salopard
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salopard
salopard, n.m. - qof xun; aad u akhlaaq daran
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
saloper
saloper, v. - si xun wax loo sameeyo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
camelopard
n., geri, -gi, hal-geri, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salgaarid
m.f.dh eeg salgaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salgaarid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wax la mid, gunteeda iyo xaqiiqdeeda, ogaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
saloperie
saloperie, n.f. - wax aad u liita
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
salad
/saaladh/ (n) saladh (khudrad badanaa cuntada ka dib la cuno).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salad
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale dhib ku noqosho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
aboard
/aboordh/ (adv) gaadiidka uu qof saaranyahay, sida diyaarad ama markab. e.g. The plane crashed, killing all passengers aboard.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
aboard
/aboord/ (adv) kor, eleeng, fuul. They went aboard the ship.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salaad
(Salaad-da)
1. Baryo ka kooban wax afka laga akhriyo iyo wax addimmada laga falo (joogsad, rukuuc; sujuud, fadhi, ...) oo waqtiyo la yaqaan Muslinku oogo; tukasho.
2. Waqtiga salaadda subax la tukado; subax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaad
m.dh 1. Subixii aroorta hore. 2. (-do, m.l) Baryo ka kooban wax afka laga akhriyo iyo addimada laga falo oo waqti la yaqaan muslinku oogaan; tukasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salaad
m.dh 1. Subixii aroorta hore. 2. (-do, m.l) Baryo ka kooban wax afka laga akhriyo iyo addimada laga falo oo waqti la yaqaan Muslinku oogaan; tukasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salaad
f. n. prayer, regular Muslim prayers
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Salaad
name-m prayer. Lit: blessed. Syn: Salaado
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salaad
-da: (n) prayer (pareeyar); especially the five obligatory prayers in Islam, that a Muslim must perform everyday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Salaad
magac loo baxsho wiil loogu magacdaray salaadda la tukado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaad
-da: (magac, dhedig, keli) tiir ka mid shanta tiir ee Islaamka oo xidhiidh lala sameeyo Eebbe oo leh falal af iyo addin ba ah oo Quraan iyo ducooyin la akhriyo oo farad ah oo shan jeer la sameeyo maalintii iyo habeenkeeda. Waana tiirka labaad. Siddeetan nin gaadhay oo aan salaad tukan haynin waraabaha sayntalaa siduu yahay dhaama. Dh: tukasho.
salaad -da: (magac, dhedig, keli) waqtiga ku abbaaran salaadda aroortii; kallaha hore. Salaadda hore ee berri ha la raro dhaanka. Dh: hiir, subax, aroor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salaad
bw: Arabic
de: prayer, regular Muslim prayers
initial: s
lx: salaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: salaad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
salary
/saalari/ salaried;(n) mushaar.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Salary
Howl
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
salary
n., dheef, -ti, haqay, -gi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salaud
salaud, n.m. - qof xun; aan balan lahay, liid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salfad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, galaafasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salfar
m.l (kiimika) Curiye kiimiko ah oo summaddiisu tahay (S) atamka culayskiisuna yahay 16 oo midab hurdi ah leh oo macdanta ama dhagxaanta karkarin looga miiro waxyaalo badanna lagu qabsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salfar
m.l (kiim.) Curiye kiimiko ah oo summaddiisu tahay (S) atamka culayskiisuna yahay 16 oo midab hurdi ah leh oo macdanta ama dhagxaanta karkarin looga miiro waxyaalo badanna lagu qabsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salfar
m. n., (mass n.): sulphur {chemistry}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salfar
-ka: (magac, lab, keli) nooc macdanta ka mid ah oo dhulka laga soo saaro
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salfar
de: sulphur {chemistry} {Eng}
initial: s
lx: salfar
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: salfar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallad
sallad¹: m.l.kh S. ah: qof dhibaatadiisu joogto tahay.
sallad²: m.dh (-do, m.l) 1. Ul dhumuc weyn oo warmaha lagula dagaallamo. 2. la-mid: selled. Dambiil yar.
sallad³: f.g1 (-day, -dday) Ku s.: cid wax dhiba ku dirid. la-mid: sallid³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sallad
sallad¹: m.l.kh S. ah: qof dhibaatadiisu joogto tahay.
sallad²: f.g1 (-day, -dday) Ku s.: cid wax dhiba ku dirid. m.f.dh, salladid. la-mid: sallid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sallad
-ka: (n) difficult person; harasses heckler
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallad
-da: (magac, dhedig, keli) weel suuqa lagaga soo adeegto. Salladda iigu rid basasha. Dh: sanbiil, sinbiil, selled.
sallad -da: (magac, dhedig, keli) mid cid kale dhib ku haya. Dh: sallid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
saloir
saloir, n.m. - weelka hilibka ama kalluunka lagu rido marka la milixaynayo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salope
salope, n.f. - dhillo; naag nolol xun
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
galoper
galoper, v. - ordid (faras iwm).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
leopard
/leebardh/ (n) haramcad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
léopard
léopard, n.m. - Haramcad (Bahal).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
leopard
n., shabeel, -ki, horgumo, -adi, nimmer, -ki.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
palpare
v.tr. - calaacal ku taataabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salgaar
f.mg1 (-ray, -rtay) Ka s.: arrin iyo wixi lamida xaqiiqdeeda ka jiba gaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salgaar
m. n., [compound] researcher, seeker after knowledge
salgaar v., [compound] research, find out the truth
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
saltare
v.intr. - boodid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
salvare
v.tr.- caymin, fakin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scopare
v.tr.- xaaqid, fiiqid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sabotare
v.tr.- curyaamin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
saligaud
saligaud, adj. - gof aan nadiif ahayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloobid
(Saloobid-da)
Sal noqosho, yeelasho; dhaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloobid
m.f.dh eeg salow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloobid
-da: (magac, dhedig, keli) sal noqosho, yeelasho: dhab noqosho. Dh: dhaboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloogad
-ka: (magac, lab, keli) saloogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloogid
(Saloogid-da)
Saloog ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloogid
m.f.dh eeg saloog². la-mid: saloog¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloogid
-da: (magac, dhedig, keli) isku taagid; saloolasho.
