salxamo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salxamo
-da: (magac, dhedig, keli) wejiga labada kood marka ay timuhu ka dhamaadaan. Dh: bidaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salxanyo
m.l la-mid: salxo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salxanyo
-salxanyada: (n) baldness at the forehead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salxanyo
-ha: (magac, lab, keli) eeg salxaanyo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAAMO
(Samo) N Cassia occidentalis L. Caesalpinaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salam
(tilmaame) mid asalkiisii ah oo aan nabar gaadhin; mid aan ceeb lahayn, ceeb ka saliim ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salxo
m.l Wejiga korkiisa, labada meelood oo kor u jiidan oo aan timaha lahayn ee foodda labadeeda dhinac ku taal. la-mid: salxanyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salxo
m. n. hairline sloping back from the forehead ~ temples, partial baldness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salxo
-da: (magac, dhedig, keli) labada dhafoor oo madaxa horay u gashan oon timo lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salxo
de: hairline sloping back from the forehead ~ temples, partial baldness
initial: s
lx: salxo
pd: (/ha)
ps: n-m
syn: hiiro
key: salxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alxame
m.l (-mayaal, m.l/dh) Qof wax alxama.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alxame
m.l (alxamayaal, m.l/dh) Qof wax alxama.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alxame
-ha: (magac, lab, keli) qofka ama qalabka labo cad isku xidha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalamo
-da: (magac, dhedig, keli) codka ka soo baxa carrabka oo afka la dhex lulo oo lagu qaylyo, xilliyada aroosyada.
dalamo-da: (magac, dhedig, keli) xadhigga lagu qabto dibida iyo wixii la mid ah marka ay diddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salabo
(Salaba-da)
Minfiiq madaxeedu ulo dhuudhuuban ka samaysan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salabo
m.dh (-ooyin, m.l) Nooc xaaqimada ka mid ah oo madaxiisu ulo dhuudhuuban ka samaysan yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salabo
f. n. broom, brush (made of sticks ~ wooden bristles)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg salabe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salabo
cf: minfiiq
de: broom, brush (made of sticks ~ wooden bristles)
initial: s
lx: salabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: salabo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
salame
s.m. hilib doofaar (cusbaysan).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
salato
agg. - dhanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salxan
(Salxan-ta)
Wejiga kore, labada meelood oo sii jiidan oo timaha foodda labada dhinac kaga yaal, oo aan timaha lahayn middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salxan
f. n. baldness of the temples, receding hairline
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salxan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg salxaanyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salxan
de: baldness of the temples, receding hairline
initial: s
lx: salxan
pd: (-ta)
ps: n-f
see: salxo; rw: salax
key: salxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxaro
(Saxara-da)
Cunnada dadku cuno inteeda oogadu nacdo oo soo tufto; xaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxaro
m.dh Cuntada dadku cuno inteeda oogadu nacdo oo ka soo baxda futada; xaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxaro
m.dh Cuntada dadku cuno inteeda oogadu nacdo oo ka soo baxda futada; xaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxaro
f. n., (mass n.): excrement, feces
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxaro
-saxarada: (n) 1. stool (ist-uul); feces (fii-siiz); excrement (ekis-kerement); shit (shit); bowel movement; fecal matter~ xaar. 2. dung (dong); manure (ma-nuur); muck (mak) ~ saalo, digo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxaro
-da: (magac, dhedig, keli) cunnada la cuno inteeda uu dheefshiidku debedda u saaro. Dh: xaar, sindho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxaro
bw: saalo
de: excrement, feces
initial: s
lx: saxaro
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
syn: xaar
key: saxaro
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saxaro
فَرث، غَائِط، خِرَاء، خُرْء، حدث، برَاز
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaamo
(Calaama-da)
Calaamad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamo
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Tilmaan gaar ah oo wax leeyahay oo waxyaabaha la nooca ah looga garto; astaan. 2. Belo; masiibo. 3. C. ah: curyaan. la-mid: calaamad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calaamo
