sandoloolo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandoloolo
-da: (magac, dhedig, keli) wax ay khasab tahay in la yeelo. Shaqadaa in la qabtaa waa sandaloolo. Dh: sandulle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandaloolo
-da: (magac, dhedig, keli) khasaka wax la isku dirqiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandaloolin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef xoolo ah sanka ka daloolin oo xadhig galin si loo qabto marka la rabo in la maalo ama beer lagu qodo. Sac kaa ilmo diiday sandaloolin ku maal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloolo
f.g3 (-ooshay, -oolatay) 1. Badar raran ama dufan ku dubasho. 2. Ariga iyo ugaarta qaarkeed, si ay u daaqaan jeenyaha geed ku qabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saloolo
v. parch corn, make popcorn (for oneself)
saloolo v. put the fore-legs up on something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloolo
(fal) ri' iyo wixii la mid ah, labada lugood ee danbe isku taag oo wax afka ku tiigso. Dh: saloogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galdaloolo
-da: (magac, dhedig, keli) wax ceeb leh oo aan dhammaystirrayn. Dh: iin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daloolo
-da: (magac, dhedig, keli) fur bannaan oo didaar ama dul xidhan ku dhextaal. Masaftu salka ayay daloolo yar ku leedahay. Dh: fur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloogo
(fal) isku taag oo laac, isku taar. Waa gabadh yar oo saloogata dadka oo dirir badan. Dh: saloolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salooto
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qolka fadhiga. 2. Qalabka lagu fariisto ee qolka fadhiga la dhigo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sandalo
s.m. - (kabo) saandal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhool
(tilmaame) mid candhadii laga gooyay; mid candhadiisu hawl gabtay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daldoolo
f. n. shortcomings, defects
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QANDOOLE
(Gandole) S Rhizophora mucronata Lam. Rhizophoraceae.
S Bruguiera gymnorrhiza (L) Lam. Rhizophoraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sandulle
(Sandulla-ha)
1. (xoolo) sanka oo inta la dalooliyo oo xarig ama bir lagu xiro oo lagu wado.
2. Xoog; hawaan; dirqi; khasab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sandulle
m.l 1. Dalool sanka lo'da laga dalooliyo oo bir laga geliyo si xarigga lagu hoggaaminayo loogu xiro. 2. S. ah: qasab; xoog.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sandulle
m.l 1. Dalool sanka lo'da laga dalooliyo oo bir laga geliyo si xarigga lagu hoggaaminayo loogu xiro. 2. S. ah: qasab; xoog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sandulle
m. n. leading an animal by a rope (etc.) attached to the sensitive part of its nose; coercion, domination, power
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sandulle
-sandullaha: (n) 1. the tip of nose 2. force (foorsi); compulsion (kompalshen); obligation (obligeeyshin); coercion (koweershin), constraint (konista-reeynt) ~ khasab, qasab
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sandulle
Obbligatorio
Compulsory
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandulle
-ha: (magac, lab, keli) xoolaha oo sankala dalooliyo oo xarig ama bir laqu xidho oo lagu wado.
sandulle -ha: (magac, lab, keli) sandule; xoog; khasab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sandulle
de: leading an animal by a rope (etc.) attached to the sensitive part of its nose; [ext.] coercion, domination, power
initial: s
lx: sandulle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: sandulle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof daloolada sanqada iin ku leh oo aan coodkiisu bayaan ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanqoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof daloolada sanqada iin ku leh oo aan coodkiisu bayaan ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqoole
(tilmaame) qof sanqo leh, qof codkiisu xidhan yahay, sanqo cidhiidhyoon awgeed.
sanqoole -ha: (magac, lab, keli) qofka dhalan ahaan uu hadalkiisu sanqada ka soo baxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddalool
-ka: (magac, lab, keli) habeen caddadu weyn tahay oo ay carruurtu ciyaaraan iyaga oo caddada ka faa'iidaysanaya. Miyaan cadaloolka, habeenkii ciyaarta, caruurtu ku heesin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhoole
-ha: (magac, lab, keli) neef candhada dhibaato ka gaadhay oo candhabeelay ama hawlgabtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daldalool
(Daldalool-ka)
Meelo badan daloollo kaga yaalliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalool
daldalool¹: m.l 1. Daloollo badan oo uu weel iyo wixi lamida yeesho. 2. Iimo; ceebaal. la-mid: dulduleel¹.
daldalool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Wax daloollo badan yeelasho. la-mid: dulduleel².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daldalool
daldalool¹: m.l 1. Daloollo badan oo uu weel iyo wixi lamida yeesho. 2. Iimo; ceebaal. la-mid: dulduleel, goldaloolo.
daldalool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Wax daloollo badan yeelasho. m.f.dh, daldaloolid. la-mid: dulduleel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daldalool
m. n. many holes (in something)
daldalool v. be full of holes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daldalool
-a: (adj) holey (hooli); having holes or full of holes
daldalool -ka: (n) loopholes (luup-hoolis); holes (hoolis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalool
-ka: (magac, lab, keli) meel banbannaan yaryar leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganbalool
-ka: (magac, lab, keli) dawanka la garaaco marka dugsiga la gelayo. Dh: gamalool, jaras.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handoolli
(fal) sidii wax xagga hore u dhacaya oo kale u soco. Dh: hamboorri.
