samallaho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samallaho
-da: (magac, dhedig, keli) xillirroobaad, xilliga dabayaaqada guga. Samallaho furfuriddooda, godka seermawaydaanka, marka ay Sabbuux gaadho, si kalaan u dhigi taase. Dh: diraac.
samallaho -da: (magac, dhedig, keli) mukur iyo ka badbadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samalaha
m.dh (-hayaal, m.l/dh) 1. Xilliga xagaaga waqti roobab badani ka da'aan Galbeed (Karan). 2. Xilli roobaad. la-mid: samaloho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samalahe
-da: (magac, dhedig, keli) xilliga Nawriiska la qoro ee kala guurka Karan iyo Xagaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaloho
m.dh (-hayaal, m.l/dh) la-mid: samalaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramaalasho
m.f.dh eeg ramaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samaysasho
(Samaysasha-da)
(qof) iski ama darti wax u samayn; waxaysasho; suubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaysasho
m.f.dh eeg samayso. la-mid: samaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waxaysasho; suubsasho; samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaaho
f.g3 (-hday, -hatay) Amaah qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amaaho
f.g3 (-hday, -hatay) Amaah qaadasho. m.f.dh, amaahasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amaaho
v. borrow (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
amaaho
-amaahday / amaahatay: (v) take loan for yourself; borrow for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaho
(fal) cid kale xoolo ka sii deynso; qof kale qaan wax kaga iibso. Amaaho haddaanad haysan lacag kugu filan. Dh: qardayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
amaaho
de: borrow (for oneself)
lx: amaaho
pd: (amaahday / amaahatay)
ps: v3b=
key: amaaho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kallaho
(Kallaha-da)
Kallah; jarmaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kallaho
m.dh la-mid: kallah¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kallaho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kallahaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saallax
-a: (magac, lab, keli) magaca goodirka marka uu saddex yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanaho
f.g3 (-hday, -hatay) 1. Qof balaayo dhaxalsiin. 2. Qof uurka cadaawad ugu hayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanaho
v. blame, accuse unjustly; say someone was one's accomplice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanaho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg saanahasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saanaho
de: blame, accuse unjustly; say s.o. was one's accomplice
initial: s
lx: saanaho
nt: saanahasho (/da) [vn-f]
pd: (saanahday)
ps: v3b=tr
key: saanaho
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sakallo
Brackets
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camalfalo
f.mg3 (-ashay, -alatay) Camal wanaagsan Eebbe dartii u samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
camalfalo
f.mg3 (-ashay, -alatay) Camal wanaagsan Eebbe dartii u samayn. m.dh, camalfalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camalfalo
v. do something for oneself; acquire something for oneself; perform a pious act; acquire merit for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
camalfalo
de: do s.t. for oneself; acquire s.t. for oneself; perform a pious act; acquire merit for oneself
lx: camalfalo
pd: (camalfashay)
ps: v3b=
key: camalfalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laballabo
(Laballaba-da)
1. Laqanyo, wadnabbaab; liidaanyo (ama lallabo).
2. Tirooyin badan oo middiiba labo ka kooban tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballabo
laballabo¹: m.dh.fk 1. Wax laballabo isugu lammaan. 2. Laba arrimood oo gudboon oo la kala dooran waayo.
laballabo²: m.dh.u Tirooyin badan oo middiiba labo ka koobantahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laballabo
laballabo¹: m.dh.fk 1. Wax laballabo isugu lammaan. 2. Laba arrimood oo gudboon oo la kala dooran waayo.
laballabo²: m.dh.u Tirooyin badan oo middiiba labo ka koobantahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laballabo
f. n.; [ext., fig.]: two-digit number {mathematics}; two by two
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballabo
-da: (magac, dhedig, keli) tiro isu raacraacsan labalabo. Dh: lammaane.
laballabo -da: (magac, dhedig, keli) talo go'aan laga gaadhi lahaa, kolba ka noqod, cabsi iyo shaki aawadii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laballabo
de: two-digit number {mathematics}; [atr. adv.] two by two
lx: laballabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: laballabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafallafo
(Lafallhafa-ha)
1. Oogada nafleyda riciraha leh, oo dadku kamid yahay, iskujooggeeda lafaha.
2. (qof, kd.) caato lafihii qayaxan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafallafo
m.l.kh L. ah: qof caato awgeed lafahiisu muuqdaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lafallafo
m.l.kh L. ah: qof caato awgeed lafahiisu muuqdaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafallafo
m. n. skeleton
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lafallafo
-ah: (adj) skinny (iskini) ~ caato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafallafo
(tilmaame) itaaldarri aad u liidata oo laf iyo maqaar uun ah. Dh: caato, weyd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafallafo
de: skeleton
lx: lafallafo
pd: (/ha)
ps: n6-m
syn: qalfoof
key: lafallafo
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SALALMACO
(Salalma) All. Som. Sesamothamnus busseanus Engl. Pedaliaceae.
NFD, N, S Sesamothamnus rivae Engl. Pedaliaceae.
