sagancaso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagancaso
-da: (magac, dhedig, keli) dhogor cas oo xoolaha itaalka darani yeeshaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magansasho
-da: (magac, dhedig, keli) tuugsasho; cid wax weydiisasho. Qof magansasho kuugu yimid marka u horraysa madhnaan lama cesho. Dh: magansi, baryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahansasho
m.f.dh eeg sahanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maganso
(fal) cid wax weydiiso; qof wax ku siiya raadso. Ilaahay maganso. Dh: bari, weydiiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanaho
f.g3 (-hday, -hatay) 1. Qof balaayo dhaxalsiin. 2. Qof uurka cadaawad ugu hayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanaho
v. blame, accuse unjustly; say someone was one's accomplice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanaho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg saanahasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saanaho
de: blame, accuse unjustly; say s.o. was one's accomplice
initial: s
lx: saanaho
nt: saanahasho (/da) [vn-f]
pd: (saanahday)
ps: v3b=tr
key: saanaho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saancad
(Saancad-ka)
Saancaddo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saancad
m.l/dh (-dyo, m.dh) la-mid: saancaddaale; saancaddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saancad
m.l/dh la-mid: saancaddaale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saancad
m. n. person who causes misfortune ~ does evil deeds; jinx
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saancad
-ka: (magac, lab, keli) cudurrada jidhka caddeeya. Dh: baras; saancaddaale.
saancad -ka: (magac, lab, keli) wax aan wanaag ku jirin, wax aan khayr lahayn. Dh: belaayo, baas.
saancad-ka: (magac, lab, keli) saancaddo leh, qof ama wax ayaandarro iyo digagubyo loo nisbeeyo. Dh: saancaddo, dabbuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saancad
bw: Arabic
de: person who causes misfortune ~ does evil deeds; jinx
initial: s
lx: saancad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saancad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagaaro
(Sagaara-da)
Ugaar yaryar oo dhawr jaad u sii kala baxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagaaro
m.dh (-ooyin, m.l) Nooc ugaarta yaryar ka mid ah, dhawr jaad u kala baxda oo keeda lab geeso leeyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sagaaro
m.dh (-ooyin, m.l) Nooc ugaarta yaryar ka mid ah, dhawr jaad u kala baxda oo keeda lab geeso leeyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagaaro
f. n. dikdik, small antelope species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sagaaro
-sagaarada: (n) dikdik (dikdik)-, a small East African antelope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaaro
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadh yar yar oo cas cas oo aad u dheeraysa. Sagaaro laba tun oo la kala qaado ma leh. Dh: sakaaro, sagaar, sakaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sagaaro
cf: atoor, biiq, guuyo, yac
de: dikdik, small antelope sp.
initial: s
lx: sagaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sagaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahanso
f.g3 (-saday, -satay) Meel dan laga leeyahay soo dayasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahanso
f.g3 (-saday, -satay) Meel dan laga leeyahay soo dayasho. m.f.dh, sahansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanacaso
(Caanacasa-da)
(xoolo) caano subag yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanacaso
m.dh Caano xoolaad ama haween oo aan nafaqo lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanacaso
f. n., (mass n.): milk with little fat, skim milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanacaso
-da: (magac, dhedig, keli) caanaha xoolaha ama dumarka ee nafaqadu ku yar tahay. Qofka ama neefka caanocasada leh, ilmaha nuugaa kuma naaxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanacaso
de: milk with little fat, skim milk Considered to lack nutritional value
lx: caanacaso
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: caanacaso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaraaso
-da: (magac, dhedig, keli) bahal badda ku nool oo malada iyo garfaadka la jaad ah oo af kala jeexan leh. Badda kolkaad gasho magaraaso yayna ku xagan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saancaddo
(Saancadda-da)
Ayaandarro; nasiibxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saancaddo
m.dh Tagxumo; nasiibdarro. la-mid: saancad (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saancaddo
f. n., [abstract] misfortune, bad luck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saancaddo
-da: (magac, dhedig, keli) ayaandarro; nasiibxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saancaddo
de: misfortune, bad luck
initial: s
lx: saancaddo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
syn: ayaandarro, nasiibxumo
key: saancaddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanyasho
m.f.dh eeg saanyo. la-mid: saanyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanyasho
-da: (magac, dhedig, keli) saami sheegasho; saanyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagandaaq
(Sagandaaq-a)
Ugaarta keeda lab oo inta tabar yareeya oo raxanta ka taga gooniddaaq noqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagandaaq
m.l (-qyo, m.dh) Ugaarta keeda lab oo inta tamar yareeyo raxanta ka taga ee gooni-joog noqda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagandaaq
m. n. male grazing animal isolated (due to weakness)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagandaaq
-a: (magac, lab, keli) ugaadha keeda lab oo marka laga itaal roonaado ama uu tabar yareeyo raxanta ka tega ama laga eryo. Dh: baxaayaw, goonnidaaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sagandaaq
de: male grazing animal isolated (due to weakness)
initial: s
lx: sagandaaq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: sagandaaq
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SAGARASOL
Commiphora ancist rophora 20, C. sec. Upobalsames = Kuchar 16231 30
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxansaxo
(Saxansaxa-da)
Neecaw qabow oo udgoon oo roobka soo goota ka soo horraysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxansaxo
m.dh Neecaw qabow, udgoon oo roob soo hooray ka soo hormarta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxansaxo
m.dh Neecaw qabow, udgoon oo roob soo hooray ka soo hormarta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxansaxo
