sagaaraysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaaraysi
-ga: (magac, lab, keli) sagaaro soo ugaadhsi. Dh: sakaaraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalaysi
-ga: (magac, dhedig, keli) eeg sagaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaaraysi
-ga: (magac, lab, keli) sagaaro ugaarsi; sagaaraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysi
m.l la-mid: abaaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalays
-ka: (magac, lab, keli) sagaal ka dhigis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg magaalaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaaraysi
-ga: (magac, lab, keli) siyaaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taraaraysi
(Taraaraysi-ga)
Kuraysi; sagaalaysi; duceysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraaraysi
m.l la-mid: taraaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraaraysi
-ga: (magac, lab, keli) duco la sameeyo markay haweenayda uurka leh sagaalka bilood gasho. Dh: kuraysi, sagaalaysi, ducaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagabagaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhib qof ku dhacday ku farxid; ku digasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayaraysi
m.l la-mid: farayaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farayaraysi
-ga: (magac, lab, keli) farsamo aad u heer sarraysa wax u samayn ama u qurxin; si farshaxanimo ku jirto ugu nuux nuuxsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabraaraysi
-ga: (magac, lab, keli) soo ugaadhsi oo dabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqadaysi
-ga: (magac, lab, keli) sadaqadaysad; sadaqaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysi
(Garaysi-ga)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysi
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysi
-ga: (magac, lab, keli) aqoonsasho; garaysad; garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafaysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl iska nanasin. Gaadhka ciidanku waa gaafaysi. Dh: wareegto, jilaysi, moogtan, meerto, kaayaysi, kaalaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysi
(Sharaysi-ga)
Sharaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysi
m.l la-mid: sharaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaysi
-ga: (magac, lab, keli) sharaysasho: sharaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarayso
f.mg3 (-stay, -satay) Wax abaari ku dhacday noqosho (meel). la-mid: abaarso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarayso
(fal) roobla'aan iyo nabaadguur ha kugu dhacaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg alaabaysad. alaabayso: (fal) aqal, xafiis ama wax kale, u alaab guro oo qalabayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fagaarayn
(Fagaarayn-ta)
(u fagaarayn) legdan, feer, tartan, dabbaaldeg, kd.. meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn, u golaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaarayn
m.f.dh eeg fagaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tartan iyo wax la mid ah, fagaaro u samayn; ciyaar iyo wax la mid ah, meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gagabaysi
-ga: (magac, lab, keli) farsamo salaadda lagu bannaysto oo lagu daahirsado haddii biyo la waayo ama la isticmaali kari waayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaasaysi
-ga: (magac, lab, keli) ugaas yeelasho ugaas samaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalays
-ka: (magac, lab, keli) sabaalayn; sasabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sadaqaysi
(Sadaqaysi-ga)
Sadaqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaqaysi
m.l la-mid: sadaqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg sadaqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sagaal ka dhigid, tiro sagaal gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqafaysi
m.l la-mid: saqafaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg tabaraysasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaraysi
-ga: (magac, lab, keli) awoodaysiga jidheed ama dhaqaale. Tamaraysi ayey u baahan tahay hawshu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaasaysi
-ga: (magac, lab, keli) ugaas yeelasho; ugaas samaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawaarays
-ka: (magac, lab, keli) orod xoog ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysii
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: abaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysii
(fal) dhul, abaar ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamaysi
m.l la-mid: calaamadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabaysi
m.l la-mid: goggobaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg macaanaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalayso
(fal) meel cammiro oo magaalo ka dhigo. Xaafad kastaay suuqaaga magaalayso.
magaalayso: (fal) magaalada u bax oo waxaad uga baahan tahay ka soo iibso. Dh: safro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleysi
m.l la-mid: magaaleysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafaysi
-ga: (n) elopement (ilowpmenf) ~ see also masaafo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg masaafaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraabaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qaraabaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaarayso
(fal) soo jilo; siyaaro soo guro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraarayso
f.mg3 (-stay, -satay) Haween uur leh taraare samaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taraarayso
v. hold a pre-delivery ceremony
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraarayso
(fal) taraare samayso; sagaalaysi; kurayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taraarayso
bw: kurayso
de: hold a pre-delivery ceremony (in which a pregnant woman receives blessings and good wishes of friends and relatives for the upcoming birth)
initial: t
lx: taraarayso
nt: taraaraysi (ga) [vn-m]
pd: (taraaraystay)
ps: v3b=intr
key: taraarayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xalaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaagaysi
m.l la-mid: xasaagaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xogwaraysi
m.l la-mid: xogwaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogwaraysi
-ga: (magac, lab, keli) waraysi la waraysto cid xog'ogaal ah oo su'aalo numur taabanayo la waydiito, cid xog'ogaal ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaryaraysi
-ga: (magac, lab, keli) yasid oo wax qabadkiisa saluugid. Rag yaryaraysi maleh. Dh: yaraysi.
