salax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salax
(Salax-da)
Bidaarhoraad; hiiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salax
salax¹: m.l (-xyo, m.dh) 1. Dhul goof noqday. 2. Dhul siman oo sisib ah.
salax²: m.dh (-xyo, m.dh) Bidaar-horaad; hiiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salax
f. n. (adj.): baldness; bald
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salax
-ay / day: (v) make smooth; fix up ~ sallax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salax
-da: (magac, dhedig, keli) bidaar horaad. Salax buu leeyahay. Dh: hiiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salax
cf: bidaar, hiiro
de: baldness; [atr.] bald State of having never had hair
initial: s
lx: salax
pd: (-da)
ps: n-f
key: salax
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saalax
name-m goodness; righteousness
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salaax
(Salaax-a)
1. Wax wanaagsan, guud ahaan; samaan.
2. Sacabka oo si debecsan ama jacayl ku jiro, wax loo kor marmariyo; xoodis.
3. Dhismo dhammaatay oo dusha laga sinsimo, sidib laga digo, laga nawiro, laga caddeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaax
salaax¹: m.l 1. Wax wanaagsan. 2. Sacabka oo si dabacsan wax loo kor mariyo. 3. Dhismo dhammaaday oo dusha laga simay. 4. S. ah: dhulbeereed aan geedo lahayn oo muddo la beerayey.
salaax²: f.g1 (-xay, -xday) 1. Wax xoo-daamin. 2. Derbi la dhisay dusha ka simid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salaax
salaax¹: m.l 1. Wax wanaagsan. 2. Sacabka oo si dabacsan wax loo kor mariyo. 3. Dhismo dhammaaday oo dusha laga simay. 4. S. ah: dhulbeereed aan geedo lahayn oo muddo la beerayey.
salaax²: f.g1 (-xay, -xday) 1. Wax xoodaamin. 2. Derbi la dhisay dusha ka simid. m.f.dh, salaaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salaax
m. n. goodness; good thing
salaax m. n. caress, patting ~ petting; touch-up ~ plastering
salaax v. caress, pet ~ pat; touch-up, plaster
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salaax
-ay / day: (v) caress (ka-rees); fondle (foon-dhal)', pet (pet); stroke (istarook)-, cuddle (ka-dhel) ~ xoodaami.
salaax -a: (n) the act of fondling or caressing
salaax -ay / day: (v) finish or decorate with plaster or stucco (istaa-kow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaax
(fal) si khafiif ah dusha gacanta uga marmari; faraha caaradoodda ama sacabka wax ku xoodaami; si debecsan ugu godol faraha sida candhada geela. Salaax candhada hasha si ay u godlato.
salaax: (fal) dhismo dhammaaday dusha ka sinsin. Salaax darbiga samayn uma hadhine. Dh: telbiis.
salaax: (fal) 'weel' buuxi oo geerka la sin.
salaax-a: (magac, lab, keli) dhismo dhammaaday oo dusha laga sinsimo, laga talbiiso, laga caddeeyo.
salaax-a: (magac, lab, keli) xoodaaminta nafleyda gaar ahaan na geela kolka la lisayo.
salaax-a: (magac, lab, keli) sacabka oo si debecsan ama jacayl ku jiro wax loo kor marmariyo: xoodaamin.
salaax-a: (magac, lab, keli) wax wanaagsan, guud ahaan; samaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sallax
(Sallax-a)
Dhagax fidsan oo sidib ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallax
sallax¹: m.l (-xyo, m.dh) Dhagax fidsan oo siib ah.
sallax²: f.mg1 (-xay, -xday; -lixi) Wax sidii la rabay u diyaarin si hawl loogu qabsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sallax
sallax¹: m.l (-xyo, m.dh) Dhagax fidsan oo siib ah.