handoolli -ga: (magac, lab, keli) sidii wax xagga hore u dhacaya oo kale u socod. Dh: hamboorri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabooloob
inch. v. become poor ~ indigent
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabooloob
a: saboolow
de: become poor ~ indigent
initial: s
lx: sabooloob
pd: (sabooloobay)
ps: v1=inch
key: sabooloob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaylool
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar ulo lagu ciyaaro oo loo riddaaleeyo sida waran si dhoogta loogu barto iyo riddada, ciyaar samay lagu looltamo oo waran ku dagaalanka lagu barto. Waa lagu riddo bartaa samayloolka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanboolo
m.dh Nooc ka mid ah siyaabaha turubka loo cayaaro oo afar nin ku dheelaan hal turub oo biigga laga saaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanboolo
m.dh Nooc ka mid ah siyaabaha turubka loo cayaaro oo afar nin ku dheelaan hal turub oo biigga laga saaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanboolo
-da: (magac, dhedig, keli) qaab ka mid ah siyaabaha turubka loo cayaaro oo afar nin ku dheelaan hal turub oo bigga laga saaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirdaloolo
m.dh Cirka oo daruur roob wada qarisay, meel yar oo ka bannaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirdaloolo
m.dh Cirka oo daruur roob wada qarisay, meel yar oo ka bannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalooli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax daloollo badan yeelid. la-mid: dulduleeli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daldalooli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax daloollo badan yeelid. m.f.dh, daldaloolin. la-mid: dulduleeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daldalooli
v. pierce repeatedly; make holes in
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daldalooli
-yey / say: (v) make holes in; pierce (piirs); perforate (peer-fa-reeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalooli
(fal) meelo badan ka banbannee oo daloollo badan u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daldalooli
de: pierce repeatedly; make holes in
lx: daldalooli
pd: (daldalooliyey)
ps: v2a=pl
key: daldalooli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goldaloolo
(Goldaloola-da)
Meel dhinac ka bannaan ama ka daloosha oo wax laga baqaa (col, kd.) ka soo geli karaan ama ka iman karaan; meel halis ah; haad; baylah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goldaloolo
m.dh 1. Meel doc ka bannaan ama ka daloosha oo wax laga cabsanayaa ka iman karo. 2. Iin. la-mid: goldaloosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goldaloolo
m.dh 1. Meel doc ka bannaan ama ka daloosha oo wax laga cabsanayaa ka iman karo. 2. Iin. la-mid: goldaloosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goldaloolo
f. n. way through, gap
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goldaloolo
-goldaloolada: (n) [Pl. goldaloolooyin-ka] a way of escaping a difficulty: loophole (luup hool) ~ guldaloolo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goldaloolo
-da: (magac, dhedig, keli) meel jilicsan oo ay waxyeello ka iman karto. Goldalooladeedaa ka badan galalka ciideede. Dh: iin, ceeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goldaloolo
de: way through, gap
lx: goldaloolo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: goldaloolo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guldaloolo
-guldaloolada: (n) [Pl. guldaloolooyin-ka] a way of escaping a difficulty: loophole (luuphool) ~ goldaloolo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kontoroolo
f.mg3 (-rooshay, -roolatay) Wax kontorool ku sameysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sandaleele
m.l Qof hoodaddo sameeya. la-mid: sandameeme.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandaleele
-ha: (magac, lab, keli) qof albaab ilaaliya. Dh: gaadh, waardiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sangorofle
-ha: (magac, lab, keli) qof labadiisa dul ee sanku kor u xaydan yihiin; foolxumo sanka gasha oo uu sidii gorof noqdo. Dh: kamasdacawo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scandalóso
agg. - fadeexo leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daldalool_1
de: many holes (in s.t.) rw: dalool
hm: 1
lx: daldalool
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: daldalool_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daldalool_2
de: be full of holes
hm: 2
lx: daldalool
pd: (daldaloolay)
ps: v1=pl
key: daldalool_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daldaloolid
(Daldaloolid-da)
Daldaloollo badan lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaloolid
m.f.dh eeg daldalool². la-mid: dulduleelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldaloolid
-da: (magac, dhedig, keli) meelo banbannaan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daldaloolin
(Daldaloolin-ta)
Meelo badan daldaloollo uga yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaloolin
m.f.dh eeg daldalooli. la-mid: daldaloolis, dulduleelin, dulduleelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldaloolin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax, meelo banbannaan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaloolis
m.dh la-mid: daldaloolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldaloolis
-ka: (magac, lab, keli) walax, daloollo badan u yeelid.
daldaloolis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg dalda- loolid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
francobóllo
s.m. tikid boosto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaloocso
f.g3 (-saday, -satay) Si wax meel hoose ku jira loo eego hanqal laalaadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanqaloocso
f.g3 (-saday, -satay) Si wax meel hoose ku jira loo eego hanqal laalaadin. m.f.dh, hanqaloocsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanqaloocso
v. walk stooping forward; keep one's head low, stalk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqaloocso
(fal) hanqalka soo laadlaadi oo caloosha soo yara xood adiga oo dib u dhigaya. Dh: foorarso, isqallooci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanqaloocso
de: walk stooping forward; keep one's head low, stalk
lx: hanqaloocso
nt: hanqaloocsad (ka) [vn-m], hanqaloocsasho (/da) [vn-f]
pd: (hanqaloocsaday)
ps: v3a=
key: hanqaloocso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosdaloolo
m.dh (-ooyin, m.l) Iin wax yeeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosdaloolo
f. n. defect, lack
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosdaloolo
de: defect, lack
lx: hoosdaloolo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hoosdaloolo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabooloobid
(Sabooloobid-da)
Sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabooloobid
m.dh la-mid: saboolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) sabool noqosho. Dh: caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sandaleelee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Qof hoodaddeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sangorofleh
-a: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah masaska, laayaan ah oo madaxiisu gorof oo kale yahay. Sangorofluhu waa qatar ninkuu qanino.