safaysad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax nadiisafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax af uu wax ku gooyo ama turqo leh soofaysad. Afaysadka billaawaha ayaa ka horreeya gawraca neefka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safaysan
safaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) la-mid: sifaysan¹.
safaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: sifaysan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysan
(tilmaame) la safeeyey, laga shaqeeyey: nadiifsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samaysad
(Samaysad-ka)
Samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaysad
m.l la-mid: samaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samaysad
vl. n. act of doing ~ making for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax samaysasho; wax qabsahso; wax qabsad. Dh: waxaysad, suubsad, samaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samaysad
a: samaysasho ~ sameysasho (/da) [vn-f]
de: act of doing ~ making for oneself
initial: s
lx: samaysad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: samaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqafaysad
m.l la-mid: saqafaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safaysmid
m.dh la-mid: sifaysmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax safaysan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaysad
-ka: (magac, lab, keli) shanaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqaysad
(Shaqaysad-ka)
Shaqaysasho; xoogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaysad
m.l la-mid: shaqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaysad
-ka: (magac, lab, keli) shaqaysasho; xoogsad; hedlad; tabcad; shaqaysad; shaqaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysad
(Sharaysad-ka)
Sharaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysad
m.l la-mid: sharaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaysad
-ka: (magac, lab, keli) sharaysi, wax dareen shar ah aad ka qabtid oo aad dhibsanayso sharaysasho -da: (magac, dhedig, keli) shar ka dhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shifaysad
(Shifaysad-ka)
Shifaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shifaysad
m.l la-mid: shifaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shifaysad
-ka: (magac, lab, keli) shifaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaad
-ka: (magac, lab, keli) aan ahayn, fara ka ciyaar. Salaadi safaad maaha. Dh: ciyaar, kaftan, dheeldheel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safays
-ka: (magac, lab, keli) eeg safayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaysan
Af leh; soofaysan; lisan; looshan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysan
afaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax af leh noqosho.
afaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax af leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afaysan
der. [adjective] sharp, sharpened
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Afaysan
aigu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysan
(tilmaan) af wax jara leh; wax soofaysan ahaan. Waran afaysan baad soo iibsatay. Dh: lisan, looshan, soofaysan. Li: saawir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afaysan
de: sharp, sharpened
lx: afaysan
pd: (afaysnaa)
ps: adj-der
syn: soofaysan
key: afaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saadsad
(Saadsad-ka)
Saadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadsad
m.l la-mid: saadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadsad
-ka: (magac, lab, keli) wax in ay kugu yimaaddaan u yeedhad; wax in ay kugu yimaaddaan awaalad. Dh: saadsasho, saadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysi
-ga: (magac, lab, keli) safaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safayso
(fal) wax ad leedahay, nadiifso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahayad
-ka: (magac, lab, keli) sahay u qaadad; sahayasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax qadhmuun ka dhigasho. Wax ufaysadkiisa ayaa aad u badan. Dh: ufaysasho, ufaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafaysan
(tilmaame) qof ama wax kale oo cillad iyo dhib gaar ah qaba. Dh: ibtilaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysad
m.l la-mid: aanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysad
-ka: (magac, lab, keli) aargudasho ku salaysan godob horay loo geystay. Dilalkii dhacay waxay ahaayeen aanaysad. Dh: godobaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afraysad
-ka: (magac, lab, keli) wax saddex ahaa, afar ka dhigasho. Saddexda jeer ee aan ciyaarnay afraysad bay u baahan yihiin. Dh: afraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaysad
m.l la-mid: bahaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale xigtayso; cid kale la bahaw.
bahaysad -ka: (magac, lab, keli) (is ~) dad, urur, koox iyo waxii la mid ah isutaga, si ay u dhaliyaan awood iyo itaal wax lagu muquuniyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysad
* (Danaysad-ka)
Danaysasho; danaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysad
m.l la-mid: danaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danaysad
vl. n. following after one's own interests; self-seeking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysad
-ka: (magac, lab, keli) dan la imasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danaysad
a: danaysasho (/da) [vn6-f], danaysi (-ga) [vn2-m]
de: following after one's own interests; self-seeking
lx: danaysad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: danaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaysad
(Facaysad-ka)
Facaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaysad
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaysad
-ka: (magac, lab, keli) in uu qof kale kula fac yahay ku doodid; factirsasho la factirsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysad
(Garaysad-ka)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysad
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysad
-ka: (magac, lab, keli) garays xidhasho. Garaysadka waxa lagu yaqaanaa gabdhaha Soomaaliyeed.
