saliidee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliidee
f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Wax saliid ku darid. 2. Wax saliid marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saliidee
f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Wax saliid ku darid. 2. Wax saliid marin. m.f.dh, saliidayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliidee
v. make (into) oil; put oil on; oil, lubricate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliidee
de: make (into) oil; put oil on; oil, lubricate
initial: s
lx: saliidee
pd: (saliideeyey)
ps: v2b=
key: saliidee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidseed
-da: (magac, dhedig, keli) jaad saliidda ka mid ah oo laga tuujiyo geedka seytuunka mudhihiisa. Dh: saliidsaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidaysan
(tilmaame) la saliideeyay, saliid lagu shubay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saliideyn
(Saliideyn-ta)
1. Saliid ka dhigid.
2. Saliid marin, u yeelid, ku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliideyn
m.f.dh eeg saliidee. la-mid: saliideys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliideys
m.l la-mid: saliideyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliideys
-ka: (magac, lab, keli) saliideyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saliid
(Saliid-da)
Wax dareera oo dufan leh oo ama dhirta laga helo (seytuun, sisin, gabbaldaye, ...) ama wax nool (neberi, kalluun, ...) ama macaadinta (betrol iyo wixii ka soo jeeda), ~ dufan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliid
m.dh 1. Hoore dufan ah oo miraha dhirta qaarkeed laga miiro raashinkana lagu iidaanto. 2. Hoore layiig ah, isku qasan oo idarokarbuuri ah oo ka dhasha isbedello, ka yimid haraayo orgaaniko ah oo tiro badan, dhulka hoostiisa muddo dheer ku biirsamay oo marka la sifeeyo loo isticmaalo iftiinsasho iyo shidaal. la-mid: seriir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saliid
m.dh 1. Hoore dufan ah oo miraha dhirta qaarkeed laga miiro raashinkana lagu iidaanto. 2. Hoore layiig ah, isku qasan oo idarokarbuuri ah oo ka dhasha isbedello, ka yimid haraayo orgaaniko ah oo tiro badan, dhulka hoostiisa muddo dheer ku biirsamay oo marka la sifeeyo loo isticmaalo iftiinsasho iyo shidaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliid
f. n., (mass n.): oil (in general); petroleum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saliid
-da: (n) oil (ooyal)
saliida cuntada; the cooking oil.
saliidda ceeriin; crude oil; petroleum
saliid saytuun: (n) olive oil
saliidda sinsinta; the sesame oil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere cuntada lagu daro madaxana la marsado lagana helo dhirta qaar. Dh: dufan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliid
bw: Arabic
de: oil (in general); petroleum
initial: s
lx: saliid
pd: (-da)
ps: n1-f-mass
key: saliid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saliid
زيْت
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliiday
(fal) dhiidhi dhexdii kolba gees u jeedso.
saliiday: (fal) saliid ku shub; saliid ku dar; saliid mari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'iidee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) U f.: cid faa'iido u tarid. la-mid: faa'idee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faa'iidee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) U f.: cid faa'iido u tarid.m.dh, faa'iidayn. la-mid: faa'idee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'iidee
(fal) eeg faa'iday.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saliid-da
huile, graisse.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhiidhi ah marba dhinac ujeedsasho.
saliidayn-ta: (magac, dhedig, keli) saliid ku darid; saliid ku shubid; saliidays, saliid marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidays
-ka: (magac, lab, keli) eeg saliidayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliidbax
vl. n., [compound] oil consumption
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliidbax
de: oil consumption
initial: s
lx: saliidbax
pd: (-a)
ps: vn-m-cmp
key: saliidbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallideyn
-ta: (magac, dhedig, keli) saliid marin: saliid u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiitee
(fal) shamiinto ku dhis; sibidhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Ku s.: wax sal u yeelid. 2. Arrin xaqiiqdeeda sugid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Ku s.: wax sal u yeelid. 2. Arrin xaqiiqdeeda sugid. m.dh, salayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salee
v. set on a base, establish firmly; confirm
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salee
de: set on a base, establish firmly; [ext.] confirm
initial: s
lx: salee
pd: (saleeyey)
ps: v2b=tr
key: salee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salid
m.dh la-mid: solid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidee
Sidee?
Habkee? Xaaladdee? Waxee? Maxaa? Maxay ku noqotay?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidee
fk.we Habkee; xaaladdee?; waxee?; maxaa? maxay ku noqotay?. la-mid: see.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sidee
fk.we Habkee; xaaladdee?; waxee?; maxaa? maxay ku noqotay?. la-mid: see.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidee
question word, [adverb] how?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sidee
(adv) how (haaw) Ex: sidee tahay? how are you? ~ sideed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidee
sidee? (falkaabe) su'aaleed laga horraysiiyo su'aasha xaaladda ku saabsan. Sidee casharka loo dhigaa? Dh: Habkee? Xaaladdee? Waxee? Maxaa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidee
de: how?
initial: s
lx: sidee
ps: qw-adv
xe: How is the temperature today?
xv: Maanta hawadu waa sidee?
