sanbal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanbal
-ka: (n) sample (saampel); specimen (ispesaman); sample of merchandise ~ sambal, kaambiyoone
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanbal
(Shanbal-ka)
Qalabka muusikada mid ka mid ah oo ka samaysan labo qalbac oo midkiiba meel dhexda ah ka xoldhan yahay oo kolka la isku dhufto, dhawaaq kan koorta u eki, ka soo baxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanbal
m.l (-llo, m.dh) (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada oo ka samaysan qori laba qalbac ah, oo mid walba dhexda u godanyahay, marka laysku dhuftana sameeya dhawaaq kan koorta u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanbal
m. n. cymbal; cymbals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanbal
-ka: (magac, lab, keli) qalabka muusikada mid ka mid ah oo ka kooban labo qalbac oo mid waliba dhexda ka xoldan yahay oo kolka laysku dhufto, dhawaaq kan koorta u eki, ka soo baxo. Dh: narso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanbal
de: cymbal; cymbals
initial: s
lx: shanbal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: shanbal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbal
-ka: (magac, lab, keli) hadhuubka geela lagu maalo oo inta dab la shido dareemana lasaaro qiiqiisa lagu uumiyo. Hadhuubka hanbal ayaa ka uraya. Dh: hogays, hambal, culay, cugay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kanbal
v. kill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kanbal
-ka: (magac, lab, keli) tuulo ama magaalo hareereheeda.
kanbal -ka: (magac, lab, keli) nafta ka goyn oo dilid. Dh: kambalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kanbal
a: kambal {N}
de: kill
lx: kanbal
pd: (kanbalay)
ps: v1=
key: kanbal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sambal
m.l (-llo, m.dh) Qayb yar oo badeeco ka mid ah oo cid wax gadanaysa la tuso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sambal
m.l (-llo, m.dh) Qayb yar oo badeeco ka mid ah oo cid wax gadanaysa la tuso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sambal
m. n. sample, specimen; model, example
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sambal
-ka: (n) sample (saam-pely, specimen (ispesaman); sample of merchandise ~ sanbal, kaambiyoone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sambal
-ka: (magac, lab, keli) wax tusaale ayaan wax badan oo la jaad ah looga soo qaato. Dh: sanbal, namuunad, sanbal, namuuno; caynad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sambal
de: sample, specimen; model, example {Eng}
initial: s
lx: sambal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sambal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanbab
(Sanbab-ka)
1. Mid ka mid ah labada xubnood oo hunguriga cadi isu hayo oo sida buufimada neeftu gasho kana baxdo.
2. (xoolo) cudur xun oo sanbabbada ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanbab
m.l la-mid: sambab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanbab
m. n. lung; tuberculosis (of cattle)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanbab
-ka: (n) lung (laang)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbab
-ka: (magac, lab, keli) cudur xun oo xoolaha ku dhaca siiba riyaha oo ay la qufacaan. Dh: kud.
sanbab -ka: (magac, lab, keli) eeg sambab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanbab
de: lung; tuberculosis (of cattle)
initial: s
lx: sanbab
pd: (-ka)
ps: n2-m; n0-m
see: sambab
key: sanbab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbac
-a: (magac, lab, keli) qof aan raganimo lahayn oo nacas ah. Dh: dogon. Li: fariid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sandal
(Sandal-ka)
Geed-abaareed ka baxa Aasiya, Austraalya iyo Jasiiradaha Badweynta Deggan; waa udgoon yahay, waxaana badanaa laga waxeeya santuukhyada qoraalka lagu xardho, ulaha, babbisyada, iyo saqfaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sandal
m.l 1. Geed dheer oo ka baxa Aasiya, Ostaraaliya iyo jasiiradaha Badweynta Deggan oo udgoon, waxaana laga sameeyaa santuukhyada qoraalka lagu xardho, ulaha babbisyada iyo saqafaha. 2. Dhir udgoon iyo saliid la isku qooshey oo raggu oogada marsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sandal
m. n. sandalwood
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sandal
/saandhal/ (n) saandal (kabaha dusha ka bannaan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandal
-ka: (magac, lab, keli) geed abaareed ka baxa Koonfurta Aasiya iyo jasiiradaha Badweynta Hindiya oo leh loox wanaagsan oo udgoon; waxa laga sameeyaa sanaadiiq xardhan oo qaali ah.
