sanco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanco
(Sanca-da)
1. Si aqoon iyo tab leh, oo wax loo qabto; farsamo.
2. (dawo) nabarrada iyo cudurrada oo si kasmo ah wax looga qabto ama loola tacaalo.
3. Aqoon hawl gaar ah loo lee yahay; xirfo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanco
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Si aqoon iyo tab ah oo wax loo qabto; farsamo. 2. Nabar-rada iyo cudurrada oo si aqoon leh loo daweeyo. 3. Aqoon hawl gaar ah loo leeyahay; xirfad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanco
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Si aqoon iyo tab ah oo wax loo qabto; farsamo. 2. Nabarrada iyo cudurrada oo si aqoon leh loo daweeyo. 3. Aqoon hawl gaar ah loo leeyahay; xirfad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanco
f. n. craft, skill, trade, technical expertise; manufacture; industry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanco
-sancada: (n) handicraft (heendhikraaft); technique (takniik); technology ~ farsamada gacanta
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sanco
Mestiere
Craft
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanco
-da: (magac, dhedig, keli) tab iyo aqoon xirfadaysan oo wax loo suubbiyo. Dh: farsamo, xirfad.
sanco -da: (magac, dhedig, keli) nabarrada iyo cudurrada oo si kasmo leh wax looga qabto ama loola tacaalo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stanco
agg. - daalan, noogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saco
(Saca-ha)
(xiddigo) Cuntubyada xiddigaha kuwa ugu cadcad mid ka mid ah; waxay ku yaalliin lixaha iyo cadaadka agtooda, meel aan diillincaanoodda ka fogeyn; waxaa lagu sheegaa ninkii diley hashii Nebi Saalax oo cirka lagu salbay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saco
m.l 1. Koox xiddigo ah, cadcad oo ku yaal lixaha iyo cadaadda agtooda, meel aan diillincaanoodda ka fogayn. 2. Koox lo' ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saco
-ha: (magacwadareed) cutubyada xiddigaha ka mid ah, kuwa ugu cadcad, waxay ku yaalliin meel aan diillincaanoodka ka fogayn oo laxaha iyo cadaadka agtooda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sano
(Sana-da)
Sannad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sano
m.dh (-ooyin, m.l/siniin, m.dh) la-mid: sannad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sano
m.dh (-ooyin, m.l/siniin, m.dh) m.dh.w, siniin. la-mid: sannad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sano
f. n., [collective], time: year
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sano
-sanada: (n) year (yeer) see [eeg] sanad, sannad. Ex: meeqasano baad jirtaa? how old are you?
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sano
agg. - fayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sano
-da: (magac, dhedig, keli) labo iyo toban bilood, 365 maalmood. Labo sano ma arkin dhulkii. Dh: gu', sannad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sano
a: sanad ~ sannad
bw: Arabic
de: year
initial: s
lx: sano
pd: (/da Pl: siniin (ta))
ps: n6-f, n8-f-time
key: sano
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
banco
s.m. miis (dugsiyeed).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sacco
s.m. - jawaan, joonyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanca
-da: (magac, dhedig, kali) farsamada lafteeda: sancada qudheeda. Dh: farsamo, sanco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanqo
(Sanqa-da)
Sanka gudihiisa shishe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqo
sanqo¹: m.dh Daloolka ay isaga furanyihiin sanka iyo afka oo codku ka soo baxo.
sanqo²: f.mg3 (-qaday, -qatay) U s.: iyadoo la dhaqaajinayo muruqyada wejiga iyo sanka cid u baaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanqo
m.dh Daloolka ay isaga furanyihiin sanka iyo afka oo codku ka soo baxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanqo
f. n. interior of the nose, nasal cavity; septum, bridge of the nose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanqo
-sanqada: (n) nasal cavity; nostrils (naas-tarel); sinus (saay-nas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqo
(fal) adiga oo aan hadal adeegsan jirka ama indhaha kala hadal qof. Way isu sangadeen iyada iyo saaxiibkeed. Dh: iljebin, afjaaq, midaar.
sanqo -da: (magac, dhedig, keli) cod xidhan, iin dadka qaarkii yeesho, codka oo ka duwanaada ka dadka, qofka oo sanqada ka hadla awggeed. Sanquu leeyahay oo sahal codkiisa looma fahmo.
sanqo -da: (magac, dhedig, keli) sanka gudihiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanqo
de: interior of the nose, nasal cavity; septum, bridge of the nose
initial: s
lx: sanqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sanqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanso
m.dh Gufar ku dhega weel burcad laga shiilay salkiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanso
-da: (magac, dhedig, keli) gufar ku dhega weel burcad laga shiilay salkiis.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
santo
s.m. - wéli, awliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarco
(Sarca-da)
(cudur) Qallal; suuxdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarco
sarco¹: m.dh Cudur maskaxeed dadka ku dhaca oo lala suuxo; qallal.
sarco²: f.g3 (-caday, -catay) 1. Beer abuurasho. 2. Geed si uu xabag u dhalo mudmudasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarco
f. n. epilepsy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarco
-sarcada: (n) neurological disorder with loss of consciousness; seizure (sii-shar); epilepsy (epa-lap-si); convulsion (kon-val-shari) ~ qallal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarco
(fal) beer falo.
sarco-da: (magac, dhedig, keli) saan; jarco.
