safeexad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safeexad
m.dh (-dyo, m.dh) la-mid: faseexad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safeexad
-da: (magac, dhedig, keli) walax yar oo aad afbadan timaha la iskaga xiiro iyo wixii la mid ah, waxna lagu jaro. Safeexad dukaanka ka soo iibi timaha an kaa xiiree. Dh: sakiin, makiinad.
safeexad -da: (magac, dhedig, keli) bir yar oo bagafsan; faseexad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baangad
-da: (magac, dhedig, keli) bir soo yara xoodan ama xalleefsan sida safeexadda ka se xooggan oo shaagagga baabuurta lagu banjariyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddiil
-sha: (magac, dhedig, keli) middi yar oo dhuuban oo fandhaallada iyo fidhinnada lagu xardho. Maddiisha adhiga ciddiyaha kaga gur. Dh: muus.
maddiil-sha: (magac, dhedig, keli) makiinadda yar ee wax lagu gooyo ee lagu xiirto. Tukaanka maddiil iiga soo iibi. Dh: safeexad, makiinad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
middiil
-sha: (magac, dhedig, keli) middi yar oo dhuuban oo fandhaallada iyo fidhinnada lagu xardho. Middiisha Adhiga ciddiyaha kaga gur. Dh: maddiil.
middiil-sha: (magac, dhedig, keli) makiinad yar oo wax lagu gooyo laguna xiirto. Tukaanka middul liga soo iibi. Dh: safeexad, makiinad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safeex
(magac, lab, keli) saafi aan madmadow ku jirin. Cod safeex ah ku akhri Quraanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seexad
(Seexad-ka)
Seexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexad
m.l la-mid: seexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seexad
vl. n. act of sleeping
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Seexad
Dormire
Sleep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexad
-ka: (magac, lab, keli) hurdo raadsad. Seexad buu u baahan yahay. Dh: jiifsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seexad
a: seexasho (/da) [vn-f]
de: act of sleeping
initial: s
lx: seexad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: seexad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afeefad
m.l la-mid: afeefasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afeefad
-ka: (magac, lab, keli) hadal afeef ah dhigasho. Afeefadka beenta, run baa ku abaadday. Dh: afeefasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexad
m.dh la-mid: fadeexo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fadeexad
-da: (n) scandal (skaandal) ~ fadeexo, facshar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexad
-da: (magac, dhedig, keli) foolxumo la geystay oo inta la khashifo cid walba la gaadhsiiyo. Dh: ceeb, kashifaad, fadeexo, faxshar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faseexad
(Faseexad-da)
Biro xalxalleefsan oo isasuran oo leh daldaloollo qodbo laga geliyo; waxaa layskula dhejiyaa alaabada la furo oo la xiro siiba qalbacyada albaabbada, khalfadaha, santuukhyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faseexad
m.dh Bir yar oo layskula dhejiyo qalbacyada, albaabada, daaqadaha iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faseexad
m.dh Bir yar oo layskula dhejiyo qalbacyada, albaabada, daaqadaha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faseexad
f. n. hinge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faseexad
-da: (n) hinge (hiinj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faseexad
-da: (magac, dhedig, keli) biro xalxalleefsan oo isa sudhan oo leh daldaloollo qodbo laga geliyo. Waxaa la iskula dhejiyaa alaabta la furo oo la xidho sida qalbacyada albaabbada, khalfadaha iyo sanduuqyada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faseexad
de: hinge
lx: faseexad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: faseexad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxeexan
(tilmaame) la saxeexay; saxeex ku yaallo, lagu dhigay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxeexid
-da: (magac, dhedig, keli) saxeex u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shafeecsad
m.l la-mid: shaafeecsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexaad
(Saddexaad-ka)
Tiro taxan oo isdabajoogta, kan saddexda jagadeeda ku abbaaran; kan labaadka iyo afraadka u dhexeeya; (3d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexaad
m.dh.t.j Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma saddexda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saddexaad
m.dh.t.j Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma saddexda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexaad
numeral: third
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saddexaad
-ka: (n) third (theedh) ~ seddexaad. Ex: markii saddexaad; the third time
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saddexaad
Terzo
Third
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexaad
-ka: (magac, lab, keli) tiro taxan oot isdabjoogta, kan saddexda jagadeeda ku abbaaran; kan labaad iyo afraad u dhexeeya. Dh: 3aad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexaad
de: third
initial: s
lx: saddexaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: saddexaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexqad
(Saddexqad-ka)
Saddex maalmood qada ama maqnaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexqad
saddexqad¹: m.l.kh 1. Kal saddex beri biyaha laga qado. 2. S. qad ah: xoolo nugul ah oo aan saddex beri biyo cabbin.
