sakad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakad
(Sakad-da)
Seked.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakad
m.dh (-do, m.l) Daaro badan oo is haysta oo aan dariiq u dhexeyn. la-mid: seked.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sakad
f. n. row of houses, block
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakad
-ka: (magac, lab, keli) guryo daaro ah oo wada xiriirsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sakad
a: seked
de: row of houses, block
initial: s
lx: sakad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: sakad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakad
(Shakad-da)
Suun xabbadaha (= saanadda) lagu guro oo lagu qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakad
m.dh (-do, m.l) Suun shiraac ama harag ka samaysan oo jeebab badan leh xabbadahana lagu rito.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shakad
m.dh (-do, m.l) Suun shiraac ama harag ka samaysan oo jeebab badan leh xabbadahana lagu rito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakad
f. n. cartridge belt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakad
-da: (magac, dhedig, keli) suun rasaas lagu gurto oo lagu qaato. Diyaar garaw oo soo qaado shakada qoriga iyo waysadaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakad
cf: suun
de: cartridge belt
initial: s
lx: shakad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shakad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saad
1. (Saad-da) a) Hadallo lagu sii mala'awaalo ama lagaga sheekeeyo, waxyaalo dhiciddood la jecel yahay, oo weliba la moodayo - soo qaadidda la soo qaaday darteed - in waxa dhiciddoodii suuraggal noqon karayso oo laga yaabo inay run ahaan u dhacaan; saraad. b) Waxyaalo dhici doona, astaamo lagu garto dhicitaankooda, oo ka soo hormara.
2. (Saad-ka) a) Geed aad u weynaada oo u laf adag oo qoryihiisa waxna lagu dhisto alaabo badanna laga samaysto; saaj. b) Sahay; jicsin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saad
saad: m.dh Sii sheegidda la sii sheego wax dhici doona.
sąad: m.l 1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. la-mid: saaj.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saad
sąad: m.l 1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. la-mid: saaj.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saad
f. n. prediction, prophecy, good omen
saad m. n., [collective] provisions, supplies
saad m. n., [collective] tree species, its hard wood is used for building and carving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saad
-ka: (n) provision (poro-vish-in); logistics (lo-gis-tikis); catering (keey-ter-ing); food supply
saad -da: (n) prediction (piri-dhik-shin); foretelling (foor-teel-ing) ~ saadaalin, saadaal
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saad
Previsione; pronostico
Predictions; forecast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saad
-da: (magac, dhedig, keli) wax la filayo dhicistiisa, astaamaha ka soo horreeya ee sii sheega, siday wax noqon doonaan oo la sii sheego, wax dhici doona, astaamaha soo hormara. Saaddii abaartu way jabtay. Dh: saraad, malaawaal, oddoros.
saad-ka: (magac, lab, keli) cunto loo qaato safar oo lagu moodo. Saadkii baa ka go'ay colkii duullimaadka ahaa. Dh: sahay, jicsin, jiscin.
saad -ka: (magac, lab, keli) hadal lagu sii mala'awaalo oo siday wax noqon doonaan lagu sheego.
saad -ka: (magac, lab, keli) geed aad u weynaada oo laf adag oo qorigiisa wax lagu dhisto, alaabo badan na laga sameeyo. Dh: saaj.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakad
m.dh (-dyo, m.dh) Dhul bannaan oo aan dhir la dugsado lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bakad
m.dh (-dyo, m.dh) Dhul bannaan oo aan dhir la dugsado lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakad
-da: (magac, dhedig, keli) meel bannaan ah oo geedgaabta iyo tigaaddu ka baxaan. Bakadihiyo xiitoolahay banan u raacdaaye.
bakad -ka: (magac, lab, keli) hadhuudh iyo wixii la mid oo la karinayay, kolka dabku ka bakhtiyo isaga oo aan bislaan. Hadhuudhkoo bakaday, biyo beel ku dhacay, dhuuxii burburin, Barniyey ha karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dakad
f. n. port
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dakad
-da: (n) port (port); harbor (haarber) ~ furdo, dekad, bandar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dakad
de: port
lx: dakad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: deked
key: dakad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fakad
(Fakad-ka)
Fakasho; carar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakad
m.l 1. F. ah: qof meel uu joogey fasax la'aan ka tegey; baxsad. 2. la-mid: fakasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fakad
m.l 1. F. ah: qof meel uu joogey fasax la'aan ka tegey; baxsad. 2. la-mid: fakasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fakad
vl. n. escape, flight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fakad
-ka: (n) fugitive (fyuujativ); deserter (dizeerter); escapee (is keeypii) ~ baxsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fakad
-ka: (magac, lab, keli) baxsashada iyo cararka qof ama neef cabsanaya. Dh: baxsi, baxsad.
fakad: (tilmaame) xaaladda uu noole baxsanayaa ku jiro. Awr fakad ah ayaa halkan xalay bariday. Dh: baxsi, baxsad, baadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fakad
a: fakasho (/da) [vn6-f]
de: escape, flight
lx: fakad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: fakad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hakad
(Hakad-ka)
1. Joogsad yar oo uu joogsado ama la joojiyo wax socona hayey ama dheerayna hayey; iscelin yar.
2. (naxwe) astaanta (,).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakad
m.l (-dyo, m.dh) 1. Joogsad yar oo wax soconayey sameeyaan. 2. Astaan qoraal oo kala qoqobta ereyada iyo weeraha. 3. la-mid: hakasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hakad
m.l (-dyo, m.dh) 1. Joogsad yar oo wax soconayey sameeyaan. 2. Astaan qoraal oo kala qoqobta ereyada iyo weeraha. 3. la-mid: hakasho.