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Tilmaan gaar ah oo wax leeyahay oo waxyaabaha la nooca ah looga garto; astaan. 2. Belo; masiibo. 3. C. ah: curyaan. la-mid: calaamad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaamo
f. n. emblem, insignia, badge, sign, mark, brand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamo
-da: (magac, dhedig, keli) sumad cid lagu garto oo inta kale ka sooca. Dh: astaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaamo
a: calaamad
de: emblem, insignia, badge, sign, mark, brand
lx: calaamo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: calaamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falsamo
m.dh 1. Farsamo loo sameeyo hab quruxsan oo isha iyo uurku jeclaystaan. 2. la-mid: falsamaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falsamo
m.dh 1. Farsamo loo sameeyo hab quruxsan oo isha iyo uurku jeclaystaan. 2. la-mid: falsamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Falxado
pr. n., [feminine] Falhada
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Falxado
name-f good fortune, good luck. Syn: Digaale, Falxad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Falxado
de: Falhada Lit: the fortunate one
lx: Falxado
ps: name-f
key: Falxado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falxumo
m.dh la-mid: falfalxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falxumo
-da: (magac, dhedig, keli) dambi xun oo cidi ku kacdo ama dabeecd kulul lahaansho. Dh: dhaqanxumo. Li: dhaqanwanaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Salaado
pr. n., [feminine] Salada
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Salaado
name-f prayer. Lit: blessed. Syn: Salaad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Salaado
de: Salada
initial: s
lx: Salaado
ps: name-f
key: Salaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salaama
Salaama!
Erey duco ah oo ka dhigan: Nabad gal! Nabaaddiino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaama
e.d Erey duco ah oo ka dhigan: “nabad gal!”; nabaaddiino. la-mid: salaamad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salaama
inter. goodbye!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaama
salaama! (duco) eray la nuxur ah 'nabadgal!' oo la is yidhaa marka labo qof kala tegayaan. Dh: nabaaddiino, nabadgelyo, salaamad, tusan!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salaama
de: goodbye!
initial: s
lx: salaama
ps: intj
key: salaama
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saldano
(Saldana-da)
Dowladnimo suldaan u taliyo, (ama saldanad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saldano
saldano¹: m.dh 1. Awood xukun. 2. Boqortooyo. la-mid: saldanad.
saldano²: m.dh (siyaasad) Awoodda siyaasadeed oo buuxda ee uu waddan leeyahay e uu ku maamulayo waddankiisa, ama dal ama waddan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saldano
saldano¹: m.dh 1. Awood xukun. 2. Boqortooyo. la-mid: saldanad.
saldano²: m.dh (siyaa.) Awoodda siyaasadeed oo buuxda ee uu waddan leeyahay e uu ku maamulayo waddankiisa, ama dal ama waddan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saldano
f. n. sultanate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saldano
-saldanada: (n) dynasty (daay-nes-tif, supremacy (suupere-masi); dominion (dhu-meen-yari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saldano
-da: (magac, dhedig, keli) dal iyo dawladnimo uu suldaan u taliyo; saldanad: boqortooyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saldano
a: saldanad (da) [n1-f]
cf: suldaan
de: sultanate
initial: s
lx: saldano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: saldano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaamaco
m.dh Geed dhererkiisu dhexdhexaad yahay oo laamo jiljilicsan oo aan jebin iyo qodax yaryar leh. la-mid: saleelmac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salxaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) wejiga labada meelood ee fooddu u dhexayso ee timuhu xaydan yihiin ama dib u ceshan yihiin; marka qofka bidaari soo galayso ee ay timuhu ka durkaan wejiga. Dh: salxo, saalaxyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaasmo
f. n., [collective] plasma
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balaasmo
-balaasmada: (n) the clear fluid portion of blood; plasma (palaaz-ma)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balaasmo
de: plasma {Eng}
lx: balaasmo
pd: (/da)
ps: n0-f-col, n6-f
key: balaasmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balxasho
(Balxasha-da)
(xoolo) Biyo badan, had iyo goor, cabbid; biyo durduurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balxasho
