sahboodid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahboodid
-da: (magac, dhedig, keli) xanaaq degdeg ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahbood
-ka: (magac, lab, keli) qof cadhadisu dhaqso ay tahay. Dh: seeflabood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saboolid
m.f.dh eeg sabool². la-mid: sabooloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saboolid
-da: (magac, dhedig, keli) sabool noqosho sabooloobid; faqriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samboorid
m.f.dh eeg samboor³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samboorid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale sanka boor ka geli; samboor ka dawayn. Dh: sanboorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanboorid
(Sanboorid-da)
Sanboor qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanboorid
-da: (magac, dhedig, keli) sanka boor ka gelin; sanboor ka dawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aboodi
(Aboodi-ga)
Haadka jaad ka mid ah oo weyn oo afka iyo lugaha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aboodi
m.l (-iyo, m.dh) Nooc haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhaxeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka luguha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aboodi
m.l (-iyo, m.dh) Nooc haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhaxeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka luguha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aboodi
m. n. bird of prey species, vulture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aboodi
-ga: (n) big bird; large bird
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aboodi
-ga: (magac, lab, keli) jaad haadka ka mid ah oo waaweyn. Bogga iyo inta hore wuu cadyahay dushana waa madow afka iyo mijahana waa casaan. Gorayada iyo shimbiraha waaweyn ayuu ugacda ka cunaa. Gorayadu ilmaheeda, aroori bay dhigtaayoo, aboodigu ku laayaa. Dh: durmi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aboodi
de: bird of prey sp., vulture
lx: aboodi
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: aboodi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boodid
(Boodid-da)
Bootin samayn; dhaqso u hinqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodid
m.f.dh eeg bǫod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodid
-da: (magac, dhedig, keli) kicintaan dhakhso ah. Boodidda waa lagu yaqaan iyo bayrta uu gabaye.
boodid -da: (magac, dhedig, keli) meel kor uga kac oo xagga sare ka mar.
boodid -da: (magac, dhedig, keli) wax ka cadhood oo ka kicid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
boodid
وَتْبِ، وَنَطْ، قَفْزِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aboobid
m.f.dh eeg abow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aboobid
-da: (magac, dhedig, keli) abka ama isirka ka mid noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awoodid
(Awoodid-da)
Maaro, itaal u hayn; karid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awoodid
m.f.dh eeg awood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awoodid
-da: (magac, dhedig, keli) itaal iyo karti u helid; maaro u helitaan. Waxad sheegaysaa awoodid iyo karti buu u baahan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboodi
-ga: (magac, lab, keli) wax dhammaanaya, inta u danbaysa. Daboodiga colaadda ka hadhay halla badbaadiyo. Dh: dabaadi, dabayaaqo, gabaabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoodid
(Dhoodid-da)
Faanid; is'ammaanid; shoolid; dhaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoodid
m.f.dh eeg dhood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoodid
-da: (magac, dhedig, keli) awr, hal saarasho oo abaahin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabooti
(fal) qof meel tegaya, nabadgelayee; ambabixi. Dh: sagooti.
sabooti -ga: (magac, lab, keli) qof meel tagaya sii nabadgelyayn. Dh: sagooti, anbabbixin, nabadgelyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shoobid
(Shoobid-da)
Xarragood; mardaaddiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shoobid
m.f.dh eeg shoob².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoobid
-da: (magac, dhedig, keli) xarragood: mardaadiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shoolid
(Shoolid-da)
Faanid, is'ammaanid; tookhid; dhoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shoolid
m.f.dh eeg shool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoolid
-da: (magac, dhedig, keli) faanid, is ammaanid, Dh: tookhid, dhoodid, shooli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shooxid
-da: (magac, dhedig, keli) sheemid: hoos'u'reemid; shooxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahoobid
m.f.dh eeg bahow². la-mid: bahow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahoobid
-da: (magac, dhedig, keli) istaageersi iyo iskaashi darteed u midoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baroodid
(Baroodid-da)
Xanuun-geeriyaad hayn: sakaraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroodid
m.f.dh eeg barood². la-mid: barood¹ (1), karood¹, karoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroodid
(magac, dhedig, keli) xanuun geeriyaad qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daboolid
(Daboolid-da)
Dabool korka ka saarid; wax ku rogid; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboolid
m.f.dh eeg dabool².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daboolid
vl. n. disguising, camouflaging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku jira dusha wax ka saarid oo wixii ku dhici lahaa ka ilaalin. Dh: daboolis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daboolid
de: disguising, camouflaging
lx: daboolid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: daboolid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaboobid
(Gaboobid-da)
In badan jirid; filka meesha ugu danbaysa gaarid; duqoobid; odayoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaboobid
m.f.dh eeg gabow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) cimri dheeraansho iyo da'weyni. Dh: duugoobid, duqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadoodid
(Gadoodid-da)
