sakookir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakookir
-ka: (magac, lab, keli) qof maskaxda wax uga dhiman yihiin. Sakookir sahan looma dirto. Dh: salsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanoobir
m.l Geed abaareed aad u dheeraada oo qurux iyo waxtarba isku darsaday oo leh, caleemo dhuudhuuban, cutub-cutub isugu xiran oo cirbad la moodo iyo miro isku duuban oo korka kurtumo yaryar iyo toxob ku leh oo alwaaxdiisa waxyaalo badan laga sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanoobbir
(Sanoobbir-ka)
Geed-abaareed waxtar iyo qurux isku darsaday; wuxuu lee yahay caleemo cuntub cuntub isugu xiran oo irbado la moodo iyo miro isku duuban oo korka kurtummo yaryar iyo toxob ku leh; aad buu u dheeraadaa alwaaxdiisana waxyaalo aan la tirin karin baa laga sameeyaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanoobbir
m. n., [compound] dry-area tree species, cedar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanoobbir
-ka: (magac, lab, keli) geed'abaareed waxtar iyo qurux isku darsaday wuxuu lee yahay caleemo cuntub cuntub isugu xiran oo irbado la moodo iyo miro isku duuban oo korka kurtummo yaryar iyo toxob ku leh; aad buu u dheeraadaa alwaaxdiisana waxyaalo aan la tiring karin baa laga sameeyaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanoobbir
de: dry-area tree sp., cedar
initial: s
lx: sanoobbir
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: sanoobbir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankookib
-ka: (magac, lab, keli) geedo waaweyn oo cad cad oo buuraha waaweyn iyo qawyada ka dul baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobir
m.l (-rro, m.dh) Minxiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobir
-ka: (magac, lab, keli) qofka kalkaaliya arooska. Dh: minxiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakiir
m.dh (-ro, m.dh) la-mid: sakiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakiir
-ka: (magac, lab, keli) qof khamri cabsan; sikiir.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
saloir
saloir, n.m. - weelka hilibka ama kalluunka lagu rido marka la milixaynayo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
savoir
savoir, V. - garasho; garatid
savoir vivre - habka nolosha yaqaan
un-je-ne-sais-qui - qof aan la aqoon
un-je-ne-sais-quoi - wax aan la tilmaami karin
faire savoir partout - warfaafinta
à savoir, savoir - la yidhaahdo; kala ah; oo lagu magagaato
à savoir que - in la ogaado ah (aqoon iyo fasiraas keena)
savoir, n.m. - aqoon; barasho; saynis; cilmid; dabeecadeed; barashada cilmiga laga hayo waqtigii tagay ama dabaqadii lahaya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shooki
* (Shooki-ga)
Saldhigyada iyo jagooyinka yaryar oo ciidanka nabadda gudaha ilaaliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shooki
m.l (-iyo, m.dh) Saldhig boolis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shooki
m. n. police-station
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shooki
-ga: (magac, lab, keli) god ama meel cidla ah. Shooki aan cidi joogin waa xabaala shareeran. Dh: cidla'.
shooki -ga: (magac, lab, keli) saldhigyada yaryar iyo jagooyinka ay ciidamada nabadgalyada ilaaliyaa ay fadhiistaan. Shookiga ayaa la igu xidhay. Dh: shooki, kille.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shooki
de: police-station
initial: s
lx: shooki
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: shooki
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soobir
m. n. large male antelope; young man {poetic}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soobir
-ka: (magac, lab, keli) qof qaawan oo farammadhan; caydh; mahaysato.
soobir-ka: (magac, lab, keli) tulud geel oo tebaadda, gool aad u naaxa oo baruur xidhma. Geel kala samcane waanigii soobir gawracay e. Dh: gool, tebaadi. Li: caato, soobil.
soobir-ka: (magac, lab, keli) wiil soorays ah oo geela lagu aammino welise qaangaadh ahayn. Dh: qoofil, kuray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soobir
de: large male antelope; young man {poetic}
initial: s
lx: soobir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: soobir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takoor
(Takoor-ta)
1. Wax gardarro lagu qaato ama lagu doono.
2. Inta kale wax ka baxsan, ka soocan; fongor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takoor
takoor¹: m.dh (-rro, m.dh) 1. Wax gardarro lagu qaato ama lagu doono. 2. Inta kale wax ka baxsan, ka soocan. 3. vr. takoorid.
