sanam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanam
(Sanam-ka)
Wax kastoo Ilaah ka sokow la caabudo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanam
m.l (-myo, m.dh) Wax laga sameeyey dhagax, qori iyo wixi lamida oo dadka qaarkiis caabudaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanam
m. n. idol, statue of a divinity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanam
-ka: (n) idol (aay-dhel); fetish also fetich (fe-tash); statue (istaajuu)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanam
-ka: (magac, lab, keli) wax kastoo Ilaah ka sokow la caabudo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanam
bw: Arabic
cf: taallo
de: idol, statue of a divinity
initial: s
lx: sanam
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: sanam
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sanam
صنم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saam
m.l Kaltanka heeganka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saam
-ka: (magac, lab, keli) gantaallada lagu dagaallamo jaad ka mid ah.
saam -ka: (magac, lab, keli) kaltanka heeganka. saamaan -ta: (magac, dhedig, keli) alaabada qolka ama guriga gudihiisa loo adeegsado. Dh: gurgur, saabaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salam
(tilmaame) mid asalkiisii ah oo aan nabar gaadhin; mid aan ceeb lahayn, ceeb ka saliim ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanab
-ka: (magac, lab, keli) wax aan Alle ahayn oo la caabudo; wax kastoo Ilaah ka sokow la caabudo. Dh: sanam. Wa: sanabyo, sanamyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanac
(Sanac-a)
Nasiib-wanaag; buruud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanac
m.l Wax nasiib wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanac
m. n., (mass n.): good luck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanac
-a: (magac, lab, keli) nasiib wanaag. Sanac xumo ayaa lagu xantaa naagtaas. Dh: bili, buruud. Li: baas.
sanac -a: (magac, lab, keli) barako; khayr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanac
cf: barako, buruud
de: good luck
initial: s
lx: sanac
pd: (-a)
ps: n2a-m-mass
key: sanac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanad
m.l/dh la-mid: sannad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanad
m. n.-time: year
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanad
-ka: (n) year (yeer) ~ sano, sannad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanad
-ka: (magc, lab, keli) 365 cisho iyo meel afraad maalineed oo ka kooban 12 bilood oo ay bishii ba tahay 4 toddobaad, mid walbaa na 7 cisho tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanad
a: sano ~ sannad {C & S < Arb}
de: year
initial: s
lx: sanad
pd: (-ka ~ -da)
ps: n1-m/f-time
key: sanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanan
(Sanan-ka)
Waxyaalo aan aqoon iyo kasmo ku dhisnayn, haddana maangaabtu rumaysato oo ka baqdo (ama senen).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanan
m.l Waxyaabo aan cilmi ku dhisnayn oo badanaa la rumaysto lagana baqdo. la-mid: senen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanan
m.l Waxyaabo aan cilmi ku dhisnayn oo badanaa la rumaysto lagana baqdo. la-mid: senen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanan
m. n., [abstract] superstition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanan
-ka: (magac, lab, keli) waxyaalo aan aqoon iyo kasmo ku dhisnayn, haddana maangaabku rumaysan yahay oo waxyeellayntooda ka bagdo. Dh: senen, mucjiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanan
a: senen
de: superstition Contrast: sanam
initial: s
lx: sanan
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: sanan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanaw
(tilmaame) gof aad u san weyn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fetish
/fetish/ (n) 1. sanam (v) 2. ka-dambayn, caabudid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
figurehead
/figar-heedh/ (n) 1. madax-weyne ama taliye magac u-yaal ah, oo aan awood lahayn, magac-ahaan (n) 2. jismi ama muuqaal sharraxaad ah, oo markab hortiisa laga dhiso, oo sanam u-eg
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
idol
/aydhol/idols;(n) 1. sanam, (ama ilaah been ah oo gacanta lugu sameeyo) e.g. They made stone idols to worship. 2. qof aad looga daba dhaco ilaa heer laga dambeeyo. e.g. That singer is the idol of many young people.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
image
/imij/images;(n) 1. masawir, gaar ahaan muuqaalka aad maskaxda ka sawirato. e.g. He had a very strange image about life in the country.(n) 2. muuqaalka ama sida laga aaminsanyahay qof ama wax. e.g.The prime minister has to improve his image. 3. sanam.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sculpture
/skalapjar/ (n) 1. far-shaxanka wax qoridda (sida dad ama alaab laga qoro qori, dhagax ama bir) 2. qof ama shay gacanta lugu qoray (sida sanamka).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bust
/bast/ (n) 1. horaadky hanraabty. 2. sanam ku suubsyng heped i mathy. (v) 3. Jhibiyow.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
idolatria
s.f. - sanam caabudid (da).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
idolo
s.m. - sanam; qof ama shay aad dadka u jecelyahay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stàtua
s.f. - timsaal, sanam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobaal
-ka: (magac, lab, keli) magaca sanam waayadii hore la caabudi jiray. Waxay Soomaalidu ku billaabaan, gabayada, heesaha, ciyaaraha, heescaruureedda, heeshawleedda iyo wixi la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooyal
-ka: (magac, lab, keli) sanam magaciis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libiq
(ereycodeed) loo adeegsado liqidda fudud ee degdegga ah.
