sankahadlid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sankahadlid
m.dh Islweyni; kibir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sankahadlid
m.dh Islweyni; kibir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sankahadlid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir iyo islaweyni sanka taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadahadlid
1. (Wadahadlid-da) Hadal ka wada qayb qaadasho, isdhaafsasho, is-weydaarsasho.
2. Sheekaysasho; hadal ka dhexayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadahadlid
m.f.dh eeg wadahadal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadahadlid
-da: (magac, dhedig, keli) wadahadal samayn oo figrado iyo ujeeddooyin is dhaafsasho. Wadahadlid ayaa ka fiican kala aamusnaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sansanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) sangadh badan oo soo noqnoqod leh. Dh: shanshangarid, shashanqadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dillaaca waaga berigiisa; kaahidda waaberiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaadid
m.dh la-mid: cinaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaadid
m.f.dh eeg rakaad². la-mid: rakaad¹, rakaadin, rakaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaadid
-da: (magac, dhedig, keli) marin oo xoolo cabbay dib darka ugu celin. Rakaadiddu lo'da way u fiican tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saahidid
m.f.dh eeg saahid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saahidid
-da: (magac, dhedig, keli) adduunyo ka tegid oo cibaado u bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandahid
-da: (magac, dhedig, keli) sogordahid ama qarin. Dh: dadid. Li: caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaadi
m.l S. ah: qof kibir badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaadi
-ga: (magac, lab, keli) daandaansi badan qof aad isula weyn, qof kibir badan. Dh: kibraani, sandaqaawi, cawaandi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanwadid
-da: (magac, dhedig, keli) fuunyo ku kaxaynta dibida. Dibi xaraash ah sanwadid lagu hagaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraadid
(Saraadid-da)
Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadid
m.f.dh eeg saraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraadid
-da: (magac, dhedig, keli) ka sii sheeg wax inta uuna dhicin, wax dhici doona timaadda sii sheeg. Dh: saadid, saadis, saadaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarkaali
-ga: (magac, lab, keli) eeg sargaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tanaadid
(Tanaadid-da)
Tanaad noqosho; hodmid; taajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanaadid
m.f.dh eeg tanaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qofku marka uu isku fillaado dhinac wax barsho iyo dhinac dhaqaaleba ee uu muuqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhaylid
m.f.dh eeg bakhayl². la-mid: bakhiilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dankaadhi
(fal) cid kale, danqaraad ku samee oo dhib. Marka lay dankaadhiyo se waan toban tubleeyaaye.
dankaadhi-ga: (magac, lab, keli) cid kale, dangarid oo dhibaatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fannaadid
-da: (magac, dhedig, keli) fintirid iyo kibrid. Dh: kibirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farahalid
m.f.dh eeg farahal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gantaalid
(Gantaalid-da)
Gantaal ku ridid, ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantaalid
-da: (magac, dhedig, keli) gantaal ku ridid ama ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hankaagid
(Hankaagid-da)
Meel ku hungoobid, wax ka waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hankaagid
m.f.dh eeg hankaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaagid
-da: (magac, dhedig, keli)meel aad wax u doonatay ka soo waayid; meel ku hungoobid. Dh: hongoobid, luggo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalkaalid
(Kalkaalid-da)
Gargaarid; kaalmayn; taageerid; waxtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalkaalid
m.f.dh eeg kalkaal².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalkaalid
Catalysis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalkaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmayn iyo gargaarid. Dh: kaalmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sii sheegid, wax soo fool leh ka sii warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadcaalid
m.dh la-mid: socdaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadcaalid
-da: (magac, dhedig, keli) safrid; ambabbixid; socdaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakhaalad
-da: (magac, dhedig, keli) meesha. wastaadku fuulo kolka uu gidaar dheer dhisayo; looxaan balballaadhan oo la dul dhigo biro la isasa sudho oo ay fuulaan dadka guryaha dhisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samafalid
(Samafalid-da)
Samafal la imaansho; camal san falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samafalid
m.f.dh eeg samafal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samafalid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag falid: khayr falid: ixsaan falid: camal san samayn; samafal la imaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sammaadid
m.f.dh eeg sammaad².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanaadiiq
f. n., pl. boxes, chests, trunks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanaadiiq
-da: (n) [plural of sanduuq-a] boxes (booksis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanaadiiq
bw: Arabic
de: boxes, chests, trunks Sg: sanduuq
initial: s
lx: sanaadiiq
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: sanaadiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbaabid
-da: (magac, dhedig, keli) afdhuubyaalayn: afdhuubyaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaadad
-da: (magac, dhedig, keli) daandaansi badnaan. Sannaadaddu waa shuqul magaalo. Dh: kibrad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaarid
m.f.dh eeg sannaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sannaar ku dabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) sangadh samayn. Dh: shanqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santaagid
m.f.dh eeg santaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
santaagid
-da: (magac, dhedig, keli) santaag samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakaalid
(Shakaalid-da)
Shakaal ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakaalid
m.f.dh eeg shakaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaalid
-da: (magac, dhedig, keli) shakaal ku xidhid; qoofalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanqaadid
(Saanqaadid-da)
(ilmo yar) socod barasho bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanqaadid
m.f.dh eeg saanqaad². la-mid: saanqaad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) 'ilmo yar' socod bilaabid socodbarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakaraadid
(Sakaraadid-da)
Sakaraad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakaraadid
m.f.dh eeg sakaraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaraadid
-da: (magac, dhedig, keli) sakaraad noqosho, xanuunka geerida. Dh: xaraarugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salkakacid
-da: (magac, dhedig, keli) qofku intaanu go'aankiisa fulin ee uu walaacayo. Iska daa salkakacidda. Dh: walaahow, walaahoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wankalaali
wankalaali¹: m.l Bootin dheer oo fardaha iyo wixi lamida sameeyaan. la-mid: wankalaalis.
wankalaali²: f.g2 (-iyay, -isay) Faras iyo wixi lamida, tog ka bootin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantalaalid
m.f.dh eeg cantalaal². la-mid: cantalaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dankaraacid
-da: (magac, dhedig, keli) arrimo isdhinac yaalla tan dantu ku jirto qudha raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wankalaalin
m.f.dh eeg wankalaali². la-mid: wankalaali¹, wankalaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wankalaalis
m.l la-mid: wankalaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkabadli'i
-da: (magac, dhedig, keli) deddejis la'aan; karkabad la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafkadhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo nafbax ka sugid; dhimasho qarka u saarnaan Ninkan xaalkiisu waa nafkadhawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sansanqadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) sangadh badan u yeelid; waxlax ka shashangadhin. Sansanqadhinta shuguxda adhiga ka daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanshanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) shanqar soo noqnoqota oo la maqlo samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ka warramidda wax aan weli dhicin iyada oo la kaashanayo astaamaha lagu tilmaansan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) geed meel ka biqlay, meel kale u rarid oo ku joojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abqaalid
-da: (magac, lab, keli) geed biqlay meel kale u rarid oo ku beerid. Dh: abaqaalid, tallaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaladid
m.f.dh eeg alalad². la-mid: alalad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anaanfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax yar ama kooban, meelo kala duwan ka soo ururin; dhulka xaabxaabid. Anaanfidddaan ka arkaayoo arigu ma dhergin. Dh: anaanufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaadis
-ta: (magac, lab, keli) dillaacidda waaga berigiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Banaadir
pr. n., loc. Benadir [region in south Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Banaadir
(n) Benadir; southern region of Somalia ~ Benaadir
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Banaadir
de: Benadir [region in south Somalia]
lx: Banaadir
ps: n0-loc
see: Benaadir
key: Banaadir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkadid
m.dh la-mid: bardadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabaadid
(Cabaadid-da)
Cabaad soo saarid; qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaadid
m.f.dh eeg cabaad². la-mid: caabad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadid
-da: (magac, dhedig, keli) cabaad soo saarid; qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalid
m.dh la-mid: callaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cinaadid
(Cinaadid-da)
Cinaad ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinaadid
m.f.dh eeg cinaad². la-mid: canaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cinaadid
-da: (magac, dhedig, keli) amardiiddo samayn; madax'adaygid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadaalid
(Dadaalid-da)
Dadaal la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaalid
m.f.dh eeg dadaal². la-mid: dedaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qabad dheeraad ah oo muruq iyo maskax ah samayn si yool loo gaadho. Dh: dadaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaalid
(Dagaalid-da)
(qof wax dhimay) dagaal ula tegid; eedayn; ku carabbaabbi'id; haaraamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaalid
m.f.dh eeg dagaal². la-mid: dagaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, la diririd, u hanjabid. Dh: hanjabid, diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dakaamid
(Dakaamid-da)
(fardo) dakaan noqosho; tabargabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakaamid
m.f.dh eeg dakaan². la-mid: dakaamo (2), dakaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakaamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo dekaan. noqosho oo daalid. Dh: digleyn, dekaamid, tabargabid.