sandal -ka: (magac, lab, keli) eeg sandaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sandal
bw: Arabic
de: sandalwood
initial: s
lx: sandal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sandal
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sandal
n., kab, -ti; old and bad sandal, jaan, -ti; wooden sandal, hadhafic, -hi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sangal
m.l 1. Kintir. 2. Sangaalle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sangal
-ka: (magac, lab, kali) xubin yar oo dareen badan abuurta oo ku taalla afka hore ee xubin galmoodka dhedigoodka. Dh: kintir, kirtin, feetin, baaro.
sangal -ka: (magac, lab, keli) doog yar oo ka baxa qarriyada oo adhigu markuu daaqayo sanka ka gala.
sangal-sha: (magac, dhedig, keli) cid magan ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
santal
santal, n.m. - cuud; geed cuud ah
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sample
/saampal/ (n) 1. sanbal (kaambiyoone, wax-yar oo tusaale ahaan looga soo qaado wax badan)(v) 2. tijaabo ka qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballooli
(fal) sanka labadiisa dul waaweynee, dareenka ur xun awgii. Dadka wada ballooliyey maxaa u uray? Dh: sanbalooli.
ballooli-ga: (magac, lab, keli) sanka labadiisa dul waaweynee, ur qudhmuun aawadeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balloolin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dareensi awgii sida ur iyo wixii la mid ah sanka labadiisa dul weynayn. Dh: sanbaloolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balloolis
-ka: (magac, lab, keli) dareensi awgii sida ur iyo wixii la mid ah sanka labadiisa dul weynayn. Dh: sanbaloolis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
échantillon
échantillon, n.m. - sanbal; mid la mid ah wax isku nooc ah oo tirsal ahaan loo soo qaaday; mid tusaale ah; muunad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanbal
1. (Dhanbal-ka) a) Galleyda cajiinta laga dhigayo, buunshe-bixinteeda; falfalliir. b) Dillaac.
2. (Dhanba-sha) Gogol yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanbal
v. crack, split, cut in half
dhanbal vl. n. first grinding ~ milling (of grains); bursting
dhanbal [feminine] n. small mat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhanbal
-ay / dhambashay: (v) 1. crack (karaak); break or snap apart fissure (fi-shar) ~ dhambal, fulaac, dilaac. 2. dhanal -dhanbasha: (n) mat (maat) ~ darrin, gogol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanbal
(fal) labo u kala jebi, ka dhig labo is le'eg.
dhanbal -ka: (magac, lab, keli) jab ama qayb ka mid ah walax labo loo qaybiyay. Dhanbal yar ayaa iga soo gaadhay dhammaan wixii xalay xalaawad la cunay. Dh: jab.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saandal
-ka: (n) sandal (saandhal)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sambaal
m. n. sample
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sambaal
de: sample
initial: s
lx: sambaal
ps: n2-m
syn: muunad badeecadeed {Eng}
key: sambaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbaab
-ka: (magac, lab, keli) afdhuubyaalaynta geelu badanaa sameeyo galabtii ama marka xerada lagu soo wado ee uu dheregsanyahay. Dh: durduro, afdhuublayn, addaandurro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbiil
-ka: (magac, lab, keli) weel lagu soo adeegto khudradda iyo wixii la mid ah lagaga soo qaato sariimadda ama suuqa. Sanbiilka i soo sii suuga ayaan ka soo adeegan. Dh: selled, sallad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sandaal
(Sandaal-ka)
(xoolo, kd.) sanbuuqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sandaal
m.l/dh (-llo, m.dh) 1. Gafuurka xoolaha. 2. Hoggaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sandaal
m. n. snout, tip of the nose (in cattle, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandaal
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, sanbuuqo; gafuur.
sandaal -ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah kabaha la xidho ee fudfudud oo suundambe iyo indhal inta ba yeelan kara. Dh: jambal, sandal. Li: buudh.
sandaal -ka: (magac, lab, keli) hoggaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sandaal
de: snout, tip of the nose (in cattle, etc.)
