samantar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samantar
m. n. doer of good, humanitarian, philanthropist
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samantar
de: doer of good, humanitarian, philanthropist
initial: s
lx: samantar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: samantar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Samatar
name: Samatar
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Samatar
name-m doer of good, humanitarian, philanthropist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Samatar
magac loo baxsho wiil dhalashadiisa lagu heshiiyay ama la filayo in uu samaha ka shaqeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Samatar
cf: samantar
de: Samatar
initial: s
lx: Samatar
ps: name-m
key: Samatar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahantag
-ga: (magac, lab, keli) socdaal loo galo si meel xaaladda ka jirta loo soo ogaado.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lamentare
v.tr. - ka xumaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samaafare
-samaafaraha: (n) traffic light; traffic signal; signal (sig-nal) ~ ishaaro-da. Ex: samaafareha koowaad biddix u leexo; turn left from the first traffic light
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Samaan-ta
bonté.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samcanaan
m.f.dh eeg samcan. la-mid: samcanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarantari
(fal) xoog ku socodsii; hawl ama wax kale, si deg deg ah u qabo. Ila tarantari hawlahan igu ragaaday
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARMAAN-YAR
(Sarman-ier) N,S Acacia horrida (L) Willd. Mimosaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaar
(fal) 'geel' gooji. Geela kuma jirto hal amaaraysaa.
amaar: (fal) caajis oo is libaadhi. Sidaan diyaaraddii u sugaayay baan amaaray. Dh: caajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saman
(Saman-ka)
Semen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saman
m.l (-nno, m.dh) Wąa, jeer, goor. la-mid: saben, semen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saman
m.l (-nno, m.dh) Wąa, jeer, goor. la-mid: saben, semen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saman
m. n. time, period
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saman
-ka: (magac, lab, keli) wakhti; goor; xilli; seben; semen.
saman-ta: (magac, dhedig. keli) warqad maxkamadda laga bixiyo oo loogu yeedho qofka la dacweynayo. Saman u gee danbiilaha. Dh: waaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saman
a: semen
de: time, period
initial: s
lx: saman
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: saman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samar
f.mg1 (-mray, -martay) la-mid: sabar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samar
inch. v. be patient ~ resigned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samar
-ay / samartay: (v) accept the situation with patience; be tolerant ~ see [eeg] samir
samar -ka: (n) patience (peey-shansi); endurance (en-dhuu-rans) ~ samir, dulqaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samar
-ka: (magac, lab, keli) dulqaad; samir; sabir; samir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samar
de: be patient ~ resigned
initial: s
lx: samar
pd: (samray)
ps: v1=inch
see: samir
key: samar
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
amante
s.m. e. f. gashaan (ka, ta).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
amante
amante, n.f. - naagta ama haweeneyda iyada oo nin leh nin kale ka macsiyaysata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bantar
(Bantar-ka)
Neef joogsadey hilibki; aad u caatoobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bantar
bantar¹: m.l.kh 1. B. ah: fal aan qiimo lahayn, kibir ku jiro oo cidi ku kacdo. 2. B. ah: hilib aad caato u ah oo aan la cuni karin.
bantar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Fal aan qiimo lahayn oo kibir ku jiro ku kicid. 2. Hilib aad u caatoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bantar
bantar¹: m.l.kh 1. B. ah: fal aan qiimo lahayn, kibir ku jiro oo cidi ku kacdo. 2. B. ah: hilib aad caato u ah oo aan la cuni karin.
bantar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Fal aan qiimo lahayn oo kibir ku jiro ku kicid. 2. Hilib aad u caatoobid. m.f.dh, bantarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bantar
m. n. thin ~ weak animal; very lean meat
bantar: v. be proud, haughty ~ presumptuous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bantar
-ah: (adj) not fleshy or fat livestock; lean (liin); thin (thiin) ~ caato. Ex: neef bantar ah; a lean animal [domestic animal]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bantar
-ka: (magac, lab, keli) neef caato ama wayd ah hilibkiisa oo aan macayn. Bantar beer mooyee baruur ma leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cantar
(Cantar-ka)
(hadal) Aan ulajeeddo fiican lahayn; aan macne lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantar
cantar¹: m.l 1. Kibir; aabi. 2. C. ah: aan ulajeeddo fiican lahayn, aan macne lahayn (hadal).