garaysad-ka: (magac, lab, keli) in arrini gar tahay ama gar ku dhacday garawsasho. Dh: garaysasho, garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufaysad
m.l la-mid: gufaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysad
m.l la-mid: jahaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaraysad
(Jaraysad-ka)
Jaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraysad
m.l la-mid: jaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaraysad
-ka: (magac, lab, keli) faras iyo wax la mid ah, jare ku xidhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxaysad
(Kaxaysad-ka)
Kaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxaysad
m.l la-mid: kaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax nool ama gaadiid socda la tegid. Dh: kaxaysasho, kaxaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysad
(Labaysad-ka)
Labaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysad
m.l la-mid: labaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad horay hal uga qaadatay, mar labaad haddana qaadasho. Dh: lamadasho, labaysasho, labaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafaysan
Lafaha madaxa wax laga yeelay; la lafeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof lafaha madaxa wax laga yeelay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafaysan
der. [adjective] having a fractured skull, with cranial bones fractured
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafaysan
(tilmaame) lafaha madaxa wax laga yeelay oo la lafeeyey.
lafaysan: (tilmaame) aad u weydsan oo itaal daran. Neef lafaysan qiimo fiican laguma iibsado. Dh: caataysan, weydsan. Li: naaxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafaysan
de: having a fractured skull, with cranial bones fractured
lx: lafaysan
pd: (lafaysnaa)
ps: adj-der
key: lafaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafeysad
m.l la-mid: lafeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaysad
m.l la-mid: macaaneysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg macaaneysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysad
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax soo socda si u filasho oo sawir mala'awaal ah ka sugid. Dh: filasho. Li: quusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqaysad
(Naqaysad-ka)
1. Naq yeelasho.
2. Xulasho, doorasho, togasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqaysad
m.l la-mid: naqaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqaysad
vl. n. getting abundant rain and green grass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqaysad
-ka: (magac, lab, keli) xulashada inta fiican. Naqaysad laguma iibinayo alaabra.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naqaysad
de: getting abundant rain and green grass
lx: naqaysad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: naqaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaasad
(Rafaasad-da)
Cad ka samaysan bir dhexe oo duuban oo wareegeysa iyo dhego serfo u eg oo balballaaran ama dhuudhuuban, oo si babac ah, madaxeeda uga taagtaagan oo biyaha ama neecawda xoog u jara; waxaa lagu rakibaa oo ku socda doonyaha iyo maraakiibta iyo dayuuradaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaasad
m.dh (-do, m.l) Qalab ka kooban carrabbo xalxalleefsan oo si gaar ah isugu rakiban, wareega oo maraakiibta iyo dayaaradaha dhaqaajiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rafaasad
f. n. propellor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaasad
-ka: (magac, lab, keli) qalab koranto ama dabay ku shaqeeya oo ka kooban naxaas wareegsan iyo baadad ay laydha ku babbiso. Dh: marawaxad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rafaasad
de: propellor (of boat or airplane)
lx: rafaasad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: rafaasad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safaarad
(Safaarad-da)
Guriga iyo xafiisyada safiirka (ama safaaro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safaarad
m.dh (-do, m.l) Xaafiiska danjiraha. la-mid: safaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
safaarad
m.dh (-do, m.l) Xaafiiska danjiraha. la-mid: safaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safaarad
f. n. embassy; ambassador's residence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
safaarad
-da: (n) embassy (em-basi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaarad
-da: (magac, dhedig, keli) dhisme ka kooban xafiisyo iyo guryo la galo oo ay dawladi dal kale ku leedahay, matala arrimeehada gaarka ah Safaraaddii baa la galay oo lagu dilay safirki. Dh: sifaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safaarad
a: safaaro (/da) [n6-f]
cf: safiir
de: embassy; ambassador's residence
initial: s
lx: safaarad
pd: (-da)
ps: n1-f
xv: Arabic
key: safaarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaayad
-da: (magac dhedig keli) marka la ka la saaro maydiga iyo beeyada inta aadka u safaysan ee soo hadha. Maydiga safaayadda ah i keen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safarsan
(tilmaame) safar u diyaar ah, u baxaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safeysan
der. [adjective] clean, cleaned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
safeysan
(adj) cleaned (kiliinidh); purified (piyuuri-faayidh); clean (kiliin) nadiif -ah
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safeysan
de: clean, cleaned Alt sp: safaysan
initial: s
lx: safeysan
pd: (safeysnaa)
ps: adj-der
key: safeysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahadsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg saadsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakeysad
m.l la-mid: sakeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.