libiq -a: (magac, lab, keli) dhoobo qoyan oo wax sanam ah loo ekaysiiyay. Dh: dhoobodheri, lidiq.
libiq -da: (magac, dhedig, keli) aragtida muuqaal kol la arko haddana degdeg loo waayo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
panthéon
panthéon, n.m. - meesha ama aqalka ay Giriigii iyo Roomaankii hore sanamyada ilaahyada dhigan jireen.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
statue
statue, n.f. - sanam; taalo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
idol
n., sanam, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanac
(Saanac-a)
Qof sanco yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanac
m.l (-cyo/-ciin, m.dh) Qof farsamo yaqaan ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saanac
m.l (-cyo/-ciin, m.dh) Qof farsamo yaqaan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanac
m. n. skilled person, craftsman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saanac
-a: (n) technician (tek-ni-shin)-, handy man; skilled worker; craftsman; ~ farsamayaqaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanac
-a: (magac, lab, keli) qof sanco yagaan oo wax sameeya. Dh: farsamayaqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saanac
bw: Arabic
cf: sanco
de: skilled person, craftsman
initial: s
lx: saanac
pd: (-a Pl: saanaciin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: saanac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanad
(Saanad-da)
Xabbadaha laga rido qalabka dabka ah oo lagu dagaallamo; rasaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanad
m.dh.u (-do, m.dh) Xabbadaha buntuqa laga rido oo lagu dagaalamo; rasaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saanad
m.dh.u (-do, m.dh) Xabbadaha buntuqa laga rido oo lagu dagaalamo; rasaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanad
f. n., [collective] cartridge, ammunition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saanad
-da: (n) 1. ammunition (am-yuni-shin); bullets (bulitis) ~ xabado, rasaas 2. weapons ~ hub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanad
-da: (magac, dhadig, keli) xabbadaha iyo jaliiladaha lagu rido qoriga iyo madfaca. Dh: rasaas, hub.
