sales tax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sales tax
/seylz-taaks/ (n) canshuurta beeca (canshuurta la saaro badeecada).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canshuurta beeca
(n) sales tax (seeyliz-taakis)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cashuurta badeecada
(n) sales tax (seeyliz-taakis) ~ canshuurta lasaaro badeecada
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
maestà
s.f. - heybad; awood boqortooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salaax
(Salaax-a)
1. Wax wanaagsan, guud ahaan; samaan.
2. Sacabka oo si debecsan ama jacayl ku jiro, wax loo kor marmariyo; xoodis.
3. Dhismo dhammaatay oo dusha laga sinsimo, sidib laga digo, laga nawiro, laga caddeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaax
salaax¹: m.l 1. Wax wanaagsan. 2. Sacabka oo si dabacsan wax loo kor mariyo. 3. Dhismo dhammaaday oo dusha laga simay. 4. S. ah: dhulbeereed aan geedo lahayn oo muddo la beerayey.
salaax²: f.g1 (-xay, -xday) 1. Wax xoo-daamin. 2. Derbi la dhisay dusha ka simid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salaax
salaax¹: m.l 1. Wax wanaagsan. 2. Sacabka oo si dabacsan wax loo kor mariyo. 3. Dhismo dhammaaday oo dusha laga simay. 4. S. ah: dhulbeereed aan geedo lahayn oo muddo la beerayey.
salaax²: f.g1 (-xay, -xday) 1. Wax xoodaamin. 2. Derbi la dhisay dusha ka simid. m.f.dh, salaaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salaax
m. n. goodness; good thing
salaax m. n. caress, patting ~ petting; touch-up ~ plastering
salaax v. caress, pet ~ pat; touch-up, plaster
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salaax
-ay / day: (v) caress (ka-rees); fondle (foon-dhal)', pet (pet); stroke (istarook)-, cuddle (ka-dhel) ~ xoodaami.
salaax -a: (n) the act of fondling or caressing
salaax -ay / day: (v) finish or decorate with plaster or stucco (istaa-kow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaax
(fal) si khafiif ah dusha gacanta uga marmari; faraha caaradoodda ama sacabka wax ku xoodaami; si debecsan ugu godol faraha sida candhada geela. Salaax candhada hasha si ay u godlato.
salaax: (fal) dhismo dhammaaday dusha ka sinsin. Salaax darbiga samayn uma hadhine. Dh: telbiis.
salaax: (fal) 'weel' buuxi oo geerka la sin.
salaax-a: (magac, lab, keli) dhismo dhammaaday oo dusha laga sinsimo, laga talbiiso, laga caddeeyo.
salaax-a: (magac, lab, keli) xoodaaminta nafleyda gaar ahaan na geela kolka la lisayo.
salaax-a: (magac, lab, keli) sacabka oo si debecsan ama jacayl ku jiro wax loo kor marmariyo: xoodaamin.
salaax-a: (magac, lab, keli) wax wanaagsan, guud ahaan; samaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
saleté
saleté, n.f. - wixi milix leh; dhanaan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
salita
s.f. - dalcad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sallax
(Sallax-a)
Dhagax fidsan oo sidib ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallax
sallax¹: m.l (-xyo, m.dh) Dhagax fidsan oo siib ah.
sallax²: f.mg1 (-xay, -xday; -lixi) Wax sidii la rabay u diyaarin si hawl loogu qabsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sallax
sallax¹: m.l (-xyo, m.dh) Dhagax fidsan oo siib ah.
sallax²: f.mg1 (-xay, -xday; -lixi) Wax sidii la rabay u diyaarin si hawl loogu qabsado. m.f.dh, sallixid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sallax
Plane
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sallax
Plane
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sallax
m. n. flat rock (that is smooth ~ slippery); plane
sallax v. do, fix
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sallax
-ay / tay: (v) 1. make smooth; fix up ~ salax.
sallax: -ah: (adj) smooth (ismuuth), flat (falaat) Ex: meet sallax ah; smooth place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallax
(fal) hagaaji; farsamee. Sallax miiska Safiyaay.