saloogid -da: (magac, dhedig. keli) saloog ka dhigid, turmaagid. Dh: diirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloolad
(Saloolad-ka)
Saloolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloolad
m.l la-mid: saloolasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloolad
-ka: (magac, lab, keli) nafleyda qaarkeed inta ay labada lugood laysku taago, labada jeenina, laamaha sare lagu qabsado, is dheerayn, si meel kore loo gaaro oo wax looga daaqo. Dh: saloogad, saloolasho.
saloolad -ka: (magac, lab, keli) saloogad; saloolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloolid
(Saloolid-da)
(badar) salool ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloolid
m.f.dh egg salool².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloolid
-da: (magac, dhedig, keli) badar salool ka dhigid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
salutare
v.tr.- salaamid, nabdaadin, bariidin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
salutary
/salyuteri/ (adj) waano-qaadasho ah (digniin-siin ah). e.g. This accident was a salutary experience, I will never drink and drive again.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaarad
m.l la-mid: ballaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaarad
-ka: (magac, lab, keli) kala fidid oo ballaadhasho. Dh: ballaadhad.
ballaarad -ka: (magac, lab, keli) sii kala fidid oo wax ballaadhan noqosho. Nabarka ballaaradka ka ilaali. Dh: ballaadhad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
calcolare
v.tr. - xisaabin, tirin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
esplorare
v.tr. - sahmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofaad
galoofaad¹: m.l Daal iyo dhibaata badan oo lagala kulmo socod dheer.
galoofaad²: f.mg1 (-day, -dday) Daal, dhibaato badan socod dheer kala kulmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoofaad
-ka: (magac, lab, keli) daal iyo dhibaato badan oo lagala kulmo socod dheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halhoraad
-ka: (magac, lab, keli) ninka silsilad maanso ama heeso ugu hor bilaaba ee laga daba qaato. Dh: ibafur, bilaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabarid
-da: (magac, dhedig, keli) shay labo is le'eg ka dhigid, laba gabal oo is le'eg ka dhigid. Dh: kalabadhid.
kalabarid -da: (magac, dhedig, keli) hawl aad haysid labo meelood marka loo qaybiyo meel dhammayn. Dh: kalabbadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalhoraad
m.l (-dyo, m.dh) Dhammaadka gamashiga, waqti ugu horreeya waraabka xoolaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalhoraad
-ka: (magac, lab, keli) dhammaadka gamashiga, waqti ugu horreeya waraabka xoolaha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbaarid
m.f.dh eeg sabbaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sabbaar qaadasho: jicsimasho: sahay qaadasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
safeguard
/seyf-gaardh/ (v) ilaalin (dhawrid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagagarad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhedig oo aan saaxi ahayn, maraanad ah. Dh: sacsacad, sawaabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaamaad
salaamaad! (duco) erey la yidhaahdo marka khatar la arko; Allaw badbaado! Salaamaad! Ilaahayaw na samatabixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salamarle
-ha: (magac, lab, keli) eeg salalmadhle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salbacaad
-ka: (magac, lab, keli) dhulka ciidda wacan ee la fadhiisan karo gogol la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salfudayd
m.l Dabeecad salfudayd iyo samir la'aan leh. la-mid: salfududaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salfudayd
m.l Dabeecad salfudayd iyo samir la'aan leh. la-mid: salfududaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salfudayd
-ka: (magac, lab, keli) degdeg, fiirsi la'aan ama samir darraan oo wax lagu qabto. Salfudaydka hooggiisa, bal sallaankan fuul laalan. Li degganaansho, hubsiimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salgaar_1
de: researcher, seeker after knowledge
hm: 1
initial: s
lx: salgaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: salgaar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salgaar_2
de: research, find out the truth
hm: 2
initial: s
lx: salgaar
pd: (salgaaray)
ps: v1=cmp
key: salgaar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salguurid
m.f.dh eeg salguur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salguurid
-da: (magac, dhedig, keli) dabargo'id; baabi'id. Li: jiritaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salivaire
salivaire, adj. - la xidhiidha candhuufta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallaaddi
-ga: (magac, lab, keli) waran yar. Salladdi iyo seef buu sitaa wiilku. Dh: hooto, sallaaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sallaaddo
(Sallaadda-da)
Waran yar; hooto; (ama sallaaddi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallaaddo
m.dh (-ooyin, m.l) Waran yar oo lagu dagaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sallaaddo
f. n. small spear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallaaddo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sallaaddi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sallaaddo
de: small spear
initial: s
lx: sallaaddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sallaaddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallaxaad
m.dh 1. (-dyo, m.l) Diyaarinta wax sidii la rabay loo diyaariyo si hawl loogu qabsado. 2. la-mid: sallixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sallaxaad
m.dh 1. (-dyo, m.l) Diyaarinta wax sidii la rabay loo diyaariyo si hawl loogu qabsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallaxaad
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ama wax kale oo kala dheeraa, isku simid.
sallaxaad -da: (magac, dhedig, keli) qurxinta iyo wanaajinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloogmid
m.f.dh eeg saloogan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloogmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saloogan noqosho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salutaire
salutaire, adj. - faa'iido ama waxtar u leh; caafimaad-qab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaarid
m.f.dh eeg sannaar.