saanad -da: (magac, dhedig, keli) qalabka dabka ah ee lagu dagaallamo: wixii agab ah ee la xiriira ciidan. Saanad ciidan oo badan baa waddadan la mariyey. Dh: hub, rasaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saanad
de: cartridge, ammunition
initial: s
lx: saanad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: saanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahami
f.mg2 (-iyay, -isay) Sahan aadid. la-mid: sahmi².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahami
f.mg2 (-iyay, -isay) Sahan aadid. m.f.dh, sahamin. la-mid: sahmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahami
v. survey; scout, reconnoitre
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sahami
-yey / say: (v) 1. explore carefully in order to obtain information about the environment, especially of the habitation. 2. reconnoiter (ri-ka-nooy-ter); scout (iskaawt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahami
(fal) sahan u bax, soo eeg ama soo ogow xaqiiqada halkaynu u guuri lahayn. Dh: sahantag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sahami
a: sahmi
de: survey; scout, reconnoitre
initial: s
lx: sahami
pd: (sahamiyey)
ps: v2a=intr
key: sahami
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
salame
s.m. hilib doofaar (cusbaysan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samsam
(Samsam-ka)
(biyo) ceel Kacbada ku ag yaal; (ama Zamzam).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samsam
m.l Biyo laga helo ceel kacbada ku yaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samsam
m.l Biyo laga helo ceel Kacbada ku yaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Samsam
m. n. holy spring at Mecca
Samsam: pr. n., [feminine] Zamzam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Samsam
-ka: (magac, lab, keli) biyo barakaysan co laga dhaansado ceel ku yaalla Kabcada oo xujaajtu soo qaataan oo laga barakaysto, ruux walibana wuxuu helaa wuxuu niyooday marka uu cabbaayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanaad
-ka: (magac, lab, keli) sareedo iyo wanaagga xilli. Dh: samaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanaag
m.l (-gyo, m.dh) Dhul buuraley ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanaag
m.l (-gyo, m.dh) Dhul buuraley ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sanaag
pr. n., loc. Sanag [region in north Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Sanaag
(n) name of a northern region in Somalia; Sanag
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sanaag
cf: Ceerigaabo
de: Sanag [region in north Somalia]
initial: s
lx: Sanaag
ps: n0-loc-f
key: Sanaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) isu ekaansho. Waa isku sanaan labada wiil. Dh: qaab.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanaca
Sanaa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sanare
v.tr.- daaweyn, caafimaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanbab
(Sanbab-ka)
1. Mid ka mid ah labada xubnood oo hunguriga cadi isu hayo oo sida buufimada neeftu gasho kana baxdo.
2. (xoolo) cudur xun oo sanbabbada ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanbab
m.l la-mid: sambab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanbab
m. n. lung; tuberculosis (of cattle)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanbab
-ka: (n) lung (laang)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbab
-ka: (magac, lab, keli) cudur xun oo xoolaha ku dhaca siiba riyaha oo ay la qufacaan. Dh: kud.
sanbab -ka: (magac, lab, keli) eeg sambab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanbab
de: lung; tuberculosis (of cattle)
initial: s
lx: sanbab
pd: (-ka)
ps: n2-m; n0-m
see: sambab
key: sanbab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbac
-a: (magac, lab, keli) qof aan raganimo lahayn oo nacas ah. Dh: dogon. Li: fariid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanbal
-ka: (n) sample (saampel); specimen (ispesaman); sample of merchandise ~ sambal, kaambiyoone
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sancad
f. n. industry; factory, plant; engineering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sancad
de: industry; factory, plant; engineering See also: sanco
initial: s
lx: sancad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: sancad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sancan
Sanac leh; barako leh; khayr leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sancan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax nasiib wanaagsan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sancan
der. adj.page 1: fortunate; blessed; conferring a blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sancan
(fal) (la ~) ayaan u yeelo; asaacido u yeelo. Adhiga ayaa hooyaday la sancan. Dh: hoodo.
sancan: (tilmaame) mid sanac leh; qof barako leh: khayr leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sancan
de: fortunate; blessed; conferring a blessing rw: sanac
initial: s
lx: sancan
pd: (sancanaa)
ps: adj-der
key: sancan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sancay
(fal) sanco ku samay wax xumaaday. Dh: sancee. Li: xumee, xumay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandah
(fal) qari oo dad. Sandah hadalka waligaa. Dh: maldah. Li: caddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sandal
(Sandal-ka)
Geed-abaareed ka baxa Aasiya, Austraalya iyo Jasiiradaha Badweynta Deggan; waa udgoon yahay, waxaana badanaa laga waxeeya santuukhyada qoraalka lagu xardho, ulaha, babbisyada, iyo saqfaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sandal
m.l 1. Geed dheer oo ka baxa Aasiya, Ostaraaliya iyo jasiiradaha Badweynta Deggan oo udgoon, waxaana laga sameeyaa santuukhyada qoraalka lagu xardho, ulaha babbisyada iyo saqafaha. 2. Dhir udgoon iyo saliid la isku qooshey oo raggu oogada marsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sandal
m. n. sandalwood
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sandal
/saandhal/ (n) saandal (kabaha dusha ka bannaan).