yaryaraysi -ga: (magac, lab, keli) eeg yaryaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysiin
m.dh la-mid: abaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) abaari in ay ku dhacdo, sabab u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax baraare ku jira ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraaraysan
der. [adjective] prosperous; content, happy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaraysan
(tilmaame) nimcaysan oo nabad iyo caano ku jira. Annagoo baraaraysan ayay dagaalladii sokeeye dhaceen. Dh: badhaadhaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraaraysan
de: prosperous; content, happy
lx: baraaraysan
pd: (baraaraysnaa)
ps: adj-der
key: baraaraysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaalaysi
(Dhaqaalaysi-ga)
Dhaqaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaalaysi
m.l la-mid: dhaqaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) ciddaada ilaalsasho oo daranyada ka dhabasho.
dhaqaalaysi -ga: (magac, lab, keli) dhaqaale yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayarayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku f.: wax si wanaagsan u farsamayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farayarayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku f.: wax si wanaagsan u farsamayn. m.f.dh, farayaraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farayarayso
v., [compound] do something carefully, meticulously ~ skillfully
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabaysi
-ga: (magac, lab, keli) ciid ku waysaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galagalaysi
-ga: (magac, lab, keli) saaxiibtinimo cusub oo aad bilaabayso ama dad kale oo aad hore u aqoon barashadooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaamaysni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg gamaamaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardarraysi
(Gardarraysi-ga)
Gardarraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarraysi
m.l la-mid: gardarraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarraysi
-ga: (magac, lab, keli) dad daandaansasho oo ku xadgudub; gardarnaan qof aan wax kuu gaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaxaysi
m.l la-mid: garwaaxeedsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaxarataysi
m.l la-mid: gaxarataysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallaysi
-ga: (magac, lab, keli) kolba hal lug ah ku boodboodis. Hangallaysigu wuxu ka mid yahay waariga carruurta. Dh: hangoollaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyaraysi
m.l la-mid: hawlyaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyaraysi
-ga: (magac, lab, keli) cagajiid iyo fudaydsi hawlaha, iyada oo aan culays badan la saarin. Dh: fududaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafalafaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax walba qaadid aan waxba laga yaqyaqsan ama aan la hanbayn. Nin wen kolkaad tahay lafalafaysiga waa laga xishoodaa. Dh: agagaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaysad
-ka: (magac, lab, keli) magaalo ka dhigasho oo cammirid. Dh: magaalaysi.
magaalaysad -ka: (magac, lab, keli) magaalo ka soo safrasho oo wixii looga baahnaa u doonasho. Dh: suuqsad, magaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarjaamaysi
m.l la-mid: qarjaamaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqadayso
(fal) sadaqad u baxso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadarraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Xaashi, loox iyo wixi lamida wax sadarro loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sadarraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Xaashi, loox iyo wixi lamida wax sadarro loo yeelay ahaansho. m.f.dh, sadarraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadarraysan
(tilmaame) xaashi, loox ama wax la mid ah, mid sadarro loo yeelay ahaansho.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SAGAARO-SAL
Commiphora ancistrophora 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagaaromuri
m.dh (-iyaal, m.l/dh) Nooc sagaarada ka mid ah kana yara waaweyn oo leh midab ciiromadow xigeen ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaaraysad
-ka: (magac, lab, keli) siyaaro doonad; siyaaro u bax; soo jilasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) tuugaalaysad, tuugaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufarayaraysi
-ga: (magac, lab, keli) wax la sameeyey oo si heer sare ah loo qabtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka ay haweenaydu sagaal bilood uurka leedahay ducada ay samaysato. Dh: madaxshub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareegaalaysi
m.l la-mid: wareegaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg wareegaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaysi
-ga: (magac, lab, keli) beer aala ka gurasho; aale ka cuunid. Dh: quwaaxaysi, eeleysi.