sarco-da: (magac, dhedig, keli) cudur qofka qallal ku rida. Dh: suuxdin, qallal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarco
bw: Arabic
cf: qallal, suuxdin
de: epilepsy
initial: s
lx: sarco
pd: (/da)
ps: n0-f
key: sarco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanac
(Saanac-a)
Qof sanco yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sancayn
(Sancayn-ta)
Si sanco ah, wax u qabasho, u farsamayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Domestic industry
Sanco guri
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
handicraft
/haandhi-kraaft/ (n) sanco, farsamada gacanta.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
trade
/treydh/ (n) 1. ganacsi (n) 2. xirfad (siiba sanco ama ganacsi) (n) 3. ganacsade (tujaar) (v) 4. ka ganacsi (ganacsasho) (v) 5. ku baddalasho (sida shay-shay la dhaafsado halkii lacag la bixin lahaa).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
workmanship
/werkmanship/ (n) sanco, xirfad farsamo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farsamada gacanta
( n) handicraft (haandi-kraaft)-, vocational training ~ sanco
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farsamo
-farsamada: (n) 1. handicraft (heendikraaft), technique (tak-niik) ~ farsamada gacanta, 2. technology ~ sanco-da
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Art and Craft
Farsamo iyo sanco
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Electromechanical
Sancokaranto
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mechanical
Sanco Ahaan
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mechanical efficiency
Karti sanco
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mechanization (economics)
Sanco u geddis
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Technical Assistance
Taageero-sanco
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Technical Committee
Guddida sancooyinka
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Technical Institute
Kolejka Sancobarashada
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Technology
Sanco-aqoon
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Technology (economics)
Sanco
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fabbrica
s.f. - sanco, rug sanco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanac
-a: (magac, lab, keli) qof sanco yagaan oo wax sameeya. Dh: farsamayaqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanco_1
bw: Arabic
de: craft, skill, trade, technical expertise; manufacture; industry See also: sancad
hm: 1
initial: s
lx: sanco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sanco_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanco_2
de: industrial know-how
hm: 2
initial: s
lx: sanco
pd: (-ta)
ps: n1-f-cmp
key: sanco_2
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
slàncio
s.m. - boodid(da).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Asando
Plantation
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bianco
agg. - cad, caddaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
branco
s.m. raxan, horin, koox.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cancro
s.m. - kansar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fianco
s.m. - dhinac.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
franco
agg. - cashuur la'aan; daacad ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gàncio
s.m. gan, gar(ka).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
làncio
s.m. - ganid(da), tuurid (da).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rançon
rançon, n.f. - madax furasho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rancor
/raankar/ (ame) rancour (bre);(n) xiqdi ~ uur-kusiddo, nac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanyo
f.g3 (-yaday, -yatay) Hanti saami ku qaybsasho. la-mid: saanyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanyo
v. share, take a share of livestock ~ wealth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanyo
(fal) dooro oo saamigaaga sheego. Dh qaydo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saanyo
cf: saami
de: share, take a share of livestock ~ wealth
initial: s
lx: saanyo
pd: (saanyaday)
ps: v3a=tr
key: saanyo
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanaca
Sanaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sancad
f. n. industry; factory, plant; engineering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sancad
de: industry; factory, plant; engineering See also: sanco
initial: s
lx: sancad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: sancad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sancan
Sanac leh; barako leh; khayr leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sancan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax nasiib wanaagsan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sancan
der. adj.page 1: fortunate; blessed; conferring a blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sancan
(fal) (la ~) ayaan u yeelo; asaacido u yeelo. Adhiga ayaa hooyaday la sancan. Dh: hoodo.
sancan: (tilmaame) mid sanac leh; qof barako leh: khayr leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sancan
de: fortunate; blessed; conferring a blessing rw: sanac
initial: s
lx: sancan
pd: (sancanaa)
ps: adj-der
key: sancan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sancay
(fal) sanco ku samay wax xumaaday. Dh: sancee. Li: xumee, xumay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sancee
f.g2 (-ceeyay, -caysay) 1. Wax samayn. Tusaale: “Cali baa dhob dheri ka sanceeyey. 2. Wax daaweyn”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sancee
f.g2 (-ceeyay, -caysay) 1. Wax samayn. Tusaale: Cali baa dhob dheri ka sanceeyey. 2. Wax daaweyn. m.f.dh, sancayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sancee
v. make (by hand), manufacture; medicate, treat medically ~ operate on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sancee
-yey / sanceysay: (v) 1. fabricate (faab-ri-keeyt); produce (poro-dhuus); manufacture (manyi-fak-shar) 2. correct or set right: repair (ri peer); fix (fiksi) ~ hagaaji, far-samee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sancee
de: make (by hand), manufacture; [ext.] medicate, treat medically ~ operate on
initial: s
lx: sancee
pd: (sanceeyey)
ps: v2b=tr
key: sancee
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sbarco
s.m. - ka degid (da) (markab iwm).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scacco
(scacchi) s.m. - shadhranji.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
séance
séance, n.f. - muddada shir socdo aan ka la go'lahayn; muddo filin, darsi iwm iyada oo aan kala go' lahayn socdo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab caag, bir ama qori ka samaysan oo meel la qabsado iyo ilko dhaadheer oo isu dhawdhaw leh oo timaha lagu feerto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanlo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab caag, bir ama qori ka samaysan oo meel la qabsado iyo ilko dhaadheer oo isu dhawdhaw leh oo timaha lagu feerto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanlo
f. n. comb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanlo
-shanlada: (n) comb (koom)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlo
-da: (magac, dhedig, keli) saqaf; gadhfeedh; garfeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanlo
de: comb
initial: s
lx: shanlo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: garfeer, saqaf
key: shanlo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shanlo
ممشط، مشط، مُشط
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stacco
s.m. - fuq.