sahmid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sahan u tegid, meel sahan u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahmi
sahmi¹: m.l 1. la-mid: saami¹. 2. Habeen barkii.
sahmi²: f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: sahami².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahmi
v. scout, explore, reconnoitre, survey (a possible campsite)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahmi
(fal) meel sahan u tag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sahmi
a: sahami
de: scout, explore, reconnoitre, survey (a possible campsite)
initial: s
lx: sahmi
pd: (sahmiyey)
ps: v2a=intr
key: sahmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmid
m.f.dh eeg fahan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fahmid
-da: (n) the act or the fact of understanding or comprehending
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad u garasho. Dh: kassid, garad, weeleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rahmid
m.f.dh eeg rahan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rahmid
-da: (magac, dhedig, keli) rahmad u dhigid; rahaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahlid
(Sahlid-da)
Sahal ka dhigid; fududayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahlid
m.f.dh eeg sahal².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sahlid
Facilitazione
Facilitation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahlid
-da: (magac, dhedig, keli) sahal ka dhigid: wax aan dhib lahayn ka dhigid; wax aan adkayn ka dhigid. Dh: fududayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahmin
(Sahmin-ta)
Sahamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahmin
m.dh la-mid: sahamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahmin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel sahan u tegid oo ka warkeenid, meel sahan u dirid. Dh: xogogaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahmis
m.l la-mid: sahamin.

wahmid
m.f.dh eeg wahan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahmid
-da: (magac, dhedig, keli) welwel iyo cabsi aan xaqiiqo ahayn ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqmid
m.f.dh eeg saaqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax oogada wada gaaray noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahamin
(Sahamin-ta)
Sahan aadid, u bixid (ama sahminj.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahamin
m.f.dh eeg sahami. la-mid: sahamis, sahmin, sahmis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sahamin
-ta: (n) exploration (ekis-paloo-reey-shin) -, the act of exploring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahamin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel tegid oo soo arkid oo war ka keened. Dh: sahamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahamis
m.l la-mid: sahamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahamis
-ka: (magac, lab, keli) sahamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahayid
m.f.dh eeg sahay².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahmile
m.l la-mid: saamile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahiid
shahiid¹: m.l 1. Sh. ah: qof dadaal badan oo aad isu tiilaya. 2. (-dyo/-diin, m.dh) Qof fidinta diinta u dhintay.
shahiid²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Wax si aad ah ugu dadaalid. 2. Jahaad ku dhimasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shahiid
shahiid¹: m.l 1. Sh. ah: qof dadaal badan oo aad isu tiilaya. 2. (-dyo/-diin, m.dh) Qof fidinta diinta u dhintay.
shahiid²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Wax si aad ah ugu dadaalid. 2. Jahaad ku dhimasho. m.f.dh, shahiidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shahiid
m. n. martyr
shahiid v. be a martyr, choose martyrdom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shahiid
-ka / da: (n) martyr (maar-ter); one who dies for his religious principles ~ shihiid —shahiid -ay / shahiidday: (v) suffer death for religious principles; become a martyr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shahiid
-ka: (magac, lab, keli) qof dar Alle u dhinta; naftiihure.
shahiid -ka: (magac, lab, keli) dar Alle u dhimasho; shahiidid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shahiid
شهید
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahmi
m.l eeg ahmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahmi
m. n. fat healthy animal; ready for slaughter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahmi
-ga: (n) a livestock bred for commercial propose ~ jar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahmi
-ga: (magac, lab, keli) ishinka iyo adhiga shilis labkooda waaweyn. Dhawr neef oo ahmi ah baa la ii soo eryay. Ahminkaaga goortaad gaddaad imato daaskooda. Dh: jar, ahmin, ishkin. Li: hoome.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahmi
de: fat healthy animal; [ext.] ready for slaughter
lx: ahmi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: ahmi
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
amid
/eeymid/ (prep) dhaty, dhattis. The house stood amid the big trees.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
amid
amidst, among, amongst, ad., dhex, dhexda.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
said
/sedh/ (v) yiri (la yiri) (say oo fal tagay ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sami
(Sami-da)
Samaan; same.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sami
m.dh la-mid: samaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sami
f. n., [abstract] goodness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sami
-da: (n) good behavior; kind act, kindness ~ samaan, samo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sami
-da: (magac, dhedig, keli) samaan; same.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sami
a: samaan, same
de: goodness
initial: s
lx: sami
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: sami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shid
f.g1 (-day, -dday) 1. Dab iyo wixi lamida hurin. 2. Nal, raadiye iyo wixi lamida daarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shid
f.g1 (-day, -dday) 1. Dab iyo wixi lamida hurin. 2. Nal, raadiye iyo wixi lamida daarid. m.f.dh, shidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shid
v. kindle, light, set fire to, ignite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shid
-ay / day: (v) 1. turn on (teen on) Ex: nalka shid; turn on the light bulb ~ daar. 2. kindle (kin-dhal)-, ignite (ignaayt)-, lit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shid
(fal) dabka bixi oo afuuf. Dh: ololi. Li: bakhtii.
shid: (fal) nal; tiriig, iyo wixii la mid ah, daar, ifi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shid
de: kindle, light, set fire to, ignite
initial: s
lx: shid
pd: (shiday)
ps: v1=tr
xe: Turn on the light!
xv: Nalka shid!
