo toban (12) bilood. la-mid: sanad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sannad
Year