salfiyuurik-asiidh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salfiyuurik-asiidh
m.dh (kiimika) (H2SO4) Hoor saliidda u eg oo midablaawe ah, laguna diyaariyo habka kulanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salfiyuurik-asiidh
m.dh (kiim.) (H2SO4) Hoor saliidda u eg oo midablaawe ah, laguna diyaariyo habka kulanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askoorbik-asiidh
m.l (kiimika) Fitamiin biyaha ku milanta oo aan looga maarmiin xoojinta soohyada iyo isku haynta unugyada, sameynta kollaanjikana waa ka qayb qaadataa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarbogsilik-asiidh
m.l (kiimika) Nooc ka tirsan iskudhisyada orgaanigga ee naanaystooda guudtahay COOH. Kaarbog-silik asiidho badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhirta, duxda iyo saliiddana waxay ugu jiraan miistar ahaan. Sidaa awgeed kaarbogsilik asiidhada noocan ah waxa loo yaqaan asiidho duxeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaarbogsilik-asiidh
m.l (kiim.) Nooc ka tirsan iskudhisyada orgaanigga ee naanaystooda guudtahay COOH. Kaarbogsilik asiidho badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhirta, duxda iyo saliiddana waxay ugu jiraan miistar ahaan. Sidaa awgeed kaarbogsilik asiidhada noocan ah waxa loo yaqaan asiidho duxeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meerkiyuurik-salfaydh
m.l (kiimika) Iskudhis dabiici ahaan ugu jira macdanta sinabaar (adke cas) iyo metasinabar (adke madow).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meerkiyuurik-salfaydh
m.l (kiim.) Iskudhis dabiici ahaan ugu jira macdanta sinabaar (adke cas) iyo metasinabar (adke madow).