saddexqad²: f.mg1 (-day, -dday) Xoolo nugul ah saddex beri biyo moogaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexqad
m. n. livestock that has been absent ~ not eaten/drunk for three days; quartan fever
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexqad
-ka: (magac, lab, keli) neef ama xoolo saddex maalmood biyo ka qatan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexqad
de: livestock that has been absent ~ not eaten/drunk for three days; [ext.] quartan fever
initial: s
lx: saddexqad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saddexqad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
safeguard
/seyf-gaardh/ (v) ilaalin (dhawrid).
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SHAFEECAY
[SHAFERAI, SHAFE-AI] Ipomoea citrina 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shafeecid
(Shafeecid-da)
Shafeec u gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shafeecid
m.f.dh eeg shafeec².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shafeecid
-da: (magac, dhedig, keli) shafeec u gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shareecad
-da: (magac, dhedig, keli) qaanuunka iyo axkaamta Alle dadka u soo dejiyey inay ku dhaqmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxeexid
(Shaxeexid-da)
Wax qof wax ku waayo ku hadlid, ama falankeed qabasho; seejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxeexid
m.f.dh eeg shaxeex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxeexid
-da: (magac, dhedig, keli) wax uu qof wax ku waayo ku hadlid ama faltankeeda qabasho; seejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexad
-ka: (magac, lab, keli) garsoorka ku gadoobfalid; xaqa ula kac uga baydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safad
(Safad-ka)
1. Safasho.
2. Abxad yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safad
m.l (-dyo, m.l) 1. Qufad yar oo qurxoon aaburna leh oo caw ka samaysan waxna lagu rito. 2. la-mid: safasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safad
vl. n. act of standing in line ~ in a row
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safad
-da: (magac, dhedig, keli) abxad yar. Alaabta ka eeg safadda.
safad -da: (magac, dhedig, keli) ku wada jira hal saf, wax isla wada socda. La safadkoodii buu eeday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safad
a: safasho (/da) [vn-f]
de: act of standing in line ~ in a row
initial: s
lx: safad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: safo
key: safad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safee
f.g2 (-feeyay, -feysay) la-mid: sifee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safee
v. clean
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
safee
-yey/safeysay: (v) make clean or pure; cleanse (kaleensi); purify (piyuu ri faay) nadiifi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safee
(fal) qashin, boodh ama wasakh, ka bi'i. Safee gaadhiga dushiisa. Dh: nadiifi. Li: wasakhee, uskagee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safee
bw: Arabic
de: clean
initial: s
lx: safee
pd: (safeeyey)
ps: v2b=tr
key: safee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxad
(Saxad-ka)
Saxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxad
m.l la-mid: saxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxad
vl. n. choking (on something)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAXAD
(Sahad) S, C Nectaropetalum kaessneri Engl. Erythroxylaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxad
-ka: (magac, lab, keli) cunto ku roorta hunguriga cad ee neefi kuu raacdo oo lagu xuurtoobo oo qufac kala kulamto. Dh: saxasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxad
de: choking (on s.t.)
