saliiday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliiday
(fal) dhiidhi dhexdii kolba gees u jeedso.
saliiday: (fal) saliid ku shub; saliid ku dar; saliid mari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhiidhi ah marba dhinac ujeedsasho.
saliidayn-ta: (magac, dhedig, keli) saliid ku darid; saliid ku shubid; saliidays, saliid marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidays
-ka: (magac, lab, keli) eeg saliidayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliday
(fal) saliid ku shub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliitay
(fal) socod aan dhaqaaq toosan lahayn dhiigo si la marayo ah samee, Dh: sinbiriirix.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
creak
/kriik/ (v) 1. ka jiiqsiin (sida albaab iwm, oo aan saliidaysnayn). (n) 2. is-lis ama shangarta jiiq-jiiqda.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
oily
/oyli/ (adj) 1. saliid u eg (saliid-saliid ah) 2. saliidaysan (saliid leh) 3. saa'id u edeb badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqe
-ha: (magac, lab, keli) kalluun yar oo isaga oo saliidaysan la qasaacadeeyo oo la jecel yahay. Dh: huduf, saardiin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
graisser
graisser, V. - xaydheynta iya saliidaynta qaybaha mishiinka si uu hawlyari ugu shaqeeyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lubrifier
lubrifier, V. - Xaydheynta iyo saliidaynta qaybaha mishiinka si uu hawlyari ugu shaqeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliidbax
vl. n., [compound] oil consumption
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliidbax
de: oil consumption
initial: s
lx: saliidbax
pd: (-a)
ps: vn-m-cmp
key: saliidbax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saliideyn
(Saliideyn-ta)
1. Saliid ka dhigid.
2. Saliid marin, u yeelid, ku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliideyn
m.f.dh eeg saliidee. la-mid: saliideys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliideys
m.l la-mid: saliideyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliideys
-ka: (magac, lab, keli) saliideyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saliid
(Saliid-da)
Wax dareera oo dufan leh oo ama dhirta laga helo (seytuun, sisin, gabbaldaye, ...) ama wax nool (neberi, kalluun, ...) ama macaadinta (betrol iyo wixii ka soo jeeda), ~ dufan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliid
m.dh 1. Hoore dufan ah oo miraha dhirta qaarkeed laga miiro raashinkana lagu iidaanto. 2. Hoore layiig ah, isku qasan oo idarokarbuuri ah oo ka dhasha isbedello, ka yimid haraayo orgaaniko ah oo tiro badan, dhulka hoostiisa muddo dheer ku biirsamay oo marka la sifeeyo loo isticmaalo iftiinsasho iyo shidaal. la-mid: seriir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saliid
m.dh 1. Hoore dufan ah oo miraha dhirta qaarkeed laga miiro raashinkana lagu iidaanto. 2. Hoore layiig ah, isku qasan oo idarokarbuuri ah oo ka dhasha isbedello, ka yimid haraayo orgaaniko ah oo tiro badan, dhulka hoostiisa muddo dheer ku biirsamay oo marka la sifeeyo loo isticmaalo iftiinsasho iyo shidaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliid
f. n., (mass n.): oil (in general); petroleum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saliid
-da: (n) oil (ooyal)
saliida cuntada; the cooking oil.
saliidda ceeriin; crude oil; petroleum
saliid saytuun: (n) olive oil
saliidda sinsinta; the sesame oil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere cuntada lagu daro madaxana la marsado lagana helo dhirta qaar. Dh: dufan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliid
bw: Arabic
de: oil (in general); petroleum
initial: s
lx: saliid
pd: (-da)
ps: n1-f-mass
key: saliid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saliid
زيْت
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Saciida
pr. n., [feminine] Saeeda
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saciida
name-f happiness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Saciida
a: Saciido
de: Saeeda
initial: s
lx: Saciida
ps: name-f
key: Saciida
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waliida
name-f new born daughter; product
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliidee
f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Wax saliid ku darid. 2. Wax saliid marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saliidee
f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Wax saliid ku darid. 2. Wax saliid marin. m.f.dh, saliidayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliidee
v. make (into) oil; put oil on; oil, lubricate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliidee
de: make (into) oil; put oil on; oil, lubricate
initial: s
lx: saliidee
pd: (saliideeyey)
ps: v2b=
key: saliidee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliifad
m.dh (-do, m.l) Weel yar oo qori ah oo biyaha looga dhuro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliifad
f. n. bailer, apparatus for getting water out of a ship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliifad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab dhuun o kale ah oo doonyaha biyaha lagaga dhuro. Dh: tuunbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliifad
de: bailer, apparatus for getting water out of a ship
initial: s
lx: saliifad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: saliifad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliimad
m.dh Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min saddex dhibcood ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallidan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: salladan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saliidaysan
(adj) oily (ooyli); greasy (giriisi) ~ saliid leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidaysan
(tilmaame) la saliideeyay, saliid lagu shubay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saliidnaar
-ta: (n) iodine (aaya-dhaayn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'iiday
(fal) waxtar iyo faa'iido yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maljiidan
Ka1a jiidan; fidsan; dhereran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maljiidan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: marijiidan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maljiidan
der. [adjective] stretched
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maljiidan
(tilmaame) kala jiidan ah; fidsan ah. Harag majidan ayay noo gogleen. Dh: fidsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maljiidan
de: stretched
lx: maljiidan
pd: (maljiidnaa)
ps: adj-der
key: maljiidan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salfudayd
m.l Dabeecad salfudayd iyo samir la'aan leh. la-mid: salfududaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salfudayd
m.l Dabeecad salfudayd iyo samir la'aan leh. la-mid: salfududaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salfudayd
-ka: (magac, lab, keli) degdeg, fiirsi la'aan ama samir darraan oo wax lagu qabto. Salfudaydka hooggiisa, bal sallaankan fuul laalan. Li degganaansho, hubsiimo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saliid-da
huile, graisse.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallideyn
-ta: (magac, dhedig, keli) saliid marin: saliid u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiitay
(fal) shamiito mari, dhexgeli, sibdhi sibidhay guriga, sibidh mari, ku samee sibidh. Dh: shamiitee, sibidhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidmadax
-da: (magac, dhedig, keli) saliidda la marsado timaha, lagu subkado. Dh: dhaashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidxaali
-ga: (magac, dhedig, keli) saliidda cuntada lagu karsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salay
(fal) sal u yeel; wax sal leh ka dhig. Ku salay dooddaada aqoon. Dh: salee.