cantar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Kibir iyo islaweynaan muujin. 2. Hadal aan nuxur badan lahayn sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cantar
m.l 1. Kibir; aabi. 2. C. ah: aan ulajeeddo fiican lahayn, aan macne lahayn (hadal).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cantar
m. n., [collective] nonsense talk
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cantar
name-m blue flies, brave, hero
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cantar
-ka: (n) speech or talk having no intelligible meaning; nonsense speech ~ cantarabaqash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantar
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan ulajeeddo fiican lahayn; hadal aan nuxur, macne iyo milgo toona lahayn. Dh: cantarbaqash, hantaatac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cantar
de: nonsense talk
lx: cantar
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: cantar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamaar
(Gamaar-ka)
(dab, kd.) sii baabba'; bas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaar
gamaar¹: m.l 1. Ur ka soo baxa harag, iyo wixi lamida oo aad u gubtay. 2. Gubashada wax ay aad u gubtaan. 3. la-mid: gamaarid.
gamaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Dambas noqosho (dab). 2. Si ba'an u gubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gamaar
v. die down, go out (of a fire)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gamaar
-ay / tay: (v) be damaged or injured by fire; burn (been)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaar
-ka: (magac, lab, keli) dab sii bakhtiyid; dab sii baaba'aya. Dh: damis, basid. Li: hurid.
gamaar-ka: (magac, lab, keli) lulood uu nooluhu gam'id iyo hurdo qarka u gaadho. Gelin dhexe sidii cawsha bay yara gamaartaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gamaar
de: die down, go out (of a fire)
lx: gamaar
nt: gamaar (ka) [vn2-m]
pd: (gamaaray)
ps: v1=intr
key: gamaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kantar
-ta: (magac, dhedig, keli) noole ka mid ah cayayaanka duula oo xoolaha qaniina. Dh: takar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maanta
Maalinta la joogo, oo u dhexaysa shalaydii la soo dhaafay iyo berrida soo socota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanta
fk. la-mid: maan² (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanta
adv., time: today
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maanta
(adj) the present day; today (tudheey)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanta
(falkaabe) maalinta xilliga la hadlayo la joogo. Maanta jooge berri ma noola.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maanta
de: today
lx: maanta
pd: (maantu)
ps: adv-time
xe: What day is it today?
xv: Maanta waa ayaanma?
key: maanta
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
maanta
الْيَوْمِ
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maatar
Matter
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maatar
m. n., (mass n.): matter {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maatar
-ka: (n) [Physics] matter (maatar) ~ walax jira sida adkaha, dareeraha ama hawada
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maatar
-ka: (magac, lab, keli) wax kasta oo cuf iyo culays leh oo meel bannaan buuxin kara. Dhagaxu waa maatar adka ah biyuhuna waa matar dareere ah. Dh: maaddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maatar
de: matter {chemistry} {Eng}
lx: maatar
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: maatar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mantag
(Mantag-ga)
Cunno calooshu nacdo oo xoog kor ugu soo kacda oo inti hunguriga madow kor u soo raacda afka ka soo baxda; hunqaaco (ama matag).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mantag
mantag¹: m.l Cunto caloosha ku jirto oo afka laga keeno. la-mid: matag¹.
mantag²: f.g1 (-gay, -gtay) Cunto caloosha ku jirto afka ka keenid. la-mid: matag³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mantag
mantag¹: m.l Cunto caloosha ku jirto oo afka laga keeno. la-mid: matag.
mantag²: f.g1 (-gay, -gtay) Cunto caloosha ku jirto afka ka keenid. m.f.dh, mantagid. la-mid: matag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mantag
m. n., (mass n.): vomit; vomiting, nausea
mantag v. vomit, be sick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mantag
-ay / tay: (v) vomit (voomit)-, throw up; bring up ~ hunqaac.
mantag -a: (n) vomit (voomit) ~ matag, hunqaaco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mantag
(fal) cuntadii ad cuntay ee caloosha tegtey soo celi oo afka ka keen. Mantag waxa cunaha kuu joogaa ha kaa soo dhacee. Dh: matag, hunqaac.
