sahansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la sahmiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la sahmiyey ahaansho. m.f.dh, sahansanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahansan
der. [adjective] explored, surveyed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sahansan
de: explored, surveyed
initial: s
lx: sahansan
pd: (sahansanaa)
ps: adj-der
key: sahansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahansan
f.g4 (-naa, -nayd) la-mid: fahamsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahansan
(tilmaame) qof wax fahmay ama gartay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahansanaansho
m.l/dh la-mid: sahansanaan.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mapped Area
Dhul sahansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahlanaan
(Sahlanaan-ta)
Wax sahlan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahlanaan
m.f.dh eeg sahlan. la-mid: sahla-naansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahlanaan
f. n., [abstract] easiness, simplicity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sahlanaan
-ta; (n) easiness (ii-zi-nes); simplicity (sim-pilisiti) ~ fudayd-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahlanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sahlan ahaan. Sahlanaanteeda ayaa na hodday hawsha Dh: fududaan, jilicsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sahlanaan
de: easiness, simplicity
initial: s
lx: sahlanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: sahlanaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caansan
der. [adjective] famous; popular; notorious
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caansan
de: famous; popular; notorious
lx: caansan
pd: (caansanaa)
ps: adj-der
key: caansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faansan
La faaniyey; wax faan ah lagu sheegay; ammaanan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faansan
f.mg4 (-naa, -nayd) La ammaanay ahaansho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faansan
der. [adjective] praised
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faansan
-aa: (adj) commended (kam-maandidh); admired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faansan
(tilmaame) qof la faaniyey; qof wanaagasan oo aan u baahanayn in la faaniyo. Gabadh faansan baad tahay. Dh: ammaanan. Li: caayan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faansan
de: praised
lx: faansan
pd: (faansanaa)
ps: adj-der
key: faansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saabsan
1. Saab leh, loo yeelay.
2. (ku saabsan) ku jeedda, danaysa, lug ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax saab loo yeelay ahaansho. 2. Ku s.: arrin iyo wixi lamida wax la xiriira ahaansho. 3. la-mid: saaban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax saab loo yeelay ahaansho. 2. Ku s.: arrin iyo wixi lamida wax la xiriira ahaansho. 3. la-mid: saaban. m.f.dh, saabsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saabsan
der. [adjective] having ~ carrying a wicker basket frame
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saabsan
-aa/ayd: (adv) [with preposition ku] relating to; concerning; regarding ku saabsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabsan
(tilmaame) mid saab leh, mid saab loo yeelay.
saabsan: (tilmaame) kuujeedda, wax ka hadlaysa. Maxaa dooddu ku saabsan tahay. Dh: mawduuc.
saabsan: (tilmaame) «ku ku jeeda, danaysa, ku lug leh. Cashar ku saabsan degaanka iyo ilaalintiisa ayaannu maanta soo dhigannay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saabsan
de: having ~ carrying a wicker basket frame
initial: s
lx: saabsan
pd: (saabsanaa)
ps: adj-der
key: saabsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangan
saangan¹: f.g1 (-gamay, -gantay; -gmi) Qof sixir uu kaga cararo meel uu joogay ku samayn.
saangan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax sixir ka dheereeya meeshii uu joogay lagu sameeyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: saaqan².
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sahalan
facile.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahansi
-ga: (magac, lab, keli) meel sahan u tegid sahansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahanso
f.g3 (-saday, -satay) Meel dan laga leeyahay soo dayasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahanso
f.g3 (-saday, -satay) Meel dan laga leeyahay soo dayasho. m.f.dh, sahansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid wax la waaniyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid wax la waaniyey ahaansho. m.f.dh, waansanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waansan
der. [adjective] counseled, advised, notified
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waansan
(tilmaame) waano qaba oo talo wanaagsan oo loo soo jeediyay qaatay ama wax xun oo laga reebay iska daayay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waansan
de: counseled, advised, notified
initial: w
lx: waansan
nt: waansan (waansamay) [v1=inch]
pd: (waansanaa)
ps: adj-der
key: waansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahamsan
f.g4 (-naa, -nayd) Qof wax gartay ahaansho. la-mid: fahnsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fahamsan
f.g4 (-naa, -nayd) Qof wax gartay ahaansho. m.f.dh, fahamsanaan. la-mid: fahansan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fahamsan
der. [adjective] understanding, recognizing, being up to date
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fahamsan
-aa/ayd: (adj) understood (undharstuudh); perceived, seen, heard, realized
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahamsan
(tilmaame) mid wax gartay; mid sidii la rabay wax u gartay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fahamsan
a: fahansan
de: understanding, recognizing, being up to date
lx: fahamsan
pd: (fahamsanaa)
ps: adj-der
key: fahamsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la jaheeyey ahaansho. la-mid: jihaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jahaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la jaheeyey ahaansho. m.f.dh, jahaysnaan. la-mid: jihaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jahaysan
der. [adjective] directed, oriented, turned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jahaysan
-aa: (adj) directed (di-rak-tidh); addressed (a dareesed); directed to ~ jihaysan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jahaysan
a: jihaysan
de: directed, oriented, turned
lx: jahaysan
pd: (jahaysnaa)
ps: adj-der
key: jahaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadsan
La mahadshey; mahad loo naqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la mahadiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mahadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la mahadiyey ahaansho. m.f.dh, mahadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahadsan
der. [adjective] thanked; thank you, be thanked
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mahadsan
-aa: (adj) appreciated; thankful; showing appreciation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahadsan
(tilmaame) la mahadshey oo loo mahad naqay ah. Ninka shicibkiisa u adeegaa waa nin mahadsan. Dh: ammaanan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahadsan
de: thanked; [expr] thank you, be thanked
lx: mahadsan
pd: (mahadsanaa)
ps: adj-der
xe: Thank you for coming.