salay: (fal) weel iyo wax la mid ah, meel uu ku fadhiisto u yeel. Salay saxanka. Dh: meelee, salee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salid
m.dh la-mid: solid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siday
conj., vl. pron. the way she; how she ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siday
(adv) as she or as they. Ex: siday tiri; as she did or said.-sidee: as you...siduu: as he..
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siday
de: the way she; how she ...
initial: s
lx: siday
pd: (sidey)
ps: conj + vpro
xe: How is your sister?
xv: sey
key: siday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiday
(fal) carro ku rog; ciid ku daadi. Dh: ciidee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liitay
liidatay: (v) was in poor or bad shape
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliid
m.l la-mid: mariid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliid
-ka: (magac, lab, keli) geed aad u weynaada. oo laga liso caano sun ah oo fallaadhaha iyo warmaha iyo leebabka lagu dagaalamo la marsho. Maliid u soo mariya fallaadha. Dh: marriid. Wa: maliiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaliid
(Qaliid-ka)
Cad ka samaysan qoryo si gaar ah isugu rakiban oo albaabbada lagu dhejiyo, si ay u xirmaan ama ayan u furmin; qori gaar ah oo ilko kala duwduwan leh baa lagu furaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaliid
m.l (-dyo, m.dh) Cad ka samaysan qoryo si gaar ah isugu rakiban oo albaabbada lagu dhejiyo, si ay u xirmaan ama ayan u furmin; qori gaar ah oo ilko kala duwduwan leh baa lagu furaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaliid
m. n. wooden fastening of a door
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaliid
-ka: (magac, lab, keli) quful albaabbada looxa ah lagu xidho oo isna qori ka samaysan. Albaabka galiid jag ku sii.
qaliid-ka: (magac, lab, keli) eeg gadaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaliid
de: wooden fastening of a door
lx: qaliid
pd: (-ka)
ps: n-m
key: qaliid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Saciid
name: Saeed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saciid
name-m happiness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Saciid
de: Saeed
initial: s
lx: Saciid
ps: name-m
key: Saciid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saliib
(Saliib-ka)
1. Istallaabta kirishtaanka u summadda ah; macatab.
2. Istallaab; laanqayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliib
m.l Istillaab kirishtaanka summad u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saliib
m.l Istillaab kirishtaanka summad u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliib
n. cross, crucifix
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliib
-ka: (magac, lab, keli) iskutallaabta astaantal u ah masiixiyadda. Dh: macatab, laanqayr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliib
bw: Arabic
de: cross, crucifix
initial: s
lx: saliib
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
syn: iskutallaab, macatab
key: saliib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliim
-ka: (magac, lab, keli) dhagax dhagxanta dubnadda ka mid ah oo dhinac saddex god ku leh dhagaxa saddexda dhibcood leh ee dubnadda.
saliim: (tilmaame) qof ama shey wax ceeb ah aan lahayn, wax iin ah an lahayn. Dh: fayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliiq
-a: (magac, lab, keli) cudur ku dhaca feedhaha oo loo yaqaan qaaxo ama tiibii (TB).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
salina
s.f. - balli cusbo lagu diyaariyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
salita
s.f. - dalcad.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saliva
Candhuuf
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
saliva
(n) the watery, tasteless liquid mixture released in the mouth.
dhareer
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
saliva
/salayva/ salivary; (n) candhuuf (calyo).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Saliva
Candhuuf; calyo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
saliva
s.f. - candhuufo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
saliva
n., calyo, -adi, dhareer, -ki; thickness of saliva, lun, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallid
sallid¹: m.l Ibtilo.
sallid²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: sallad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallid
(fal) (ku ~) dhib kaga dhig; ku dhibaatee. Maxaa igu salliday habartan?
sallid -ka: (magac, lab, keli) wax lagugu imtixaano; wax ku lura oo ku dhiba. Dh: ibtilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salwid
(Salwid-da)
Salow kicin; buuqid; sooyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salwid
m.f.dh eeg salaw².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salwid
-da: (magac, dhedig, keli) salow kicin; buuq iyo qaylo samayn (dad badan). Dh: buugid; sooyaamid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sayida
name-f lady, chief, mistress
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidday
(fal) sidde u samay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siidal
m.l Carruur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siidal
-ka: (magac, lab, keli) carruur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigay
(fal) siigo kici, bidi. Dh: boodhee, siigee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siihay
v. hold on to, keep temporarily
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siihay
-ey / say: (v) hold for, put aside for, keep for, reserve for