N Cadia purpurea (Picc.) Ait. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaansho
m.l/dh eeg samow. la-mid: samaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax san noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samhalalo
-da: (magac, dhedig, keli) dayacaaddal wax laguu dhiibtay ama lagugu aaminay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camalfalasho
m.dh eeg camalfalo. la-mid: camafalad.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Salmagaadho
Furnaata u dhexaya labada qal ee keenada oo dhuumaha lagu qabbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalasho
m.dh la-mid: callaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalsasho
m.f.dh eeg calalso. la-mid: calalsad, calalsi, calashad, calashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calalsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camalsamow
f.mg3 (-maaday, -maatay) Qof camalsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaalasho
(Dabaalasha-da)
Biyaha dhexdooda marmarid sida kalluunka iyadoo aan waxba la qabsan, cagahana dhulka lagu hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaalasho
m.f.dh eeg dabaalo. la-mid: dabaalad, dabbaalad, dabbaalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaalasho
vl. n. act of swimming
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaalasho
- dabaalashada: (n) the act of swimming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabaalad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaalasho
de: act of swimming
lx: dabaalasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dabaalasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalsasho
m.f.dh eeg gacalso. la-mid: gacalsad, gacalsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dad is jecel oo gacal isu qaba ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalasho
m.f.dh eeg galaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafaalasho
m.f.dh eeg kafaalo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) noloshiisa gabi ama qayb kharaskiisa ah is dul dhig. Dh: xilqaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafallafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof aad u caatoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafallafow
inch. v. become very thin ~ skinny (like a skeleton)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafallafow
(fal) qof caato awgeed lafahiisu muuqdaan, noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafallafow
de: become very thin ~ skinny (like a skeleton)
lx: lafallafow
pd: (lafallafoobay)
ps: v1=inch
key: lafallafow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsasho
m.f.dh eeg madalso. la-mid: madalsad, madashad, madalsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsasho
-da: (magac, dhedig, keli) madal ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg magaalaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malmalaato
f. n. marmalade, jelly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malmalaato
-malmalaatada: (n) see [eeg] malmalaado
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malmalaato
a: malmalaaddo {It}
de: marmalade, jelly
lx: malmalaato
pd: (/da)
ps: n6-f
key: malmalaato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalladow
f.mg1 (-oobay, -owday) la-mid: nacaladow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafaalasho
m.f.dh eeg qafaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalasho
(Qasaalasha-da)
(weel, alaab, dhar, kd.) biyo ku mayrasho, dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaalasho
m.f.dh eeg qasaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iskaa u maydhasho. Qof walba qasaalashada dharkiisa isgaa ka masuul ah. Dh: maydhasho, dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sacabsasho
m.f.dh egg sacabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sacabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) sacabka ku qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) nadiifsasho; safaysi; saafi ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg saadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahansasho
m.f.dh eeg sahanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahaysasho
m.f.dh eeg sahayso. la-mid: sahaya-sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waajibka sakada gudasho; sako bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaalmaco
-da: (magac, dhedig, keli) geed la bah ah saalluunka oo ka baxa meelaha dibirka ah.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SALMALAAYE
Abutilon hirtum 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloolasho
(Saloolasha-da)
1. Badar salool ka dhigasho.
2. (nafleyda daaqda qaarkeed) inta labada lugood keliya la isku taago, labada jeenina, laamaha sare lagu qabsado, is dheerayn, si meel kore loo gaaro oo wax looga daaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloolasho
m.f.dh eeg saloolo. la-mid: saloolad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloolasho
-da: (magac, dhedig, keli) kali) sida ay nafleyda qaarkeed isugu taagaan labada lugood ee dambe kuwa horena dhulka uga qaadaan kolka ay laacayaan dhirta daaqeenka leh. Dh: laacasho, sariirasho. Li: rundud.
saloolasho -da: (magac, dhedig, keli) badar rarmiso, salool ka dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sameysasho
vl. n. doing ~ making for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sameysasho
-sameysashada: (n) the act of making or doing for one's own self
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sameysasho
a: samaysasho
de: doing ~ making for oneself
initial: s
lx: sameysasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: sameysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalasho
m.f.dh eeg xabaalo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamaarasho
(Xamaarasha-da)
Iyadoo la dhabbacan yahay oo bogga iyo addimmada lagu gurguurana hayo, socosho, dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamaarasho
m.f.dh eeg xamaaro. la-mid: xamaarad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xamaarasho
-xamaarashada: (n) creeping (kiriip-ing)-, crawling (karool-ing) ~ guur-guurasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) calaacasha ku xoqasho oo isha ku cacamin.
xamaarasho -da: (magac, dhedig, keli) dhinaca dhulka ama gidaar ku jijibin; bogga ku socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamohallays
-ka: (magac, lab, keli) neef itaal darro awgeed is nacay. Dh: ruqe. Li: joome.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samcanaansho
m.l/dh la-mid: samcanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aallay
de: I was (in a place) {N}
lx: aallay
ps: v4c-1sg-ind-past
key: aallay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaho
-da: (magac, dhedig, keli) dhoodidda awrka ee hasha. Dh: abaahi.