mantag -ga: (magac, lab, keli) cuntada afka ka soo noqota iyada oo caloosha tegtey. Dh: hunqaaco, matag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaar
ciyaar sharci ahaan xaaraan ah oo lacag lagu kala helo. Qamaar ha ciyaarin. Dh: khamaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanac
(Saanac-a)
Qof sanco yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanac
m.l (-cyo/-ciin, m.dh) Qof farsamo yaqaan ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saanac
m.l (-cyo/-ciin, m.dh) Qof farsamo yaqaan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanac
m. n. skilled person, craftsman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saanac
-a: (n) technician (tek-ni-shin)-, handy man; skilled worker; craftsman; ~ farsamayaqaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanac
-a: (magac, lab, keli) qof sanco yagaan oo wax sameeya. Dh: farsamayaqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saanac
bw: Arabic
cf: sanco
de: skilled person, craftsman
initial: s
lx: saanac
pd: (-a Pl: saanaciin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: saanac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanad
(Saanad-da)
Xabbadaha laga rido qalabka dabka ah oo lagu dagaallamo; rasaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanad
m.dh.u (-do, m.dh) Xabbadaha buntuqa laga rido oo lagu dagaalamo; rasaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saanad
m.dh.u (-do, m.dh) Xabbadaha buntuqa laga rido oo lagu dagaalamo; rasaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanad
f. n., [collective] cartridge, ammunition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saanad
-da: (n) 1. ammunition (am-yuni-shin); bullets (bulitis) ~ xabado, rasaas 2. weapons ~ hub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanad
-da: (magac, dhadig, keli) xabbadaha iyo jaliiladaha lagu rido qoriga iyo madfaca. Dh: rasaas, hub.
saanad -da: (magac, dhedig, keli) qalabka dabka ah ee lagu dagaallamo: wixii agab ah ee la xiriira ciidan. Saanad ciidan oo badan baa waddadan la mariyey. Dh: hub, rasaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saanad
de: cartridge, ammunition
initial: s
lx: saanad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: saanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saatan
(sida + tan)
Sidatan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saatan
fk. Sidan, sida tan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saatan
fk. Sidan, sida tan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saatan
conj., deictic: like that, thus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saatan
(adv) this (thiis) way, such (saj) way ~ saas Ex: saatan miyaad rabtaa? did you want it this way?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saatan
(falkaabe) ereyada 'sida tan' oo taxriifi ku dhacday. Saatan aad waddo la ma rabo. Dh: sidan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saatan
de: like that, thus = si (da) + tan
initial: s
lx: saatan
ps: conj + deic
key: saatan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saatir
m.l (-rro, m.dh) Magacyada Ilaahay mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saatir
m.l (-rro, m.dh) Magacyada Ilaahay mid ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saatir
-ka: (magac, lab, keli) Ilaaha Weyn ee ceebaha addoomihiisa astura. Saatirow ceebtayda astur. Dh: Rabbi, Eebbe, Ilaah, Weyne.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaar
-ka: (magac, lab, keli) saadka loo qaato safarka. Sabaar la'aan safar la ma galo. Dh: sahay, saad, jiscin, jicsin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sactar
(Sactar-ka)
Geed yar oo udgoon oo ubaxiisa dhawr waxyaalood laga sameeyo (cunnada oo lagu geedeeyo; daawo; ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sactar
m.l 1. Geed yar, udgoon oo ubaxiisa wax lagu daaweeyo, cuntadana lagu darsado. 2. Sagxad weyn oo alaabta culus maraakiibta looga soo qaado ama loogu geeyo oo matoor jiido.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sactar
m.l 1. Geed yar, udgoon oo ubaxiisa wax lagu daaweeyo, cuntadana lagu darsado. 2. Sagxad weyn oo alaabta culus maraakiibta looga soo qaado ama loogu geeyo oo matoor jiido.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sactar
m. n. sweet-smelling herb species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sactar
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo udgoon oo daawo laga dhigto, ubaxiisana cunnada lagu geedeeyo.
sactar-ka: (magac, lab, keli) markab yar oo si toos ah xeebta wax ugu dejiya; wuxuu leeyahay kiil hore oo u qaabaysan inuu xaaxiga dulfadhiisto oo xammuulkuu siday ku rogo. Sactar saabaanka uu wado is buu isaga dejiyaa. Dh: dejiye, raaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sactar
de: sweet-smelling herb sp.
initial: s
lx: sactar
pd: (-ka)
ps: n-m
key: sactar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaar
-ka: (magac, lab, keli) geed geedaha ka mid ah oo ubaxiisa xooluhu cunaan. Dh: qaliifaqabe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaar
-ta: (magac, dhedig, keli) ugaadh yar yar o cas cas oo hilib macaan. Dh: sakaaro, sagaaro, sakaar.