m. n. cool breeze just priot to a rain-storm; rainy smell
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saxansaxo
nickname; name-unisex cool breeze just prior to a rain-storm. Lit: simple person by nickname or he who his parents/relatives were overjoyed by his birth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxansaxo
-saxansaxada: (n) fresh breeze of showing a sign of coming rain; gentle wind that blows before the rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxansaxo
-da: (magac, dhedig, keli) neecaw qabow oo udgoon oo roobka kasoo horraysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxansaxo
de: cool breeze just priot to a rain-storm; rainy smell
initial: s
lx: saxansaxo
pd: (/da)
ps: n6-m
key: saxansaxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagsaagasho
m.f.dh eeg sagsaago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaarasho
m.f.dh eeg cagaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) midab cagaar ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calannaqso
f.mg3 (-saday, -satay) Calannaqsi sameyn. la-mid: calyannaqso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calannaqso
f.mg3 (-saday, -satay) Calannaqsi sameyn. m.f.dh, calannaqsasho. la-mid: calyannaqso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calannaqso
v. regurgitate; ruminate, chew the cud
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calannaqso
de: regurgitate; ruminate, chew the cud
lx: calannaqso
pd: (calannaqsaday)
ps: v3a=tr
key: calannaqso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deganaasho
-ha: (magac, lab, keli) eeg deganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanqabso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Faa'iido badan helid. 2. Nin, gabar uu guursaday oo aan ciddeedu dhisin kaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanqabso
(fal) lacag yar oo aad hayso, gacansi ka dhigo oo ku billaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaacasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax weydiisasho. Ninkaasi garasho iyo garaacasho toona ma laha. Dh: baryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagabsasho
m.f.dh eeg hagabso. la-mid: hagabsad, hagabsi, hakabsad, hakab-sasho, hakabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) arag la'aan socosho. Dh: handalafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalansasho
-da: (magac, dhedig, keli) sidasho aan dusha la saarine, wax la laadlaadsado. Dh: lalansad, laalaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg magaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalayso
(fal) meel cammiro oo magaalo ka dhigo. Xaafad kastaay suuqaaga magaalayso.
magaalayso: (fal) magaalada u bax oo waxaad uga baahan tahay ka soo iibso. Dh: safro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magangalyo
-magangalyada: (n) asylum (a saaylam)-, refuge (refyuuj); protection (pro-takshan),
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maggaraaso
(Maggaraasa-da)
Bahal badda ku nool oo malada iyo garfaadka la jaad ah oo af kala jeexan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggaraaso
m.dh Nooc libaax badeedka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maggaraaso
f. n. ray fish ~ stingray species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggaraaso
-da: (magac, dheig, keli) bahal badda ku nool oo malada iyo garfaadka la jaad ah oo af kala jeexan leh. Badda kolkaad gasho maggaraaso yayna ku xagan. Dh: magaraaso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maggaraaso
cf: garfaad
de: ray fish ~ stingray sp.
lx: maggaraaso
pd: (/da)
ps: n-f
key: maggaraaso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raransasho
m.f.dh eeg raranso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raransasho
-da: (magac, dhedig, keli) raran ku samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanahasho
(Saanahasha-da)
Xumaan qof sameeyey oo qof kale wax ka wadaajo; sajarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanahasho
m.f.dh eeg saanaho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanahasho
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan qof sameeyay oo qof kale lagu duufsado si uu u la wadaago. Dh: sajarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sacabsasho
m.f.dh egg sacabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sacabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) sacabka ku qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) nadiifsasho; safaysi; saafi ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalaysi
-ga: (magac, dhedig, keli) eeg sagaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaaraysi
-ga: (magac, lab, keli) sagaaro soo ugaadhsi. Dh: sakaaraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg saadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahaysasho
m.f.dh eeg sahayso. la-mid: sahaya-sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waajibka sakada gudasho; sako bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samaysasho
(Samaysasha-da)
(qof) iski ama darti wax u samayn; waxaysasho; suubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaysasho
m.f.dh eeg samayso. la-mid: samaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waxaysasho; suubsasho; samaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sitaacasho
-da: (magac, dhedig, keli) faras iyo wixii la mid ah sitaac u xidhasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
spalancare
v.tr. - ballaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taransasho
(Taransasha-da)
Wax badsasho; kororsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taransasho
m.f.dh eeg taranso. la-mid: taransad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taransasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badsasho ama wax kordhisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagafsasho
m.f.dh eeg xagaafso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagafsasho
-da: (magac, dhedig, keli) shaqaysasho oo shaqadii la helaba ka xoogsasho. Dh: xarafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaysasho
(Xagaysasha-da)
(xoolo irmaan) xag ka maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaysasho
m.f.dh eeg xagayso. la-mid: xagaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhan keliya ka maalid. Hasha xagaysashada ka daa oo dhan walba ka lis. Dh: xaglisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabannacaso
(Dhabannacasa-da)
Digirta iyadoo curdan ah oo galkeedoo weli cagaaran ku jirta la jaro oo la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabannacaso
m.dh Miro digireed oo aan weli bislaan.