initial: s
lx: saxad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: saxasho, saxo
key: saxad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deexad
(Deexad-ka)
Deexasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deexad
m.l la-mid: deexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deexad
vl. n. talkativeness
deexad [feminine] n. valley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deexad
-da: (magac, dhedig, keli) dhul xeebeed bannaan oo badda u dhow. Dh: deex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feenad
(Feenad-ka)
Feenasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feenad
m.l la-mid: feenasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feenad
-ka: (magac, lab, keli) lafaha cadka yar ee ku hadha ilkaha ku cunid. Dh: xagasho, feenasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feerad
m.l la-mid: feerasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerad
-ka: (magac, lab, keli) shanlaynta timaha. Dh: feedhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexad
(Leexad-ka)
Leexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexad
m.l la-mid: leexasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leexad
Deflection
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leexad
vl. n. act of turning ~ curving; curve, turn (in a road)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leexad
-ka: (n) the act of turning; turn (teen), curve (keerv). Ex: leexad khatar ah; a dangerous curve
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexad
-ka: (magac, lab, keli) dhinac u weecad. Dh: baydhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leexad
a: leexasho (/da) [vn6-f]
de: act of turning ~ curving; curve, turn (in a road)
lx: leexad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: leexad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
leexad
تَحول
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaad
-ka: (magac, lab, keli) aan ahayn, fara ka ciyaar. Salaadi safaad maaha. Dh: ciyaar, kaftan, dheeldheel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safrad
(Safrad-da)
1. Hamuun.
2. Dacar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safrad
m.dh Baahida la dareemo marka la hamuumanyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
safrad
m.dh Baahida la dareemo marka la hamuumanyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safrad
f. n. fast, state of not having eaten, hunger; appetite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safrad
-da: (magac, dhedig, keli) gaajada aroortii la la soo tooso; dacar arooryaad; gaajada qofku lasoo tooso; qaraska subaxdii la la soo kaco. Safrad baa igu kacday. Dh: hamuun, kamiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safrad
cf: hamuun
de: fast, state of not having eaten, hunger; appetite
initial: s
lx: safrad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: safrad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagxad
m.dh (-do, m.l) 1. Meel fidsan oo aan godnayn. 2. la-mid: sadax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sagxad
m.dh (-do, m.l) 1. Meel fidsan oo aan godnayn. 2. la-mid: sadax.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sagxad
-da: (n) the hard floor (fa-loor); deck (dhek)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagxad
-da: (magac, dhedig, keli) gaadhiga buudigiisa halka aan waxha ka hoosayn oo wax la saaro, baabuurka guradiisa alaabada ama rarka la saaro. Sagxadda gaadhiga saar salka.
sagxad-da: (magac, dhedig, keli) gunta ama salka hoose ee shey godani u leeyahay. Dh: gun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxeex
(fal) si kuu gaar ah, magacaaga ama astaan u dhiganta, qor, ku qor astaanta kuu gaarka ah, ku dhig oggolaanshahaaga. Dh: sixiix.
saxeex-a: (magac, lab, keli) qof magaciis ama asto u gaar ah oo isagu gacantiisa si gaar ah ugu qor. Warqadda saxeexii maammulaha ayaa ka maqan Dh: saxiix.
saxeex: (tilmaame) run ah, aan beeni ku jirin saxiix; sax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seexaw
(Seexaw-da)
Wax badan oo la wada laayo, la baabbi'iyo, aan wax laga reebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexaw
m.dh Baabi'inta wax la wada baabi'iyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seexaw
f. n. annihilation, killing off; spending of reserves, running through one's savings
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexaw
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan oo mar la wada baabi'iyo, la wada laayo, aan wax laga reebin; xasuuq, wax tarab tarab loo laayay: wax faro badan oo mar keli ah la wada laayo. Dh: xasuuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seexaw
de: annihilation, killing off; [ext.] spending of reserves, running through one's savings
initial: s
lx: seexaw
pd: (-da)
ps: n-f
key: seexaw