sallax²: f.mg1 (-xay, -xday; -lixi) Wax sidii la rabay u diyaarin si hawl loogu qabsado. m.f.dh, sallixid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sallax
Plane
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sallax
Plane
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sallax
m. n. flat rock (that is smooth ~ slippery); plane
sallax v. do, fix
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sallax
-ay / tay: (v) 1. make smooth; fix up ~ salax.
sallax: -ah: (adj) smooth (ismuuth), flat (falaat) Ex: meet sallax ah; smooth place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallax
(fal) hagaaji; farsamee. Sallax miiska Safiyaay.
sallax-a: (magac, lab, keli) dhagax fidsan oo sidib ah oo an kurtimmo lehayn, dhagax guud baladhan oo siman leh. Haddaan hadlayna waa sallax af ku dheggaygii haddaan aamusana bal adhigaa sida la leeyahay eega.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Sallax
Bir fidsan oo qaro leh ee la dul saaro miiska farsamo yahanka farsamada birta. Sallaxa waxbaa lagu kortumaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawlax
sawlax¹: m.l Weyrax.
sawlax²: f.mg1 (-xay, -xday) Weyrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalax
m.l Koor weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saax
-da: (magac, dhedig, keli) meelaha dhulka biyaqabadka leh sida yadamada aan weynayn oo laga cabbi karo illaa hal asbuuc. Dh: dhijaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sala
s. f. - qol weyn (shir, cayaaro, casumaad).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balax
magac loo baxsho gabadh dhalatay iyada oo cayilan.
balax -a: (magac, lab, keli) ilmaha dhedig ee dhaylo ku dhasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falax
-da: (magac, dhedig, keli) sumad ka mid ah kuwa geela lagu dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galax
(Galax-a)
1. Caano dhay ah, biyo, kd.
2. Weel, kalax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galax
m.l 1. Caano dhay ah oo la qaboojiyey. 2. la-mid: kalax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galax
m. n. fresh milk ~ water; vessel for milk ~ water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galax
-a: (magac, lab, keli) caano iyo biyo la isku daray. Dh: badhax, xariir.
galax -a: (magac, lab, keli) weel biyaha lagu cabbo. Dh: kalax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galax
de: fresh milk ~ water; [ext.] vessel for milk ~ water
lx: galax
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: galax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalax
(Kalax-a)
Weel badanaa qori ah oo biyaha lagu cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalax
m.l (-xyo, m.dh) 1. Weel badanaa qori ka sameysan oo biyaha lagu cabbo. 2. Bocool weyn oo berriga laga helo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalax
m. n. ladle, water dipper, cup
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalax
-a: (n) large cup with handle; mag (maag) aargalaan-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalax
-a: (magac, lab, keli) weel laga qoray geed oo biyaha laga darsado haanta oo lagu cabbo. Wa: kalaxyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalax
de: ladle, water dipper, cup
lx: kalax
pd: (-a)
ps: n2a-m, n5-m
key: kalax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malax
(Malax-da)
Dhacaan cad ama cawl leh oo nabarrada hurguma ka samaysma; milil; carun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malax
m.dh (daawo) Dhacaan midab cad ama cawl leh oo nabarrada hurguma ay yeeshaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malax
m.dh (daaw.) Dhacaan midab cad ama cawl leh oo nabarrada hurguma ay yeeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malax
f. n., (mass n.): pus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malax
-da: (n) abscess (ab 'sees); pus (pas); matter (maater) ~ maal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malax
-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan cad oo gala nabarrada oo garaac iyo xanuun sababa. Dh: dhaacaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malax
de: pus
lx: malax
pd: (-da)
ps: n0-f-mass
syn: maal, milil
key: malax
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
malax
قيح
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalax
(Qalax-a)
Dhul dhagax ah, oo dul ah, oo oommane ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalax
m.l 1. Q. ah: dhul dhagax badan oo oomane ah. 2. Nooc ka mid ah dhulmanta waaweyn oo laba qalbac leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalax
m.l 1. Q. ah: dhul dhagax badan oo oomane ah. 2. Nooc ka mid ah dhulmanta waaweyn oo laba qalbac leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalax
m. n. stony desert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalax
(ereycodeed) lagu cabbiro jabka lafta. Lugtu waa galax oo way jaban tahay. Dh: balaw.
