sahwisiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahwisiin
(Sahwisiin-ta)
Sahwi ku ridid; waswaasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahwisiin
m.f.dh eeg sahwisii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahwisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) sahwi ku ridid: sahwi gelin. Sahwisiinta dadka salaadda ku jira waa denbi. Dh: khalkhalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahwisii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Qof wax illowsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahwisii
v.caus: make someone forget, cause to miss out; distract
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahwisii
(fal) sahwi ku rid. Qayladii carruurtaa salaaddii iga sahwisay. Dh: khalkhali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sahwisii
de: make s.o. forget, cause to miss out; distract (s.o. during prayers)
initial: s
lx: sahwisii
pd: (sahwisiiyey)
ps: v2a=caus
key: sahwisii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahwisan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax sahwiyey ahaansho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka cid aad u suurtagalinaysid inuu wax eeg'eego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) baraarujin xis ahaan; saaxi ka dhigid. Dawo saaxisiin ah, ha la siiyo sii uu u kaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xafiis u shaqeeya maraakiibta, dayuuradaha iyo wixii la mid ah oo sahayda ay u baahan yihiin siiya, ka iibsha; wakaalad qaabbilsan sahayda la siinayo gaadiidka badda iyo cirkaba.
sahaysiin -ta: (magac, dhedig, keli) sahayda la siiyo qof socoto si uu jidka ugu maro. Dh: jidmar, jicsimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahiibsiin
m.dh la-mid: mihiibsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahiibsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) siin oo gacanta kaga ridid. Adna mahad ku noolow xarrago lagu mahiibsiiye. Dh: guddoonsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahwin
m.dh la-mid: sahwiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahwin
-ta: (magac, dhedig, keli) salaada dhexdeeda, maanka mashquulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawsiin
m.f.dh eeg gawsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawsiin
m.f.dh eeg qawsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahaysiin
(Ahaysiin-ta)
1. Wax aan jirin, wax jira ka dhigid; abuurid; uumid.
2. Dhab ama run ka dhigid.
3. Si, ama, wax ka dhigid, ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaysiin
m.f.dh eeg ahaysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaysiin
vl. n., [compound] making, invention, creating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin wax jira ka dhigid. Ahaysiintu waa arrin Eebbe u gaar ah. Dh: abuurid, uumid, alkumid, ahaysiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaysiin
de: making, invention, creating
lx: ahaysiin
pd: (-ta)
ps: vn0-f-cmp
key: ahaysiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwisiin
m.dh la-mid: huwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxisii
(fal) saaxi ka dhiq qof, xiskii u soo celin Saaxisii bukaha oo dabiib haddii aad karaysid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahwiyid
(Sahwiyid-da)
(salaad) kala illaawid; waswaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahwiyid
m.f.dh eeg sahwi². la-mid: sahwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahwiyid
-da: (magac, dhedig, keli) salad kala ilaawid; salaadda qudeheeda, khalkhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariisiin
m.f.dh la-mid: bariin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bariisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahamsiin
m.f.dh eeg fahamsii. la-mid: fahamsiis, fahansiin, fahansiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahamsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax u macnayn, illaa uu dhab u garanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahansiin
m.dh la-mid: fahamsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale oo wax ka daahnaayeen, garansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hammisiin
m.f.dh eeg hammisii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hammisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) walbahaarin; hami ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo dhinac madaxa iskugu jiidid ama ciyaarta madaxa u bilaabid. Dh: herdisiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysiin
m.f.dh eeg jahaysii. la-mid: jihaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, oo xannaano u baahan meel lagu kaadsho geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbisiin
(Kabbisiin-ta)
Kebbisiin; kebbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbisiin
m.f.dh eeg kabbisii. la-mid: kebbisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) halmar qof cabbitaan la cantuujinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylisiin
m.f.dh eeg qaylisii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsiin
m.dh la-mid: samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) sabir ku adkayn; sabir ku waanin. Dh: samrin, samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahwitaan
-ka: (magac, lab, keli) sahwiyiga laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samirsiin
(Samirsiin-ta)
Samir ku adkayn, ku waanin, farid; samrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samirsiin
m.f.dh eeg samirsii. la-mid: sabarsiin, sabarsiis, samirsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wax la yeelay, wax uu ku samro siin.
