samrin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samrin
(Samrin-ta)
Quus iyo samir gelin; samirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samrin
m.dh la-mid: sabrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samrin
-ta: (magac, dhedig, keli) quus iyo samir gelin; samirsiin; samris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: sabri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samri
f.g2 la-mid: sabri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samri
v. help someone to be patient ~ resigned, counsel patience
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samri
-yey / say: (v) comfort (kam-fort); soothe (suuth); help someone to accept the situation with patience; be tolerant; be patient ~ samirsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samri
(fal) (ka ~) ka quusii; uga dhanaanee; uga dacaree.
samri: (fal) «ka wax uu ku samro sii; wax uu ku illoobo sii. Ka samri qoyska geeridii inankooda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samri
de: help s.o. to be patient ~ resigned, counsel patience rw: samir
initial: s
lx: samri
pd: (samriyey)
ps: v2a=tr
key: samri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarin
m.l Geed faalala oo laamo dhaadheer iyo caleemo yaryar leh oo geelu daaqo.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SARIN
Neuracant hus polyacanthus 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARIN
(Sarin) C, S Cadaba ruspolii Gilg. Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarin
-ka: (magac, lab, keli) geedaha yaryar mid ka mid ah.
sarin-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku filan. Sacu wuxuu cunaa sarin uma aha.
sarin -ta: (magac, dhedig, keli) jeexdin meel jidhka ka mid ah ku talla. Lax sarin leh oo nayl sinta madow la socoto wax arkay ma leedihiin? Wa: sarmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabrin
m.f.dh eeg sabri. la-mid: samrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabrin
-ta: (magac, dhedig, keli) quus iyo sabir gelin; sabirsiin; samrin; samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadrin
-ta: (magac, dhedig, keli) kitaab, sadarro u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safrin
m.f.dh eeg safri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safrin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad ama wax kale safar u dirid.
safrin -ta: (magac, dhedig, keli) dad cunno, xoolo ama wax kale ay ku safraan siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sammin
m.dh la-mid: sammiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sammin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la jecel yahay magaciisa, ilmo dhashay u bixin; sammiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samrid
(Samrid-da)
Samir qaadasho, la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samrid
m.dh la-mid: sabrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samrid
-da: (magac, dhedig, keli) samir qaadasho. Dh: quusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samris
-ka: (magac, lab, keli) wax qof ku samro u samee ama sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sayrin
(Sayrin-ta)
Sayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayrin
m.dh la-mid: sayrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sayrin
vl. n. splashing, sprinkling, spilling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sayrin
-ta: (n) splattering (is-palaa-tering); splashing (is-palaashing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayrin
-ta: (magac, dhedig, keli) sayrid; saydhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sayrin
de: splashing, sprinkling, spilling
initial: s
lx: sayrin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: sayrin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samirsiin
(Samirsiin-ta)
Samir ku adkayn, ku waanin, farid; samrin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tenacious
/taneyshas/ tenaciously; (adj) mintid ah (go'aan adag leh, oo aan sahal u samrin).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaqilyo
-da: (magac, dhedig, keli) dhib lagala kulmo aragga dhaqaaq aad u yar oo noole ili ma qabatay ahi sameeyo. Dhaqaaqilyo aan loo samrin lagama sal gaadho.
dhaqaaqilyo -da: (magac, dhedig, keli) wax yar oo nool oo aan si fudud lagu arki karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) sabir ku adkayn; sabir ku waanin. Dh: samrin, samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samirsiin; samrin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sabriin
name-f patient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Samriye
magac loo baxsho wiil uurka ku hadhay ama aabbihii dhintay dhalashadiisii wax yar ka dib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawrin
m.f.dh eeg shawri. la-mid: shawris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamarin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoogaysi ama itaalaysi ama ciidamin. Talo wacani tamarin bay leedahay. Dh: xoogaysi. Li: liidasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tamriin
f. n. exercise, practice, training
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tamriin
bw: Arabic
de: exercise, practice, training
initial: t
lx: tamriin
pd: (-ta Pl: tamaariin (ta))
ps: n8-f
syn: layli
key: tamriin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amin
-ka: (magac, lab, keli) shinka ama milayga kolkaa la joogo. Dh: milay.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
arin
أَمْرٌ
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sain
sain, adj. - maskax fayow; aan waalayn; dareen; (dareemayaal sida indhaha, dhegta iwm); dhan; caafimaad
sain d'esprit - maskax fayow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sami
(Sami-da)
Samaan; same.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sami
m.dh la-mid: samaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sami
f. n., [abstract] goodness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sami
-da: (n) good behavior; kind act, kindness ~ samaan, samo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sami
-da: (magac, dhedig, keli) samaan; same.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sami
a: samaan, same
de: goodness
initial: s
lx: sami
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: sami
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sari
/sari/ (n) saari (maro badanaa xariir ah oo dumarka Hindidu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sari
sari, n.m. - guntiino iyo garbasaar is wata; saari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambin
m.f.dh eeg ambi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambin
-ta: (magac, dhedig, keli) luminta ama jaho ka luminta cid kale. Dh: hallayn, dhumin, lumis, anbis, ambis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amhin
-ka: (magac, lab, keli) eeg ahmi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ammin
(Ammin-ka, Ammin-ta)
Goor; had; waqti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammin
ammin¹: m.l/dh Goor; waqti. la-mid: immin.
ammin²: m.l/dh (naxwe) Qaab faleedyo gaar ah oo waafaqsan amminka falka la sameeynayo sida “timaaddo”, “tagto” iyo “joogto” iyadoo laga ambaqaadayo waqtiga la soo saarayo hawraarta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ammin
ammin¹: m.l/dh Goor; waqti.
