ereyga

sanduuqa codka

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sanduuqa codka

DHAN

m.l (-qyo ..., m.dh) (baayoloji) Lammaane xuub liilsami kara ah oo ka soo taagan qulaanqushaha lafdhabarleyda qaarkeed. Codka waxa la soo saaraa marka hawada maraysa qulaanqushaha ay dhaqdhaqaaqijso sanduuqa codka. Dhawaaqa codka la soo saaraa waxa uu ku xidhan yahay giigsanaanta sanduuqa codka, kaasi oo ay xukumaan muruqyada iyo carjawda qulaanqushuhu.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

sanduuqa codka

DHAN

m.l (baay.) Lammaane xuub liilsami kara ah oo ka soo taagan qulaanqushaha lafdhabarleyda qaarkeed. Codka waxa la soo saaraa marka hawada maraysa qulaanqushaha ay dhaqdhaqaaqijso sanduuqa codka. Dhawaaqa codka la soo saaraa waxa uu ku xidhan yahay giigsanaanta sanduuqa codka, kaasi oo ay xukumaan muruqyada iyo carjawda qulaanqushuhu. Sangaalle Tixri sanka geela iyo ariga gudihiisa ku dhasha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

profaner

DHAABAN

profaner, v. - cod bixin doorasho oo inta la afduubo sanduuqa codka la jabiyo badh laga saaro; xabaal la jabsado

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Sanuunad-da

DHAFANDHAAF

sauce.

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Sanduuq (Cr.)

DHAFANDHAAF
1

Cassa

2

Box

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xargaha codka

DHAFANDHAAF

m.l (cilmiga naflayda) Sooha labada isugu laaban oo ka soo kuusan labada dhinac booca oo ka sameeya jeexdin dhuuban hawomareenka dushiisa. Neef soo saaridda way ruxdaa cod la maqlana waa ka sameysa kaas oo ah hadal, hees iyo codad kale oo la naqlo. Isbeddelka ku dhaca xargaha codka iyo cudurrada ku dhaca dareemayaashooda waxay wax yeelleeyaan codka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xargaha codka

DHAFANDHAAF

m.l (cilmiga naflayda) Sooha labada isugu laaban oo ka soo kuusan labada dhinac booca oo ka sameeya jeexdin dhuuban hawomareenka dushiisa. Neef soo saaridda way ruxdaa cod la maqlana waa ka sameysa kaas oo ah hadal, hees iyo codad kale oo la naqlo. Isbeddelka ku dhaca xargaha codka iyo cudurrada ku dhaca dareemayaashooda waxay wax yeelleeyaan codka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

sanduuq boosto

DHAFANDHAAF

(n) mail box (meeyl-bokis); P.O. Box; postal office box; postbox

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Sanduuq boosto

DHAFANDHAAF
1

Casella postale

2

Post office box

waa la naqliyay ✓