takoor²: m.l (bul.) Hab lagu kala kaxeeyo dad kala jinsi, diin, midab, iyo wixi lamida.
takoor³: f.g1 (-ray, -rtay) Qof dad kale ka soocid jirro ama sabab kale awgeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
takoor
takoor¹: m.dh (-rro, m.dh) 1. Wax gardarro lagu qaato ama lagu doono. 2. Inta kale wax ka baxsan, ka soocan.
takoor²: m.l (bul.) Hab lagu kala kaxeeyo dad kala jinsi, diin, midab, iyo wixi lamida.
takoor³: f.g1 (-ray, -rtay) Qof dad kale ka soocid jirro ama sabab kale awgeed. m.f.dh, takoorid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
takoor
f. n. distinguishing mark that sets something apart; segregation
takoor v. set apart, isolate, segregate; quarantine (the sick)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
takoor
-ay / -tay: (v) isolate (aay-so-leeyt); seclude (sikuluudh), sequester (sikuwester); segregate (sagrigeeyt); quarantine, ghettoize ~ faquuq
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Takoor
Discriminazione
Descrimination
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takoor
(fal) wax, inta kale ka sooc. Takoor dadka daacuunku hayo.
takoor: (fal) si ganaax ah, cid kale u faqooq.
takoor -ka: (magac, lab, keli) wax inta kale ka baxsan, ka soocan. Dh: fongor.
takoor -ka: (magac, lab, keli) midab kala sooc ama quudhsi. Dh: quudhsi.
takoor -ta: (magac, dhedig, keli) gooni u socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makooko
m.l Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Jilib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabooti
(fal) qof meel tegaya, nabadgelayee; ambabixi. Dh: sagooti.
sabooti -ga: (magac, lab, keli) qof meel tagaya sii nabadgelyayn. Dh: sagooti, anbabbixin, nabadgelyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagooti
(Sagooti-ga)
Qof tegaya oo cabbaar la sii raaco, la anbabbixiyo; (ama saagooti).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagooti
sagooti¹: m.l la-mid: saagootiyid.
sagooti²: f.g1 (-iyay, -isay) la-mid: saagoti².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sagooti
sagooti¹: m.l eeg saagooti¹
sagooti²: f.g1eeg saagooti²
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagooti
v. see off, send on one's way
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sagooti
-yey / say: (v) 1. say goodbye; bid farewell (feer-weel)-, wave goodbye; see off (sii of) ~ macasalaamee. 2. help someone to depart ~ ambabixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagooti
(fal) cid tegeysa, si dhowee; sii ambabbixi; qof tegeya cabbaar sii raac; sii waddac: anbabixi; salaamadi.
sagooti -ga: (magac, lab, keli) cid tegeysa, sii dhowayn; sii ambabbixin; qof tegeya cabbaar sii raacid; anbabixin; salaamadin.
sagooti -ga: (magac, lab, keli) waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo, kana horreeya yabarada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sagooti
bw: saagooti
de: see off, send on one's way
initial: s
lx: sagooti
nt: sagooti (ga) [vn-m] 'send off'
pd: (sagootiyay / sagootiday)
ps: v1=tr
key: sagooti
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sautoir
sautoir, n.m. - laba shay oo inta la isduldhigo yeesho qaab istilaab
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ANKOOKIB
(Ancochip) N Acacia ankokib Chiov. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakoolin
m.dh Daruuro yaryar oo kala googo'an oo wada socda middood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakoolin
-ta: (magac, dhedig, keli) daruur yar oo cad; cirku marka uu daruuraha samaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakoocid
m.f.dh eeg rakooc². la-mid: rakooc¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakoocid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg rukuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saboolid
m.f.dh eeg sabool². la-mid: sabooloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saboolid
-da: (magac, dhedig, keli) sabool noqosho sabooloobid; faqriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabootin
-ta: (magac, dhedig, keli) nabadgalyeynta iyo anba bixinta qof meel u dhoofaaya. Gob baa
sabootin laga helaa. Dh: anbabixin, sagootin. sabootiyid -da: (magac, dhedig, keli) sagootiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagootin
m.dh la-mid: sagootiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagootin
-ta: (magac, dhedig, keli) anbabixin qof kaa tagaya. Sagootin iyo sooryo ayaa loo sameeyey socotadii. Dh: nabadgalyayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sagootis
-ka: (n) farewell (feer-weel), a good-bye ~ macasalaameys
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sagootis
Commiato
Farewell
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagootis
-ga: (magac, lab, keli) cid tegeysa, cabbaar sil raacid oo salaamadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloobid
(Saloobid-da)
Sal noqosho, yeelasho; dhaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloobid
m.f.dh eeg salow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloobid
-da: (magac, dhedig, keli) sal noqosho, yeelasho: dhab noqosho. Dh: dhaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloogid
(Saloogid-da)
Saloog ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloogid
m.f.dh eeg saloog². la-mid: saloog¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloogid
-da: (magac, dhedig, keli) isku taagid; saloolasho.
