sahalan
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sahalan
facile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahlan
Sahal ah; aan adkayn; aan dhib lahayn; fudud; jilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahlan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan dhi-baato lagala kulmin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahlan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan dhibaato lagala kulmin ahaansho. m.f.dh, sahlanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahlan
der. [adjective] easy, simple
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sahlan
name-fease, easiness, simplicity; easy, simple, uncomplicated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sahlan
-sahlanaa / sahlanayd: (adj) easy (ii-zi); simple (sim-pal); effortless (e-fer-les); smooth (ismuuth); facile (faaself, light (laayt) ~ sahal, fudud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahlan
(tilmaame) wax aan dhib lahayn: aan adkayn. Dh: fudud, jilicsan. Li: dhib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sahlan
de: easy, simple
initial: s
lx: sahlan
pd: (sahlanaa)
ps: adj-der
key: sahlan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashalan
fashalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax fashal la kulmay noqosho. la-mid: fashilan¹.
fashalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax fashal la kulmay ahaansho. la-mid: fashilan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fashalan
f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax fashal la kulmay noqosho. m.f.dh, fashalmid. la-mid: fashilan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fashalan
inch. v. fail, not work out, be aborted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashalan
(fal) mid ama wax fashalmay noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fashalan
de: fail, not work out, be aborted
lx: fashalan
pd: (fashalmay)
ps: v1=inch
key: fashalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la sahmiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la sahmiyey ahaansho. m.f.dh, sahansanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahansan
der. [adjective] explored, surveyed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sahansan
de: explored, surveyed
initial: s
lx: sahansan
pd: (sahansanaa)
ps: adj-der
key: sahansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: selelsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalsan
(tilmaame) mid selel iyo naxdin qaba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqalan
(tilmaame) shaqal loo yeelay; la shaqlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahaan
(Ahaan-ta)
Noqod; ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaan
m.f.dh eeg ah. la-mid: ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaan
v.-inf: to be
ahaan vl. n., [abstract] state of being, becoming
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahaan
(v) he or it might be. Ex: sidee buu ahaan lahaa; how he might have been
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaan
-ta: (magac, dhedig, keli) noqod; ku sugnaan. Waxaan shirka uga soo qayb galay aqoonyahan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahlan
e.d Nabaday!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahlan
inter. Hello!, Hi!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahlan
(n) hallo (haloow); hi (haay)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahlan
bw: Arabic
de: Hello!, Hi!
lx: ahlan
ps: intj
key: ahlan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahal
1. Aan dhib lahayn; fudud; jilicsan.
2. (Sahal-ka) Fudayd, jileec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahal
sahal¹: m.l Wax aan dhib lahayn ama fudud.
sahal²: f.g1 (-hlay, -hashay; -hli) Wax fududayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahal
sahal¹: m.l Wax aan dhib lahayn ama fudud.
sahal²: f.g1 (-hlay, -hashay; -hli) Wax fududayn. m.f.dh, sahlid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sahal
name: Sahal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahal
m. n. (adj.): ease, easiness, simplicity; easy, simple, uncomplicated
sahal v. simplify, make something easy ~ simple
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sahal
name-m ease, easiness, simplicity; easy, simple, uncomplicated
name-m easy to deal with; easy-goer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sahal
-ah: (adj) easy (ii-zi); simple (sim-pal); effortless (efer-les); smooth (ismuuth); facile (faaself, light (laayt) ~ sahlan, fudud
sahal -ay / sahashay: (v) make easy; smooth the way; make possible; facilitate (fa-sili-teeyt) ~ u sahal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahal
(fal) fududay; ha adkayn; dhib ha u yeelin.
sahal -ka: (magac, lab, keli) wax aan adkayn, aan dhib lahayn, wixii dhibyar ee aan adkayn. Sahal Allaw nooga dhig umuuraha. Dh: fudud, jilicsan. Li: adag, dhib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahan
(Sahan-ka)
Dad ama qof meel loo diro, inay soo arkaan oo war buuxa ka keenaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahan
m.l (-nno, m.dh) 1. Aadidda meel la aado si looga war keeno. 2. S. ah: qof meel loo diro si uu uga war keeno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahan
m.l (-nno, m.dh) 1. Aadidda meel la aado si looga war keeno. 2. S. ah: qof meel loo diro si uu uga war keeno.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sahan
Survey
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahan
m. n. survey, reconnaissance party, scouting party
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sahan
-ka: (n) 1. expedition (ekis-pidi-shinf, exploration (ekis-paloo-reey-shin) 2. reconnaissance; especially in order to gather military information
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahan
-ka: (magac, lab, keli) meel tegid oo soo arkid, u soo kuurgelid, soo indha-indhayn, soo xuuraamid oo war ka keened. Sahan hortii reer lama raro. Dh: wardoon.
sahan -ka: (magac, lab, keli) ciidanka intooda sahanka loo diro; wax soo sahamiya. Dh: ilaalo, ol-ale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sahan
de: survey, reconnaissance party, scouting party
initial: s
lx: sahan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sahan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sahan
استكشاف
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sahla
name-feasy to deal with; easy-goer
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shala
adv., time: yesterday
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shala
(adv) yesterday (yas-ter-dheey) ~ shaley, shalay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shala
a: shalay
de: yesterday
initial: s
lx: shala
ps: adv-time
key: shala
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalan
m.l Dunida iyo waxa ku nool oo dhan. la-mid: caalam.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caalan
m.l Dunida iyo waxa ku nool oo dhan. la-mid: caalam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caalam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalan
(Daalan-ka)
Daallan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalan
daalan: m.l la-mid: daallan.