qalax-a: (magac, lab, keli) dhul dhagax ah oo commane ah. Meel galax ah ayuu baabuur nagula banjaray
qalax-da: (magac, dhedig, keli) qolfida ay rasaastu ka dhacdo. Meesha uu dagaal ka dhaco qalax ayaan laga waayayn. Dh: qolfi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalax
de: stony desert
lx: qalax
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: qalax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sadax
(Sadax-a)
(daar, doon) docda fidsan oo kore oo xagga cirka u jeedda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadax
m.l 1. Wax docdooda fidsantahay oo kore. 2. la-mid: sagxad. Baabuur, markab iyo wixi lamida meesha sare ee alaabta la dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sadax
m. n. flat surface; deck (of a ship)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadax
-a: (magac, lab, keli) doon ama daar daaradda sare, xagga sare ee cirka eegaysa; docda fidsan oo kore oo xagga cirka ujeedda. Kulayd sadaxda doonta. Dh: raar, guud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sadax
bw: Arabic
de: flat surface; [ext.] deck (of a ship)
initial: s
lx: sadax
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: sadax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagax
m.l.kh (-xyo, m.dh) S. ah: wax fidsan oo aan gun hoos u qodan lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sagax
m.l.kh (-xyo, m.dh) S. ah: wax fidsan oo aan gun hoos u qodan lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagax
-a: (magac, lab, keli) badda gunteeda hoose: aqalka ama qolka dhulkiisa sibidhaysan. Sagaxa badda sallax baa ku yaalla.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salab
(Salab-ka)
Alaabada lagu dagaallamo; hub; qalab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salab
m.l.u Qalabka lagu dagaallamo; hub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salab
m.l.u Qalabka lagu dagaallamo; hub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salab
m. n., (mass n.): weapons, arms, armaments
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salab
-ka: (n) firearm (faayer-aarm)-, weapon (wepen) ~ qalab, hub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salab
-ka: (magac, lab, keli) qalab lagu dagaallamo oo dhan. Salabkaagu ha kuu ahaado diyaar. Dh: hub.
salab -ka: (magac, lab, keli) qalab dhulka la fiiqo, dhulka lagu xaadho. Salabaha mari daaradda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salab
de: weapons, arms, armaments
initial: s
lx: salab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-mass
key: salab
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
salad
/saaladh/ (n) saladh (khudrad badanaa cuntada ka dib la cuno).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salad
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale dhib ku noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaf
-ka: (magac, lab, keli) bir duuban oo ilko ku leh labada dhinac oo laga daaro matoorka gaadhiga. Muftaax ku rog salafka gaadhiga.
salaf -ka: (magac, lab, keli) ur silloon oo aan la sugayn.
salaf-ta: (magac, dhedig, keli) miyirdarro aan waxba loo fiirsan oo la degdego; seef la boodnimo. Dh: bayr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salag
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan joogin laakiin ifafaalihiisu sii muuqdo; wax dhiciddoodu taagan tahay. Balo ayaa ka salag leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salal
(Salal-ka)
Hurdada oo naxdin iyo argaggax lagala soo boodo (ama selel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salal
salal¹: m.l Naxdin iyo argagax hurdada lagala soo boodo. la-mid: selel¹.
salal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Naxdin iyo argagax hurdo kala soo boodid. la-mid: selel².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salal
m. n. sudden awakening
salal v. wake up suddenly ~ with a start
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salal
-ay / salashay: (v) become aroused by a nightmare ~ selel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salal
(fal) selel; sas.
salal: (fal) biyo iyo wixii la mid ah, dulsabbay; dul heehaab.