sallax-a: (magac, lab, keli) dhagax fidsan oo sidib ah oo an kurtimmo lehayn, dhagax guud baladhan oo siman leh. Haddaan hadlayna waa sallax af ku dheggaygii haddaan aamusana bal adhigaa sida la leeyahay eega.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Sallax
Bir fidsan oo qaro leh ee la dul saaro miiska farsamo yahanka farsamada birta. Sallaxa waxbaa lagu kortumaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salsal
(Salsal-ka)
1. Heesta awrta lagu raro.
2. Sas; argaggax.
3. Gundhig; qaab; khamiir; dano; uraysimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salsal
salsal¹: m.l Hees awrta loogu heeso.
salsal²: f.mg1 (-alay, -ashay) U s.: awr u heesid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salsal
m.l Hees awrta loogu heeso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salsal
v. be startled ~ shocked, get terrified
salsal m. n. camel song (sung when loading camels)
salsal v. sing to camels
salsal m. n. base, foundation, basis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salsal
(fal) dhiillo la farkanax ah oo iska waalwaalo; walbahaar la cataab, la carcarar oo cir iyo dhul midna xammili waa.
salsal -ka: (magac, lab, keli) hog ka mid ah hogagga maansada oo ah hees awrta lagu raro. Salsal ratigu kolkuu maqluu rarada la boodaaye. Dh: tiraw.
salsal -ka: (magac, lab, keli) cabsi lala gariro. Salsal iyo argaggax dartood baa qof ba meel aaday. Dh: sas, argaggax, baqe.
salsal -ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaq caanood oo dhanaan oo weel culan ama xalan oo dhay lagu shubi doono gundhig dhanaanis u noqda; cajun yar oo qooshka lagu faxiyo. Dh: dhanaanis. gundhig, faxiso.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
siesta
/siyesta/ hurdo gaaban oo la seexdo duhurkii, qadada ka dib.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sièsta
s.f. - qayluula, harsasho (da).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
galetas
galetas, n.m. - buulo ama deegaan sabool ah.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Falsita'
Doorin,
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kala bax
v. remove, separate, take off of; be one of (a class)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kala tag
Divergence
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kala tag
v. part (company ~ ways), separate; get a divorce; take from
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
palèstra
s.m. - qol jimicsi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
palestre
palestre, n.m. - meesha jimicsiga iyo isboortiga lagu sameeyo.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
safe sex
(n) sexual intercourse using contraceptive, usually a condom.
taxadir caafimaad ama uur ka hortag marka laysu tegaayo siiba isticmaalka koondham
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SALEEMAC
[SELEMA] Sesamot hamnus busseanus 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliitay
(fal) socod aan dhaqaaq toosan lahayn dhiigo si la marayo ah samee, Dh: sinbiriirix.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salsalaw
(fal) isu ekaysii; ku dayo. Dhaqankaaga saydh maaha, salsalaw cid kale maaha.
salsalaw-ga: (magac, lab, keli) isu ekayslis; ku dayad.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Salt pan
God mllxeed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Saleebaan
name: Solomon
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Saleebaan
bw: Arabic
de: Solomon
initial: s
lx: Saleebaan
ps: name-m
key: Saleebaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saleelmac
m.l Geedgaab leh caleemo jiljilicsan oo aan jebin iyo qodxo yaryar. la-mid: salaamaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliidbax
vl. n., [compound] oil consumption
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliidbax
de: oil consumption
initial: s
lx: saliidbax
pd: (-a)
ps: vn-m-cmp
key: saliidbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salsalaax
(fal) baabbacada gacanta si naxariisi ku dheehantahay noole jidhkiisa u dul marmari. Dh: xoodaami, xadatayn.
salsalaax -a: (magac, lab, keli) calaacasheeda gacanta si debecsan u marmarin; xoodaamin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Stamp Tax
Cashuurta Moorka
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caleen ubax
n. phr. bud
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Charles law
Xeerka Jaarlis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fale, naxwe
فاعل
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Sealing wax
xanjo alxan