Wax gardarro ah oo afka la iska yiri ama addinka layska yeelay ka xumaanshaheed muujin, dhirfid; dharsid; xanaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadoodid
m.f.dh eeg gadood². la-mid: gadood¹, gedaad¹, gedaadid, gedood¹, gedoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadoodid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gardarro ah oo lagugu sameeyo, si aad ah u cadhoosho. Dh: dhirfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karoodid
m.dh la-mid: baroodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karoodid
-da: (magac, dhedig, keli) meel dhulka ka sarraysa noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaboobid
(Qaboobid-da)
Qabow noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboobid
m.f.dh eeg qabow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qabow noqosho. Dh: qaboobis. Li: kululaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadoodid
-da: (magac, dhedig, keli) joogsasho kooban samayn oo inyar qaadid. Roobku wuu da'ayaa oo qadoodid ma leh. Dh: hakasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabootin
-ta: (magac, dhedig, keli) nabadgalyeynta iyo anba bixinta qof meel u dhoofaaya. Gob baa
sabootin laga helaa. Dh: anbabixin, sagootin. sabootiyid -da: (magac, dhedig, keli) sagootiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloobid
(Saloobid-da)
Sal noqosho, yeelasho; dhaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloobid
m.f.dh eeg salow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloobid
-da: (magac, dhedig, keli) sal noqosho, yeelasho: dhab noqosho. Dh: dhaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloogid
(Saloogid-da)
Saloog ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloogid
m.f.dh eeg saloog². la-mid: saloog¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloogid
-da: (magac, dhedig, keli) isku taagid; saloolasho.
saloogid -da: (magac, dhedig. keli) saloog ka dhigid, turmaagid. Dh: diirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloolid
(Saloolid-da)
(badar) salool ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloolid
m.f.dh egg salool².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloolid
-da: (magac, dhedig, keli) badar salool ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaboohid
(Yaboohid-da)
(ku yaboohid, u yaboohid) kan yaboohsaday wax siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaboohid
m.f.dh eeg yabooh². la-mid: yabooh¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaboohid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) kaalmo cid baahan la siinayo ku ballanqaadid. Haddaanad miskiinka wax siinayn yaboohidda ka daa. Dh: ballangaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yahoomid
-da: (magac, dhedig, keli) meel dheer u socdaalid. Laba cisho ayuu Sahal yahoomid ku jiray Dh: socdaalid, kaynaanid.
yahoomid -da: (magac, dhedig, keli) baahi daran qabid. Dh: hamuumid, yohoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahsoomid
m.f.dh eeg dahsoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahsoomid
-da: (magac, dhedig, keli) qarsoomid oo wax aan indhaha dadka u muuqan noqosho. Dh: qarsoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibboodid
(Dibboodid-da)
(xoolo) lumay oo aan habeenkii soo xeroon; dibad ku dhixid; dibjirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibboodid
m.f.dh eeg dibbood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibboodid
-da: (magac, dhedig, keli) soo hoyan waayid oo mirasho ku dhixid. Dh: dhixid, mirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandoodid
m.dh la-mid: qandoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandoodid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kelidaa, foorarid. Hadba waxay gandooddaba markay gorodda hayn waydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacdoodid
m.f.dh eeg kacdood². la-mid: kac-dood¹, kacdoomid, kacdoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacdoodid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar inuu bogsaday la mooday oo dib xanuun u keena noqosho. Dh: doogid, kacdoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandoodid
(Qandoodid-da)
Si qandood ah, meel ugu sugnaan, u taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandoodid
m.f.dh eeg qandood². la-mid: gandood¹, gandoodid, qandood¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandoodid
-da: (magac, dhedig, keli) si foorar ah u taagnaan; dhaqaaq la'aan yuururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqoodid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u takoorid. Wiilka qarqoodidda ka daa. Dh: takoorid, fanqoogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanboorin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg sanboorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dankaboodid
-da: (magac, dhedig, keli) si aanay naftaada dani ugu jirin u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabboodid
m.f.dh eeg kalabbood².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arahdoonid
m.dh la-mid: arhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arahdoonid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg arahdoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaloobid
m.f.dh eeg bahalow. la-mid: bahalow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan iyo caado bahal yeelad; ad'adayg iyo naxariisdarro yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraboobid
m.f.dh eeg carabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caraboobid
-da: (magac, dhedig, keli) Carab noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaboobid
m.f.dh eeg danabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) danab yeelasho. Isliska walaxaha danaboobid ayaa ka dhalata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybsoocid
-da: (magac, dhedig, keli) dad haybtooda ku kala soocid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdaboolid
-da: (magac, dhedig, keli) is kaafiyid; isku filnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Kamboodiya
pr. n., loc. Cambodia
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Kamboodiya
de: Cambodia
lx: Kamboodiya
ps: n0-loc-f
key: Kamboodiya