key: shid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahmin
(Ahmin-ka)
Ishkinka iyo ariga shilis; jar; (ama ahmi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahmin
m.l.u 1. Ariga intiisa shilis oo la suuq geyn karo. 2. Orgida iyo wananka dhufaanan ee beeca ama hilib loogu talagalay. la-mid: ahmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahmin
m. n. fat ~ well-fed animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahmin
-ka: (magac, lab, keli) eeg ahmi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahmin
de: fat ~ well-fed animal
lx: ahmin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ahmin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axmid
m.f.dh eeg axan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof geeriyooday, aaskiisa xoolo ku dulqalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahid
m.f.dh eeg dah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel banaan yaaley, halkii uu ku habboonaa dhigid. Xashiishka waa layska dahaa.
dahid-da: (magac, dhedig, keli) qarin oo wax dahsoon ka dhigid. Dh: qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damid
(Damid-da)
Dhammaansho; soo yaraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damid
m.f.dh eeg dąn. la-mid: demid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damid
-da: (magac, dhedig, keli) ololkii joojin oo bakhtiyid. Dab dabayli shidayso damid ha ka sugin. Dh: damis, bakhtiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamid
m.dh la-mid: ganid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad jeclayd, ka xiisadhicis oo noqnoqoshadiisa nicid; ka daalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wax kale la jaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamid
m.f.dh eeg mam. la-mid: mabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku noqnoqosho oo samaytiisa aad u jeclaan. Dhandhamadi uu dhandhamiyay ayuu mamid ka qaaday Dh: mamis, walfid, hororoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sa'id
-da: (magac, dhedig, keli) cadhada aadka ah oo uu qofku is kala garan waayo. Dh: ismadaxmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saami
(Saami-ga)
Wax la saanyoonayo, qaybta qof waliba gooni u helo; qori.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saami
saami¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Wax la qaybsaday inta qof walba gooni u helo. 2. Hantida qof kaga qaybgalo shirkad beecmushtari. 3. Xiriir ka dhexeeya laba tiro-xisaabeed. la-mid: sahmi¹
saami²: m.l (iyo, m.dh) (xisaab) Saamiga laba xaddi ama laba walax xisaabeed A iyo B waa qaybta ma jajabka labada xaddi A/B oo loo qoro A : B. 5. Tiro ama xaddi loo qaybiyey mid kale. Saamiga laba xaddi oo doorsoomeyaal ah x iyo y, oo loo qoro x/y ama x : y, waa madoorsome addooy saamigal u tahay x.
saami³: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Wax sida loo kala leeyahay u qaybin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saami
saami¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Wax la qaybsaday inta qof walba gooni u helo. 2. Hantida qof kaga qaybgalo shirkad beecmushtari. 3. Xiriir ka dhexeeya laba tiro-xisaabeed. la-mid: sahmi¹
saami²: m.l (iyo, m.dh) (xisaab) Saamiga laba xaddi ama laba walax xisaabeed A iyo B waa qaybta ma jajabka labada xaddi A/B oo loo qoro A : B. 5. Tiro ama xaddi loo qaybiyey mid kale. Saamiga laba xaddi oo doorsoomeyaal ah x iyo y, oo loo qoro x/y ama x : y, waa madoorsome addooy saamigal u tahay x.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saami
Proportion
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saami
Proportion, Ratio
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saami
m. n. share
saami v. draw lots in order to divide up something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saami
-ga: (n) share (sheer)-, proportion (paro-poor-shin); ratio (reey-shoo) ~ qayb, nisbo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
SAAMI
Azione
Share
Waa qayb qof ku leeyahay hanti shirkadeed waxayna ku qoran tahay warqad shahaado ah oo caddaynaysa in qofkaasi saami ku leeyahay shirkaddaas. Waxay u kala baxdaa shahaadadaasi «Magacle» iyo «La site».
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saami
-ga: (magac, lab, keli) wax la saanyanayo, qaybta qof waliba gooni u helo. Saaluuge saamigiisa waa la qaataa. Dh: qori, nasiib.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saami
نصيب، قسم، حرز، سهم مالي
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabid
(Sabid-da)
Cid wax aan run ahayn, run uga dhigid; sirid; khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabid
m.f.dh eeg sab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabid
-da: (magac, dhedig, keli) sabaalayn ama sasabid. Dh: sasabo.
sabid-da: (magac, dhedig, keli) meel sabo ah xoolo ku horid.
sabid-da: (magac, dhedig, keli) cid wax aan run ahayn, run uga dhigid. Dh: sirid, khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safid
(Safid-da)
Saf saf ka dhigid; sarcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safid
m.f.dh eeg saf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safid
-da: (magac, dhedig, keli) faylin: rigayn; sarcid: safid.
safid-da: (magac, dhedig, keli) saf saf ka dhigid. Dh: sarbid, sarcid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahdi
-ga: (magac, lab, keli) sida uu qof u cabbiro dareenkiisa. Sahdi aan xumayn ayuu innoo sheegay. Dh: saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahwi
(Sahwi-ga)
Salaadda dhexdeeda oo la shakiyo inta la tukadey; waswaas; hubiwaa; illowsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahwi
sahwi¹: m.l Illowshaha wax la kala illaawo.
sahwi²: f.mg1/2 (-iyay,-iday/-isay; -iyi) 1. Wax kala illaawid. 2. Feker dheer gelid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahwi
m.l Illowshaha wax la kala illaawo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahwi
m. n. missing out ~ forgetting part of one's prayers; oversight
sahwi: v. forget (to do), omit, miss out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sahwi
-yey / say: (v) unable to remember; forget (feer get)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahwi
-ga: (magac, dhedig, keli) salaad lagu jiro oo qofka maankiisu mashquulo oo meel kale aado. Sahwiga ka ilaali salaadda. Dh: khalal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salid
m.dh la-mid: solid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samad
m.dh Suun dun ka samaysan, ballaaran oo haweenku dhexda ku xirtaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samad
-ka: (magac, lab, keli) suun dun ka samaysan oo ballaaran oo haweenku dhexda ku xirtaan.