saloogid -da: (magac, dhedig. keli) saloog ka dhigid, turmaagid. Dh: diirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloolid
(Saloolid-da)
(badar) salool ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloolid
m.f.dh egg salool².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloolid
-da: (magac, dhedig, keli) badar salool ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takoorid
(Takoorid-da)
1. Takoor ku qaadasho.
2. Takoor ku samayn; fongorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takoorid
m.f.dh eeg takoor³. la-mid: takoor¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takoorid
-da: (magac, dhedig, keli) midab kala soocid. Takooriddu way nuglaysaa dadka aydhiska qaba. Dh: faquuqid, fongorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takoorin
(Takoorin-ka)
Lafta misigta madaxeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takoorin
m.l Lafta misigta madaxeeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
takoorin
m. n. femur, hip-bone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takoorin
-ka: (magac, lab, keli) lafta misigta madaxeeda. Takoorinka ayuu ka jabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
takoorin
cf: laf; misig
de: femur, hip-bone
initial: t
lx: takoorin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: takoorin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takooris
-ta: (magac, dhedig, keli) cayniqabadka xoolaha markaad inta u horraysa isku keento.
takooris -ta: (magac, dhedig, keli) si ganaax ah, cid kale u faqooqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yakoobid
m.f.dh eeg yakow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannoobbir
-ka: (magac. Lab keli) geed aad u dheeraada oo leh waxtar iyo qurux, leh caleemo cutubyo ah oo irbado la moodo iyo midho kurtimo leh, waxyaalo badan baa laga sameeyaa looxiisa. Dibadda ayaa laga keena sannoobirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhakoolid
(Dhakoolid-da)
Meel cidla' ah, iska taagnaan ama ka dhisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakoolid
m.f.dh eeg dhakool². la-mid: dhakool¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakoolid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhakool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makhoorid
(Makhoorid-da)
Dhoof makhoor ah, dhoofid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhoorid
m.f.dh eeg makhoor². la-mid: makhoor¹, mokhoor¹, mokhoorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhoorid
-da: (magac, dhedig, keli) xagga dabayshu xigto u kicid oo u socosho. Dabaysha makoorid kala horteg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saagootin
-ta: (magac, dhedig, keli) ruux tegaya sagootis, qof tegeya woxogaa sii raacid oo gelbin. Saagootinna soddohday kama helin. Dh: sagootin, sabootin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saagootis
-ga: (magac, lab, keli) cid tegeysa iyo wixii la mid ah, oo cabbaar la sii raaco, la ambabbixiyo, si dhoweyn. Saagootis safarku kaaga ma baahna ee sooryo uun sii. Dh: sagootis, sabootis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahboodid
-da: (magac, dhedig, keli) xanaaq degdeg ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saksoofan
-ta: (n) saxophone (sak-sa-foon); musical instrument ~ qalab muusiko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloogmid
m.f.dh eeg saloogan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloogmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saloogan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samboorid
m.f.dh eeg samboor³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samboorid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale sanka boor ka geli; samboor ka dawayn. Dh: sanboorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanboorid
(Sanboorid-da)
Sanboor qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanboorid
-da: (magac, dhedig, keli) sanka boor ka gelin; sanboor ka dawayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanboorin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg sanboorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmooyin
-ka: (magac, lab, keli) sarmo badan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
savonnier
savonnier, n.m. - qofka saabuunta sameeya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takoorimo
-da: (magac, dhedig, keli) lafaha miskaha qaybtooda kore. Takooorimada ayaa i damqanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xankoobid
m.l Nooc ka mid ah dhirta xabagta leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wasakhoobid
(Wasakhoobid-da)
Wax wasakhaysan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wasakhoobid
m.f.dh eeg wasakhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wasakh ama nijaas yeelasho.