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
Hakad
,
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hakad
vl. n. pause, pausing; comma {punctuation}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hakad
-ka: (n) 1. temporary cessation, break, stop, or rest; pause (powz). 2. [Grammar]: comma (kam-ma) [, ]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hakad
-ka: (magac, lab, keli) hamse yar oo xagga hoose la dhigo (.) oo weedh macno buuxda leh qaybaheeda lagu kala sooco. Hamse qalinku uu joojiyoo meel hakada saaran.
hakad -ka: (magac, lab, keli) joogsi aan badnayn oo socod ama hawl la joojiyo wakhti gaaban. Shaqada hakad geli. Dh: gabin, nasin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hakad
de: pause, pausing; [ext.] comma {punctuation}
lx: hakad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: hakad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hakad
فاصلة، فارزَة، شولة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lakad
-ka: (magac, lab, keli) qof dabeecad adag oo qandhadh ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabad
(Sabad-ka)
Guriga agagaarkiisa; heelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabad
m.l (-do, m.dh) Agagaarka guriga, xerada iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabad
m. n. area surrounding a house, village ~ camp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabad
-ka: (magac, lab, keli) guriga agaggaarkiisa. Sabadka reerka sumalka daaqaaya Saxaneey ayaa leh? Dh: heelad, duleed.
sabad -ka: (magac, lab, keli) shubka ama sabadda laga sameeyo jayga iyo sibidhka la isku laaqay. Goormaad sabada shubaysaan..
sabad -ka: (magac, lab, keli) aqalka agagaarkiisa. Sabadka aqalka ma dhaafto carruurtu. Dh: daarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabad
de: area surrounding a house, village ~ camp
initial: s
lx: sabad
pd: (-ka)
ps: n-m
key: sabad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sacad
m. n. clan name
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sacad
nickname; name-m white cow
Carabi: name-m happy; good luck
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sacad
de: clan name Lit: white cow
initial: s
lx: Sacad
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: Sacad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safad
(Safad-ka)
1. Safasho.
2. Abxad yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safad
m.l (-dyo, m.l) 1. Qufad yar oo qurxoon aaburna leh oo caw ka samaysan waxna lagu rito. 2. la-mid: safasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safad
vl. n. act of standing in line ~ in a row
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safad
-da: (magac, dhedig, keli) abxad yar. Alaabta ka eeg safadda.
safad -da: (magac, dhedig, keli) ku wada jira hal saf, wax isla wada socda. La safadkoodii buu eeday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safad
a: safasho (/da) [vn-f]
de: act of standing in line ~ in a row
initial: s
lx: safad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: safo
key: safad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakal
(Saka-sha)
Shakal; dhudhub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakal
sakal¹: m.dh (-lo, m.l) Meel ciriiri ah. la-mid: shakal¹.
sakal²: f.g1 (-alay, -ashay) Meel ciriiri ah wax gelin. la-mid: shakal².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sakal
m.dh (-lo, m.l) Meel ciriiri ah. la-mid: shakal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sakal
f. n. narrow path ~ entrance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakal
-ka: (magac, lab, keli) farqi ama muran aan caddayn. Sakal baa dhexyaal labada reer ee dagaallamaya. Dh: madmadow.
sakal -ka: (magac, lab, keli) meel cidhiidhi ah oo sare. Sakal buu galay
sakal: (fal) neef, shakal ku xidh.
sakal-sha: (magac, dhedig, keli) eeg shakal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sakal
a: shakal
cf: dhudhub
de: narrow path ~ entrance
initial: s
lx: sakal
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: sakal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakar
m.l (-rro, m.dh) 1. Dhulbeereedka barna la abuurto barna la dego. 2. Oodda reerka iyo beerta u dhexaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakat
-da: (magac, dhedig, keli) sakad; seked.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saked
-da: (n) block of buildings ~ seked
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
salad
/saaladh/ (n) saladh (khudrad badanaa cuntada ka dib la cuno).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salad
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale dhib ku noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samad
m.dh Suun dun ka samaysan, ballaaran oo haweenku dhexda ku xirtaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samad
-ka: (magac, lab, keli) suun dun ka samaysan oo ballaaran oo haweenku dhexda ku xirtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanad
m.l/dh la-mid: sannad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanad
m. n.-time: year
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanad
-ka: (n) year (yeer) ~ sano, sannad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanad
-ka: (magc, lab, keli) 365 cisho iyo meel afraad maalineed oo ka kooban 12 bilood oo ay bishii ba tahay 4 toddobaad, mid walbaa na 7 cisho tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanad
a: sano ~ sannad {C & S < Arb}
de: year
initial: s
lx: sanad
pd: (-ka ~ -da)
ps: n1-m/f-time
key: sanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxad
(Saxad-ka)
Saxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxad
m.l la-mid: saxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxad
vl. n. choking (on something)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAXAD
(Sahad) S, C Nectaropetalum kaessneri Engl. Erythroxylaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxad
-ka: (magac, lab, keli) cunto ku roorta hunguriga cad ee neefi kuu raacdo oo lagu xuurtoobo oo qufac kala kulamto. Dh: saxasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxad
de: choking (on s.t.)