initial: s
lx: sandaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: sanbuuqo
key: sandaal
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sandale
sandale, n.f. - kabaha summadda isweydaarsan leh; sandhal
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sandalo
s.m. - (kabo) saandal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandhal
-ka: (magac, lab, keli) eeg sandaal.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scandal
/skaandal/ (n) fadeexo (facshar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbali
Qofka mad'habta Xanbaliyada haysta; Xanbaliyadu waxay ka mid tahay afarta mad'habood oo waaweyn oo Islaamka, waxaana asaasay Imaam Axmed bin Xanbal (164-241 Hijri, 780-855 Miilaadi).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xanbali
m. n. Hanbali school of Islamic law; adherent to this sect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbali
-ga: (magac, lab, keli) qof mad-habta xanbaliyada haysta oo ku cibaada fala. Dh: xambali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xanbali
bw: Arabic
cf: Maaliki, Mad-hab, Shaafici, Xanafi
de: Hanbali school of Islamic law; adherent to this sect
initial: x
lx: Xanbali
pd: (-ga)
ps: n-m
key: Xanbali
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anal
/eynal/ (adj) wax futada ama dabada ku shaqa leh ama ku lug leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anba
pron., red, [conjunction] me too
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anba
(clause pronoun) me also or me too ~ amba. Ex: anba waan jeclahay; I love it too
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anba
de: me too
lx: anba
ps: pro-red + conj
xe: Same with me too.
xv: Anba sidoo kale.
key: anba
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saal
(falkaabe) armaa; billaa; sow.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saba
name-f eastern wind, Zephyr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahbal
m.l (-llo, m.dh) Nin aad u garasho yar; doqon; dabbaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ahbal
m.l (-llo, m.dh) Nin aad u garasho yar; doqon; dabbaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahbal
m. n. fool, dunce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahbal
-ka: (n) stupid person; unintelligent person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahbal
-ka: (magac, lab, keli) qof aan maskax badan lahayn; aan waxba ogayn. Ahbal ra'yi lagama sugo. Dh: coon, doqon, nacas, caran. Li: fariid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahbal
bw: Arabic
de: fool, dunce
lx: ahbal
pd: (-ka)
ps: n2-m, n7-m
key: ahbal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbad
-ka: (magac, lab, keli) eeg ambad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqbal
aqbal¹: m.l Oggolaanshaha cidi yeesho wax la weyddiistay. la-mid: aqbalid.
aqbal²: f.g1 (-alay, -ashay) Cid wax la weyddiistay yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aqbal
f.g1 (-alay, -ashay) Cid wax la weyddiistay yeelid. M.f.dh, aqbalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqbal
v. accept, consent, agree
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqbal
-ay / aqbashay: (v) accept (aksept); believe in, agree (ag-rii); allow; permit; consent; admit ~ ogolow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqbal
(fal) talo ama amar cid kale kaaga yimid yeel. Aqbal talada dadka waaweyn. Dh: oggolow, yeel, ajiib. Li: diid, duudsi.
aqbal -ka: (magac, lab, keli) oggolaanshaha wax lagu weydiistay ama garqaadasho kolka lagaa garhelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqbal
bw: Arabic
de: accept, consent, agree
lx: aqbal
pd: (aqbalay / aqbashay)
ps: v1=
key: aqbal
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Canal
Kelli
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
canal
/kanal/ (n) kanaal (biyo mareen).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
canal
/kanaal/ (n) kely (biyi mareeng).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
canal
canal, n.m. - biyo mareen; Biyo mareen laba badood isku xidha; kali
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fanal
fanal, n.m. - tiriigga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabal
(Gabal-ka)
Wax weyn ama is haysta qaarkii; cad; jab; qayb; in; jeex; (ama gobol).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabal
m.l la-mid: gobol.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabal
m.l Qayb, jab. la-mid: gobol.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabal
m. n. portion, piece, part, section, division; province
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gabal
name-m piece; small; part
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabal
-ka: (n) piece (piis); segment (segment); portion (poor shen) cad, jeex, qayb, gobol
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
GABAL
Pezzo
Piece
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabal
-ka: (magac, lab, keli) walax ama qayb wax ka mid ah. Furunka gabal ii jebi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabal
de: portion, piece, part, section, division; province
lx: gabal
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: gobol
key: gabal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habal
v. retain, preserve
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habal
de: retain, preserve
lx: habal
pd: (habalay)
ps: v1=
key: habal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabab
(Sabab-ta)
1. Waxa saamays curiya.
2. Wax dhacay wixii keenay ama ku wacnaa; yeel; wacaal.
3. Dhimasho; halis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabab
sabab¹: m.dh (-bo/asbaab, m.dh) Wax dhacay waxa keenay.
sabab²: f.g1 (-bay, -btay) Wax dhaciddooda mas'uul ka noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabab
sabab¹: m.dh (-bo/asbaab, m.dh) Wax dhacay waxa keenay.
sabab²: f.g1 (-bay, -btay) Wax dhaciddooda mas'uul ka noqosho. m.f.dh, sababid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabab
f. n. reason, excuse, cause, basis, motive
sabab v. be the reason for; be the cause of death ~ danger