saliidmakiinadeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidmakiinadeed
-da: (magac, dhedig, keli) saliid lagu shubo makiinadaha oo ka ilaalisa lisanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidmadaxeed
-da: (magac, dhedig, keli) saliidda la marsado timaha madaxa. Ku dhaasho saliid madaxeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jiid kubbadeed
Zone of a sphere
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiid-kubbadeed
m.dh (-dyo, m.dh) (xisaab) Qaybta dul ee kubbad oo ku soohdimaysan laba sallax oo barbarro ah. Joogga jiid waa fogaanta u dhexaysa sallaxyo. Sallaxyada barbarrada ah waxa ay kubbadda ka gooyaan laba goobo oo ah salalka jiidka. Jiidka hal sal waxa uu sammeysmaa marka mid ka mid ah sallaxyada barbarrada ah uu yahay taabtaha kubbadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saymacolaadeed
(tilmaame) xaalad dagaal ah.
saymacolaadeed -da: (magac, dhedig, keli) xaalad dagaal oo aloosan, saymo. Saymacolaadeed baa saaka aloosan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sawir-maskaxeed
-ka: (n) imagination (i-maaji-neey-shin); imaginary (i-maaji-nari); fancy (faansi)
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saafid xisaabeed
Mathematical analysis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saliidda sinsinta
(n) sesame oil ~ sisin