xv: Waad ku mahadsantahay imaatinka.
key: mahadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: mehersan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharsan
(tilmaame) meher ku xidhan yahay oo la nigkaaxsaday ah. Gabadh maharsan meher labaad waa ka xaaraan. Dh: nikaaxsan. Li: dalaaqan, furan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raransan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cunto wax raran ku bislaatay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raransan
(tilmaame) kulul oo raran la geliyey ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saansaan
f. n., pl. characteristics, symptoms, indications; tracks, traces
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saansaan
-ta: (n) nature (neey-jar); sign (saaynis); characteristics (kar-ak-tiris-tikis); feature (fii-jaris); symptom (sim-tam)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saansaan
-ka: (magac, lab, keli) qaabka wax u egyihiin ama u socdaan, sida ay u muuqato; siday u eg tahay ama u aloosantahay; ishay leedahay arrini. Saansaan colaadeed baa iga muuqata sabada ceelka saaka.
saansaan-ka: (magac, lab, keli) aad ugu ekaansho qof kale, qaab wax leeeyahay oo lagu soo sooci karo wax kale. Saansaankii aabbihii waa leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saansaan
de: characteristics, symptoms, indications; tracks, traces
initial: s
lx: saansaan
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
see: saan (ta) 'footstep; trace'
key: saansaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safarsan
(tilmaame) safar u diyaar ah, u baxaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safaysan
safaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) la-mid: sifaysan¹.
safaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: sifaysan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysan
(tilmaame) la safeeyey, laga shaqeeyey: nadiifsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaxsan
(tilmaame) wax kala baxsan ah. Dh: fidsan. Li: godan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahadsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg saadsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahantag
-ga: (magac, lab, keli) socdaal loo galo si meel xaaladda ka jirta loo soo ogaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahwisan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax sahwiyey ahaansho (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: selelsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalsan
(tilmaame) mid selel iyo naxdin qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho. m.f.dh, salaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salaysan
der. [adjective] confirmed, reliable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaysan
(tilmaame) sal loo yeelay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salaysan
de: confirmed, reliable
initial: s
lx: salaysan
pd: (salaysnaa)
ps: adj-der
key: salaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samaysan
La sameeyey; waxaysan; suubsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaysan
samaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la sameeyey noqosho.
samaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la sameeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samaysan
samaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la sameeyey noqosho. m.f.dh, samaysmid.
samaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la sameeyey ahaansho. m.f.dh, samaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samaysan
der. [adjective] done, made
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samaysan
-samaysnaa / samaysnayd: (adj) formed (foomidh)-, made (meeydh) ~ sameysan, suubsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaysan
(tilmaame) mid la sameeyay; mid waxaysan; suubsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samaysan
de: done, made
initial: s
lx: samaysan
nt: samaysan (samaysmay) [v1=inch]; See also: sameysan
pd: (samaysnaa)
ps: adj-der
key: samaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxansax
-da: (magac, dhedig, keli) ur udgoon oo roobku keeno. Dh: qaya-ur, laydh, saxansaxo, noocaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax gabaddano ku qoyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayaxsan
(tilmaame) mid sayax leh; la sayaxeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahansanaan
m.f.dh eeg sahansan. la-mid: sahansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakhraansan
Sakhraan ah; cabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakhraansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof wax sakhradi hayso noqosho. la-mid: sakhradeysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sakhraansan
der. [adjective] drunk, intoxicated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakhraansan
(tilmaame) mid khamri cabsan oo tal ah; mid khamri maandooriyay. Nin sakhraasan baa halkaa fadhiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sakhraansan
de: drunk, intoxicated
initial: s
lx: sakhraansan
pd: (sakhraansanaa)
ps: adj-der
key: sakhraansan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarkhaansan
-aa / ayd: (n) drunk (darank)-, intoxicated (in-took-si-keeytidh); under the influence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatahansan
(tilmaame) webi iyo wax la mid ah oo buuxdhaafay ahaan; mid biyihiisu geerka dhaafeen oo daateen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Badar wax haldhankii laga saaray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhansan
(tilmaame) badar wax haldhankii laga saaray ahaansho.