m.f.dh eeg balxo. la-mid: balxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balxasho
-da: (magac, dhedig, keli) geela oo si isdaba joog ah biyaha dhanaha ah loo waraabsho. Balxasho geel baa lagu jeel tiraa adhina garraw baa la siiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxayo
f.mg3 (-yday, -ytay) Aryo isku jira oo xeroonaya ayadoo ayan cidi kala soocin, xeryahooda kala aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaamad
e.d la-mid: salaama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salaamid
(Salaamid-da)
Salaan ku dhihid; bariidin; nabdaadin; gacanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaamid
m.f.dh eeg salaan².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salaamid
-da: (n) the act of greeting (giriiting)-, salutation (saal-yu-teey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaamid
-da: (magac, dhedig, keli) bariidin; hadallo salaamo ah ku dhihid, Dh: nabdaadin, gacanqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salfasho
-da: (magac, dhedig, keli) galaafasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salgamid
m.f.dh eeg salgan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salgamid
-da: (magac, dhedig, keli) saldhig la'aansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallaylo
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan weynayn marka wax kale loo eego. Caammir waa sallaylo ee anaa haatan caymadiye. Dh: salleello.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saluugmo
(Saluugma-da)
Saluugga wax la saluugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saluugmo
m.dh Qawadidda wax laga qawado. la-mid: saluugud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saluugmo
f. n. refusal ~ rejection (of)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saluugmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg saluug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saluugmo
de: refusal ~ rejection (of)
initial: s
lx: saluugmo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: saluug
key: saluugmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salxaale
m.l (xisaab) Shaxan adke ah oo ku soohdimaysan dulo (wejiyo) leh qaab geesoole. Barta ah halka ay iska gooyaan saddex ama wax ka badan oo dulo (wejiyo) ah oo ku yaalla salxaale waxa la yiraahdaa gees, xarriiqda ah halka ay iska gooyan labada wejinna waxa lagu magacaabaa geftin. Salxaalaha simman dhammaan wejiyada waa geesoole simman oo isku sargo'an.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salxaale
m.l (xisaab) Shaxan adke ah oo ku soohdimaysan dulo (wejiyo) leh qaab geesoole. Barta ah halka ay iska gooyaan saddex ama wax ka badan oo dulo (wejiyo) ah oo ku yaalla salxaale waxa la yiraahdaa gees, xarriiqda ah halka ay iska gooyan labada wejinna waxa lagu magacaabaa geftin. Salxaalaha simman dhammaan wejiyada waa geesoole simman oo isku sargo'an.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Salxaale
Polyhedron
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salxaale
-ha: (magac, lab, keli) shaxan adke ah oo ku soohdimaysan dulo leh qaab geesoole. Barta ah halka ay iska gooyaan saddex ama wax ka badan oo dulo ah oo ku yaalla salxaale waxa la yiraahdaa gees, xarriiqda ah halka ay iska gooyan labada wejinna waxa lagu magacaabaa geftin. Salxaalaha simman dhammaan wejiyada waa geesoole simman oo isku sargo'an.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sarcasmo
s.m. - kajan, likaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sulxasho
(Sulxasha-da)
Gudo sidib ah, si fudud ugu cararid; sidbasho ku gelid; shalwad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulxasho
m.f.dh eeg sulxo. la-mid: sulxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sulxasho
-da: (magac, dhedig, keli) gudo sidib ah, si fudud ugu cararid; sidbasho; sibiibisasho; saliitayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaalmaco
-da: (magac, dhedig, keli) geed la bah ah saalluunka oo ka baxa meelaha dibirka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alam
(ereycodeed) tilmaamaya liqista wax weyn iyo hungurixumo. Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siinaynin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
almo
-da: (magac, dhedig, keli) barmiilka badh ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saam
m.l Kaltanka heeganka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saam
-ka: (magac, lab, keli) gantaallada lagu dagaallamo jaad ka mid ah.
saam -ka: (magac, lab, keli) kaltanka heeganka. saamaan -ta: (magac, dhedig, keli) alaabada qolka ama guriga gudihiisa loo adeegsado. Dh: gurgur, saabaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sala
s. f. - qol weyn (shir, cayaaro, casumaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samo
1. (Sama-da) Cir.
2. (Sama-ha) Wax san oo dhan.