salal -ka: (magac, lab, keli) hurdadda oo laga soo boodo naxdin iyo argaggax awgood. Salalkaba hurdaa keenta, haba seexan goor baas dheh.
salal -ka: (magac, lab, keli) qofka oo garan waaya dhan alla dhan uu u socdo; jahooyinka oo ka hallaaba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salam
(tilmaame) mid asalkiisii ah oo aan nabar gaadhin; mid aan ceeb lahayn, ceeb ka saliim ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaw
salaw¹: m.l Qaylo iyo buuq dhiillo leh.
salaw²: f.mg1 (-lway, -lawday; -lwi) Qaylo iyo buuq dhiillo leh samayn. la-mid: salow².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salaw
m. n. shouting, uproar
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Salaw
nickname-m shouting, uproar. Syn: Salow, Salwe, Sooyaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Salaw
magac ama naanays loo baxsho wiil oohin badnaa xilligii uu dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaw
(fal) cod sawaxan leh samee; buuq; sooyaan.
salaw-ga: (magac, lab, keli) hadal uu hugun ku jiro. Salawga baxayaa waa saansaan colaadeed. Dh: buuq, sooyaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salaw
a: salow
de: shouting, uproar
initial: s
lx: salaw
pd: (-ga)
ps: n-m
key: salaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salay
(fal) sal u yeel; wax sal leh ka dhig. Ku salay dooddaada aqoon. Dh: salee.
salay: (fal) weel iyo wax la mid ah, meel uu ku fadhiisto u yeel. Salay saxanka. Dh: meelee, salee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawax
sawax¹: m.l (-xyo, m.dh) Qaylo dheer.
sawax²: f.mg1 (-xay, -xday) Cid aad u qaylin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sawax
sawax¹: m.l (sawaxyo, m.dh) Qaylo dheer.
sawax²: f.mg1 (sawaxay, sawaxday) Cid aad u qaylin. m.f.dh, sawaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sawax
m. n. cry, shout; loud voice
sawax v. cry (out), shout
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sayax
(Sayax-a)
1. Qoyaanka roobku dhulka korkiisa ku reebo.
2. Qoyaanka gabaddanadu keento; dharab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayax
sayax¹: m.l 1. Qoyaanka gabaddanadu keento; dharab. 2. la-mid: sayaxid.
sayax²: m.l (-xyo, m.dh) (juqraafi) Dhammaadka fud baraf, kolka herkulku kor uga kaco barta biyuhu ku fadhiistaan, barafkuna uu biyoobo. Loolalka sare sayaxu waa dhacdo sanadeed muhimad weyn leh, oo dhaca gu' walba, waxana ku xiga milmidda barafka iyo ado-barafeedka iyo wabiyada.
sayax³: f.mg1 (-xay, -xday) Wax gabaddano ku qoyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sayax
m.l (sayaxyo, m.dh) (juqraafi) Dhammaadka fud baraf, kolka herkulku kor uga kaco barta biyuhu ku fadhiistaan, barafkuna uu biyoobo. Loolalka sare sayaxu waa dhacdo sanadeed muhimad weyn leh, oo dhaca gu' walba, waxana ku xiga milmidda barafka iyo ado-barafeedka iyo wabiyada.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sayax
Thaw
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sayax
m. n. wetness caused by rain; dew
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayax
(tilmaame) mid wax qoyan meel uu ka gaadhay. Sayax weeye sonkortu ee qaad.
sayax -a: (magac, lab, keli) qoyaanka roobku dhulka kaga tago, ku reebo; qoyaanka aroorta hore dhirtu iyo dooggu yeeshaan, sii ba inta aan cadceeddu soo bixin. Dh: dheel, yaxni, dharab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sayax
cf: dhedo
de: wetness caused by rain; dew
initial: s
lx: sayax
pd: (-a)
ps: n0-m
key: sayax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walax
(Walax-da)
Wax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walax
m.dh (-lxo, m.l) Shay; wax.

Object