ammin²: m.l/dh (naxwe) Qaab faleedyo gaar ah oo waafaqsan amminka falka la sameeynayo sida 'timaaddo', 'tagto' iyo 'joogto' iyadoo laga ambaqaadayo waqtiga la soo saarayo hawraarta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ammin
m. n. period; time {physics}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammin
-ka: (magac, lab, keli) xilligaa kolkaa la joogo. Dh: hadda, eegga, imminka.
ammin -ta: (magac, dhedig, keli) wakhti kooban: goor iyo milay. Ammin waliba cirku wuu da'aa dalkayaga. Dh: milay, wakhti, goor, madal, amin.
ammin-ta: (magac, dhedig, keli) maalin. Ammintan baa la go'aamiyay in mashaariic cusub laga hirgeliyo gobollada gudaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ammin
de: period; time {physics}
lx: ammin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: waqti {O & W}
key: ammin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amran
Karaamaysan; calman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amran
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax amar la siiyay ahaansho (cid). 2. La khaliifay ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amran
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax amar la siiyay ahaansho (cid). 2. La khaliifay ahaansho (qof). m.f.dh, amranaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Amran
pr. n., [feminine] Amran
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amran
der. [adjective] authorized; blessed, endowed with divine blessing; possessing supernatural power
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Amran
name-f blessed; authorized; endowed with divine blessing; possessing supernatural power. Syn: Amarre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Amran
magaca gabadh la rajaynayo in ay noqoto mid waaliddadeeda u hoggaansan ama gabadh iyada oo yar sida dadka waaweyn u dhaqanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amran
(tilmaame) mid amar la siiyay oo wax la faray. Askarigu waa qof amran. Dh: hoggaansan.
amran: (tilmaame) mid karaamaysan; mid lala jiro; qof la weheliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Amran
bw: Arabic
de: Amran
hm: 2
lx: Amran
ps: name-f
key: Amran_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amrid
(Amrid-da)
Wax farid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amrid
m.f.dh eeg amar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amrid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale amar siin; qof inuu wax sameeyo u sheegid. Dh: amris, farid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arrin
(Arrin-ka, Arrin-ta)
Talo, hadal iyo in wax laga qabto u baahan; xaal; talo; xaajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrin
m.l/dh (-imo, m.l) Talo, hadal iyo in wax laga qabto u baahan; xaajo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arrin
m.l/dh (-imo, m.l) Talo, hadal iyo in wax laga qabto u baahan; xaajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrin
f. n. matter, affair, case, problem, situation, topic, question, clause, provision
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arrin
-ta: (n) a subject of concern, feeling, or action: matter (maa ter)-, a state of affairs; a situation; case (keeys) ~ xaajo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Arrin
Argomento; oggetto
Issue; subject
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrin
-ka: (magac, lab, keli) male iyo fikir laga tashanayo. Dh: talo, xaal, xaajo.
arrin -ta: (magac, dhedig, keli) xaajo ama hawlo taladeedu taagantahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arrin
de: matter, affair, case, problem, situation, topic, question, clause, provision
lx: arrin
pd: (-ta ~ -ka)
ps: n1-f, n2c-m
key: arrin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carin
m.f.dh eeg cari. la-mid: caris (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» noole, carasho ka keenid. Dh: dhirin; dhidhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damin
m.dh eeg dami. la-mid: damis, demin, demis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damin
vl. n. extinguishing; turning off (a light)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ololaya bakhtiin. Daminta dabka dabdemiska ayaa u xilsaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
damin
de: extinguishing; turning off (a light)
lx: damin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: damin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darin
f. n. mat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darin
-ta: (n) mat (maat); mat used as floor-covering ~ derin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lagu fadhiisto ama lagu seexdo. Dh: salli, derin, dermo, caw, bal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darin
a: derin ~ darmo
de: mat
lx: darin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: darin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gamin
gamin, n. - ilmo yar; canug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harin
(Harin-ta)
Meel hoos ah, geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harin
m.f.dh eeg hari. la-mid: harayn, haris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel hoos leh, geyn. Dh: hadhin, haris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karin
1. (Karin-ka) a) Raadka raridda badani u yeesho awrta kuruskeeda. b) Xiriirka buuraha duudkooda sare, meel inta kale ka gaaban.
2. (Karin-ta) a) Wax bislayn. b) Cad wax lagu karo; karmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karin
karin¹: m.l (-rmo/-imo, n. m.) 1. Raadka, raridda badani u yeesho awrta baarkeeda. 2. Xiriirka buuraha duudkooda sare, meel inta kale ka gaaban. 3. (-rmo/-imo, m.l) Cad wax lagu karo; karmo. 4. Xerada xoolaha oodda lagu oodo barkeeda sare meel ka bannaan.
karin²: m.f.dh eeg kari. la-mid: karis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karin
m.l (-rmo/-imo, n. m.) 1. Raadka, raridda badani u yeesho awrta baarkeeda. 2. Xiriirka buuraha duudkooda sare, meel inta kale ka gaaban. 3. (-rmo/-imo, m.l) Cad wax lagu karo; karmo. 4. Xerada xoolaha oodda lagu oodo barkeeda sare meel ka bannaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karin
f. n. gap between camel's humps; passage, pass
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karin
-ta: (n) 1. cooking (kuuking); Ex: cunta karinta; the cooking of the food ~ karis. 2. patch (paaj); a small piece of material patched to another ~ jaan