samirsiin -ta: (magac, dhedig, keli) samir ku adkayn, ku waanin, farid; samirsiis; illowsiin wixii dhib ku dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahwisanaan
m.f.dh eeg sahwisan. la-mid: sahwisanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aamminsiin
ąamminsiin: m.f.dh eeg ąamminsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamminsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax rumaysiin ama ku qancin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bah'isjiid
-ka: (magac, lab, keli) isa soo jiidashada ka dhexaysa xaynatamka dareeraha ee qaabka dhibcaha u yeela dareere khafiif iyo dhumuc yar isku darsaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» cadho ku abuurid; ka xanaajin; umal iyo dhirif ka keenid. Dh: cadhaysiis, xanaaqsiin, dhirifsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashaysiin
m.f.dh eeg cashaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama dad badan, xeraadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweysiin
m.dh la-mid: daaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daaweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaardisiin
(Gaardisiin-ta)
Gaardi ku wadid; cayaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaardisiin
m.f.dh eeg gaardisii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaardisiin
vl. n. drill, military training
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaardisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan, gaardi ciyaarsiin ama ku wadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaardisiin
de: drill, military training
lx: gaardisiin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: gaardisiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heshiisiin
(Heshiisiin-ta)
Heshiis iyo is-afgarad dhex dhigid; eed iyo xumaan laysu qabey ka dhex saarid, ka biskoodsiin: dhexdhexaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heshiisiin
m.f.dh eeg heshiisii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heshiisiin
vl. n. reconciliation, arbitration
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heshiisiin
-ta: (n) mediation (miidiyeyshen); conciliation (kon-si liyeyshen); appeasement (apiiz-ment); reconciliation ~ dhexdhexaadin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Heshiisiin
Conciliazione
Conciliation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heshiisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo aragtiyood ama in ka badan oo kala duwanaa is afgarad ka dhex ridid. Dh: dhexdhexaadin. Li: iskudirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heshiisiin
de: reconciliation, arbitration
lx: heshiisiin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: heshiisiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasiisiin
m.dh.w eeg khasiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiirsiin
m.f.dh eeg majiirsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) leexsiin oo dhan u weecin. Majiirsiinta gaadhigu ma adka. Dh: majiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhaasiin
m.l la-mid: maqaasiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makhaasiin
m. n. storage, warehouse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
makhaasiin
-ka: (n) magazine (maagaziin); storehouse ~ makhsin, maqsin, bakhaar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makhaasiin
a: maqaasiin
de: storage, warehouse
lx: makhaasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: makhaasiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mihiibsiin
(Mihiibsiin-ta)
Gacanta u gelin; guddoonsiin; siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihiibsiin
m.f.dh eeg mihiibsii. la-mid: mahiibsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mihiibsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) siin oo gacanta kaga ridid. Dh: guddoonsiin, siin, mihiibsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaniinsiin
m.f.dh eeg qaniinsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarraysiin
m.f.dh eeg sarraysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel sare gaadhsiin, meel sare dhigid. Dh: korraysiin. Li: hoosaysiin.
sarraysiin -ta: (magac, dhedig, keli) sharaf iyo martabad sare u yeelid. Dh: sharfid, qaddarin. Li: xaqirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saytoosiin
m.l (baayoloji) Waxa laga soo dhiran dhiriyey bayrimidiin. Waa mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee salka u ah niyukiyootaydh iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saytoosiin
m.l (baay.) Waxa laga soo dhiran dhiriyey bayrimidiin. Waa mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee salka u ah niyukiyootaydh iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saytoosiin
-ka: (magac, lab, keli) waxa laga soo dhiran dhiriyey bayrimidiin. Waa mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee salka u ah niyukiyootaydhiyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaysiin
m.f.dh eeg shaqaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo uu ka shaqeeyo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casiin
(Casiin-ka)
Casaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiin
m.l la-mid: casaan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casiin
m. n., [abstract] redness; red (color)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casiin
a: casaan
de: redness; red (color)
lx: casiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: casiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cisiin
m.f.dh eeg cisii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasiin
(Gasiin-ka)
Cunno; calaf; dheef; dhuuni; (ama gesin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąsiin
m.l Cunto; calaf; dheef; dhuuni. la-mid: gesiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gasiin
gąsiin: m.l Cunto; calaf; dheef; dhuuni. la-mid: gesiin. gastiriite m.dh (daaw.) Halamacoodka xuubka daboola caloosha gudaheeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gasiin
m. n., [collective] food, sustenance, living requirements; home
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gasiin
-ka: (n) food (fuudh) ~ cunno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiin
-ka: (magac, lab, keli) cuntada la cuno nooca calaliska ah siiba waxa la kariyo. Gasiin kaad cuntaba xoolahaa meel ka soo gala e'. Dh: cunto, baad, dhuuni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gasiin
bw: gesiin
cf: cunno, calaf, dheef
de: food, sustenance, living requirements; [fig.] home
lx: gasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gasiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka g.: wax tumid. la-mid: gaw (2).