key: sidee
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sidee
كيف
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
slide
/slaydh/ slid; (v) 1. sibiibixasho (sidbasho, siibasho) 2. bir-ciyaareed oo carruurtu iska soo-daayaan 3. dhuumasho (si qarsoodi ah u bixid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
slide
v., (slip) simbiriirixo, siisiibo, sibiiboxo; n., meel sibiibax ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax ciid ku shubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciidee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax ciid ku shubid. m.f.dh, ciidayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciidee
v. cover with soil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidee
(fal) eeg ciiday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciidee
de: cover with soil
lx: ciidee
pd: (ciideeyey)
ps: v2b=
key: ciidee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliid
m.l la-mid: mariid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliid
-ka: (magac, lab, keli) geed aad u weynaada. oo laga liso caano sun ah oo fallaadhaha iyo warmaha iyo leebabka lagu dagaalamo la marsho. Maliid u soo mariya fallaadha. Dh: marriid. Wa: maliiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Malab, subag iyo wixi lamida miirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miidee
v. make into nectar ~ syrup; make a syrup
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miidee
de: make into nectar ~ syrup; make a syrup
lx: miidee
pd: (miideeyey)
ps: v2b=tr
key: miidee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaliid
(Qaliid-ka)
Cad ka samaysan qoryo si gaar ah isugu rakiban oo albaabbada lagu dhejiyo, si ay u xirmaan ama ayan u furmin; qori gaar ah oo ilko kala duwduwan leh baa lagu furaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaliid
m.l (-dyo, m.dh) Cad ka samaysan qoryo si gaar ah isugu rakiban oo albaabbada lagu dhejiyo, si ay u xirmaan ama ayan u furmin; qori gaar ah oo ilko kala duwduwan leh baa lagu furaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaliid
m. n. wooden fastening of a door
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaliid
-ka: (magac, lab, keli) quful albaabbada looxa ah lagu xidho oo isna qori ka samaysan. Albaabka galiid jag ku sii.
qaliid-ka: (magac, lab, keli) eeg gadaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaliid
de: wooden fastening of a door
lx: qaliid
pd: (-ka)
ps: n-m
key: qaliid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Saciid
name: Saeed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saciid
name-m happiness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Saciid
de: Saeed
initial: s
lx: Saciid
ps: name-m
key: Saciid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salade
salade, n.f. - saladh; khudrad cunnada marka la cunayo lagu darsado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saliib
(Saliib-ka)
1. Istallaabta kirishtaanka u summadda ah; macatab.
2. Istallaab; laanqayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliib
m.l Istillaab kirishtaanka summad u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saliib
m.l Istillaab kirishtaanka summad u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliib
n. cross, crucifix
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliib
-ka: (magac, lab, keli) iskutallaabta astaantal u ah masiixiyadda. Dh: macatab, laanqayr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliib
bw: Arabic
de: cross, crucifix
initial: s
lx: saliib
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
syn: iskutallaab, macatab
key: saliib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliim
-ka: (magac, lab, keli) dhagax dhagxanta dubnadda ka mid ah oo dhinac saddex god ku leh dhagaxa saddexda dhibcood leh ee dubnadda.
saliim: (tilmaame) qof ama shey wax ceeb ah aan lahayn, wax iin ah an lahayn. Dh: fayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliiq
-a: (magac, lab, keli) cudur ku dhaca feedhaha oo loo yaqaan qaaxo ama tiibii (TB).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saline
Milixsan
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
saline
(n) of, relating to, or containing salt; salty; a solution, esp. one that is has the same concentration as blood and is used in medicine and surgery.
milan ka kooban cusbo iyo biyo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
saline
/seylin/ (adj) cusbo leh (milix leh).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
saline
saline, n.f. - warshad samaysa ama lagu sameeyo milixda
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
salire
v.intr. - korid, fuulid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Salite
Fuula
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salive
salive, n.f. - candhuuf; dhareerka afka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallid
sallid¹: m.l Ibtilo.
sallid²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: sallad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallid
(fal) (ku ~) dhib kaga dhig; ku dhibaatee. Maxaa igu salliday habartan?
sallid -ka: (magac, lab, keli) wax lagugu imtixaano; wax ku lura oo ku dhiba. Dh: ibtilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salwid
(Salwid-da)
Salow kicin; buuqid; sooyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salwid
m.f.dh eeg salaw².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salwid
-da: (magac, dhedig, keli) salow kicin; buuq iyo qaylo samayn (dad badan). Dh: buugid; sooyaamid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sapide
sapide, adj. - dhadhan leh; macaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax siddo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siigee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) 1. (fg.) Wax habaas u yeelid. 2. (fmg.) Cid habaas kicin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siigee
v. make dusty, cover with dust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigee
(fal) boodh, siigo iyo uuro kici.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siigee
de: make dusty, cover with dust
initial: s
lx: siigee
pd: (siigeeyey)
ps: v2b=tr
key: siigee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siinee
f.g2 (-neeyay, -neysay) 1. Wax qurxin. 2. Wax xardhid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siinee
f.g2 (-neeyay, -neysay) 1. Wax qurxin. 2. Wax xardhid. m.f.dh, siinayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siinee
v. decorate, beautify
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinee
(fal) duuf iska keen. Dh: siimi, siimee.
siinee: (fal) siinad ka dhig: qurux ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siinee
de: decorate, beautify
initial: s
lx: siinee
pd: (siineeyey)
ps: v2b=tr
key: siinee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
solide
solide, adj. - adke; xidhan; adag oon dhaqdhaqaaqayn; xoogan adag deggan; xoog ah; xooggan; laysku halayn karo
peu solide - lulmaya; gariiraya; dhaqdhaqaajin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
valide
valide, adj. - inta ay wax anfacoodu sugan yihiin; la isticmaalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waliid
(Waliid-ka)
Jiritaan; dhalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waliid
m. n. birth, existence
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waliid
name-m new born son; product
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waliid
-ka: (magac, lab, keli) jiritaan; dhalasho.
waliid -ka: (magac, lab, keli) qof kula dhashay ama aad dhashay ka uu sii dhalo eed awawga u tahay. Waliid ma leedahay walaal.