initial: s
lx: saxad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: saxasho, saxo
key: saxad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikad
-ka: (magac, lab, keli) sigasho.
sikad -ka: (magac, lab, keli) silasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seked
(Seked-da)
Saf ama iskujoog daaro ah; (ama sakad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seked
m.dh (-do, m.dh) la-mid: sakad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
block
/blook/ (n) 1. wax sidii bulukeetigii u samaysan (00 dhagax, alwaax ama baraf iwm ah). e.g. The wall was made of wooden blocks. (n) 2. sakad ~ masaafada uu dhismo ku fadhiyo oo u dhexeeya laba waddo. e.g. The shopping centre is five blocks from here.(n) 3. guf, fur. e.g. There is a block in the tube.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
patronage
/peytranij/ (n) taageero dhaqaale oo qof bixiyo (sida sadaqada, sakada ama taageero caadi ah).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seked
-da: (n) block of buildings ~ sakad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arkaanulislaam
-ka: (magac, lab, keli) tiiraasha waaweyn ee ay Diinta Islaamku ku salaysan tahay. Arkaanul'islaamku waa shan: ashahaadada tawxiidka, salaadda, sakada, soonka iyo xajka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baytimaal
-ka: (magac, lab, keli) hanti iyo wax la mid ah, ku israafid oo daadaadin. Alahayow rag waa bixi jiree baytimaal noqoye.
baytimaal -ka: (magac, lab, keli) meesha hantida muslimiinta lagu kaydiyo ee cidda baahan laga gargaaro. Sakada waxa lagu shubaa baytimaalka Muslimiinta. Dh: baan, baytulmaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaggoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) seko xilligii iyo nisaabkii loogu talagalay gaadhid. dagaggoys-ka: (magac, lab, keli) xoolo la leeyahay oo tiro ahaan gaadhey intii sakada lagaga bixin lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaggoys
-ka: (magac, lab, keli) neef sakada lagaga bixiyo xoolaha intooda kale ahna mid shuruuduhii dagaggoysku u dhan yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawaashi
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha la dhaqdo. Sakadu mawaashida aan gammaanka ahayn ayay ka waajibtaa. Dh: nimcooley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oog
(fal) dabka beleli oo aad u shid illaa uu olol dheer yeelanayo.
oog: (fal) si wanaagsan oo niyadsami ah u samee. Oog salaadda iyo sakada.
oog: (fal) dacwad fur oo si xawli ah u wad. Ninkii hantida kaa dhacay dacwad ku soo oog.
oog -ga: (magac, lab, keli) saxarro qorraxeed danabeysan oo marka ay gibilka sare ka soo galaan burburiya atamyada iyo xaynatamyada.
oog -ta: (magac, dhedig, keli) iftiin baalal midabeysan leh oo diillimihiisa ama daliigyihiisa qurxoon la arko cadceedda dhaca iyo cadceed baxa. Sida oogta waaberi araggaagaan ku ildoogsadaa.
oog -ta: (magac, dhedig, keli) dab aad u shidan oo olol dheer bixiya. Sida oog la shiday baan, indheer kaa arkaayoo... Dh: olol.
oog -ta: (magac, dhedig, keli) kaaha waaberi ee cadceedda ka soo horreeya. Oogtii waabberi ayuu baxay xusseen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakabixin
-ta: (magac, dhedig, keli) sakada waajibtay. bixin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waajibka sakada gudasho; sako bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakayso
(fal) sako bixi, gudo waajibka sakada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seko
-da: (magac, dhedig, keli) tiir ka mid shanta tiir ee Islaamnimadu ku dhisan tahay oo faraya bixinta sakada sannadkii ba mar, waana tiirka saddexaad, sadaqo maalka iyo xooluhu kolkay tiro cayiman gaadhaan, ku waajibta oo sano walba la bixiyo. Dh: dago, sako.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawl
-ka: (magac, lab, keli) inta u dhaxaysa labo goor oo seko la bixiyo; sannadka ay sakadu ku waajibto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seked
a: sakad
de: row of houses, block
initial: s
lx: seked
pd: (-da)
ps: n1-f
key: seked
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakalid
m.f.dh eeg sakal². la-mid: shakalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakalid
-da: (magac, dhedig, keli) neef, shakal ku xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakhrad
m.dh (-do, m.l) Miyir la'aanta ku dhacda qof khamro ka dhergey.