dąalan: m.l la-mid: dąallan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daalan
der. [adjective] tired
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daalan
-aa / ayd: (adj) tired (taayadh); fatigued (fatiigidh) ~ dhacsaal ah. Ex: wuu daalan yahay; he is tired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalan
-ka: (magac, lab, keli) macmacaan noocyo kala duwan ah oo cuntada weyn dabadeed la cuno, oo lagu dheregdhacsado. Daalan baan cunay hadhimada dabadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daalan
de: tired
lx: daalan
pd: (daalanaa)
ps: adj-der
xe: Im tired.
xv: Waan daalanahay.
key: daalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalan
(Dhalan-ka)
1. Abuurta ama baxaalliga nafleydu ku dhalato oo ku kala duwduwan tahay; sansaan; dabeecad.
2. Caws waaweyn oo aad u dheeraada; alaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalan
m.l 1. Dabeecad. 2. Dir, fir, sinji. 3. Muuqal. 4. Caws waaweyn oo aad u dheeraada. 5. Geedo doog leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalan
m.l 1. Dabeecad. 2. Dir, fir, sinji. 3. Muuqal. 4. Caws waaweyn oo aad u dheeraada. 5. Geedo doog leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalan
m. n. character, nature, physical appearance
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALAN
(Dalan) C Gyrocarpus angustifolius (Verdo.) Gillett. Hernandiaceae.
N Panucum turgidum Forsk. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhalan
-ka:: (n) natural behavior, character ~ bahaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalan
-ka: (magac, lab, keli) sansaanka iyo abuurta qofka dabcigiisu yahay. Illayn dhalan lama dooriyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalan
de: character, nature, physical appearance
lx: dhalan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalan
f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) la-mid: falan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalan
(tilmaame) mid la falay; qof falan oo la baabay. Dh: falan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laalan
1. Meel kore suran.
2. Aan weli iman ama soo degin.
3. (arrin) aan weli wax laga qaban; laaban; heehaaba haya; danbeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laalan
laalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax meel kore saaran noqosho.
laalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax meel sare la saaray ahaansho. 2. Arrin aan go'aan laga gaarin ahaansho. 3. Sharci wax la baaba'shey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laalan
laalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax meel kore saaran noqosho. m.f.dh, laalmid.
laalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax meel sare la saaray ahaansho. 2. Arrin aan go'aan laga gaarin ahaansho. 3. Sharci wax la baaba'shey ahaansho. m.f.dh, laalnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laalan
der. [adjective] high up, on top; dangling down, clinging, suspended; not yet resolved, in suspense
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laalan
-laallaa / laalnayd: (adj) 1. pendent (peendhant); hanging down ~ laallaadsan 2. awaiting conclusion or confirmation; pending (peending)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Laalan
Sospeso
Supended
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalan
(tilmaame) wax meel sare saaran. Dhagax geed ku laalan ayaa ku soo dhacay.
laalan: (tilmaame) talo dib u dhacday; hadhsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laalan
de: high up, on top; dangling down, clinging, suspended; [fig.] not yet resolved, in suspense
lx: laalan
pd: (laalnaa)
ps: adj-der
key: laalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lahaan
(Lahaan-ta)
1. Wax leh ama wax uu lee yahay haysta ahaan; wax gaar ah haysad, yeelad, qabid.
2. Wax ku hadlid, wax dhihid, wax ka yeerin, wax sheegid (waxaan idin ku leeyahay — a) Waxaad iga qabtaan, ama, b) Waxaan idin oran hayaa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lahaan
m.f.dh eeg leh. la-mid: lahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lahaan
v.-inf: to have, possess, own
lahaan [feminine] n. state of having, possessing; state of talking about
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lahaan
-ta: (n) possession (poza-shin); the act or fact of possessing ~ lahaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lahaan
-ta: (magac, dhedig, keli) yeelahso cidi si gaar ah ama si guud wax u yeelato. Dh: milkinimo.
lahaan-ta: (magac, dhedig, keli) wanaag iyo liibaan. lahaansho -ha: (magac, lab, keli) eeg lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la lisay ahaansho (neef irmaan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalan
der. [adjective] milked
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalan
de: milked
lx: maalan
pd: (maalnaa)
ps: adj-der
key: maalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax saab leh ahaansho. la-mid: saabsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaban
(tilmaame) mid saab loo yeelay ama loo sameeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafan
La saafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafan
saafan¹: m.dh Nooc kalluun ka mid ah.
saafan²: f.mg1 (-fmay, -fantay; fmi) Hilib wax saaf laga dhigay noqosho.
saafan³: f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Hilib wax saaf laga dhigay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saafan
der. [adjective] sliced thin ~ in strips
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafan
(tilmaame) la saafay, mindi lagu dildillaaciyay ilaa laga dhigayay wax bagafsan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saalax
name-m goodness; righteousness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalay
(fal) xayawaan saalo dhig. Lo' saalaysay oon baa haya. Dh: saalood, saalee
saalay: (fal) saalo dhig: saalood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalin
-ta: (magac, dhedig, keli) bar madaw oo idaha badhkood dabada ama sibiisha kaga taal. Laxdu saalin bay leedahay. Dh: saalimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaman
m. n., pl. hides, skins
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaman
de: hides, skins
initial: s
lx: saaman
pd: (-ka Sg: saan (ta))
ps: n4-m-pl
key: saaman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqan
saaqan: m.dh (fiisikis) Isbeddelka ku dhaca xaaladda walax ayna sababtay badad xoog.
saaqan¹: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) Wax wareersan noqosho.
saaqan²: f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Wax wareersan ahaansho. 2. Qof, wax la saaqay ahaansho. la-mid: saaqsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaqan
m.dh (fiisikis) Isbeddelka ku dhaca xaaladda walax ayna sababtay badad xoog.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saaqan
Induction