samaysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samaysnaan
(Samaysnaan-ta)
Wax samaysan ahaan; waxaysnaan; suubsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaysnaan
m.f.dh eeg samaysan². la-mid: samaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samaysnaan
f. n., [abstract] state of being done ~ made
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samaysnaan
-ta: (n) formation (foor-meey-shin); creation (kiri-yeey-shiri)-,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax samaysan ahaan; waxaysnaan; suubbisnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samaysnaan
de: state of being done ~ made
initial: s
lx: samaysnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: samaysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safaysnaan
m.dh la-mid: sifaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax safaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaysnaan
m.f.dh eeg salaysan. la-mid: salaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax salaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumaysnaan
m.f.dh eeg sumaysan. la-mid: sumaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sun cabsanaan, la siiyey sun. Sumaysnaanta dacawooyinka ayaa lagu yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmaysnaan
m.f.dh eeg fahmaysan. la-mid: fahmaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambaysnaan
m.f.dh eeg gambaysan. la-mid: gambaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof madaxa gambo ku xidhan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammaysnaan
m.f.dh eeg xammaysan. la-mid: xammaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samaysan
La sameeyey; waxaysan; suubsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaysan
samaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la sameeyey noqosho.
samaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la sameeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samaysan
samaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la sameeyey noqosho. m.f.dh, samaysmid.
samaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la sameeyey ahaansho. m.f.dh, samaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samaysan
der. [adjective] done, made
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samaysan
-samaysnaa / samaysnayd: (adj) formed (foomidh)-, made (meeydh) ~ sameysan, suubsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaysan
(tilmaame) mid la sameeyay; mid waxaysan; suubsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samaysan
de: done, made
initial: s
lx: samaysan
nt: samaysan (samaysmay) [v1=inch]; See also: sameysan
pd: (samaysnaa)
ps: adj-der
key: samaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysnaan
m.f.dh eeg afaysan². la-mid: afaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax afbadan oo aad wax u gooya ahaan. Middidu afaysnaan bay wax ku goysaa. Dh: soofaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ibtilo iyo aafo qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asmaysnaan
m.f.dh eeg asmaysan. la-mid: asmaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asmaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo la sanceeyay ahaan.
asmaysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid la habaaray ahaan.
asmaysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax calaamadaysan ahaan. Dh: amaaradaysnaan, astaysnaan. asmaysnaansho -ha: (magac, lab, keli) eeg asmaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysnaan
m.f.dh eeg caraysan. la-mid: caraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid cadhaysan ahaan; cadhaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysnaan
m.f.dh eeg danaysan. la-mid: danaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dan qaba ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaysnaan
(Galaysnaan-ta)
Wax galaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaysnaan
m.f.dh eeg galaysan. la-mid: galaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaysnaan
f. n., [abstract] state of having a cover
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax gal ku jira ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaysnaan
de: state of having a cover
lx: galaysnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: galaysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasaysnaan
m.f.dh eeg gasaysan. la-mid: gasaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaysnaan
m.f.dh eeg habaysan². la-mid: habaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hab iyo hannaan fiican u dhignaan. Dh: hannaansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraysnaan
m.f.dh eeg haraysan. la-mid: haraysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaysnaan
m.f.dh eeg iimaysan. la-mid: iimaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacaysnaan
m.f.dh eeg jacaysan. la-mid: jacaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysnaan
m.f.dh eeg jahaysan. la-mid: jahaysnaansho, jihaysnaan, jihaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafaysnaan
(Lafaysnaan-ta)
Qof madaxa ka lafaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafaysnaan
m.f.dh eeg lafaysan. la-mid: lafaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafaysnaan
f. n., [abstract] state of having a fractured skull
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof madaxa ka lafaysan ahaan.
lafaysnaan-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhuubni darteed lafoobay ahaan. Dh: weydsanaan, caataysnaan. Li: naaxsanaan, buurnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafaysnaan
de: state of having a fractured skull
lx: lafaysnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: lafaysnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xadaysnaan oo daari lagu garto lahaan. Beeruhu madaysnaan kama maarmaan. Dh: daariyaysnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaysnaan
m.f.dh eeg qalaysan. la-mid: qalaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysnaan
m.f.dh eeg rasaysan. la-mid: rasaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax rasaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumaysnaan
(Rumaysnaan-ta)
(qof) Rumaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumaysnaan
m.f.dh eeg rumaysan. la-mid: ru- maysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rumaysnaan
f. n., [abstract] belief, state of believing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rumaysnaan
-ta: (n) belief (bi-liif); faith (feeyth) ~ aaminaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qirsanaat oo qof wax rumaysan ahaan. Dh: aamminsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rumaysnaan
de: belief, state of believing
lx: rumaysnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: rumaysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifaysnaan
m.f.dh eeg sifaysan². la-mid: safaysnaa, safaysnaansho, sifaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax safaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaysnaan
m.f.dh eeg xasaysan. la-mid: xasaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qarsoonaan oo wax aan la arkayn ahaan. Dh: khabbaysnaan, qarsoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farshaxannimo
(Farshaxannima-da)
Si falsan u samaysnaan: qurux badnaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
formazióne
s.f. - qaab u yeelid (da), samaysnaan, dhisnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurnaansho
-ha: (magac, lab, keli) jiritaan iyo samaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdarro
-da: (magac, dhedig, keli) qaab xumo, si xun u samaysnaan. Dh: agaasinxumo, nidaam-xumo, maamulxumo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Baanad
Qalabka loogu isticmaalo xiridda iyo furidda qodobbada iyo qabbirrada dhabannada leh ee kala cabbirka duwan. Waxay leedahay xaglo celiya ama qabta geesaska qodobbada iyo qabbirrada, afkooduna wuxuu u samaysnaan karaa saddex hab: mid sugan oo labo qal leh, mid caynduub leh oo qalka sare uu sugan yahay iyo ama madax faraati-xaglood ah. Guud ahaan afka baanaduhu waxay ka samaysan yihiin birdhuxuleed heer sare ah.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Daab
Gacanqabsiga dubbaha, soofaha, dismiska, mudaca ee ka samaysnaan kara loox, caag (blaastiig) iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astaamaysnaan
m.f.dh la-mid: astaamaysnaansho, astaysnaan, astaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
astaamaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid calaamad iyo astaani ka muuqato ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamaysnaan
m.f.dh eeg farsamaysan. la-mid: farsamaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax si wanaagsan loo qabtay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaysnaansho
m.l/dh la-mid: samaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax suubsan ahaansho; waxaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammaysnaan
m.f.dh eeg dhammaysan. la-mid: dhammaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la dhammeeyey oo halkii loogu tala galay la gaadhsiiyay ahaan. Aqalku haddeed dhammaysnaan ayuu u dhaw yahay. Dh: dhammaystirnaan.
dhammaysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax la dhammeeyey oon waxba ka oollin ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamraysnaan
m.f.dh eeg khamraysan. la-mid: khamraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof khamro cabbay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax salabaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
satiyaysnaan
m.f.dh eeg satiyaysan. la-mid: satiyaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
satiyaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sati loo yeelay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbaysnaan
m.dh la-mid: shaabbadaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumadaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax summad leh aahan; calaamadaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xakamaysnaan
m.f.dh eeg xakamaysan. la-mid: xakamaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xakamaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xakame ku xidhnaan; wax gacanta lagu hayo oon meel iska mari karin ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caataysnaan
m.f.dh eeg caataysan. la-mid: caataysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caataysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof caato ah ahaan; weyd ahaan.
caataysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) qof daalan ahaan; daalanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbaysnaan
(Cabbaysnaan-ta)
Wax cabbaysan ahaan; buuxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbaysnaan
m.f.dh eeg cabbaysan. la-mid: cabbaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbaysnaan
f. n., [abstract] state of being stuffed, full up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qori iyo wax la mid ah, dhicid diyaar u ahaan.
cabbaysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax cabbaysan ahaan; buuxsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabbaysnaan
de: state of being stuffed, full up
lx: cabbaysnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cabbaysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaysnaan
m.f.dh eeg caddaysan. la-mid: caddaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax caddaysan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta mid cadhaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha iska saarsaarnaan oo sare u qaadnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawraysnaan
m.f.dh eeg cawraysan. la-mid: cawraysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damacsanaan
(Damacsanaan-ta)
Sida la damacsan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damacsanaan
m.f.dh eeg damacsan. la-mid: damacsanaansho.